Luukos 23:3

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Bilaatos ayaa weyddiiyey, isagoo leh, Ma Boqorka Yuhuudda baad tahay? Wuu u jawaabay oo ku yidhi, Waad tidhi.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Tim 6:13 : 13 Ilaah hortiis kan wax kasta nooleeya, iyo Ciise Masiix hortiis, kan Bontiyos Bilaatos hortiisa qirashada wanaagsan ku qirtay, waxaan kugu amrayaa
  • Mark 15:2 : 2 Bilaatos wuxuu weyddiiyey, Ma Boqorka Yuhuudda baad tahay? Wuu u jawaabay oo ku yidhi, Waad tidhi.
  • Luuk 22:70 : 70 Markaasay waxay wada yidhaahdeen, Haddaba miyaad tahay Wiilka Ilaah? Wuxuu ku yidhi, Waad tidhaahdeen inaan ahay.
  • Yoox 1:49 : 49 Kolkaasaa Nataana'el u jawaabay oo ku yidhi, Macallimow, waxaad tahay Wiilka Ilaah, oo waxaad tahay boqorkii Israa'iil.
  • Luuk 23:38 : 38 Meel ka korraysay isagana waxaa ku qorraa qorniin leh, KANU WAA BOQORKA YUHUUDDA.
  • Mark 15:18 : 18 Markaasay salaameen oo waxay ku yidhaahdeen, Nabad, Boqorka Yuhuuddow.
  • Mark 15:32 : 32 Masiixa oo ah Boqorka Israa'iil haddeer iskutallaabta ha ka soo dego si aannu u aragno oo u rumaysanno. Kuwii iskutallaabaha lagula qodbayna ayaa caayay.
  • Luuk 1:32-33 : 32 Nin weyn buu ahaan doonaa, waxaana loogu yeedhi doonaa Wiilka Kan ugu sarreeya, Rabbiga Ilaaha ahuna wuxuu siin doonaa carshigii awowgiis Daa'uud. 33 Weligiiba wuxuu boqor u ahaan doonaa dadkii Yacquub, boqornimadiisuna ma idlaan doonto.
  • Luuk 19:38-40 : 38 iyagoo leh, Waxaa barakaysan Boqorka Rabbiga magiciisa ku imanaya. Nabadi jannada ha ku jirto, ammaantuna meelaha ugu sarreeya. 39 Farrisiintii qaarkood oo dadkii badnaa ku dhex jiray ayaa ku yidhi, Macallimow, xertaada canaano. 40 Markaasuu u jawaabay oo ku yidhi, Waxaan idinku leeyahay, Kuwani hadday aamusaan, dhagaxyada ayaa qaylin doona.
  • Mat 27:11 : 11 ¶ Ciise wuxuu hor istaagay taliyaha, oo taliyihiina waa weyddiiyey oo ku yidhi, Ma Boqorkii Yuhuudda baad tahay? Ciisena wuxuu ku yidhi, Waad tidhi.
  • Yoox 19:3 : 3 Markaasay u yimaadeen oo ku yidhaahdeen, Nabad Boqorka Yuhuuddow, wayna dharbaaxeen.
  • Yoox 19:19-21 : 19 Bilaatosna wax buu qoray oo ku dhejiyey iskutallaabta dusheeda, waxaana ku qorraa, CIISIHII REER NAASARED, BOQORKA YUHUUDDA. 20 Haddaba Yuhuudda badideed ayaa qorniinkaas akhriday, waayo, meeshii Ciise iskutallaabta lagaga qodbay waa u dhowayd magaalada, oo qorniinkii wuxuu ku qorraa af Cibraaniga iyo af Roomaaniga iyo af Gariigga. 21 Sidaa daraaddeed wadaaddadii sare oo Yuhuudda waxay Bilaatos ku yidhaahdeen, Ha qorin, Boqorka Yuhuudda, laakiin qor, Kanaa yidhi, Waxaan ahay Boqorka Yuhuudda.
  • Yoox 18:33-37 : 33 ¶ Bilaatos haddaba guriga taliyaha ayuu mar kale galay oo Ciise u yeedhay, oo wuxuu ku yidhi, Adigu ma waxaad tahay Boqorka Yuhuudda? 34 Ciise ayaa ugu jawaabay, Ma adaa iska odhanaya waxaas, mise kuwa kalaa iiga kaa sheegay? 35 Bilaatos ayaa ugu jawaabay, Ma Yuhuudi baan ahay? Quruuntaadii iyo wadaaddadii sare ayaa ii soo kaa gacangeliyeye. Maxaad samaysay? 36 Ciise ayaa ugu jawaabay, Boqortooyadaydu tan dunidan ma aha. Haddii boqortooyadaydu tan dunidan tahay, midiidinyadaydu waa ii diriri lahaayeen inaan Yuhuudda la ii gacangelin. Imminkase boqortooyadaydu tan halkan ma aha. 37 Sidaa daraaddeed Bilaatos ayaa ku yidhi, Haddaba ma boqor baad tahay? Ciise ayaa ugu jawaabay, Waad tidhaahdaa inaan boqor ahay. Taas ayaan u dhashay, oo taas ayaan dunida u imid, inaan marag u furo runta. Mid kasta oo kan runta ah wuu maqlaa codkayga.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Mark 15:2-4
    3 aayado
    94%

    2Bilaatos wuxuu weyddiiyey, Ma Boqorka Yuhuudda baad tahay? Wuu u jawaabay oo ku yidhi, Waad tidhi.

    3Markaasaa wadaaddadii sare wax badan ku ashtakeeyeen.

    4Bilaatos baa kol dambe wax weyddiiyey isagoo leh, Miyaanad waxba ka jawaabayn? Bal eeg intii ay kugu ashtakaynayaan.

  • Mat 27:11-13
    3 aayado
    90%

    11¶ Ciise wuxuu hor istaagay taliyaha, oo taliyihiina waa weyddiiyey oo ku yidhi, Ma Boqorkii Yuhuudda baad tahay? Ciisena wuxuu ku yidhi, Waad tidhi.

    12Goortii wadaaddadii sare iyo waayeelladii ay ashtakeeyeen, waxba uma uu jawaabin.

    13Markaasaa Bilaatos ku yidhi, Miyaanad maqlaynin waxa badan oo ay kugu marag furayaan?

  • 86%

    33¶ Bilaatos haddaba guriga taliyaha ayuu mar kale galay oo Ciise u yeedhay, oo wuxuu ku yidhi, Adigu ma waxaad tahay Boqorka Yuhuudda?

    34Ciise ayaa ugu jawaabay, Ma adaa iska odhanaya waxaas, mise kuwa kalaa iiga kaa sheegay?

    35Bilaatos ayaa ugu jawaabay, Ma Yuhuudi baan ahay? Quruuntaadii iyo wadaaddadii sare ayaa ii soo kaa gacangeliyeye. Maxaad samaysay?

  • 12Bilaatos baa mar kale u jawaabay oo ku yidhi, Haddaba maxaad doonaysaan inaan ku sameeyo kan aad ugu yeedhaan Boqorka Yuhuudda?

  • 2Kolkaasay bilaabeen inay ku ashtakeeyaan iyagoo leh, Waxaannu aragnay ninkan oo quruuntayada rogaya, oo diidaya in Kaysar cashuur la siiyo, oo odhanaya inuu qudhiisu yahay Masiix oo boqor ah.

  • 81%

    37Sidaa daraaddeed Bilaatos ayaa ku yidhi, Haddaba ma boqor baad tahay? Ciise ayaa ugu jawaabay, Waad tidhaahdaa inaan boqor ahay. Taas ayaan u dhashay, oo taas ayaan dunida u imid, inaan marag u furo runta. Mid kasta oo kan runta ah wuu maqlaa codkayga.

    38Bilaatos ayaa ku yidhi, Waa maxay runtu? Oo markuu sidaa ku yidhi, mar kale ayuu Yuhuudda u baxay oo ku yidhi, Eedna isagii kuma aan helin.

    39¶ Laakiin waxaad leedihiin caado inaan mid idiin sii daayo Iidda Kormaridda. Haddaba ma doonaysaan inaan idiin sii daayo Boqorkii Yuhuudda?

  • 9Bilaatos baa u jawaabay oo ku yidhi, Ma waxaad doonaysaan inaan idiin sii daayo Boqorka Yuhuudda?

  • 81%

    21Sidaa daraaddeed wadaaddadii sare oo Yuhuudda waxay Bilaatos ku yidhaahdeen, Ha qorin, Boqorka Yuhuudda, laakiin qor, Kanaa yidhi, Waxaan ahay Boqorka Yuhuudda.

    22Bilaatos ayaa ugu jawaabay, Waxaan qoray ayaan qoray.

  • 79%

    37oo waxay ku yidhaahdeen, Haddii aad tahay boqorka Yuhuudda, isbadbaadi.

    38Meel ka korraysay isagana waxaa ku qorraa qorniin leh, KANU WAA BOQORKA YUHUUDDA.

  • 4Dabadeed Bilaatos wuxuu wadaaddadii sare iyo dadkii ku yidhi, Anigu ninkan eed kuma aan helin.

  • Mat 27:22-23
    2 aayado
    77%

    22Markaasaa Bilaatos wuxuu ku yidhi, Haddaba maxaan ku sameeyaa Ciise kan Masiixa la yidhaahdo? Kulligood waxay wada yidhaahdeen, Iskutallaabta ha lagu qodbo.

    23Oo wuxuu yidhi, Waayo, waa maxay sharkuu falay? Laakiin aad bay u sii qayliyeen oo yidhaahdeen, Iskutallaabta ha lagu qodbo.

  • 70Markaasay waxay wada yidhaahdeen, Haddaba miyaad tahay Wiilka Ilaah? Wuxuu ku yidhi, Waad tidhaahdeen inaan ahay.

  • 76%

    14¶ Haddaba waxay ahayd Maalintii Diyaargarayskii Kormaridda, abbaaraha saacaddii lixaad. Oo wuxuu Yuhuudda ku yidhi, Bal eega boqorkiinna.

    15Sidaa daraaddeed waxay ku qayliyeen, Kaxee, kaxee, iskutallaabta ku qodob. Markaasaa Bilaatos wuxuu ku yidhi, Boqorkiinna miyaan iskutallaabta ku qodbaa? Wadaaddadii sare ayaa ugu jawaabay, Boqor ma lihin Kaysar maahee.

  • Yoox 19:9-12
    4 aayado
    76%

    9oo haddana wuxuu galay guriga taliyaha oo ku yidhi Ciise, Xaggee baad ka timid? Laakiin Ciise jawaabna uma uu celinin.

    10Sidaa daraaddeed Bilaatos ayaa ku yidhi, Miyaanad ila hadlayn? Miyaanad ogayn inaan leeyahay amar aan kugu sii daayo iyo amar aan iskutallaabta kugu qodbo?

    11Ciise ayaa ugu jawaabay, Amarna iguma aad lahaateen haddaan xagga sare lagaa siin. Sidaa daraaddeed kii ii soo kaa gacangeliyey ayaa kaa dembi weyn.

    12Taas dabadeed Bilaatos wuxuu doonayay inuu sii daayo, laakiin Yuhuuddii ayaa qaylisay iyagoo leh, Haddaad ninkan sii daysid, Kaysar saaxiibkiis ma ihid. Nin kasta oo boqor iska dhigaba, wuxuu ku caasiyaa Kaysar.

  • 6¶ Bilaatos goortuu maqlay, wuxuu weyddiiyey inuu ninku reer Galili yahay.

  • 74%

    13¶ Bilaatos ayaa isugu yeedhay wadaaddadii sare iyo taliyayaashii iyo dadkii.

    14Markaasuu wuxuu ku yidhi, Ninkan waxaad iigu keenteen sidii mid dadka rogaya. Bal ogaada, hortiinna ayaan wax ku weyddiiyey, oo ninkan kuma aan helin eed ku saabsan waxaad ku ashtakaynaysaan.

  • 74%

    29Bilaatos haddaba ayaa u soo baxay iyagii oo ku yidhi, Maxaad ku ashtakaynaysaan ninkan?

    30Way u jawaabeen oo ku yidhaahdeen, Ninkanu haddaanu ahayn xumaanfale, kuuma aannu soo gacangelinneen.

    31Haddaba Bilaatos wuxuu ku yidhi, Idinku qaata, oo sharcigiinna ku xukuma. Yuhuuddu waxay ku yidhaahdeen, Xalaal nooma aha inaannu nin dillo,

  • Yoox 19:6-7
    2 aayado
    74%

    6Sidaa daraaddeed markii wadaaddadii sare iyo saraakiishii arkeen, ayay qayliyeen iyagoo leh, Iskutallaabta ku qodob, iskutallaabta ku qodob. Bilaatos ayaa ku yidhi, Idinku wata, oo iskutallaabta ku qodba, waayo, anigu eed kuma aan heline.

    7Yuhuuddii ayaa ugu jawaabtay, Sharci baannu leennahay, sharcigaas xaggiisana waa inuu dhinto, waayo, wuxuu iska dhigay Wiilka Ilaah.

  • 37Waxay meel madaxiisa ka korraysa ku qoreen ashtakadii lagu ashtakeeyey oo leh, KANU WAA CIISE BOQORKA YUHUUDDA.

  • 26Waxaa lagu qoray meel ka korraysa isaga qorniinkii ashtakadiisii oo leh, BOQORKA YUHUUDDA.

  • 19Bilaatosna wax buu qoray oo ku dhejiyey iskutallaabta dusheeda, waxaana ku qorraa, CIISIHII REER NAASARED, BOQORKA YUHUUDDA.

  • 21Laakiin way qayliyeen, iyagoo leh, Iskutallaabta ku qodob, iskutallaabta ku qodob.

  • 3Markaasay u yimaadeen oo ku yidhaahdeen, Nabad Boqorka Yuhuuddow, wayna dharbaaxeen.

  • 29Markaasuu weyddiiyey, oo wuxuu ku yidhi, Idinkuse yaad igu sheegtaan? Butros ayaa u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Waxaad tahay Masiixa.

  • 17Haddaba goortay isu urureen, Bilaatos ayaa ku yidhi, Iyamaad doonaysaan inaan idiin sii daayo? Baraabbas ama Ciise kan Masiixa la yidhaahdo?

  • Mat 26:62-63
    2 aayado
    72%

    62Markaasaa wadaadkii sare istaagay oo ku yidhi, Miyaanad waxba ka jawaabayn? Kuwanu waxay kugu marag furayaan waa maxay?

    63Laakiin Ciise waa iska aamusay. Kolkaasaa wadaadkii sare wuxuu ku yidhi, Ilaaha nool ayaan kugu dhaarinayaa ee noo sheeg inaad tahay Masiixa oo ah Wiilka Ilaah, iyo in kale.

  • 24Markaasaa Bilaatos wuxuu xukumay in loo yeelo waxay weyddiisteen.

  • 67Haddii aad Masiixa tahay, noo sheeg. Wuxuuse ku yidhi, Haddaan idiin sheego ma rumaysan doontaan.

  • 21Maxaad ii weyddiinaysaa? Weyddii kuwa maqlay waxaan kula hadlay. Bal eeg, kuwaasaa og waxaan idhi e.

  • 15Markaasuu wuxuu ku yidhi, Idinkuse yaad igu sheegtaan?