Luukos 20:2

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

oo la hadleen oo ku yidhaahdeen, Noo sheeg, Amarkee baad waxan ku samaysaa? Oo yuu yahay kan amarkan ku siiyey?

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yoox 2:18 : 18 Sidaa aawadeed Yuhuuddu waa u jawaabtay oo ku tidhi isaga, Calaamadee baad na tusaysaa waxaad waxyaalahaas u samaynayso?
  • Fal 7:27 : 27 Laakiin kii deriskiisii dulmayay, ayaa isaga iska riixay oo ku yidhi, Yaa nooga kaa dhigay taliye iyo xaakin?
  • Bax 2:14 : 14 Markaasuu wuxuu yidhi, Bal yaa amiir iyo xaakin nooga kaa dhigay? Ma waxaad doonaysaa inaad ii disho sidaad u dishay Masriga? Markaasaa Muuse cabsaday, oo wuxuu isyidhi, Hubaal wixii waa la ogaaday.
  • Mat 21:23-27 : 23 ¶ Oo goortuu macbudkii galay, intuu wax barayay waxaa u yimid wadaaddadii sare iyo waayeelladii dadka, oo waxay ku yidhaahdeen, Amarkee baad waxan ku samaysaa? Oo yaa amarkan ku siiyey? 24 Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Aniguna hal baan idin weyddiinayaa. Haddaad taas ii sheegtaan, aniguna waan idiin sheegi doonaa amarka aan waxan ku sameeyo. 25 Baabtiiskii Yooxanaa xaggee buu ka yimid? Ma wuxuu ka yimid xagga jannada mise dadka? Dhexdooda ayay iskala hadleen iyagoo leh, Haddaynu nidhaahno, Xagga jannada, wuxuu inagu odhanayaa, Haddaba maxaad u rumaysan weydeen? 26 Laakiin haddii aynu nidhaahno, Xagga dadka, dadka badan ayaynu ka baqaynaa, waayo, Yooxanaa sida nebi oo kale ayay kulli u haystaan. 27 Markaasay Ciise u jawaabeen oo ku yidhaahdeen, Garan mayno. Isaguna wuxuu ku yidhi, Aniguna idiin sheegi maayo amarka aan waxan ku sameeyo.
  • Mark 11:28-33 : 28 Markaasay waxay ku yidhaahdeen, Amarkee baad waxan ku samaysaa? Yaa amarkan ku siiyey inaad waxan ku samayso? 29 Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Aniguna hal baan idin weyddiinayaa, ii jawaaba, waanan idiin sheegi doonaa amarka aan waxan ku sameeyo. 30 Baabtiiskii Yooxanaa ma wuxuu ka yimid xagga jannada mise dadka? Ii jawaaba. 31 Dhexdooda ayay iskala hadleen iyagoo leh, Maxaynu nidhaahnaa? Haddaynu nidhaahno, Xagga jannada, wuxuu inagu odhanayaa, Haddaba maxaad u rumaysan weydeen? 32 Laakiin haddii aynu nidhaahno, Xagga dadka ayuu ka yimid, dadkay ka baqeen. Waayo, kulli waxay u haysteen Yooxanaa inuu nebi yahay. 33 Markaasay Ciise u jawaabeen oo ku yidhaahdeen, Garan mayno. Ciisena wuxuu ku yidhi, Aniguna idiin sheegi maayo amarka aan waxan ku sameeyo.
  • Fal 7:35-39 : 35 Muusahakan ay diideen oo ku yidhaahdeen, Yaa kaa dhigay taliye iyo xaakin? Isagaa Ilaah ugu soo diray gacanta malaa'igtii geedka uga soo muuqatay inuu ahaado taliye iyo samatabbixiye. 36 Kanaa iyaga Masar ka soo saaray, oo yaabab iyo calaamooyin ku sameeyey Masar, iyo Badda Cas, iyo cidlada afartan sannadood. 37 Kanu waa Muusihii ku yidhi reer binu Israa'iil, Ilaah wuxuu walaalihiin idiinka dhex kicin doonaa nebi sidayda oo kale. 38 Kanu waa kii ku dhex jiray kiniisaddii cidlada oo la jiray malaa'igtii isaga kala hadashay Buur Siinay iyo awowayaasheen, kii la siiyey hadallada nool inuu ina siiyo. 39 ¶ Isaga awowayaasheen ma ay doonaynin inay addeecaan, laakiin intay iska riixeen ayay qalbigooda geliyeen inay Masar dib ugu jeestaan,
  • Fal 7:51 : 51 ¶ Idinkan madaxa adag oo aan qalbiga iyo dhegaha laga gudinow, weligiinba Ruuxa Quduuska ah waad hor joogsataan. Sidii awowayaashiin yeeli jireen oo kale ayaad idinna yeeshaan.
  • Yoox 5:22-27 : 22 Aabbuhu ninna ma xukumo, laakiin xukunka oo dhan wuxuu siiyey Wiilka, 23 in dadka oo dhammu Wiilka maamuuso siday Aabbaha u maamuusaan. Kii aan Wiilka maamuusi, ma maamuuso Aabbaha soo diray. 24 ¶ Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Kii ereygayga maqla oo rumaysta kii i soo diray, wuxuu leeyahay nolosha weligeed ah, xukunna geli maayo, laakiin dhimashadii ayuu ka soo gudbay oo nolosha u soo gudbay. 25 Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Saacaddu waa imanaysaa, waana joogtaa, markii kuwii dhintay codkii Wiilka Ilaah ay maqli doonaan, oo kuwa maqlaana way noolaan doonaan. 26 Sida Aabbuhu nolol isugu leeyahay, sidaasuu Wiilka u siiyey inuu nolol isugu lahaado. 27 Wuxuuna siiyey amar uu wax ku xukumo, maxaa yeelay, waa Wiilka Aadanaha.
  • Fal 4:7-9 : 7 Oo intay dhexda soo taageen bay weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen, Xooggee ama magacee baad waxan ku samayseen? 8 Markaasaa Butros oo Ruuxa Quduuska ahi ka buuxo wuxuu iyaga ku yidhi, Kuwiinnan dadka u taliya iyo waayeelladow, 9 haddii maanta naloo imtixaamayo falimihii wanaagsanaa oo loo sameeyey nin xoogdaran iyo sidii ninkan loo bogsiiyey, 10 dhammaantiin ogaada, idinka iyo dadka reer binu Israa'iil oo dhammu, in magaca Ciise Masiix, kii reer Naasared, oo aad iskutallaabta ku qodobteen, oo Ilaah ka sara kiciyey kuwii dhintay, daraaddiis ninkanu isagoo bogsaday halkan hortiinna ah ku taagan yahay.
  • Luuk 19:35-40 : 35 Markaasay Ciise u keeneen, oo dharkoodii bay qaylkii dusha ka saareen, oo Ciise ayay fuusheen. 36 Oo intuu socday, dharkoodii ayay jidka ku gogleen. 37 Goortuu ku soo dhowaanayay xataa meeshii Buur Saytuun laga dego, dadkii oo dhan oo xertii ahaa ayaa bilaabay inay farxaan, oo cod weyn Ilaah ku ammaanaan waxa xoogga leh oo dhan oo ay arkeen aawadood, 38 iyagoo leh, Waxaa barakaysan Boqorka Rabbiga magiciisa ku imanaya. Nabadi jannada ha ku jirto, ammaantuna meelaha ugu sarreeya. 39 Farrisiintii qaarkood oo dadkii badnaa ku dhex jiray ayaa ku yidhi, Macallimow, xertaada canaano. 40 Markaasuu u jawaabay oo ku yidhi, Waxaan idinku leeyahay, Kuwani hadday aamusaan, dhagaxyada ayaa qaylin doona.
  • Luuk 19:45-46 : 45 ¶ Wuxuu galay macbudka oo bilaabay inuu ka eryo kuwii wax ku iibinayay, 46 isagoo ku leh, Waa qoran tahay, Gurigaygu wuxuu ahaan doonaa guriga tukashada, laakiin idinku waxaad ka dhigteen god tuugo.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 92%

    27¶ Mar kale ayay Yeruusaalem yimaadeen. Oo goortuu macbudkii dhex marayay waxaa u yimid wadaaddadii sare iyo culimmadii iyo waayeelladii.

    28Markaasay waxay ku yidhaahdeen, Amarkee baad waxan ku samaysaa? Yaa amarkan ku siiyey inaad waxan ku samayso?

    29Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Aniguna hal baan idin weyddiinayaa, ii jawaaba, waanan idiin sheegi doonaa amarka aan waxan ku sameeyo.

    30Baabtiiskii Yooxanaa ma wuxuu ka yimid xagga jannada mise dadka? Ii jawaaba.

  • Mat 21:23-25
    3 aayado
    90%

    23¶ Oo goortuu macbudkii galay, intuu wax barayay waxaa u yimid wadaaddadii sare iyo waayeelladii dadka, oo waxay ku yidhaahdeen, Amarkee baad waxan ku samaysaa? Oo yaa amarkan ku siiyey?

    24Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Aniguna hal baan idin weyddiinayaa. Haddaad taas ii sheegtaan, aniguna waan idiin sheegi doonaa amarka aan waxan ku sameeyo.

    25Baabtiiskii Yooxanaa xaggee buu ka yimid? Ma wuxuu ka yimid xagga jannada mise dadka? Dhexdooda ayay iskala hadleen iyagoo leh, Haddaynu nidhaahno, Xagga jannada, wuxuu inagu odhanayaa, Haddaba maxaad u rumaysan weydeen?

  • Luuk 20:3-5
    3 aayado
    86%

    3Markaasuu u jawaabay oo ku yidhi, Aniguna hal baan idin weyddiinayaa, iina sheega.

    4Baabtiiskii Yooxanaa ma wuxuu ka yimid xagga jannada mase dadka?

    5Dhexdooda ayay iskala hadleen iyagoo leh, Haddaynu nidhaahno, Xagga jannada, wuxuu odhanayaa, Maxaad u rumaysan weydeen?

  • 1¶ Maalmahaa middood intuu Ciise dadka macbudkii wax ku barayay oo injiilka kaga dhex wacdiyeyey, waxaa dhacay in wadaaddada sare iyo culimmada ula yimaadeen waayeellada

  • Luuk 20:7-8
    2 aayado
    81%

    7Markaasay waxay ugu jawaabeen inaanay garan meeshuu ka yimid.

    8Ciisena wuxuu ku yidhi, Aniguna idiin sheegi maayo amarka aan waxan ku sameeyo.

  • 27Markaasay Ciise u jawaabeen oo ku yidhaahdeen, Garan mayno. Isaguna wuxuu ku yidhi, Aniguna idiin sheegi maayo amarka aan waxan ku sameeyo.

  • 33Markaasay Ciise u jawaabeen oo ku yidhaahdeen, Garan mayno. Ciisena wuxuu ku yidhi, Aniguna idiin sheegi maayo amarka aan waxan ku sameeyo.

  • 79%

    19¶ Saacaddaas qudheeda ayaa culimmadii iyo wadaaddadii sare dooneen inay isagii qabtaan; laakiin dadkay ka baqeen; waayo, waxay garteen inuu masaalkan iyaga kaga hadlay.

    20¶ Wayna dayayeen, oo ay u soo direen jaajuusiin iska dhigaya dad xaq ah, si ay hadalkiisa ugu qabtaan, oo ay ugu gacangeliyaan talada iyo amarka taliyaha.

    21Markaasay weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen, Macallimow, waxaannu og nahay inaad si hagaagsan wax u tidhaahdo oo wax u bartid, oo aanad ninna u eexan, laakiin aad jidka Ilaah run ku bartid.

    22Ma xalaal baa inaannu cashuur Kaysar siinno ama inaannan siin?

    23Laakiin khiyaanadooda wuu gartay, oo wuxuu ku yidhi,

  • Mat 22:16-17
    2 aayado
    76%

    16Waxay xertoodii ula soo direen Herodosiinta, oo waxay ku yidhaahdeen, Macallimow, waannu og nahay inaad run tahay, oo aad dadka jidka Ilaah run ku bartid, oo aanad ninna u eexan, waayo, dadka wejigooda ma eegtid.

    17Haddaba noo sheeg waxay kula tahay, Ma xalaal baa in cashuur Kaysar la siiyo ama inaan la siin?

  • 16Kolkaasuu weyddiiyey, Maxaad isweyddiinaysaan?

  • 20Wuxuu ku yidhi, Yaa leh masawirkan iyo qorniinkan?

  • 34Ciise ayaa ugu jawaabay, Ma adaa iska odhanaya waxaas, mise kuwa kalaa iiga kaa sheegay?

  • 19¶ Haddaba wadaadkii sare wuxuu Ciise wax ka weyddiiyey xertiisii iyo waxbariddiisii.

  • 21Maxaad ii weyddiinaysaa? Weyddii kuwa maqlay waxaan kula hadlay. Bal eeg, kuwaasaa og waxaan idhi e.

  • 22Waxayna la yaabeen wax bariddiisa, waayo, wuxuu wax u barayay sida mid amar leh, oo uma uu baraynin sida culimmada.

  • 45¶ Dadkii oo dhan oo maqlaya, ayuu xertiisii ku yidhi,

  • 74%

    40Kol dambe kuma ay dhicin inay wax weyddiiyaan.

    41¶ Wuxuuna ku yidhi, Sidee bay u yidhaahdaan, Masiixu waa ina Daa'uud?

  • Mat 22:41-42
    2 aayado
    74%

    41¶ Kolkii Farrisiintii isu yimaadeen ayaa Ciise wax weyddiiyey,

    42oo wuxuu ku yidhi, Yuu idinla yahay Masiixu? Waa ina ayo? Kolkaasay ku yidhaahdeen, Waa ina Daa'uud.

  • 27Kulligoodba ayay la wada yaabeen, sidaa aawadeed iyaga dhexdooda way isweyddiiyeen oo yidhaahdeen, Waa maxay waxani? Ma wax barid cusub baa? Xataa jinniyadii wasakhda lahayd amar buu ku amraa, wayna yeelaan.

  • 7Oo intay dhexda soo taageen bay weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen, Xooggee ama magacee baad waxan ku samayseen?

  • 2Bilaatos wuxuu weyddiiyey, Ma Boqorka Yuhuudda baad tahay? Wuu u jawaabay oo ku yidhi, Waad tidhi.

  • 14Goortay yimaadeen waxay ku yidhaahdeen, Macallimow, waannu og nahay inaad run tahay oo aanad ninna u eexan, waayo, dadka wejigooda ma eegtid, jidka Ilaahse aad run ku bartid. Ma xalaal baa in cashuur Kaysar la siiyo ama inaan la siin?

  • 3Kolkaasuu u jawaabay oo ku yidhi, Muuse muxuu idinku amray?

  • 29waayo, wuxuu wax u barayay sida mid amar leh oo uma uu baraynin sida culimmada.

  • 20Markaasuu wuxuu ku yidhi, Idinkuse yaad igu sheegtaan? Butros ayaa u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Masiixii Ilaah.

  • 15Markaasuu wuxuu ku yidhi, Idinkuse yaad igu sheegtaan?

  • 18Markii wadaaddadii sare iyo culimmadii maqleen, waxay doonayeen si ay u dilaan, waayo, way ka baqeen, maxaa yeelay, dadka oo dhan waxay ka yaabeen waxbariddiisa.

  • 32Markaasaa Ciise joogsaday, oo intuu u yeedhay ayuu ku yidhi, Maxaad doonaysaan inaan idiin sameeyo?

  • 18Sidaa aawadeed Yuhuuddu waa u jawaabtay oo ku tidhi isaga, Calaamadee baad na tusaysaa waxaad waxyaalahaas u samaynayso?

  • 1¶ Dabadeed Ciise ayaa dadkii badnaa iyo xertiisii la hadlay,

  • 60Markaasaa wadaadkii sare dhexda istaagay oo Ciise weyddiiyey isagoo leh, Miyaanad waxba ka jawaabayn? Kuwanu waxay kugu marag furayaan waa maxay?

  • 2Kolkaasay bilaabeen inay ku ashtakeeyaan iyagoo leh, Waxaannu aragnay ninkan oo quruuntayada rogaya, oo diidaya in Kaysar cashuur la siiyo, oo odhanaya inuu qudhiisu yahay Masiix oo boqor ah.

  • 22Waxay haddaba ku yidhaahdeen, Yaad tahay? si aannu jawaab ugu celinno kuwii na soo diray. Yaad isku sheegaysaa?

  • 11¶ Ciise wuxuu hor istaagay taliyaha, oo taliyihiina waa weyddiiyey oo ku yidhi, Ma Boqorkii Yuhuudda baad tahay? Ciisena wuxuu ku yidhi, Waad tidhi.

  • 24Markaasaa Farrisiintii waxay isaga ku yidhaahdeen, Bal eeg, maxay sabtida u samaynayaan wixii aan xalaal ahayn?