Markos 1:22

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waxayna la yaabeen wax bariddiisa, waayo, wuxuu wax u barayay sida mid amar leh, oo uma uu baraynin sida culimmada.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Mat 7:28-29 : 28 ¶ Waxaa dhacay goortii Ciise hadalladan dhammeeyey, in dadkii oo dhammu waxbariddiisa la yaabeen, 29 waayo, wuxuu wax u barayay sida mid amar leh oo uma uu baraynin sida culimmada.
  • Yer 23:29 : 29 Rabbigu wuxuu leeyahay, Miyaan eraygaygu ahayn sida dab oo kale, iyo sida dubbe dhagaxa kala burburiya oo kale?
  • Mat 13:54 : 54 Oo markuu waddankiisa yimid, ayuu sunagoggooda wax ku baray, sidaa darteed way yaabeen oo yidhaahdeen, Ninkanu xaggee buu ka helay xigmaddan iyo shuqulladan xoogga leh?
  • Mat 23:16-24 : 16 ¶ Waa idiin hoog, hoggaamiyayaal yahow indhaha la'u oo leh, Ku alla kii macbudka ku dhaarta, waxba ma aha, laakiin ku alla kii dahabkii macbudka ku dhaarta, wuxuu ku dhaartay waa lagu leeyahay. 17 Doqonno yahow indhaha la'u, kee baa weyn, dahabka iyo macbudka dahabka quduus ka dhiga? 18 Oo weliba waxaad leedihiin, Ku alla kii meesha allabariga ku dhaarta waxba ma aha, laakiin ku alla kii ku dhaarta hadiyadda dul saaran, wuxuu ku dhaartay waa lagu leeyahay. 19 Indhoolayaal yahow, haddaba kee baa weyn, hadiyadda iyo meesha allabariga oo hadiyadda quduus ka dhigta? 20 Haddaba kan meesha allabariga ku dhaartaa, wuxuu ku dhaartaa iyada iyo wixii dul saaran oo dhanba. 21 Oo kii macbudka ku dhaartaa, wuxuu ku dhaartaa isaga iyo kan dhex degganba. 22 Oo kii jannada ku dhaartaana, wuxuu ku dhaartaa carshiga Ilaah iyo kan ku dul fadhiyaba. 23 ¶ Waa idiin hoog, culimmo iyo Farrisiin yahay, labawejiilayaasha ahu, waayo, reexaanta iyo kabsarta iyo kamuunta toban meelood ayaad meel ka bixisaan, oo waxaad dhaafteen wixii sharciga ugu cuslaa, waxaa weeye xukunka iyo naxariista iyo iimaanka. Waxaad lahaydeen inaad waxan samaysaan oo aydnaan kuwa kale dhaafin. 24 Hoggaamiyayaal yahow indhaha la'u oo kaneecada iska miira oo awrka liqa.
  • Mark 7:3-9 : 3 Waayo, Farrisiinta iyo Yuhuudda oo dhammu waxba ma cunaan haddayan gacmahooda aad u dhaqin, si ay u xajiyaan xeerkii waayeellada. 4 Oo goortay suuqa ka yimaadaan waxba ma cunaan, inay maydhaan maahee. Waxyaalo badan oo kale ayaa jira oo ay heleen inay xajiyaan sida dhaqidda koobab, iyo dheriyo, iyo weelal naxaas ah, iyo miisas. 5 Markaasaa Farrisiintii iyo culimmadii weyddiiyeen oo waxay ku yidhaahdeen, Xertaadii maxay ugu socon waayeen xeerkii waayeellada, waxayse wax ku cunaan gacmo nijaasaysan? 6 Markaasuu wuxuu ku yidhi, Isayos aad buu wax idiinka sii sheegay, labawejiilayaalow, siday u qoran tahay, Dadkanu bushimahooda ayay igu maamuusaan, Laakiin qalbigoodu waa iga fog yahay. 7 Si aan micne lahayn ayay ii caabudaan, Iyagoo dadka wax ku baraya amarrada dadka. 8 Idinku qaynuunkii Ilaah waad ka tagtaan, oo waxaad xajisaan xeerka dadka, sida dhaqidda dheriyada iyo koobabka, oo wax kale oo badan oo kuwaas la mid ah ayaad samaysaan. 9 ¶ Markaasuu ku yidhi, Qaynuunkii Ilaah aad baad u diiddaan inaad xeerkiinna xajisaan. 10 Waayo, Muuse wuxuu yidhi, Aabbahaa iyo hooyadaa maamuus; oo kan aabbihii iyo hooyadii caayaa, dhimasho ha ku dhammaado. 11 Laakiin waxaad leedihiin, Haddii nin aabbihii iyo hooyadii ku yidhaahdo, Wixii aan idiin tari lahaa oo dhan waa Qurbaan, waxa weeye, Waa sadaqad aan Ilaah siiyey; 12 idinku uma daysaan mar dambe inuu aabbihii iyo hooyadii wax u sameeyo. 13 Ereygii Ilaah ayaad ku buriseen xeerkiinna aad bixiseen, oo wax badan oo kuwan oo kale ah ayaad samaysaan.
  • Luuk 4:32 : 32 Waxbariddiisiina way la yaabeen, waayo, hadalkiisu amar buu lahaa.
  • Luuk 21:15 : 15 Waayo, waxaan idin siin doonaa af iyo xigmad aanay cadaawayaashiinna oo dhammu ka adkaan karin oo aanay ka gees hadli karin.
  • Yoox 7:46 : 46 Saraakiishii waxay ugu jawaabeen, Ninna weligiis uma hadlin sida ninkaasi u hadlay.
  • Fal 6:10 : 10 Iyaguna waa is-hor taagi kari waayeen xigmaddii iyo Ruuxii uu ku hadlay.
  • Fal 9:21-22 : 21 Dadkii maqlay oo dhammuna waa yaabeen, oo waxay yidhaahdeen, Kanu sow ma aha kii Yeruusaalem ku layn jiray kuwa magacaas ugu yeedhi jiray? Oo sababtaas ayuu halkan u yimid inuu iyagoo xidhxidhan hor keeno wadaaddada sare. 22 Laakiin Sawlos xooggiisii baa u sii kordhay, wuuna wareeriyey Yuhuuddii Dimishaq joogtay isagoo caddaynaya inuu kanu yahay Masiixa.
  • 2 Kor 4:2 : 2 laakiin waxaannu diidnay waxyaalihii qarsoonaa oo ceebta ahaa, annagoo aan sirta ku soconaynin ama aan ereyga Ilaah qalloocinaynin, laakiin muujinta runta ayaannu niyada dadka oo dhan isugu bognaa Ilaah hortiisa.
  • Cib 4:12-13 : 12 Waayo, hadalka Ilaah wuu nool yahay, waana shaqeeyaa, oo waa ka af badan yahay seef kasta oo laba af leh, isagoo ka dhex dusaya ilaa kala soocniinta nafta iyo ruuxa, iyo xubnaha iyo dhuuxaba, waana kala gartaa fikirrada iyo waxyaalaha qalbiga ku jira. 13 Oo uun aan hortiisa ka muuqani ma jiro, laakiin wax waliba way qaawan yihiin oo bannaan yihiin indhihiisa hortooda, kan aynu ku tirsan nahay.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Mat 7:28-29
    2 aayado
    90%

    28¶ Waxaa dhacay goortii Ciise hadalladan dhammeeyey, in dadkii oo dhammu waxbariddiisa la yaabeen,

    29waayo, wuxuu wax u barayay sida mid amar leh oo uma uu baraynin sida culimmada.

  • Luuk 4:31-32
    2 aayado
    88%

    31¶ Wuxuuna u degay Kafarna'um oo magaalada Galili ah. Oo maalmihii sabtida ayuu dadka wax barayay.

    32Waxbariddiisiina way la yaabeen, waayo, hadalkiisu amar buu lahaa.

  • Mark 1:26-28
    3 aayado
    83%

    26Goortii jinnigii wasakhda lahaa gilgilay oo cod weyn ku qayliyey, ayuu ka soo baxay.

    27Kulligoodba ayay la wada yaabeen, sidaa aawadeed iyaga dhexdooda way isweyddiiyeen oo yidhaahdeen, Waa maxay waxani? Ma wax barid cusub baa? Xataa jinniyadii wasakhda lahayd amar buu ku amraa, wayna yeelaan.

    28Markiiba warkiisii waa gaadhay dhulkii Galili ku wareegsanaa oo dhan.

  • 21¶ Markaasay Kafarna'um galeen, oo markiiba sabtida wuxuu galay sunagogga oo dadka wax baray.

  • 33Dadkii badnaa goortay taas maqleen ayay waxbariddiisii ka yaabeen.

  • 18Markii wadaaddadii sare iyo culimmadii maqleen, waxay doonayeen si ay u dilaan, waayo, way ka baqeen, maxaa yeelay, dadka oo dhan waxay ka yaabeen waxbariddiisa.

  • 36Yaab weyn ayaa ku wada dhacay; wayna isla wada hadleen oo yidhaahdeen, Waa maxay hadalkan? waayo, jinniyada wasakhda leh ayuu amar iyo xoog ku xukumaa, wayna ka baxaan.

  • Mark 4:1-2
    2 aayado
    76%

    1¶ Haddana wuxuu bilaabay inuu badda agteeda wax ku baro, oo waxaa u soo ururay dad badan, sidaa darteed doonni ayuu fuulay, wuxuuna fadhiistay badda, dadkii badnaana waxay joogeen badda xeebteeda.

    2Markaasuu wax badan masaallo ku baray, oo intuu wax barayay ayuu iyaga ku yidhi,

  • 2Goortii sabtida la gaadhay ayuu bilaabay inuu sunagogga wax ku baro; dad badan oo maqlayaana way la yaabeen, oo waxay yidhaahdeen, Ninkanu xaggee buu waxyaalahan ka helay? Oo xigmaddan la siiyeyna maxay tahay in xataa shuqulladan oo xoogga leh gacmihiisu sameeyaan?

  • 54Oo markuu waddankiisa yimid, ayuu sunagoggooda wax ku baray, sidaa darteed way yaabeen oo yidhaahdeen, Ninkanu xaggee buu ka helay xigmaddan iyo shuqulladan xoogga leh?

  • 23¶ Oo goortuu macbudkii galay, intuu wax barayay waxaa u yimid wadaaddadii sare iyo waayeelladii dadka, oo waxay ku yidhaahdeen, Amarkee baad waxan ku samaysaa? Oo yaa amarkan ku siiyey?

  • 13¶ Haddana wuu u baxay badda xeebteeda, oo dadkii oo dhan baa u yimid, wuuna wax baray.

  • 23Markaasaa waxaa sunagoggoodii ku jiray nin jinni wasakh leh qaba, wuuna qayliyey, oo wuxuu yidhi,

  • Luuk 20:1-2
    2 aayado
    75%

    1¶ Maalmahaa middood intuu Ciise dadka macbudkii wax ku barayay oo injiilka kaga dhex wacdiyeyey, waxaa dhacay in wadaaddada sare iyo culimmada ula yimaadeen waayeellada

    2oo la hadleen oo ku yidhaahdeen, Noo sheeg, Amarkee baad waxan ku samaysaa? Oo yuu yahay kan amarkan ku siiyey?

  • 15Sunagogyadoodana ayuu wax ku baray, dhammaanna waa la wada ammaanay isaga.

  • 2Kolkaasuu afkiisa kala qaaday oo wax baray, isagoo leh.

  • 28Markaasay waxay ku yidhaahdeen, Amarkee baad waxan ku samaysaa? Yaa amarkan ku siiyey inaad waxan ku samayso?

  • 43¶ Kulli way ka wada yaabeen Ilaah weynaantiisa.

  • 47Dadkii maqlay oo dhan ayaa la yaabay garashadiisii iyo jawaabihiisii.

  • Mark 9:14-16
    3 aayado
    72%

    14¶ Markay xertii u yimaadeen, waxay arkeen dad faro badan oo la jooga. Culimmaduna wax bay weyddiinayeen.

    15Kolkiiba dadkii badnaa markay isaga arkeen aad bay u yaabeen oo ku soo ordeen oo nabdaadiyeen.

    16Kolkaasuu weyddiiyey, Maxaad isweyddiinaysaan?

  • 39Wuxuu galay sunagogyadoodii Galili ku yiil oo dhan; dadkana ayuu ka wacdiyey, jinniyadiina ayuu dadka ka saaray.

  • 2Aroortii hore ayuu haddana macbudka yimid, dadkii oo dhammuna way u yimaadeen, oo intuu fadhiistay, ayuu wax baray.

  • 8Laakiin dadkii badnaa goortay arkeen, way baqeen, oo Ilaah ammaaneen, kan amar caynkan oo kale ah dadka siiyey.

  • 17¶ Maalmahaas middood waxaa dhacay inuu wax barayay, oo halkaasna waxaa ag fadhiyey qaar Farrisiinta iyo macallimiintii sharciga ah oo ka yimid magaalo walba oo Galili iyo Yahuudiya iyo Yeruusaalem; xoogga Rabbiguna waa la jiray isaga si uu u bogsiiyo kuwa buka.

  • 6Wuuna ka yaabay rumaysadla'aantooda aawadeed. Kolkaasuu tuulooyinka ku wareegay isagoo wax baraya.

  • 15Sidaa aawadeed Yuhuuddii ayaa la yaabtay iyagoo leh, Sidee baa kanu qorniinka u yaqaan isagoo aan weligiis baran?

  • 10¶ Maalin sabti ah sunagogyada midkood ayuu wax ku barayay.

  • 34Oo wuxuu bogsiiyey dad badan oo cudurro kala cayncayn ah qabay, dadkana jinniyo badan buu ka saaray, oo uma oggolaanin jinniyadu inay hadlaan, waayo, isagay garanayeen.

  • 1¶ Dabadeed Ciise ayaa dadkii badnaa iyo xertiisii la hadlay,

  • 27Haddaba nimankii waa yaabeen, oo waxay isku yidhaahdeen, Waa nin caynkee ah kan xataa dabaysha iyo badduba yeelaan?

  • 1¶ Goortii Ciise amarkiisa u dhammeeyey laba iyo tobankii xertiisa ahaa, waxaa dhacay inuu meeshaas ka noqday inuu magaalooyinkooda wax ku baro oo ku wacdiyo.

  • 45¶ Dadkii oo dhan oo maqlaya, ayuu xertiisii ku yidhi,

  • 15iyo inay u leeyihiin amar ay cudurro ku bogsiiyaan oo ay jinniyo ku saaraan.

  • 9Maxaa yeelay, isaga iyo kuwii la jirayba, waxay la yaabeen kalluunkii badnaa oo ay qabteen.

  • 47¶ Maalin walba ayuu macbudka ku jiri jiray isagoo wax baraya; laakiin wadaaddada sare iyo culimmada iyo madaxda dadku waxay dooneen inay dilaan,

  • 22Oo goortay taas maqleen, way yaabeen, wayna iska daayeen oo ka tageen.

  • 1¶ Markaasuu wuxuu u yeedhay laba-iyo-tobankii xertiisa ahaa oo wuxuu siiyey amar ay jinniyo wasakh leh ku saaraan oo ay bugto walba iyo cudur walba ku bogsiiyaan.

  • 22Kulligood markhaati bay ahaayeen, wayna ka yaabeen hadallada nimcada leh oo afkiisa ka soo baxay, markaasay yidhaahdeen, Kanu miyaanu ahayn wiilkii Yuusuf?

  • 22Culimmadii Yeruusaalem ka soo degeenna waxay yidhaahdeen, Wuxuu qabaa Be'elsebul, oo madaxda jinniyada ayuu jinniyada ku saaraa.

  • 41Aad bay u baqeen, oo waxay isku yidhaahdeen, Haddaba yuu yahay kan xataa dabaysha iyo badduba yeelaan?

  • 21Markaasay weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen, Macallimow, waxaannu og nahay inaad si hagaagsan wax u tidhaahdo oo wax u bartid, oo aanad ninna u eexan, laakiin aad jidka Ilaah run ku bartid.

  • 1¶ Laba-iyo-tobankii ayuu isugu yeedhay, wuxuuna siiyey xoog iyo amar ay jinniyada oo dhan ku saaraan oo ay cudurro ku bogsiiyaan.