Matayos 26:62

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaasaa wadaadkii sare istaagay oo ku yidhi, Miyaanad waxba ka jawaabayn? Kuwanu waxay kugu marag furayaan waa maxay?

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Mat 27:12-14 : 12 Goortii wadaaddadii sare iyo waayeelladii ay ashtakeeyeen, waxba uma uu jawaabin. 13 Markaasaa Bilaatos ku yidhi, Miyaanad maqlaynin waxa badan oo ay kugu marag furayaan? 14 Laakiin uguma uu jawaabin xataa eray keliya, sidaa darteed taliyihii ayaa aad ula yaabay.
  • Mark 14:60 : 60 Markaasaa wadaadkii sare dhexda istaagay oo Ciise weyddiiyey isagoo leh, Miyaanad waxba ka jawaabayn? Kuwanu waxay kugu marag furayaan waa maxay?
  • Luuk 23:9 : 9 Markaasuu su'aalo badan weyddiiyey, laakiin waxba uma uu jawaabin.
  • Yoox 18:19-24 : 19 ¶ Haddaba wadaadkii sare wuxuu Ciise wax ka weyddiiyey xertiisii iyo waxbariddiisii. 20 Ciise ayaa ugu jawaabay, Bayaan baan dunida ula hadlay, oo weligay wax baan ku bari jiray sunagogyada iyo macbudka, meesha ay Yuhuudda oo dhammi isugu timaado, oo waxba si qarsoon uma odhan jirin. 21 Maxaad ii weyddiinaysaa? Weyddii kuwa maqlay waxaan kula hadlay. Bal eeg, kuwaasaa og waxaan idhi e. 22 Markuu sidaas yidhi saraakiishii midkood oo ag taagnaa ayaa Ciise dharbaaxay isagoo leh, Ma saasaad ugu jawaabaysaa wadaadka sare? 23 Ciise ayaa ugu jawaabay, Haddii aan si xun u hadlay, xumaanta ka marag fur, haddaan si wanaagsan u hadlayse, maxaad ii dharbaaxaysaa? 24 Annas haddaba wuxuu isagoo xidhxidhan u diray Kayafas oo ahaa wadaadka sare.
  • Yoox 19:9-9 : 9 oo haddana wuxuu galay guriga taliyaha oo ku yidhi Ciise, Xaggee baad ka timid? Laakiin Ciise jawaabna uma uu celinin. 10 Sidaa daraaddeed Bilaatos ayaa ku yidhi, Miyaanad ila hadlayn? Miyaanad ogayn inaan leeyahay amar aan kugu sii daayo iyo amar aan iskutallaabta kugu qodbo? 11 Ciise ayaa ugu jawaabay, Amarna iguma aad lahaateen haddaan xagga sare lagaa siin. Sidaa daraaddeed kii ii soo kaa gacangeliyey ayaa kaa dembi weyn.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 94%

    59Laakiin sidaasuuna maraggoodii isku mid u ahayn.

    60Markaasaa wadaadkii sare dhexda istaagay oo Ciise weyddiiyey isagoo leh, Miyaanad waxba ka jawaabayn? Kuwanu waxay kugu marag furayaan waa maxay?

    61Isaguse waa iska aamusay oo waxba uma jawaabin. Mar kale wadaadkii sare ayaa weyddiiyey oo ku yidhi, Miyaad tahay Masiixa oo ah Wiilka Kan la ammaano?

  • Mat 26:63-66
    4 aayado
    87%

    63Laakiin Ciise waa iska aamusay. Kolkaasaa wadaadkii sare wuxuu ku yidhi, Ilaaha nool ayaan kugu dhaarinayaa ee noo sheeg inaad tahay Masiixa oo ah Wiilka Ilaah, iyo in kale.

    64Ciise ayaa ku yidhi, Waad tidhi. Hase ahaatee waxaan idinku leeyahay, Hadda dabadeed waxaad arki doontaan Wiilka Aadanaha oo fadhiya midigta xoogga Ilaah oo ku imanaya daruuraha cirka.

    65Markaasaa wadaadkii sare dharkiisii jeexjeexay isagoo leh, Wuu caytamay. Maxaynu markhaatiyaal weli ugu baahan nahay? Bal eega, haddeer waad maqasheen caytanka.

    66Maxay idinla tahay? Way u jawaabeen oo ku yidhaahdeen, Wuxuu istaahilaa dhimasho.

  • Mark 15:2-5
    4 aayado
    82%

    2Bilaatos wuxuu weyddiiyey, Ma Boqorka Yuhuudda baad tahay? Wuu u jawaabay oo ku yidhi, Waad tidhi.

    3Markaasaa wadaaddadii sare wax badan ku ashtakeeyeen.

    4Bilaatos baa kol dambe wax weyddiiyey isagoo leh, Miyaanad waxba ka jawaabayn? Bal eeg intii ay kugu ashtakaynayaan.

    5Laakiin Ciise weli waxba ugama jawaabin, sidaa darteed Bilaatos waa la yaabay.

  • Mat 27:11-14
    4 aayado
    81%

    11¶ Ciise wuxuu hor istaagay taliyaha, oo taliyihiina waa weyddiiyey oo ku yidhi, Ma Boqorkii Yuhuudda baad tahay? Ciisena wuxuu ku yidhi, Waad tidhi.

    12Goortii wadaaddadii sare iyo waayeelladii ay ashtakeeyeen, waxba uma uu jawaabin.

    13Markaasaa Bilaatos ku yidhi, Miyaanad maqlaynin waxa badan oo ay kugu marag furayaan?

    14Laakiin uguma uu jawaabin xataa eray keliya, sidaa darteed taliyihii ayaa aad ula yaabay.

  • Mat 26:59-61
    3 aayado
    79%

    59Wadaaddadii sare iyo shirkii oo dhan ayaa waxay dooneen markhaati been ah oo Ciise ka gees ah si ay u dilaan.

    60Waase heli waayeen, in kastoo markhaatiyaal badan oo been ahu yimaadeen. Laakiinse dabadeed waxaa yimid laba,

    61oo waxay yidhaahdeen, Kanu wuxuu yidhi, Waan karayaa inan macbudka Ilaah dudumiyo oo saddex maalmood ku dhiso.

  • 4Markaasaa kuwii ag taagnaa waxay ku yidhaahdeen, Ilaah wadaadkiisa sare miyaad caayaysaa?

  • 63Markaasaa wadaadkii sare dharkiisii jeexjeexay oo yidhi, Maxaannu markhaatiyaal weli ugu baahan nahay?

  • 76%

    21Maxaad ii weyddiinaysaa? Weyddii kuwa maqlay waxaan kula hadlay. Bal eeg, kuwaasaa og waxaan idhi e.

    22Markuu sidaas yidhi saraakiishii midkood oo ag taagnaa ayaa Ciise dharbaaxay isagoo leh, Ma saasaad ugu jawaabaysaa wadaadka sare?

    23Ciise ayaa ugu jawaabay, Haddii aan si xun u hadlay, xumaanta ka marag fur, haddaan si wanaagsan u hadlayse, maxaad ii dharbaaxaysaa?

  • Yoox 19:9-10
    2 aayado
    76%

    9oo haddana wuxuu galay guriga taliyaha oo ku yidhi Ciise, Xaggee baad ka timid? Laakiin Ciise jawaabna uma uu celinin.

    10Sidaa daraaddeed Bilaatos ayaa ku yidhi, Miyaanad ila hadlayn? Miyaanad ogayn inaan leeyahay amar aan kugu sii daayo iyo amar aan iskutallaabta kugu qodbo?

  • 1¶ Markaasaa wadaadkii sare wuxuu yidhi, Waxanu ma saasaa?

  • 57Markaasaa waxaa kacay qaar marag been ah ku furay oo yidhaahdeen,

  • 75%

    66¶ Kolkuu waagii beryay, waxaa ururay waayeelladii dadka oo ahaa wadaaddadii sare iyo culimmadiiba, oo waxay isagii geeyeen shirkoodii iyagoo leh,

    67Haddii aad Masiixa tahay, noo sheeg. Wuxuuse ku yidhi, Haddaan idiin sheego ma rumaysan doontaan.

  • Luuk 23:9-10
    2 aayado
    74%

    9Markaasuu su'aalo badan weyddiiyey, laakiin waxba uma uu jawaabin.

    10Wadaaddadii sare iyo culimmadii ayaa istaagay, oo aad iyo aad bay u ashtakeeyeen.

  • 19¶ Haddaba wadaadkii sare wuxuu Ciise wax ka weyddiiyey xertiisii iyo waxbariddiisii.

  • Fal 6:12-13
    2 aayado
    73%

    12Markaasay kiciyeen dadkii iyo waayeelladii iyo culimmadii, oo intay isagii ku soo kediyeen oo qabteen, ayay shirkii geeyeen.

    13Markaasay waxay soo taageen markhaatiyaal been ah oo leh, Ninkanu iskama daayo inuu meeshan quduuska ah iyo sharciga erayo xunxun ka sheego,

  • 73%

    34Ciise ayaa ugu jawaabay, Ma adaa iska odhanaya waxaas, mise kuwa kalaa iiga kaa sheegay?

    35Bilaatos ayaa ugu jawaabay, Ma Yuhuudi baan ahay? Quruuntaadii iyo wadaaddadii sare ayaa ii soo kaa gacangeliyeye. Maxaad samaysay?

  • 26Bal fiiriya, bayaan buu u hadlaa, waxbase kuma yidhaahdaan. Taliyayaashu runtii ma og yihiin inuu kanu yahay Masiixa?

  • 55Wadaaddadii sare iyo shirkii oo dhan ayaa waxay dooneen markhaati Ciise ka gees ah si ay u dilaan, waase heli waayeen.

  • 46Ninna hadal uguma jawaabi karin, oo maalintaas dabadeed ninna kuma dhicin inuu mar dambe wax weyddiiyo.

  • 68oo waxay ku yidhaahdeen, Noo sheeg, Masiixow. Yuu yahay kan kugu dhuftay?

  • 3Bilaatos ayaa weyddiiyey, isagoo leh, Ma Boqorka Yuhuudda baad tahay? Wuu u jawaabay oo ku yidhi, Waad tidhi.

  • 2oo la hadleen oo ku yidhaahdeen, Noo sheeg, Amarkee baad waxan ku samaysaa? Oo yuu yahay kan amarkan ku siiyey?

  • 55Saacaddaas qudheeda ayaa Ciise dadkii badnaa ku yidhi, Ma waxaad iila soo baxdeen seefo iyo ulo inaad i qabataan sidaan tuug ahay? Maalin walbaba macbudka ayaan fadhiyi jiray oo wax bari jiray, imana aydnaan qabsan.

  • 23¶ Oo goortuu macbudkii galay, intuu wax barayay waxaa u yimid wadaaddadii sare iyo waayeelladii dadka, oo waxay ku yidhaahdeen, Amarkee baad waxan ku samaysaa? Oo yaa amarkan ku siiyey?

  • 27¶ Markaasay, intay soo kaxeeyeen, shirka soo hor taageen. Kolkaasaa wadaadkii sare weyddiiyey,

  • 12Bilaatos baa mar kale u jawaabay oo ku yidhi, Haddaba maxaad doonaysaan inaan ku sameeyo kan aad ugu yeedhaan Boqorka Yuhuudda?

  • 70Laakiin dhammaantood ayuu ku hor dafiray oo wuxuu ku yidhi, Anigu garan maayo waxaad leedahay.

  • 57¶ Kuwii Ciise qabtay waxay u geeyeen Kayafas oo ahaa wadaadkii sare, ilaa meeshii culimmada iyo waayeelladu ku urursanaayeen.

  • 20Haddii kalese nimankan qudhoodu ha sheegeen xaqdarradii ay igu heleen markii aan shirka hor istaagay,

  • 70Markaasay waxay wada yidhaahdeen, Haddaba miyaad tahay Wiilka Ilaah? Wuxuu ku yidhi, Waad tidhaahdeen inaan ahay.