Luukos 4:31

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Wuxuuna u degay Kafarna'um oo magaalada Galili ah. Oo maalmihii sabtida ayuu dadka wax barayay.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Mat 4:13 : 13 oo intuu Naasared ka tegey, wuxuu yimid oo degay Kafarna'um, tan badda agteeda ahayd oo ku jirtay soohdimaha Sebulun iyo Naftaali,
  • Mat 10:23 : 23 Laakiin goortay magaaladan idinku silciyaan, tan kale u carara, waayo, runtii waxaan idinku leeyahay, Magaalooyinka Israa'iil ma wada gaadhi doontaan ilaa Wiilka Aadanahu yimaado.
  • Mark 1:21-28 : 21 ¶ Markaasay Kafarna'um galeen, oo markiiba sabtida wuxuu galay sunagogga oo dadka wax baray. 22 Waxayna la yaabeen wax bariddiisa, waayo, wuxuu wax u barayay sida mid amar leh, oo uma uu baraynin sida culimmada. 23 Markaasaa waxaa sunagoggoodii ku jiray nin jinni wasakh leh qaba, wuuna qayliyey, oo wuxuu yidhi, 24 Maxaa inoo dhexaya, Ciise reer Naasaredow? Ma waxaad u timid inaad na baabbi'iso? Anigu waa ku garanayaa kii aad tahay Kan Quduuska ah ee Ilaah. 25 Ciise baa canaantay oo ku yidhi, Aamus oo ka soo bax. 26 Goortii jinnigii wasakhda lahaa gilgilay oo cod weyn ku qayliyey, ayuu ka soo baxay. 27 Kulligoodba ayay la wada yaabeen, sidaa aawadeed iyaga dhexdooda way isweyddiiyeen oo yidhaahdeen, Waa maxay waxani? Ma wax barid cusub baa? Xataa jinniyadii wasakhda lahayd amar buu ku amraa, wayna yeelaan. 28 Markiiba warkiisii waa gaadhay dhulkii Galili ku wareegsanaa oo dhan.
  • Luuk 4:23 : 23 Kolkaasuu ku yidhi, Shakila'aan waxaad masaalkan igu odhan doontaan, Dhakhtarow, isbogsii. Wax kastoo aannu maqalnay oo Kafarna'um lagu sameeyey, halkan dhulkaagana ku samee.
  • Fal 13:50-14:2 : 50 Laakiin Yuhuuddu waxay soo kiciyeen dumarkii cibaadada iyo sharafta lahaa iyo raggii madaxda magaalada ahaa, silec bayna Bawlos iyo Barnabas ku kiciyeen, oo soohdintoodii bay ka eryeen iyagii. 51 Laakiin markay siigadii cagahooda ka dhabaandhabeen, dabadeed ayay waxay yimaadeen Ikoniyon. 52 Xertiina waxaa ka buuxsamay farxad iyo Ruuxa Quduuska ah. 1 ¶ Waxaa Ikoniyon ka dhacday inay wada galeen sunagogga Yuhuudda, oo siday u hadleen aawadeed dad badan oo Yuhuud iyo Gariigba ah ayaa rumaystay. 2 Laakiin Yuhuuddii caasiyiinta ahayd ayaa waxay dadkii aan Yuhuudda ahayn ku kiciyeen oo si xun ugu direen walaalihii.
  • Fal 14:6-7 : 6 ayay garteen, oo waxay u carareen magaalooyinkii la odhan jiray Luka'oniya iyo Lustara iyo Derbe iyo dhulka ku wareegsan; 7 meeshaasna ayay injiilka ku wacdiyeen dadka.
  • Fal 14:19-21 : 19 ¶ Laakiin waxaa Antiyokh iyo Ikoniyon ka yimid Yuhuud, oo markay dadkii badnaa yeelsiiyeen, ayay Bawlos dhagxiyeen, oo magaaladii ka jiideen, iyagoo u malaynaya inuu dhintay. 20 Laakiin intii xertii hareerihiisii taagnaayeen, ayuu kacay, markaasuu magaaladii galay; maalintii dambena wuu ka baxay oo Barnabas u raacay Derbe. 21 ¶ Oo markay magaaladaas injiilkii ku wacdiyeen oo kuwo badan xer ka dhigeen, ayay ku noqdeen Lustara iyo Ikoniyon iyo Antiyokh,
  • Fal 17:1-3 : 1 ¶ Haddaba markay sii dhex mareen Amfibolis iyo Abollooniya ayay waxay yimaadeen Tesaloniika meeshaas oo sunagogga Yuhuuddu ahaa; 2 oo Bawlos sidii caadadiisu ahayd, ayuu iyagii u galay, oo saddex sabtiyoodna ayuu Qorniinka kala hadlay, 3 isagoo caddaynaya oo muujinaya inay waajib ahayd in Masiixu silco oo ka soo sara kaco kuwii dhintay, wuxuuna yidhi, Ciisahan aan idinku wacdiyey waa Masiixa.
  • Fal 17:10-11 : 10 ¶ Oo markiiba walaalihii waxay habeennimo Bawlos iyo Silas u direen Beroya, kuwaas oo kolkay meeshaas yimaadeen galay sunagogga Yuhuudda. 11 Haddaba kuwaasu waa ka sharaf badnaayeen kuwii Tesaloniika joogay, maxaa yeelay, ereygay aqbaleen iyagoo xiiso weyn u qaba oo maalin kasta baadhaya Qorniinka inay hubsadaan waxyaalahaasi inay sidaas yihiin iyo in kale.
  • Fal 17:16-17 : 16 ¶ Haddaba Bawlos intuu Ateenay ku sugayay iyagii, ruuxiisu waa kacay markuu arkay magaalada oo sanamyo ka buuxaan. 17 Saas daraaddeed ayuu Yuhuuddii iyo nimankii cibaadaysnaa kula xaajooday sunagogga, suuqa dhexdiisana ayuu maalin walba kula xaajooday kuwii kula kulmayba.
  • Fal 18:4 : 4 Oo wuxuu sabti walba sunagogga kula doodi jiray oo soo jeedin jiray Yuhuud iyo Gariigba.
  • Fal 20:1-2 : 1 ¶ Markii rabshaddii dhammaatay dabadeed Bawlos ayaa xertii u cid diray oo dhiirrigeliyey, markaasuu nabadgelyeeyey oo baxay inuu Makedoniya tago. 2 Oo kolkuu meelahaas sii dhex maray oo uu hadal badan ku dhiirrigeliyey iyagii, ayuu wuxuu yimid dalka Gariigta.
  • Fal 20:23-24 : 23 in Ruuxa Quduuska ahi magaalo kasta iigu markhaati furo mooyaane, isagoo leh, Waxaa ku sugaya silsilado iyo dhibaatooyin. 24 Laakiin naftayda uma xisaabo sidii mid qiimo ila leh, si aan u dhammeeyo tartankayga iyo shuqulkii aan Rabbi Ciise ka helay inaan u markhaati furo injiilkii nimcadii Ilaah.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Mark 1:21-22
    2 aayado
    87%

    21¶ Markaasay Kafarna'um galeen, oo markiiba sabtida wuxuu galay sunagogga oo dadka wax baray.

    22Waxayna la yaabeen wax bariddiisa, waayo, wuxuu wax u barayay sida mid amar leh, oo uma uu baraynin sida culimmada.

  • 32Waxbariddiisiina way la yaabeen, waayo, hadalkiisu amar buu lahaa.

  • Luuk 4:14-16
    3 aayado
    79%

    14¶ Markaasaa Ciise wuxuu xooggii Ruuxa kula noqday Galili, warkiisuna wuxuu gaadhay dhulka ku wareegsan oo dhan.

    15Sunagogyadoodana ayuu wax ku baray, dhammaanna waa la wada ammaanay isaga.

    16¶ Markaasuu wuxuu yimid Naasared oo ahayd meeshuu ku koray, oo maalintii sabtida sida caadadiisu ahayd ayuu sunagogga galay, wuuna istaagay inuu wax akhriyo.

  • Mark 4:1-2
    2 aayado
    79%

    1¶ Haddana wuxuu bilaabay inuu badda agteeda wax ku baro, oo waxaa u soo ururay dad badan, sidaa darteed doonni ayuu fuulay, wuxuuna fadhiistay badda, dadkii badnaana waxay joogeen badda xeebteeda.

    2Markaasuu wax badan masaallo ku baray, oo intuu wax barayay ayuu iyaga ku yidhi,

  • 10¶ Maalin sabti ah sunagogyada midkood ayuu wax ku barayay.

  • Mark 6:1-2
    2 aayado
    77%

    1¶ Meeshaas ayuu ka tegey oo waddankiisii yimid, xertiisiina way soo raaceen.

    2Goortii sabtida la gaadhay ayuu bilaabay inuu sunagogga wax ku baro; dad badan oo maqlayaana way la yaabeen, oo waxay yidhaahdeen, Ninkanu xaggee buu waxyaalahan ka helay? Oo xigmaddan la siiyeyna maxay tahay in xataa shuqulladan oo xoogga leh gacmihiisu sameeyaan?

  • 17¶ Maalmahaas middood waxaa dhacay inuu wax barayay, oo halkaasna waxaa ag fadhiyey qaar Farrisiinta iyo macallimiintii sharciga ah oo ka yimid magaalo walba oo Galili iyo Yahuudiya iyo Yeruusaalem; xoogga Rabbiguna waa la jiray isaga si uu u bogsiiyo kuwa buka.

  • 2Aroortii hore ayuu haddana macbudka yimid, dadkii oo dhammuna way u yimaadeen, oo intuu fadhiistay, ayuu wax baray.

  • 1¶ Goortuu hadalladiisa ku dhammeeyey dadka dhegaysadkooda ayuu Kafarna'um galay.

  • 44¶ Sunagogyada Galilina ayuu dadka ka dhex wacdiyi jiray.

  • 13¶ Haddana wuu u baxay badda xeebteeda, oo dadkii oo dhan baa u yimid, wuuna wax baray.

  • 30Laakiin isagu intuu dhex maray ayuu iska tegey.

  • 13oo intuu Naasared ka tegey, wuxuu yimid oo degay Kafarna'um, tan badda agteeda ahayd oo ku jirtay soohdimaha Sebulun iyo Naftaali,

  • 17Markaasuu hoos ula degay, oo bannaan ayuu istaagay, isaga iyo qaar badan oo xertiisa ah, iyo dad badan oo Yahuudiya iyo Yeruusaalem iyo xeebaha Turos iyo Siidoon uga yimaadeen inay maqlaan iyo in cudurradooda laga bogsiiyo.

  • 23¶ Ciise ayaa Galili oo dhan ku wareegay, isagoo sunagogyadooda wax ku baraya oo injiilka boqortooyadii ku wacdiyaya oo bukaan oo dhan iyo cudur oo dhan bogsiinaya dadka dhexdiisa.

  • 29¶ Markaasaa Ciise halkaas ka tegey, oo wuxuu u soo dhowaaday badda Galili, oo buurtuu fuulay oo halkaasuu fadhiistay.

  • 54Oo markuu waddankiisa yimid, ayuu sunagoggooda wax ku baray, sidaa darteed way yaabeen oo yidhaahdeen, Ninkanu xaggee buu ka helay xigmaddan iyo shuqulladan xoogga leh?

  • Mark 1:38-39
    2 aayado
    73%

    38Wuxuu ku yidhi, Aan tagno magaalooyinka inoo dhow, inaan halkaasna wax ku wacdiyo; waayo, taas aawadeed ayaan u imid.

    39Wuxuu galay sunagogyadoodii Galili ku yiil oo dhan; dadkana ayuu ka wacdiyey, jinniyadiina ayuu dadka ka saaray.

  • 59Waxyaalahaas ayuu sunagogga kaga dhex hadlay intuu Kafarna'um wax ku barayay.

  • 42¶ Goortii ay maalintii noqotay, ayuu baxay oo meel cidla ah tegey; dadkii badnaana way doondooneen oo u yimaadeen. Wayna qabteen si aanu uga tegin.

  • 1¶ Dhawr maalmood dabadeed goortuu haddana Kafarna'um galay, waxaa la maqlay inuu guriga joogo.

  • 1¶ Intii dadkii oo dhan isku soo cidhiidhiyeen inay ereygii Ilaah maqlaan, ayuu is-ag taagay badda Gennesared;

  • 9¶ Markaasuu halkaas ka tegey oo wuxuu galay sunagoggooda.

  • 1¶ Maalmahaa middood intuu Ciise dadka macbudkii wax ku barayay oo injiilka kaga dhex wacdiyeyey, waxaa dhacay in wadaaddada sare iyo culimmada ula yimaadeen waayeellada

  • Mat 7:28-29
    2 aayado
    72%

    28¶ Waxaa dhacay goortii Ciise hadalladan dhammeeyey, in dadkii oo dhammu waxbariddiisa la yaabeen,

    29waayo, wuxuu wax u barayay sida mid amar leh oo uma uu baraynin sida culimmada.

  • 6Wuuna ka yaabay rumaysadla'aantooda aawadeed. Kolkaasuu tuulooyinka ku wareegay isagoo wax baraya.

  • 1¶ Meeshaasuu ka soo kacay oo wuxuu galay soohdimaha Yahuudiya oo Webi Urdun ka shisheeya. Mar kale dadkii badnaa baa u soo ururay, oo sida caadadiisu ahaan jirtay, ayuu haddana wax baray.

  • 2Kolkaasuu afkiisa kala qaaday oo wax baray, isagoo leh.

  • 3Markaasuu fuulay doonniyihii middood oo Simoon lahaa, wuxuuna ka baryay inuu in yar dhulka ka durkiyo. Markaasuu fadhiistay oo dadkii wax ka dhex baray doonnidii.

  • 71%

    37¶ Maalin walba ayuu macbudka wax ku bari jiray, habeen walbana dibadda ayuu u bixi jiray, oo wuxuu baryi jiray buurta la odhan jiray Buur Saytuun.

    38Dadka oo dhammuna aroortii ayay macbudka ugu iman jireen inay dhegaystaan.

  • 1¶ Goortii Ciise amarkiisa u dhammeeyey laba iyo tobankii xertiisa ahaa, waxaa dhacay inuu meeshaas ka noqday inuu magaalooyinkooda wax ku baro oo ku wacdiyo.

  • 6¶ Waxaa sabti kale dhacay inuu sunagogga galay oo wax ku baray; halkaasna waxaa joogay nin gacantiisa midigeed engegnayd.

  • 33¶ Markaasuu yimid Kafarna'um, oo intuu gurigii joogay ayuu weyddiiyey, Maxaad ka wada hadlayseen intaad jidka ku soo socoteen?

  • 1¶ Markaasuu doonni fuulay oo dhanka kale u tallaabay oo magaaladiisii yimid.

  • 1¶ Maalintaas Ciise ayaa guriga ka baxay oo fadhiistay badda agteeda,

  • 2Waxaana soo raacay dad aad u badan, oo halkaas ayuu ku bogsiiyey iyaga.

  • 21Markaasuu bilaabay inuu ku yidhaahdo, Maanta Qorniinkan dhegihiinnu maqlay waa rumoobay.

  • 5¶ Goortuu Kafarna'um galay, waxaa u yimid boqol-u-taliye, isagoo baryaya

  • 35¶ Ciise wuxuu ku wareegay magaalooyinka iyo tuulooyinka oo dhan, oo sunagogyadooda ayuu wax ku barayay, oo injiilka boqortooyadii ku wacdiyeyey, oo bugto walba iyo cudur walba ayuu bogsiinayay:

  • 1¶ Maalin sabti ah markuu galay mid ka mid ah kuwa Farrisiinta u sarreeya gurigiisa inuu kibis cuno, waxaa dhacay inay fiirinayeen.

  • 1¶ Goortuu buurta ka soo degay, dad badan baa soo raacay.

  • 14¶ Laakiin markay ahayd iidda dhexdeeda Ciise wuxuu u kacay macbudka, wax ayuuna ku baray.