Luukos 21:22

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waayo, kuwanu waa maalmo aargudasho in wixii la qoray oo dhammu ay noqdaan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ish 63:4 : 4 Waayo, maalintii aarsashadu qalbigaygay ku jirtay, oo kuwaygii aan furtay sannaddoodu waa timid.
  • Hos 9:7 : 7 Maalmihii ciqaabiddu waa yimaadeen, oo maalmihii abaalmarintu waa yimaadeen. Dadka Israa'iilna way ogaan doonaan. Nebigu waa nacas, ninkii ruuxa lahuna waa waalan yahay, waana xumaantaada badatay aawadeed, iyo cadownimada badatay aawadeed.
  • Ish 34:8 : 8 Waayo, taasu waa maalinta aarsashada Rabbiga, iyo sannaddii abaalgudka dacwaddii Siyoon loo qabay.
  • Ish 61:2 : 2 iyo inaan dadka ogeysiiyo sannadda qaabbilaadda ah ee Rabbiga iyo maalintii aarsashada Ilaahayaga, iyo inaan kuwa baroorta oo dhan u qalbi qaboojiyo,
  • Sak 11:1-3 : 1 ¶ Lubnaanay, albaabbadaada fur in dab baabbi'iyo geedahaaga kedarka ah. 2 Geed beroosh ahow, ooya, waayo, geedkii kedarka ahaa waa dhacay, maxaa yeelay, kuwii qurqurxoonaa waa la kharribay. Kuwiinna geedaha alloonka ah oo Baashaan yahow, ooya, waayo, kayntii adkayd waa dhacday. 3 Waxaa yeedhaya codkii baroortii adhijirrada! Waayo, sharaftoodii waa la kharribay! Waxaa yeedhaya codkii cida aaran libaaxyada! Waayo, kibirkii Urdun waa la kharribay.
  • Sak 14:1-2 : 1 ¶ Bal eeg, waxaa imanaysa maalintii Rabbiga ee waxaagii la dhacay dhexdaada lagu qaybsan doono. 2 Waayo, quruumaha oo dhan waan u soo wada ururin doonaa inay Yeruusaalem la diriraan, oo magaalada waa la qabsan doonaa, guryahana waa la dhici doonaa, naagahana waa la kufsan doonaa, oo magaalada badhkeedna maxaabiis ahaan baa loo kaxaysan doonaa, laakiinse dadka intiisii hadhay magaalada lagama baabbi'in doono.
  • Mal 4:1 : 1 ¶ Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, maalintii waa imanaysaa oo waxay u qaxmaysaa sidii foorno oo kale, oo kuwa kibirka leh oo dhan iyo kuwa xumaanta ka shaqeeya oo dhammuba waxay ahaan doonaan jirrido jajab ah, oo maalinta imanaysa ayaa iyaga gubi doonta, taasuna iyaga uma reebi doonto xidid iyo laan toona.
  • Mat 1:22 : 22 Waxaas oo dhan waxay u dhaceen in la arko wixii Rabbigu kaga dhex hadlay nebiga, isagoo leh,
  • Mark 13:19-20 : 19 Waayo, maalmahaas waxay ahaan doonaan dhib sida mid aan jirin tan iyo bilowgii abuurniinta oo Ilaah abuuray, mana jiri doonto weligeed. 20 Oo haddaan Rabbigu wakhtigaas gaabin, ninna ma uu badbaadeen, laakiin kuwuu doortay aawadood ayuu wakhtigaas u gaabshay.
  • Room 2:5 : 5 Laakiin engegnaantaada iyo toobadla'aanta qalbigaaga aawadood waxaad cadho u urursanaysaa maalinta cadhada iyo muuqashada xukunka xaqa ah oo Ilaah,
  • 2 But 2:9 : 9 Rabbigu waa yaqaan sida kuwa cibaadada leh jirrabaadda looga samatabbixiyo iyo sida kuwa aan xaqa ahayn loo hayo iyagoo ciqaaban ilaa maalinta xisaabta,
  • 2 But 3:7 : 7 Laakiinse samooyinka haatan jira iyo dhulkaba isku eray baa dab loogu kaydiyey, oo waxaa loo hayaa maalinta xisaabta iyo halligaadda dadka cibaadalaawayaasha ah.
  • Ish 65:12-16 : 12 waxaan idinka dhigi doonaa kuwa seefta ku le'da, oo dhammaantiinna waxaad u wada foororsan doontaan in laydin gowraco, maxaa yeelay, markaan idiin yeedhay iima aydaan jawaabin, oo markaan idinla hadlayna, ima aydaan maqlin, laakiinse wax indhahayga hortooda shar ku ahaa baad samayseen, oo waxaad doorateen wax aanan ku farxin. 13 ¶ Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, addoommadaydu wax bay cuni doonaan, idinkuse waad gaajaysnaan doontaan, addoommadaydu wax bay cabbi doonaan, idinkuse waad harraadsanaan doontaan, addoommadaydu way rayrayn doonaan, idinkuse waad ceeboobi doontaan, 14 addoommadaydu farxadda qalbigooda ayay la gabyi doonaan, idinkuse murugta qalbigiinna ayaad la ooyi doontaan, oo dhibta ruuxiinna ayaad la barooran doontaan. 15 Oo magiciinna ayaad kuwayga aan doortay ugu dayn doontaan, inuu habaar lagu dhaarto u noqdo, oo Sayidka Rabbiga ah ayaa idin layn doona, oo addoommadiisana magac kaluu u bixin doonaa. 16 Kii isagoo dalka jooga isu duceeyaa wuxuu isugu ducayn doonaa Ilaaha runta, oo kii isagoo dalka jooga dhaartaana wuxuu ku dhaaran doonaa Ilaaha runta, waayo, dhibaatooyinkii hore waa la illoobay, indhahaygana way ka qarsoon yihiin.
  • Yer 51:6 : 6 Baabuloon dhexdeeda ka carara, oo nin kastaaba naftiisa ha la baxsado. Xumaanteeda ha ku dhex baabbi'ina, waayo, haatan waa wakhti uu Rabbigu ka aarsan doono, oo iyada wuu abaalmarin doonaa.
  • Daan 9:24-27 : 24 Toddobaatan toddobaad baa loo qabtay dadkaaga iyo magaaladaada quduuska ah, in xadgudubka la joojiyo, oo dembiyada la dhammeeyo, oo xumaanta laga heshiiyo, oo la keeno xaqnimo weligeed ah, iyo in la shaabadeeyo waxyaalo lays tuso iyo waxyaalo la sii sheego, iyo in la subko kan ugu quduusan. 25 Haddaba ogow oo garo in tan iyo markii amarku soo baxay in Yeruusaalem la soo celiyo oo la dhiso ilaa uu yimaado Kan subkan oo ah amiirka waxaa ahaan doona toddoba toddobaad, iyo laba iyo lixdan toddobaad; haddana wakhtiyada cidhiidhiga ah waa la dhisi doonaa oo waxaa loo yeeli doonaa jidad iyo derbi. 26 Oo laba iyo lixdanka toddobaad dabadood ayaa Kan subkan la gooyn doonaa waxbana ma haysan doono, oo dadka amiirka iman doona ayaa baabbi'in doona magaalada iyo meesha quduuska ah oo dhammaadkiisuna wuxuu ahaan doona mid daad leh, oo xataa ilaa ugu dambaysta waxaa jiri doona dagaal; baabba'na waa la goostay. 27 Oo toddobaad ayuu kuwo badan axdi kula dhigan doonaa: markaasuu toddobaadka badhtankiisa joojin doonaa allabariga iyo qurbaankaba; oo dushiisa waxaa ku iman doona mid wax baabbi'iya ilaa dhammaadkii la goostay lagu dejiyo kan wax baabbi'iya.
  • Laaw 26:14-33 : 14 ¶ Laakiinse haddaad i dhegaysan weydaan, oo aydaan amarradan oo dhan wada yeelin, 15 iyo haddaad qaynuunnadayda diiddaan, iyo haddii naftiinnu xukummadayda karahdo, oo aad amarradayda oo dhan wada yeeli weydaan, illowse aad igu axdi furtaan, 16 markaasaan aniguna waxyaalahan idinku samayn doonaa. Naxdin baan idinku soo dejin doonaa, taasoo ah baabbi'id iyo qandho indhaha idinka ridda oo naftana idinka dullaysa, oo abuurkiinnana waxtarla'aan baad u beeran doontaan, waayo, waxaa iska cuni doona cadaawayaashiinna. 17 Oo anna gees baan idinka noqon doonaa, oo cadaawayaashiinna hortooda baa laydinku layn doonaa, oo waxaa idiin talin doona kuwo idin neceb, waadna iska carari doontaan iyadoo aan ninna idin eryanayn. 18 Oo weliba haddaydnan waxyaalahaas daraaddood ii dhegaysan, haddana toddoba jeer oo kale ayaan dembiyadiinna aawadood idiin edbin doonaa. 19 Waanan jebin doonaa kibirka xooggiinna, oo samadiinnana waxaan ka dhigi doonaa sida bir oo kale, dhulkiinnana sida naxaas oo kale. 20 Oo xooggiinnuna waxtarla'aan buu idinkaga dhammaan doonaa, waayo, dhulkiinnu midho ma dhali doono, oo dhirta dalka ku taalna midho kama soo bixin doonaan. 21 Oo haddaad i sii caasisaan oo aydaan i dhegaysan, toddoba jeer oo kale ayaan belaayo idiinku soo dejin doonaa siday dembiyadiinnu yihiin. 22 Oo waxaan dhexdiinna ku soo dayn doonaa dugaagga duurka, kuwaasoo carruurtiinna idinka dhifan doona, oo xoolihiinna baabbi'in doona, oo idin kala yarayn doona, oo jidadkiinnuna cidla bay noqon doonaan. 23 Oo weliba waxyaalahaas daraaddood haddaad edeb ku soo yeelan weydaan, laakiinse aad i sii caasisaan, 24 markaas aniguna gees baan idinka ahaan doonaa oo waan idin layn doonaa, xataa toddoba jeer ayaan dembiyadiinna aawadood idiin layn doonaa. 25 Oo waxaan idinku soo dejin doonaa seef idinka aargudda aanadii axdiga, oo magaalooyinkiinna waad ku soo wada ururi doontaan, oo anna belaayo waan idinku dhex ridi doonaa, markaasaad cadowga u gacangeli doontaan. 26 Oo markaan usha kibistiinna jebiyo, toban naagood ayaa kibistiinna isku foorno ku dubi doonta, oo haddana waxay kibistiina idinku siin doonaan miisaan, oo kolkaad cuntaanna kama dhergi doontaan. 27 ¶ Oo haddaad waxyaalahaas oo dhan igu dhegaysan weydaan, illowse aad i sii caasisaan, 28 markaasaan aniguna gees idinka ahaan doonaa, waanan xanaaqi doonaa, oo dembiyadiinna aawadoodna ayaan toddoba jeer oo kale idiin edbin doonaa. 29 Oo waxaad cuni doontaan hilibka wiilaashiinna, oo waxaad cuni doontaan hilibka gabdhihiinna. 30 Oo anigu meelihiinna sarsare waan dumin doonaa, oo sanamyadiinna qorraxdana waan wada baabbi'in doonaa, oo meydadkiinnana waxaan ku dul xoori doonaa meydka sanamyadiinna; oo naftayduna way idin karhi doontaa. 31 Oo magaalooyinkiinna baabba' waan ka dhigi doonaa, oo meeshiinna quduuska ahna cidla waan ka dhigi doonaa, oo weliba carafta fooxiinna udgoon ma aan ursan doono. 32 Oo weliba dalkana cidla baan ka dhigi doonaa, oo cadaawayaashiinna dalka dhex degganuna taas way la yaabi doonaan. 33 Oo waxaan idinku kala dhex firdhin doonaa quruumaha, oo seef gal la' waan idinla daba geli doonaa, dalkiinnuna cidla buu noqon doonaa, oo magaalooyinkiinnuna baabba' bay noqon doonaan.
  • Sharc 28:15-68 : 15 ¶ Laakiinse haddaydnan dhegaysan codka Rabbiga Ilaahiinna ah, inaad xajisaan oo aad wada yeeshaan amarradiisa iyo qaynuunnadiisa aan maanta idinku amrayo, markaas inkaarahan oo dhammu way idinku soo degi doonaan oo idin soo gaadhi doonaan. 16 Waxaad ku inkaarnaan doontaan magaalada oo waxaad ku inkaarnaan doontaan duurka. 17 Waxaa inkaarnaan doona dambiishiinna iyo weelkiinna aad wax ku cajiintaan. 18 Oo waxaa inkaarnaan doona midhaha jidhkiinna iyo midhaha dhulkiinna, iyo dhasha lo'diinna iyo tan idihiinna. 19 Oo waad inkaarnaan doontaan markaad gudaha soo gashaan, oo waad inkaarnaan doontaan markaad dibadda u baxdaan. 20 Rabbigu wuxuu idinku soo dejin doonaa inkaar iyo dhibaato, oo wuu idinku canaanan doonaa wax alla wixii aad gacanta ku qabataan oo dhan jeeraad baabba'daan oo aad haddiiba halligantaan, waana sharka falimihiinna, oo aad iiga tagteen aawadiis. 21 Oo Rabbigu wuxuu idinku dhejin doonaa balaayada, jeeruu idinka baabbi'iyo dalka aad u gelaysaan inaad hantidaan. 22 Rabbiguna wuxuu idinku dhufan doonaa taagdarro, iyo qandho, iyo gubasho, iyo kulayl daran, iyo seef, iyo beera-engeeg, iyo caariyaysi, oo iyana way idin eryan doonaan ilaa aad halligantaan. 23 Oo samada idinka korraysaa waxay noqon doontaa naxaas, oo dhulka idinka hooseeyaana wuxuu noqon doonaa bir. 24 Oo Rabbigu roobka dalkiinna wuxuu ka dhigi doonaa budo iyo boodh, oo waxaasu samaday idinkaga soo degi doonaan ilaa aad baabba'daan. 25 Oo Rabbigu wuxuu ka dhigi doonaa in laydinku laayo cadaawayaashiinna hortooda, oo iyaga jid qudha baad kaga iman doontaan, oo hortooda ayaad toddoba jid ku kala carari doontaan, oo boqortooyooyinka dunida oo dhammu waad ku dhex rogrogmi doontaan hore iyo dib. 26 Oo meydkiinnu wuxuu cunto u noqon doonaa haadka hawada oo dhan iyo dugaagga dhulka, oo mid iyaga ka eryana lama arki doono. 27 Oo Rabbigu wuxuu idinku ridi doonaa boogtii Masar, iyo kasoobaxyo, iyo cadho, iyo xajiin aydaan ka bogsan karin. 28 Oo weliba Rabbigu wuxuu idinku ridi doonaa waalli iyo indhabbeel iyo naxdin. 29 Oo hadhkii baad u haabhaaban doontaan sida indhooluhu gudcurka u haabhaabto, oo jidadkiinna kuma liibaani doontaan, laakiinse had iyo goorba waa laydin dulmi doonaa oo waa laydin dhici doonaa, oo mid idin badbaadiyana lama arki doono. 30 Naag baad guursan doontaa, laakiinse nin kalaa la seexan doona, guri baad dhisan doontaa, laakiinse degi maysid, beercanab baad beeran doontaa, laakiinse midhihiisa ku isticmaali maysid. 31 Dibigaaga ayaa hortaada lagu gowrici doono, idahaagana waxaa la siin doonaa cadaawayaashaada, oo mid ku badbaadiyana lama arki doono. 32 Wiilashiinna iyo gabdhihiinna waxaa la siin doonaa dad kale, oo indhihiinnuna way eegi doonaan, oo maalinta oo dhan waxaad la taag darnaan doontaan xiiso aad iyaga u qabtaan, oo gacantiinnuna xoog ma yeelan doonto innaba. 33 Oo midhaha dhulkiinna iyo hawshiinna oo dhan waxaa cuni doona quruun aydaan aqoon, oo weligiin waxaad ahaan doontaan dad la dulmo oo la burburiyo, 34 oo taas daraaddeed waxaad la waalan doontaan waxa indhihiinnu arki doonaan. 35 Oo Rabbigu lowyaha iyo lugaha tan iyo tin iyo cedhib wuxuu idinka gelin doonaa boogo aydaan ka bogsan karin. 36 Oo Rabbigu wuxuu idinka iyo boqorkiinna aad boqran doontaanba u geeyn doonaa quruun idinka iyo awowayaashiinba aydaan aqoon, oo halkaas waxaad ugu adeegi doontaan ilaahyo kale oo qoryo iyo dhagax ah. 37 Oo dadyowga Rabbigu idiin geeyn doono oo dhan dhexdooda waxaad ku ahaan doontaan yaab iyo maahmaah iyo halqabsi. 38 Waxaad beerta u qaadan doontaan abuur badan, wax yar baadse ka soo urursan doontaan, maxaa yeelay, waxaa cuni doona ayax. 39 Waxaad beeran doontaan beero canab ah, waanad fali doontaan, laakiinse khamrina ma cabbi doontaan, canabna kama guran doontaan, waayo, waxaa cuni doona dixiri. 40 Oo soohdimihiinna oo dhan dhexdooda waxaa idiinku oolli doona geedo saytuun ah, laakiinse saliid kuma subkan doontaan, waayo, saytuunkiinna midhuhu way ka daadan doonaan. 41 Waxaad dhali doontaan wiilal iyo gabdho, laakiinse iyagu kuwiinna ma ahaan doonaan, maxaa yeelay, maxaabiis ahaan bay idiinka tegi doonaan. 42 Dhirtiinna oo dhan iyo midhaha dhulkiinnaba waxaa lahaan doona ayax. 43 Oo qariibka dhexdiinna ku jira ayaa idinka sare mari doona, oo idinkuna hoos baad u sii degi doontaan. 44 Oo isagu wax buu idin deymin doonaa, idinkuse wax ma deymin doontaan, madaxa buu noqon doonaa, idinkuse dabada baad noqon doontaan. 45 Inkaarahan oo dhammu idinkay idinku soo degi doonaan, wayna idin eryan doonaan oo idin soo gaadhi doonaan ilaa aad baabba'daan, maxaa yeelay, ma aydaan dhegaysan codka Rabbiga Ilaahiinna ah, inaad xajisaan amarradiisa iyo qaynuunnadiisa uu idinku amray. 46 Oo waxay calaamad iyo yaab ku dul ahaan doonaan idinka iyo farcankiinnaba weligiin, 47 maxaa yeelay, idinku Rabbiga Ilaahiinna ah wax kasta oo uu idinku badiyey aawadood uguguma aydaan adeegin faraxsanaan iyo qalbi reyreeya. 48 Haddaba sidaas daraaddeed cadaawayaashiinna Rabbigu idiin soo diri doono ayaad ugu adeegi doontaan gaajo iyo harraad iyo qaawanaan, idinkoo wax kasta u baahan, oo wuxuu qoorta idinka saari doonaa harqood bir ah, ilaa uu idin baabbi'iyo. 49 Rabbigu wuxuu meel fog oo dhulka darafkiisa ah idinkaga keeni doonaa quruun sida gorgorka u duulaysa oo aydaan afkeeda garanayn, 50 oo ah quruun weji cabsi badan, oo aan dadka waayeelka ah maamuusin, aan dhallaankana u nixin. 51 Oo dadkaasu wuxuu cuni doonaa midhaha xoolihiinna iyo midhaha dhulkiinna, ilaa aad baabba'daan, oo weliba idiinkama tegi doono hadhuudh, iyo khamri, iyo saliid, iyo dhasha lo'diinna, iyo tan idihiinna, ilaa uu idin halligo. 52 Oo meel kasta oo dhulkiinna ah ayuu dhammaan irdihiinna idinku hareerayn doonaa ilaa derbiyadiinna deyrka dheer ee aad isku hallayseen ay soo wada dhacaan, oo wuxuu idinku hareerayn doonaa irdihiinna oo dhan ee dhulka Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siiyey oo dhan. 53 Oo waxaad cuni doontaan midhaha jidhkiinna, kaasoo ah hilibka wiilashiinna iyo gabdhihiinna Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siiyey, waana markaad gashaan hareeraynta iyo cidhiidhiga ay cadaawayaashiinnu idinku cidhiidhin doonaan. 54 Ninka idinku dhex jira oo idiinku jilicsan, oo qabow ku noolaan jiray, wuxuu il shar ah ku dayi doonaa walaalkiis, iyo naagtiisa laabta kaga jiifta, iyo kuwa carruurtiisa ka hadhay, 55 si uusan midkoodna wax uga siin hilibka carruurtiisa oo uu cuni doono, maxaa yeelay, isaga waxba uma hadhi doonaan intii uu ku jiro hareeraynta iyo cidhiidhiga ay cadaawayaashiinnu irdihiinna oo dhan idinkaga cidhiidhin doonaan. 56 Oo naagta jilicsan, oo idinku dhex jirta oo qabow ku noolaan jirtay oo aan u quudhin inay cagteeda cad dhulka dhigto nolosheedii qaboobayd oo jilicsanayd aawadeed, waxay il shar ah ku dayi doontaa ninkeeda laabta kaga jiifa, iyo wiilkeeda iyo gabadheeda. 57 Wayna ka qarsan doontaa mandheerta ka soo dhex baxdo labadeeda lugood, iyo carruurteeda ay dhasho, waayo, qarsoodi bay iyaga u cuni doontaa iyadoo wax kasta u baahan, intay ku jirto hareeraynta iyo cidhiidhiga ay cadaawayaashiinnu irdihiinna oo dhan idinkaga cidhiidhin doonaan. 58 Haddeydnan dhawrin oo wada yeelin erayada sharcigan ee kitaabkan ku qoran oo dhan inaad ka cabsataan magacan ammaanta badan oo cabsida badan oo ah RABBIGA ILAAHIINNA AH, 59 markaas Rabbigu wuxuu idinka iyo farcankiinnaba ku ridi doonaa belaayooyin yaab leh oo waaweyn oo wakhti dheer idinku raaga, iyo cudurro xunxun oo wakhti dheer idinku raaga, iyo cudurro xunxun oo wakhti dheer idinku raaga. 60 Oo haddana wuxuu idinku soo dejin doonaa cudurradii Masar oo dhan oo aad ka cabsan jirteen, oo way idinku dhegi doonaan. 61 Oo weliba Rabbigu wuxuu kaloo idinku soo dejin doonaa ilaa aad wada baabba'daan cudur kasta iyo belaayo kasta oo aan ku qornayn kitaabka sharcigan. 62 Oo in kastoo aad u faro badnaydeen sida xiddigaha samada oo kale waxaa uun idinka hadhi doona in yar oo dhawr ah, maxaa yeelay, codkii Rabbiga Ilaahiinna ah ayaad dhegaysan weydeen. 63 Oo sidii Rabbigu idiinku farxay inuu wanaag idiin sameeyo oo uu idin badiyo, ayuu sidaas oo kale ugu farxi doonaa inuu idin halligo oo idin baabbi'iyo, oo idinka waa laydinka rujin doonaa dalka aad ugu socotaan inaad hantidaan. 64 Oo Rabbigu wuxuu idinku kala dhex firdhin doonaa dadyowga oo dhan, iyo tan iyo dunida geesteed iyo ilaa geesteeda kale, oo halkaas waxaad ugu adeegi doontaan ilaahyo kale oo qoryo iyo dhagax ah oo aydaan aqoon idinka iyo awowayaashiin toona. 65 Oo quruumahaas dhexdooda istareex kama heli doontaan, oo cagtiinnuna ma nasan doonto, laakiinse Rabbigu wuxuu halkaas idinku siin doonaa qalbigariir, iyo indhabbeel, iyo naf dulloobid. 66 Oo naftiinnana waad u shakiyi doontaan, oo habeen iyo maalinba waad cabsan doontaan, oo noloshiinnana ma aad hubi doontaan innaba. 67 Oo waaberigii waxaad odhan doontaan, Bal may fiid noqoto! Sababtuna waa cabsida aad qalbiga ka cabsan doontaan iyo xumaanta aad indhaha ku arki doontaan. 68 Oo Rabbigu mar dambe wuxuu Masar idinku celin doonaa idinkoo doonniyo ku jira, oo waxaad mari doontaan jidkii aan idinku idhi, Mar dambe ma aad arki doontaan, oo halkaasaad cadaawayaashiinna isugu iibin doontaan, inaad rag iyo dumarba addoommo u ahaataan, oo weliba ninna idinma iibsan doono.
  • Sharc 29:19-28 : 19 oo ay noqon doontaa markuu maqlo habaarkan erayadiisa inuu isagu qalbigiisa ka ducaysto oo isyidhaahdo, Nabad baan heli doonaa, in kastoo aan ku socday madaxadayggayga inaan sakhraannimo ku harraadbeelo. 20 Rabbigu ninkaas saamixi maayo, laakiinse Rabbiga cadhadiisa iyo masayrkiisa ayaa ninkaas ku kululaan doona, oo inkaarta kitaabkan ku qoran oo dhammuna isagay saarnaan doontaa, oo Rabbiguna magiciisa wuu ka tirtiri doonaa inta samada ka hoosaysa oo dhan. 21 Oo Rabbigu wuxuu isaga qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhan uga dhex sooci doonaa inuu belaayo ugu dejiyo siday yihiin dhammaan inkaaraha axdiga ee ku qoran kitaabkan sharciga. 22 Oo qarniga soo socda oo ah carruurtiinna dabadiin kici doonta, iyo shisheeyaha dal fog ka iman doonaaba markay arkaan dalkaas belaayadiisa iyo cudurrada Rabbigu ku riday, 23 iyo in dalka oo dhammu yahay baaruud, iyo cusbo, iyo meel guban, oo aan waxba lagu beerin, aanna dhalin, oo aan cawsna ka bixin innaba sidii markii la afgembiyey Sodom iyo Gomora, iyo Admaah iyo Seboyim oo Rabbigu ku afgembiyey cadhadiisa iyo xanaaqiisa, 24 markaasay quruumaha oo dhammu odhan doonaan, Rabbigu muxuu dalkan sidaas ugu galay? Oo kulaylka xanaaqan weyn micnihiisu waa maxay? 25 Markaasaa dadku waxay odhan doonaan, Maxaa yeelay, iyagu waxay ka tageen axdigii uu Rabbiga ah Ilaaha awowayaashood la dhigtay markuu ka soo bixiyey dalkii Masar, 26 oo intay tageen ayay u adeegeen oo caabudeen ilaahyo kale oo ayan aqoon, isaguna uusan siin, 27 oo sidaas daraaddeed ayaa Rabbigu ugu xanaaqay dalkan, inuu ku soo dejiyo kulli inkaarta kitaabkan ku qoran oo dhan. 28 Oo Rabbigu dhulkoodii ayuu kaga rujiyey cadho iyo xanaaq iyo dhirif weyn, oo wuxuu ku dhex tuuray dal kaleeto siday maantadan tahay.
  • Sharc 32:34 : 34 Tanu sow ilama kaydsana, Iyadoo shaabadaysan oo khasnadahayga ku dhex jirta?
  • Sharc 32:43 : 43 Quruumahow, dadkiisa la reyreeya, Waayo, isagu wuu aaran doonaa dhiiggii addoommadiisa, Oo cadaawayaashiisana wuu ka aarsan doonaa, Oo dalkiisa iyo dadkiisana buu u kafaaro gudi doonaa.
  • Sab 69:22-28 : 22 Miiskoodu hortooda ha ku noqdo dabin, Oo markay nabdoon yihiinna shirqool ha ku noqdo. 23 Indhahoodu ha madoobaadeen si aanay waxba u arkin, Oo simahooduna had iyo goorba ha gariireen. 24 Xanaaqaaga iyaga ku deji, Oo cadhadaada kulaylkeeduna ha qabsado. 25 Gurigoodu cidla ha noqdo, Ninnana yaanu teendhooyinkooda degin, 26 Waayo, iyagu waxay silciyaan kii aad dishay, Oo waxay ka sheekeeyaan kuwaad dhaawacday murugtooda. 27 Xumaantooda xumaan ugu sii dar, Oo yaanay xaqnimadaada soo gelin. 28 Magacooda ha laga tirtiro kitaabka kuwa nool, Oo yaan iyaga lala qorin kuwa xaqa ah.
  • Sab 149:7-9 : 7 Si ay quruumaha uga aargutaan, Oo ay dadyowgana u ciqaabaan, 8 Si ay boqorradooda silsilado ugu soo xidhaan, Oo ay raggooda gobta ahna jeebbooyin bir ah ugu soo xidhaan, 9 Si ay iyaga ugu soo dejiyaan xukunka qoran, Quduusiintiisa oo dhammuna waxay leeyihiin sharaftan. Rabbiga ammaana.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 83%

    23Laakiin waa u hoog kuwa uurka leh iyo kuwa wakhtigaas ilmo nuujinaya, waayo, dhulka dhib weyn ayaa ka dhici doonta, dadkanna cadho.

    24Waxayna ku dhici doonaan seef afkeeda, oo waa la qabsan doonaa, oo quruumaha oo dhan la geeyn doonaa; quruumuhuna Yeruusaalem ayay ku tuman doonaan ilaa wakhtiga quruumuhu ka dhammaado.

    25¶ Calaamooyin ayaa laga arki doonaa qorraxda, iyo dayaxa, iyo xiddigaha; dhulkana waxaa ku jiri doona dhib quruumahu ka welwelaan guuxa badda iyo hirarka aawadood.

  • 81%

    20¶ Laakiin goortaad aragtaan Yeruusaalem oo colal ku wareegsan yihiin, markaas ogaada in hallaynteedu dhow dahay.

    21Markaas kuwa Yahuudiya joogaa buuraha ha u carareen, kuwa gudaheeda ku jiraana ha ka baxeen, kuwa beeraha joogaana yaanay gelin.

  • Mat 24:19-22
    4 aayado
    76%

    19Laakiin waa u hoog kuwa uurka leh iyo kuwa wakhtigaas ilmo nuujinaya.

    20Barya inaan cararkiinnu noqon wakhtiga qabowga ama sabtida.

    21Waayo, markaas waxaa jiri doona dhib weyn sida mid aan jirin tan iyo dunida bilowgeedii ilaa hadda, mana jiri doonto weligeed.

    22Oo haddaan wakhtigaas la gaabin ninna ma uu badbaadeen, laakiin kuwa la doortay aawadood ayaa wakhtigaas loo gaabin doonaa.

  • 76%

    17Laakiin waa u hoog kuwa uurka leh iyo kuwa wakhtigaas ilmo nuujinaya.

    18Barya inaan waxaasu noqon wakhtiga qabowga.

    19Waayo, maalmahaas waxay ahaan doonaan dhib sida mid aan jirin tan iyo bilowgii abuurniinta oo Ilaah abuuray, mana jiri doonto weligeed.

  • Mat 24:15-16
    2 aayado
    74%

    15¶ Haddaba goortaad aragtaan waxa baas oo hallaynta ah ee lagaga hadlay nebi Daanyeel, oo taagan meesha quduuska ah (kii akhriyaa ha garto),

    16markaas kuwa Yahuudiya joogaa, buuraha ha u carareen.

  • 14¶ Laakiin goortaad aragtaan waxa baas oo hallaynta ah oo taagan meeshii uusan lahayn inuu taagnaado (kii akhriyaa ha garto), markaas kuwa Yahuudiya joogaa buuraha ha u carareen.

  • Luuk 21:6-7
    2 aayado
    74%

    6Waxaa imanaya maalmo goortii kuwaas aad arkaysaan aan dhagax dhagax kale dushiisa lagu dul dayn doonin oo aan la dumin doonin.

    7¶ Markaasay weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen, Macallimow, goormay waxyaalahanu ahaan doonaan, oo calaamadu maxay ahaan doontaa goortii waxyaalahanu ay dhowaan doonaan?

  • 74%

    27Markaasay arki doonaan Wiilka Aadanaha oo daruur ku imanaya, isagoo leh xoog iyo ammaan weyn.

    28Laakiin goortii ay waxaasu bilaabaan inay dhacaan, kor eega, madaxyadiinnana kor u qaada, waayo, madaxfurashadiinnu waa dhow dahay.

  • 73%

    31Sidaas oo kale idinkuna goortaad aragtaan waxaas oo dhacaya, garta in boqortooyadii Ilaah dhow dahay.

    32Runtii waxaan idinku leeyahay, Qarniganu ma idlaan doono intaanay wax walba dhicin.

  • 73%

    43Waayo, maalmuhu way kuu iman doonaan markii cadowyadaadu ay xaggaaga dhufays u soo qodan doonaan, oo ay kugu wareegi doonaan oo ay dhinac walba kaa celin doonaan.

    44Way ku dumin doonaan, adiga iyo carruurtaada kugu jirta, oo kuguma dayn doonaan dhagax dhagax dul saaran, waayo, waad garan weyday wakhtigii booqashadaada.

  • 37Waayo, waxaan idinku leeyahay, Waa inuu igu dhammaado qorniinkan leh, Waxaa isaga lagu tiriyey sharcilaawayaasha. Waayo, waxa igu saabsani dhammaad bay leeyihiin.

  • 8Waayo, taasu waa maalinta aarsashada Rabbiga, iyo sannaddii abaalgudka dacwaddii Siyoon loo qabay.

  • 72%

    35Waayo, sidaas oo kale ayaa ku dhacaysa kulli kuwa dunida oo dhan jooga.

    36Laakiin wakhti walbaba soo jeeda, idinkoo Ilaah baryaya inaad xoog yeelataan si aad uga baxsataan waxaas dhici doonaa oo dhan, oo aad Wiilka Aadanaha isu hor taagtaan.

  • 72%

    10Markaasuu ku yidhi, Quruunba quruun bay ku kici doontaa, boqortooyona boqortooyo.

    11Waxaa meelo kala duwan ka dhici doona dhulgariir iyo abaaro iyo cudurro, samadana waxaa laga arki doonaa waxyaalo cabsi leh iyo calaamooyin waaweyn.

    12Waxyaalahan oo dhan hortood gacmahooday idin saari doonaan oo idin silcin doonaan oo idiin dhiibi doonaan sunagogyada iyo xabsiyada, oo waxaa magacayga aawadiis laydiin hor geeyn doonaa boqorro iyo taliyayaal.

  • 36Runtii waxaan idinku leeyahay, Waxyaalahan oo dhan ayaa qarnigan ku dul degi doona.

  • 29waayo, bal eega, wakhtigu waa imanayaa goortay odhan doonaan, Waxaa barakaysan madhashada iyo uurarka aan weligood dhalin iyo naasaha aan weligood la nuugin.

  • 70%

    29Idinkuna sidaas oo kale goortaad aragtaan waxaas oo dhacaya, garta inuu Wiilka Aadanahu dhow yahay oo albaabbada ag joogo.

    30Runtii waxaan idinku leeyahay, Qarniganu ma idlaan doono intaanay waxan oo dhammi dhicin.

  • 28Waxaa yeedhaya codkii kuwa dalka Baabuloon ka sii cararaya oo ka baxsanaya inay Siyoon ka naadiyaan aarsashadii Rabbiga Ilaahayaga ah, taasoo ah aarsashadii macbudkiisa.

  • Mat 24:33-34
    2 aayado
    70%

    33Idinkuna sidaas oo kale goortaad waxan oo dhan aragtaan, garta inuu dhow yahay oo albaabbada ag joogo.

    34Runtii waxaan idinku leeyahay, Qarniganu ma idlaan doono intaanay waxan oo dhammi dhicin.

  • 8Waayo, quruunba quruun bay ku kici doontaa, boqortooyona boqortooyo, oo waxaa meelo kala duwan ka dhici doona dhulgariir iyo abaaro. Waxanu waa bilowga hoogagga.

  • 70%

    30Si la mid ah ayay noqon doontaa maalinta Wiilka Aadanahu soo muuqdo.

    31Maalintaas kii guriga fuushanu, oo alaabtiisu guriga ku jirto, yaanu u soo degin inuu soo qaato; kii beerta joogaana sidaas oo kale yaanu dib u noqon.

  • Mat 10:21-23
    3 aayado
    70%

    21Walaalba walaalkiis wuxuu u dhiibi doonaa in la dilo, aabbena wiilkiisa, carruurna waalidkood ayay ku kici doonaan oo dhimashay gaadhsiin doonaan.

    22Dadka oo dhan ayaa magacayga aawadiis idiin necbaan doona, laakiin kan ilaa ugu dambaysta adkaysta, kaasaa badbaadi doona.

    23Laakiin goortay magaaladan idinku silciyaan, tan kale u carara, waayo, runtii waxaan idinku leeyahay, Magaalooyinka Israa'iil ma wada gaadhi doontaan ilaa Wiilka Aadanahu yimaado.

  • 15Maalintaasu waa maalin ay cadho jirto, oo waa maalin ay jiraan dhibaato iyo cidhiidhi, oo waa maalin ay jiraan dumin iyo baabbi'in, oo waa maalin ay jiraan gudcur iyo mugdi madow, oo waa maalin ay jiraan daruuro iyo gudcur dam ah,

  • 24¶ Laakiin wakhtigaas, dhibtaas dabadeed, qorraxdu waa madoobaan doontaa, dayaxuna ma nuuri doono,

  • 4Waayo, maalintii aarsashadu qalbigaygay ku jirtay, oo kuwaygii aan furtay sannaddoodu waa timid.

  • 17waayo, waxaa timid maalintii weynayd oo cadhadooda; bal yaa awooda inuu istaago?

  • 17Dadka oo dhan ayaa magacayga aawadiis idiin necbaan doona.

  • 21Markaasuu bilaabay inuu ku yidhaahdo, Maanta Qorniinkan dhegihiinnu maqlay waa rumoobay.

  • 21Haddaba sidaas daraaddeed carruurtooda abaar u gacangeli, oo waxaad iyaga u gudbisaa xoogga seefta, oo naagahooduna ha gablameen, oo carmallo ha noqdeen, oo raggoodana ha la laayo, oo barbaarradoodana seef ha lagu dilo dagaalka dhexdiisa.