Markos 14:10

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Yuudas Iskariyod oo ahaa mid laba-iyo-tobanka ka mid ah ayaa u tegey wadaaddada sare inuu u gacangeliyo.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Luuk 22:3-6 : 3 ¶ Markaasaa Shayddaanku wuxuu galay Yuudas, kan Iskariyod la odhan jiray, isagoo ka mid ah tirada laba-iyo-tobanka. 4 Markaasuu tegey, oo wuxuu la hadlay wadaaddada sare iyo madaxdii askarta si uu ugu gacangeliyo. 5 Goortaasay farxeen oo kula heshiiyeen inay lacag siiyaan, 6 wuuna oggolaaday, oo wuxuu doonayay goor wanaagsan inuu u soo gacangeliyo intii dadka maqnaayeen.
  • Yoox 13:2 : 2 Ibliiska ayaa markii hore qalbiga Yuudas Iskariyod ina Simoon geliyey inuu Ciise gacangeliyo.
  • Mat 26:14-16 : 14 ¶ Markaas mid laba-iyo-tobankii ka mid ahaa oo Yuudas Iskariyod la odhan jiray ayaa u tegey wadaaddada sare 15 oo ku yidhi, Maxaad doonaysaan inaad i siisaan? Anna waan idiin soo gacangelin doonaaye. Oo waxay bixiyeen soddon gogo' oo lacag ah. 16 Markaas dabadeed wuxuu doonayay goor wanaagsan oo uu u soo gacangeliyo.
  • Yoox 13:30 : 30 Isagu haddaba markuu koosaartii qaatay, markiiba ayuu baxay, oo waxayna ahayd habeennimo.
  • Mat 10:4 : 4 iyo Simoon reer Kaana, iyo Yuudas Iskariyod, kii gacangeliyey.
  • Yoox 6:70-71 : 70 Ciise wuxuu ugu jawaabay, Miyaanan idin dooran idinkoo laba iyo toban ah? Mid idinka mid ahna waa cifriid. 71 Wuxuu ka hadlay Yuudas ina Simoon Iskariyod, waayo, isaguu ahaa kan gacangelin lahaa, isagoo laba-iyo-tobankii ka mid ahaa.
  • Mark 3:19 : 19 iyo Yuudas Iskariyod, kii gacangeliyey.
  • Sab 41:9 : 9 Xataa saaxiibkaygii aan isku halleeyey, oo kibistaydii cunay, Ayaa cedhibtiisa ii qaaday.
  • Sab 55:12-14 : 12 Waayo, kii i caayay cadaawe ma ahayn, Maxaa yeelay, waan u adkaysan kari lahaa, Mana ahayn kii i necbaa oo iska kay weyneeyey, Maxaa yeelay, waan ka dhuuman lahaa isaga, 13 Laakiinse wuxuu ahaa adiga oo ah nin ila mid ah, Iyo jaalkay iyo saaxiibkay. 14 Si wanaagsan baynu u wada sheekaysan jirnay, Oo waxaynu ku dhex socon jirnay guriga Ilaah, innagoo guuto badan la soconna.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Mat 26:14-16
    3 aayado
    92%

    14¶ Markaas mid laba-iyo-tobankii ka mid ahaa oo Yuudas Iskariyod la odhan jiray ayaa u tegey wadaaddada sare

    15oo ku yidhi, Maxaad doonaysaan inaad i siisaan? Anna waan idiin soo gacangelin doonaaye. Oo waxay bixiyeen soddon gogo' oo lacag ah.

    16Markaas dabadeed wuxuu doonayay goor wanaagsan oo uu u soo gacangeliyo.

  • Yoox 12:4-5
    2 aayado
    84%

    4Laakiin Yuudas Iskariyod, oo ahaa mid xertiisii ka mid ah, oo gacangelin lahaa, wuxuu yidhi,

    5Maxaa cadarkan loogu iibin waayay saddex boqol oo dinaar, oo loo siin waayay masaakiinta?

  • Luuk 22:3-6
    4 aayado
    84%

    3¶ Markaasaa Shayddaanku wuxuu galay Yuudas, kan Iskariyod la odhan jiray, isagoo ka mid ah tirada laba-iyo-tobanka.

    4Markaasuu tegey, oo wuxuu la hadlay wadaaddada sare iyo madaxdii askarta si uu ugu gacangeliyo.

    5Goortaasay farxeen oo kula heshiiyeen inay lacag siiyaan,

    6wuuna oggolaaday, oo wuxuu doonayay goor wanaagsan inuu u soo gacangeliyo intii dadka maqnaayeen.

  • 83%

    11Iyagu markay maqleen ayay farxeen oo waxay ka ballanqaadeen inay lacag siiyaan. Markaasuu doonayay goor wanaagsan oo uu u soo gacangeliyo.

    12¶ Maalinta ugu horraysay oo Iiddii Kibistii-aan-khamiirka-lahayn, goortii neefka Kormaridda la gowraco ayaa xertiisii ku tidhi, Xaggee baad doonaysaa inaannu tagno oo ku diyaargarayno inaad cuntid cashada Iidda Kormaridda?

  • 4iyo Simoon reer Kaana, iyo Yuudas Iskariyod, kii gacangeliyey.

  • 19iyo Yuudas Iskariyod, kii gacangeliyey.

  • 80%

    47¶ Intuu weli hadlayay, bal eeg, waxaa yimid dad badan, oo kii Yuudas la odhan jiray oo laba-iyo-tobanka ka mid ahaa ayaa hortooda socday. Wuxuuna u soo dhowaaday Ciise inuu dhunkado.

    48Laakiin Ciise wuxuu ku yidhi, Yuudasow, ma waxaad Wiilka Aadanaha ku gacangelinaysaa dhunkasho?

  • 80%

    42Kaca aan tagnee. Eega, kii i gacangelin lahaa waa soo dhow yahay.

    43¶ Kolkiiba intuu weli hadlayay ayaa Yuudas oo laba-iyo-tobankii ka mid ahaa yimid, isaga iyo dad aad u badan oo seefo iyo ulo sita. Waxay ka yimaadeen wadaaddada sare iyo culimmada iyo waayeellada.

    44Kii gacangeliyey ayaa calaamo kula ballamay oo ku yidhi, Mid alla midkaan dhunkado waa isagii. Qabta oo kaxeeya oo dhawra.

    45Kolkuu yimidba, kolkiiba ayuu u tegey oo ku yidhi, Macallimow, wuuna dhunkaday.

  • Mat 26:46-48
    3 aayado
    80%

    46Kaca aan tagnee. Eega, kii i gacangelin lahaa waa soo dhow yahay.

    47¶ Oo intuu weli hadlayay ayaa Yuudas oo laba-iyo-tobankii ka mid ahaa yimid, isaga iyo dad aad u badan oo seefo iyo ulo sita. Waxay ka yimaadeen wadaaddada sare iyo waayeellada dadka.

    48Kii gacangeliyey ayaa calaamo kula ballamay oo ku yidhi, Mid alla midkaan dhunkado waa isagii ee qabta.

  • 71Wuxuu ka hadlay Yuudas ina Simoon Iskariyod, waayo, isaguu ahaa kan gacangelin lahaa, isagoo laba-iyo-tobankii ka mid ahaa.

  • 3¶ Markaas Yuudas, oo ahaa kii gacangeliyey, goortuu arkay in la xukumay, ayuu isqoomameeyey, oo soddonkii gogo' oo lacagta ahaa ayuu wadaaddadii sare iyo waayeelladii ku celiyey,

  • 2Ibliiska ayaa markii hore qalbiga Yuudas Iskariyod ina Simoon geliyey inuu Ciise gacangeliyo.

  • 21¶ Ciise markuu sidaas yidhi, ayuu ka qalbi xumaaday, wuxuuna bayaan u sheegay oo yidhi, Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Midkiin ayaa i gacangelin doona.

  • 76%

    17¶ Goortii makhribkii la gaadhay ayuu laba-iyo-tobankii la yimid.

    18Oo intay fadhiisteen oo wax cunayeen, Ciise baa yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Midkiin oo wax ila cunaya ayaa i gacangelin doona.

    19Markaasay calool xumaadeen, oo mid baa mid ku yidhi, Ma aniga baa?

    20Wuu u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Waa mid ka mid ah laba-iyo-tobankii oo saxanka gacanta ila gesha.

    21Wiilka Aadanahu waa baxayaa siday u qoran tahay, laakiin hoog waxaa leh ninkaas Wiilka Aadanaha gacangelinaya. Waxaa ninkaas u wanaagsanaan lahayd inaanu dhalan.

  • 16iyo Yuudas ina Yacquub, iyo Yuudas Iskariyod, kii gacangeliyey.

  • 75%

    25Isagoo sidii ugu tiirsan laabta Ciise, ayuu ku yidhi, Sayidow, waa kuma?

    26Markaasaa Ciise ugu jawaabay, Waa kii aan koosaarta u dari doono oo aan siin doono. Haddaba markuu koosaarta u daray ayuu qaaday oo siiyey Yuudas Iskariyod ina Simoon.

    27Markuu koosaarta qaatay dabadeed, Shayddaan baa galay isagii. Sidaa daraaddeed Ciise wuxuu ku yidhi, Waxaad samaynayso dhaqso u samee.

  • 25Yuudas oo ah kii gacangeliyey ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Ma aniga baa, Sayidow? Wuxuu ku yidhi, Waad tidhi.

  • 22waayo, Wiilka Aadanahu waa baxayaa sidii loo gooyay, laakiin hoog waxaa leh ninkaas gacangelinaya.

  • Yoox 18:1-3
    3 aayado
    74%

    1¶ Ciise markuu waxyaalahaas yidhi wuu la baxay xertiisii oo kala gudbay Tog Qidroon, meeshay ku tiil beer uu galay, isaga iyo xertiisiiba.

    2Yuudasna, kii gacangeliyey, meeshaas wuu garanayay, waayo, Ciise marar badan ayuu meeshaas xertiisii la tegi jiray.

    3Haddaba Yuudas isagoo askar iyo saraakiil ka wada wadaaddadii sare iyo Farrisiintii ayuu meeshaas la yimid laambado iyo siraaddo iyo hub.

  • 18Waxaynu ku soconnaa Yeruusaalem. Wiilka Aadanahana waxaa loo dhiibi doonaa wadaaddada sare iyo culimmada; oo waxay ku xukumi doonaan dhimasho.

  • 21oo intay wax cunayeen ayuu ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Midkiin ayaa i gacangelin doona.

  • 53¶ Ciisena waxay u geeyeen wadaadkii sare, waxaana u soo ururay wadaaddadii sare iyo waayeelladii iyo culimmadii.

  • 23Wuu u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Kii saxanka gacanta ila gesha kaasaa i gacangelin doona.

  • 22Yuudas (Yuudas Iskariyod ma aha) ayaa ku yidhi isaga, Sayidow, maxaa dhacay oo annaga aad isugu kaaya muujin doontaa, dunidana aadan isugu muujin doonin?

  • 1¶ Laba maalmood dabadeed waxaa jiray Iiddii Kormaridda iyo Iiddii Kibistii-aan-khamiirka-lahayn. Wadaaddadii sare iyo culimmadii waxay doonayeen si ay khiyaano ugu qabtaan oo ay u dilaan.

  • 25inuu galo meeshii shuqulkan iyo rasuulnimadan oo Yuudas ka dhacay inuu meeshiisa tago.

  • 16Walaalayaalow, waxaa waajib ahaa in Qorniinku noqdo, kaas oo Ruuxa Quduuska ahu waagii hore afka Daa'uud kaga hadlay waxa ku saabsan Yuudas oo ahaa kii waday kuwii qabtay Ciise.

  • 1¶ Aroortii kolkiiba wadaaddadii sare waxay la wada hadleen waayeelladii iyo culimmadii iyo shirkii oo dhan. Ciisena way xidheen oo kaxeeyeen oo waxay u dhiibeen Bilaatos.

  • 33oo wuxuu ku yidhi, Waxaynu ku soconnaa Yeruusaalem. Wiilka Aadanaha waxaa loo dhiibi doonaa wadaaddada sare iyo culimmada; oo waxay ku xukumi doonaan dhimasho. Waxayna u dhiibi doonaan dadka aan Yuhuudda ahayn.