Luukos 23:4

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Dabadeed Bilaatos wuxuu wadaaddadii sare iyo dadkii ku yidhi, Anigu ninkan eed kuma aan helin.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yoox 18:38 : 38 Bilaatos ayaa ku yidhi, Waa maxay runtu? Oo markuu sidaa ku yidhi, mar kale ayuu Yuhuudda u baxay oo ku yidhi, Eedna isagii kuma aan helin.
  • Mark 15:14 : 14 Markaasaa Bilaatos ku yidhi, Waa maxay sharkuu falay? Laakiin aad bay u sii qayliyeen oo yidhaahdeen, Iskutallaabta ku qodob.
  • 1 But 2:22 : 22 Isagu ma uu dembaabin, khiyaanona afkiisa lagama helin.
  • Luuk 23:22 : 22 Markaasuu wuxuu kolkii saddexaad ku yidhi, Waayo? Waa maxay sharka kanu sameeyey? Kuma aan helin sabab lagu dilo, taas aawadeed waan edbinayaa oo sii daynayaa.
  • 1 But 3:18 : 18 Maxaa yeelay, Masiixba mar buu u xanuunsaday dembiyada. Isagoo xaq ah ayuu u xanuunsaday kuwa aan xaqa ahayn aawadood inuu inoo keeno Ilaah. Xagga jidhka waa laga dilay, laakiinse xagga ruuxa waa laga nooleeyey.
  • Luuk 23:14-15 : 14 Markaasuu wuxuu ku yidhi, Ninkan waxaad iigu keenteen sidii mid dadka rogaya. Bal ogaada, hortiinna ayaan wax ku weyddiiyey, oo ninkan kuma aan helin eed ku saabsan waxaad ku ashtakaynaysaan. 15 Herodosna kuma uu helin, wuuna noo soo celiyey, oo ma jiro wax dhimasho istaahila oo uu sameeyey.
  • Mat 27:19 : 19 Kolkuu kursiga xukumaadda ku fadhiistay ayaa naagtiisii farriin u soo dirtay oo waxay ku tidhi, Ha dhex gelin xaajada ninkaas xaqa ah, waayo, maanta anigoo ku riyoonaya isaga, ayaan aad iyo aad u xanuunsaday.
  • Mat 27:23-24 : 23 Oo wuxuu yidhi, Waayo, waa maxay sharkuu falay? Laakiin aad bay u sii qayliyeen oo yidhaahdeen, Iskutallaabta ha lagu qodbo. 24 Bilaatos goortuu arkay inuusan waxba ka tari karin in rabshad kacdo maahee, ayuu biyo qaatay oo dadka hortooda ku gacmo dhaqday oo wuxuu yidhi, Anigu waan ka eedla'ahay ninkan xaqa ah dhiiggiisa. Idinku yeelkiinna.
  • Yoox 19:4-6 : 4 Bilaatos haddana dibadduu u baxay oo ku yidhi iyaga, Eega, isagaan idiin soo bixinayaa inaad ogaataan inaanan eed ku helin. 5 Ciise haddaba ayaa dibadda u soo baxay isagoo sita taajkii qodxanta ahaa iyo dharkii guduudnaa, oo Bilaatos ayaa ku yidhi iyaga, Bal eega ninka. 6 Sidaa daraaddeed markii wadaaddadii sare iyo saraakiishii arkeen, ayay qayliyeen iyagoo leh, Iskutallaabta ku qodob, iskutallaabta ku qodob. Bilaatos ayaa ku yidhi, Idinku wata, oo iskutallaabta ku qodba, waayo, anigu eed kuma aan heline.
  • Cib 7:26 : 26 ¶ Waayo, wadaad sare oo caynkan ahu waa inagu habboonaa, mid quduus ah oo aan khiyaano iyo wasakh toona lahayn, oo dembilayaasha ka soocan, oo samooyinka laga sarraysiiyey,
  • 1 But 1:19 : 19 laakiinse waxaa laydinku soo furtay dhiiggii qaaliga ahaa oo Masiix oo ah sidii wan yar oo aan wax ceeb ah iyo iin toona lahayn.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 87%

    13¶ Bilaatos ayaa isugu yeedhay wadaaddadii sare iyo taliyayaashii iyo dadkii.

    14Markaasuu wuxuu ku yidhi, Ninkan waxaad iigu keenteen sidii mid dadka rogaya. Bal ogaada, hortiinna ayaan wax ku weyddiiyey, oo ninkan kuma aan helin eed ku saabsan waxaad ku ashtakaynaysaan.

    15Herodosna kuma uu helin, wuuna noo soo celiyey, oo ma jiro wax dhimasho istaahila oo uu sameeyey.

  • Yoox 19:4-6
    3 aayado
    85%

    4Bilaatos haddana dibadduu u baxay oo ku yidhi iyaga, Eega, isagaan idiin soo bixinayaa inaad ogaataan inaanan eed ku helin.

    5Ciise haddaba ayaa dibadda u soo baxay isagoo sita taajkii qodxanta ahaa iyo dharkii guduudnaa, oo Bilaatos ayaa ku yidhi iyaga, Bal eega ninka.

    6Sidaa daraaddeed markii wadaaddadii sare iyo saraakiishii arkeen, ayay qayliyeen iyagoo leh, Iskutallaabta ku qodob, iskutallaabta ku qodob. Bilaatos ayaa ku yidhi, Idinku wata, oo iskutallaabta ku qodba, waayo, anigu eed kuma aan heline.

  • 82%

    38Bilaatos ayaa ku yidhi, Waa maxay runtu? Oo markuu sidaa ku yidhi, mar kale ayuu Yuhuudda u baxay oo ku yidhi, Eedna isagii kuma aan helin.

    39¶ Laakiin waxaad leedihiin caado inaan mid idiin sii daayo Iidda Kormaridda. Haddaba ma doonaysaan inaan idiin sii daayo Boqorkii Yuhuudda?

  • Luuk 23:1-3
    3 aayado
    77%

    1¶ Markaasaa dadkoodii oo dhan kacay, oo waxay isagii hor geeyeen Bilaatos.

    2Kolkaasay bilaabeen inay ku ashtakeeyaan iyagoo leh, Waxaannu aragnay ninkan oo quruuntayada rogaya, oo diidaya in Kaysar cashuur la siiyo, oo odhanaya inuu qudhiisu yahay Masiix oo boqor ah.

    3Bilaatos ayaa weyddiiyey, isagoo leh, Ma Boqorka Yuhuudda baad tahay? Wuu u jawaabay oo ku yidhi, Waad tidhi.

  • 77%

    20Mar kale Bilaatos ayaa iyaga la hadlay isagoo doonaya inuu Ciise sii daayo.

    21Laakiin way qayliyeen, iyagoo leh, Iskutallaabta ku qodob, iskutallaabta ku qodob.

    22Markaasuu wuxuu kolkii saddexaad ku yidhi, Waayo? Waa maxay sharka kanu sameeyey? Kuma aan helin sabab lagu dilo, taas aawadeed waan edbinayaa oo sii daynayaa.

    23Laakiin cod weyn ayay ku adkaysteen iyagoo weyddiisanaya in iskutallaabta lagu qodbo, oo waxaa xoog batay codadkoodii iyo codadkii wadaaddada sare.

    24Markaasaa Bilaatos wuxuu xukumay in loo yeelo waxay weyddiisteen.

  • 76%

    29Bilaatos haddaba ayaa u soo baxay iyagii oo ku yidhi, Maxaad ku ashtakaynaysaan ninkan?

    30Way u jawaabeen oo ku yidhaahdeen, Ninkanu haddaanu ahayn xumaanfale, kuuma aannu soo gacangelinneen.

    31Haddaba Bilaatos wuxuu ku yidhi, Idinku qaata, oo sharcigiinna ku xukuma. Yuhuuddu waxay ku yidhaahdeen, Xalaal nooma aha inaannu nin dillo,

  • Mark 15:2-5
    4 aayado
    76%

    2Bilaatos wuxuu weyddiiyey, Ma Boqorka Yuhuudda baad tahay? Wuu u jawaabay oo ku yidhi, Waad tidhi.

    3Markaasaa wadaaddadii sare wax badan ku ashtakeeyeen.

    4Bilaatos baa kol dambe wax weyddiiyey isagoo leh, Miyaanad waxba ka jawaabayn? Bal eeg intii ay kugu ashtakaynayaan.

    5Laakiin Ciise weli waxba ugama jawaabin, sidaa darteed Bilaatos waa la yaabay.

  • Mat 27:22-24
    3 aayado
    76%

    22Markaasaa Bilaatos wuxuu ku yidhi, Haddaba maxaan ku sameeyaa Ciise kan Masiixa la yidhaahdo? Kulligood waxay wada yidhaahdeen, Iskutallaabta ha lagu qodbo.

    23Oo wuxuu yidhi, Waayo, waa maxay sharkuu falay? Laakiin aad bay u sii qayliyeen oo yidhaahdeen, Iskutallaabta ha lagu qodbo.

    24Bilaatos goortuu arkay inuusan waxba ka tari karin in rabshad kacdo maahee, ayuu biyo qaatay oo dadka hortooda ku gacmo dhaqday oo wuxuu yidhi, Anigu waan ka eedla'ahay ninkan xaqa ah dhiiggiisa. Idinku yeelkiinna.

  • 12Bilaatos baa mar kale u jawaabay oo ku yidhi, Haddaba maxaad doonaysaan inaan ku sameeyo kan aad ugu yeedhaan Boqorka Yuhuudda?

  • 35Bilaatos ayaa ugu jawaabay, Ma Yuhuudi baan ahay? Quruuntaadii iyo wadaaddadii sare ayaa ii soo kaa gacangeliyeye. Maxaad samaysay?

  • 75%

    21Sidaa daraaddeed wadaaddadii sare oo Yuhuudda waxay Bilaatos ku yidhaahdeen, Ha qorin, Boqorka Yuhuudda, laakiin qor, Kanaa yidhi, Waxaan ahay Boqorka Yuhuudda.

    22Bilaatos ayaa ugu jawaabay, Waxaan qoray ayaan qoray.

  • 75%

    14¶ Haddaba waxay ahayd Maalintii Diyaargarayskii Kormaridda, abbaaraha saacaddii lixaad. Oo wuxuu Yuhuudda ku yidhi, Bal eega boqorkiinna.

    15Sidaa daraaddeed waxay ku qayliyeen, Kaxee, kaxee, iskutallaabta ku qodob. Markaasaa Bilaatos wuxuu ku yidhi, Boqorkiinna miyaan iskutallaabta ku qodbaa? Wadaaddadii sare ayaa ugu jawaabay, Boqor ma lihin Kaysar maahee.

  • 14Markaasaa Bilaatos ku yidhi, Waa maxay sharkuu falay? Laakiin aad bay u sii qayliyeen oo yidhaahdeen, Iskutallaabta ku qodob.

  • Luuk 23:5-6
    2 aayado
    73%

    5Laakiin way ku sii adkeeyeen iyagoo leh, Dadkuu kiciyaa, oo dalka Yahuudiya oo dhan ayuu wax baraa; dalka Galili ayuu ka soo bilaabay ilaa halkan.

    6¶ Bilaatos goortuu maqlay, wuxuu weyddiiyey inuu ninku reer Galili yahay.

  • 9Bilaatos baa u jawaabay oo ku yidhi, Ma waxaad doonaysaan inaan idiin sii daayo Boqorka Yuhuudda?

  • Mat 27:11-13
    3 aayado
    73%

    11¶ Ciise wuxuu hor istaagay taliyaha, oo taliyihiina waa weyddiiyey oo ku yidhi, Ma Boqorkii Yuhuudda baad tahay? Ciisena wuxuu ku yidhi, Waad tidhi.

    12Goortii wadaaddadii sare iyo waayeelladii ay ashtakeeyeen, waxba uma uu jawaabin.

    13Markaasaa Bilaatos ku yidhi, Miyaanad maqlaynin waxa badan oo ay kugu marag furayaan?

  • 55Wadaaddadii sare iyo shirkii oo dhan ayaa waxay dooneen markhaati Ciise ka gees ah si ay u dilaan, waase heli waayeen.

  • 29kaasoo aan markaas gartay inay isaga ku dacweeyeen su'aalo ku saabsan sharcigooda, laakiin inaan lagu ashtakayn wax uu ku istaahilo in la dilo ama in la xidho.

  • Yoox 19:9-12
    4 aayado
    71%

    9oo haddana wuxuu galay guriga taliyaha oo ku yidhi Ciise, Xaggee baad ka timid? Laakiin Ciise jawaabna uma uu celinin.

    10Sidaa daraaddeed Bilaatos ayaa ku yidhi, Miyaanad ila hadlayn? Miyaanad ogayn inaan leeyahay amar aan kugu sii daayo iyo amar aan iskutallaabta kugu qodbo?

    11Ciise ayaa ugu jawaabay, Amarna iguma aad lahaateen haddaan xagga sare lagaa siin. Sidaa daraaddeed kii ii soo kaa gacangeliyey ayaa kaa dembi weyn.

    12Taas dabadeed Bilaatos wuxuu doonayay inuu sii daayo, laakiin Yuhuuddii ayaa qaylisay iyagoo leh, Haddaad ninkan sii daysid, Kaysar saaxiibkiis ma ihid. Nin kasta oo boqor iska dhigaba, wuxuu ku caasiyaa Kaysar.

  • Luuk 23:9-10
    2 aayado
    71%

    9Markaasuu su'aalo badan weyddiiyey, laakiin waxba uma uu jawaabin.

    10Wadaaddadii sare iyo culimmadii ayaa istaagay, oo aad iyo aad bay u ashtakeeyeen.

  • 28Oo in kastoo ayan ka helin sabab lagu dilo, ayay waxay Bilaatos weyddiisteen in la dilo.

  • 20¶ Laakiin wadaaddadii sare iyo waayeelladii waxay dadkii badnaa oggolaysiiyeen inay Baraabbas weyddiistaan, Ciisena la dilo.

  • 33¶ Bilaatos haddaba guriga taliyaha ayuu mar kale galay oo Ciise u yeedhay, oo wuxuu ku yidhi, Adigu ma waxaad tahay Boqorka Yuhuudda?