Luukos 4:21

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaasuu bilaabay inuu ku yidhaahdo, Maanta Qorniinkan dhegihiinnu maqlay waa rumoobay.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Mat 13:14 : 14 Iyagay u noqotay waxsheegidda Isayos iyadoo leh, Maqal baad ku maqli doontaan mana garan doontaan, Idinkoo arkaya wax baad arki doontaan, idiinmana dhaadhici doonto.
  • Luuk 10:23-24 : 23 Wuxuuna u jeestay xertiisa oo keli ahaan ugu yidhi, Waxaa barakaysan indhaha arka waxaad aragtaan; 24 waayo, waxaan idinku leeyahay, Nebiyo iyo boqorro badan ayaa doonay inay arkaan waxaad aragtaan, mana arkin, iyo inay maqlaan waxaad maqashaan, mana ay maqlin.
  • Yoox 4:25-26 : 25 Naagtii waxay ku tidhi, Waa ogahay Masiixu inuu imanayo (kan Kiristoos la yidhaahdo); oo markuu yimaado, wax walba ayuu noo sheegi doonaa. 26 Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Anigoo kula hadlaya ayaa ah isaga.
  • Yoox 5:39 : 39 Qorniinka ayaad baadhaan, waayo, waxaad u malaynaysaan inaad nolosha weligeed ah ka helaysaan, waana iyaga kuwa ii marag furayaa.
  • Fal 2:16-18 : 16 Laakiin waxanu waa wixii lagaga dhex hadlay nebi Yoo'eel, 17 Ilaah baa yidhi, Maalmaha ugu dambaysta waxyaalahanu waa noqon doonaan, Ruuxayga ayaan ku shubi doonaa dad oo dhan; Oo wiilashiinna iyo hablihiinnu wax bay sii sheegi doonaan, Raggiinna dhallinyarada ahuna wax bay arki doonaan, Odayaashiinnuna riyooyin bay ku riyoon doonaan; 18 Haah, oo maalmahaas addoommadayda, rag iyo dumarba, Ruuxaygaan ku shubi doonaa, iyaguna wax bay sii sheegi doonaan.
  • Fal 2:29-33 : 29 ¶ Walaalayaalow, waxaan si bayaan ah idiinku sheegi karaa in awowe Daa'uud dhintay, lana aasay, xabaashiisuna ilaa maanta waa inagu dhex taal. 30 Haddaba isagoo nebi ahaa oo ogaa in Ilaah dhaar ugu dhaartay isaga inuu dhashiisa midkood carshigiisa ku fadhiisin doono, 31 wuxuu hore u arkay oo ka hadlay Masiixa sarakiciddiisa inaan isaga Haadees lagu dayn, jidhkiisuna qudhun arag. 32 Ciisahan Ilaah baa sara kiciyey, annagoo dhammuna markhaatiyaal baan ka wada nahay. 33 Haddaba isagoo Ilaah midigtiisa sare loogu qaaday, oo Aabbaha ka helay ballankii Ruuxa Quduuska ahaa, ayuu soo shubay waxan oo aad arkaysaan oo maqlaysaan.
  • Fal 3:18 : 18 Laakiin Ilaah sidaasuu u dhammeeyey waxyaalihii uu hore uga sheegay afafkii nebiyada oo dhan oo ahaa in Masiixu silci doono.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Luuk 4:14-20
    7 aayado
    86%

    14¶ Markaasaa Ciise wuxuu xooggii Ruuxa kula noqday Galili, warkiisuna wuxuu gaadhay dhulka ku wareegsan oo dhan.

    15Sunagogyadoodana ayuu wax ku baray, dhammaanna waa la wada ammaanay isaga.

    16¶ Markaasuu wuxuu yimid Naasared oo ahayd meeshuu ku koray, oo maalintii sabtida sida caadadiisu ahayd ayuu sunagogga galay, wuuna istaagay inuu wax akhriyo.

    17Waxaa loo dhiibay kitaabkii Nebi Isayos, oo goortuu kitaabkii furay ayuu helay meeshii lagu qoray,

    18Ruuxii Rabbiga ayaa i dul jooga, Waayo, wuxuu ii subkay inaan war wanaagsan masaakiinta ku wacdiyo, Wuxuuna ii soo diray inaan kuwa xidhan furriinnimada ogeysiiyo Iyo kuwa indhaha la' soo celinta araggooda Iyo inaan kuwa nabaraysan soo furfuro,

    19Iyo inaan dadka ogeysiiyo sannadda qaabbilaadda ah ee Rabbiga.

    20¶ Intuu kitaabkii duudduubay ayuu midiidinka u dhiibay oo fadhiistay; oo dadkii sunagoggii ku jiray oo dhan ayaa indhaha ku taagay.

  • Luuk 4:22-23
    2 aayado
    79%

    22Kulligood markhaati bay ahaayeen, wayna ka yaabeen hadallada nimcada leh oo afkiisa ka soo baxay, markaasay yidhaahdeen, Kanu miyaanu ahayn wiilkii Yuusuf?

    23Kolkaasuu ku yidhi, Shakila'aan waxaad masaalkan igu odhan doontaan, Dhakhtarow, isbogsii. Wax kastoo aannu maqalnay oo Kafarna'um lagu sameeyey, halkan dhulkaagana ku samee.

  • Mark 6:1-2
    2 aayado
    74%

    1¶ Meeshaas ayuu ka tegey oo waddankiisii yimid, xertiisiina way soo raaceen.

    2Goortii sabtida la gaadhay ayuu bilaabay inuu sunagogga wax ku baro; dad badan oo maqlayaana way la yaabeen, oo waxay yidhaahdeen, Ninkanu xaggee buu waxyaalahan ka helay? Oo xigmaddan la siiyeyna maxay tahay in xataa shuqulladan oo xoogga leh gacmihiisu sameeyaan?

  • 14inay noqoto wixii nebi Isayos lagaga dhex hadlay, isagoo leh,

  • 4Waxanu waa dhaceen in la arko wixii nebiga lagaga dhex hadlay markuu yidhi,

  • 17si ay u noqoto wixii lagaga dhex hadlay nebi Isayos isagoo leh,

  • 21¶ Markaasay Kafarna'um galeen, oo markiiba sabtida wuxuu galay sunagogga oo dadka wax baray.

  • 44¶ Sunagogyada Galilina ayuu dadka ka dhex wacdiyi jiray.

  • 1¶ Goortuu hadalladiisa ku dhammeeyey dadka dhegaysadkooda ayuu Kafarna'um galay.

  • 27Markaasuu ka bilaabay Muuse iyo nebiyada oo dhan, Qorniinka oo dhanna ayuu uga micneeyey wixii isaga qudhiisa ku saabsanaa.

  • 37Idinka qudhiinnu waad taqaaniin ereygaas lagu faafiyey Yahuudiya oo dhan oo laga soo bilaabay Galili, baabtiiskii Yooxanaa ku wacdiyey dabadeed,

  • 54Oo markuu waddankiisa yimid, ayuu sunagoggooda wax ku baray, sidaa darteed way yaabeen oo yidhaahdeen, Ninkanu xaggee buu ka helay xigmaddan iyo shuqulladan xoogga leh?

  • 28Markii kuwii sunagogga ku jiray oo dhan waxaas maqleen ayay aad u cadhoodeen.

  • Luuk 4:30-32
    3 aayado
    71%

    30Laakiin isagu intuu dhex maray ayuu iska tegey.

    31¶ Wuxuuna u degay Kafarna'um oo magaalada Galili ah. Oo maalmihii sabtida ayuu dadka wax barayay.

    32Waxbariddiisiina way la yaabeen, waayo, hadalkiisu amar buu lahaa.

  • 41Waxyaalahaas Isayos ayaa yidhi, maxaa yeelay, ammaantiisuu arkay, wuuna ka hadlay isaga.

  • 14Iyagay u noqotay waxsheegidda Isayos iyadoo leh, Maqal baad ku maqli doontaan mana garan doontaan, Idinkoo arkaya wax baad arki doontaan, idiinmana dhaadhici doonto.

  • 28Markiiba warkiisii waa gaadhay dhulkii Galili ku wareegsanaa oo dhan.

  • Luuk 7:21-22
    2 aayado
    70%

    21Saacaddaas qudheeda ayuu dad badan ka bogsiiyey bukaankooda iyo cudurradooda iyo jinniyadooda sharka leh. Indhoolayaal badanna wuxuu ugu roonaaday inay wax arkaan.

    22Markaasaa Ciise u jawaabay oo ku yidhi, Taga oo Yooxanaa uga warrama waxaad aragteen iyo waxaad maqasheen. Kuwii indhaha la'aa wax bay arkaan, kuwii lugahala'aana way socdaan, kuwii baraska qabayna waa la nadiifiyey, kuwii dhegahala'aana wax bay maqlaan, kuwii dhintayna waa la kiciyey, masaakiintana injiilka waa lagu wacdiyaa,

  • 26Markaasay wada yaabeen oo Ilaah ammaaneen, aad bayna u baqeen, oo waxay yidhaahdeen, Maanta waxaannu aragnay waxyaalo yaab leh.

  • 44¶ Wuxuu ku yidhi, Kuwani waa hadalladaydii aan idinkula hadlay intii aan weli idinla jiray. Waa inay noqdaan wax walba oo sharciga Muuse iyo nebiyadii iyo sabuurrada laygaga qoray oo igu saabsanaa.

  • 22Waxaas oo dhan waxay u dhaceen in la arko wixii Rabbigu kaga dhex hadlay nebiga, isagoo leh,

  • 45¶ Dadkii oo dhan oo maqlaya, ayuu xertiisii ku yidhi,

  • 2Markaasuu wax badan masaallo ku baray, oo intuu wax barayay ayuu iyaga ku yidhi,

  • 22Waayo, kuwanu waa maalmo aargudasho in wixii la qoray oo dhammu ay noqdaan.

  • 2Kolkaasuu afkiisa kala qaaday oo wax baray, isagoo leh.

  • 11Dadkii badnaa ayaa yidhi, Kanu waa nebiga Ciise la yidhaahdo oo ka yimid Naasared tii Galili.

  • 38Dadka oo dhammuna aroortii ayay macbudka ugu iman jireen inay dhegaystaan.

  • Luuk 1:64-65
    2 aayado
    69%

    64Kolkiiba afkiisii ayaa furmay, oo carrabkiisiina waa debcay, markaasuu hadlay oo Ilaah ammaanay.

    65Dadkii agtooda joogay oo dhammu way wada cabsadeen, oo hadalladan oo dhan waa lagaga hadlayay dalkii buuraha lahaa oo Yahuudiya oo dhan.

  • 16Laakiin waxaa barakaysan indhihiinna, waayo, wax bay arkaan, iyo dhegihiinna, waayo, wax bay maqlaan.

  • 38inuu noqdo hadalka nebi Isayos oo uu ku hadlay, Rabbiyow, yaa warkayagii rumaystay, Oo yaa gacantii Rabbiga loo muujiyey?

  • 1¶ Te'ofilosow, hadalkii hore waxaan ka qoray wax kasta oo Ciise bilaabay inuu sameeyo oo baro

  • 2Sidii Nebi Isayos u qoray, Eeg, waxaan hortaada soo dirayaa wargeeyahayga, Kan jidkaaga diyaargarayn doona;

  • 19Wuxuu ku yidhi, Wax maxay ah? Waxay ku yidhaahdeen, Wixii ku saabsanaa Ciisihii Reer Naasared, kii ahaa nin nebi ah oo xoog u lahaa wax falniin iyo hadal ah Ilaah iyo dadka oo dhan hortooda,

  • 39Wuxuu galay sunagogyadoodii Galili ku yiil oo dhan; dadkana ayuu ka wacdiyey, jinniyadiina ayuu dadka ka saaray.

  • Mark 7:34-35
    2 aayado
    68%

    34Markaasuu cirka kor u eegay, wuuna taahay oo ku yidhi, Efata, waxa weeye, Furan.

    35Markiiba dhegihiisa waa furmeen oo carrabkiisii xidhnaa waa debcay, oo si bayaan ah ayuu u hadlay.

  • 1¶ Ruuxii Sayidka Rabbiga ah ayaa i dul jooga, waayo, wuxuu Rabbigu ii subkay inaan war wanaagsan masaakiinta ku wacdiyo, wuxuuna ii soo diray inaan kuwa qalbiga jaban bogsiiyo, iyo inaan maxaabiista xornimada ogeysiiyo, kuwa xidhanna furriinnimada,

  • 1¶ Maalmahaa middood intuu Ciise dadka macbudkii wax ku barayay oo injiilka kaga dhex wacdiyeyey, waxaa dhacay in wadaaddada sare iyo culimmada ula yimaadeen waayeellada