Yooxanaa 7:15
Sidaa aawadeed Yuhuuddii ayaa la yaabtay iyagoo leh, Sidee baa kanu qorniinka u yaqaan isagoo aan weligiis baran?
Sidaa aawadeed Yuhuuddii ayaa la yaabtay iyagoo leh, Sidee baa kanu qorniinka u yaqaan isagoo aan weligiis baran?
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
13Haddaba ninna bayaan isaga ugama hadlin cabsiday ka cabsanayeen Yuhuudda aawadeed.
14¶ Laakiin markay ahayd iidda dhexdeeda Ciise wuxuu u kacay macbudka, wax ayuuna ku baray.
45¶ Saraakiishii haddaba waxay u yimaadeen wadaaddadii sare iyo Farrisiintii, iyaguna waxay ku yidhaahdeen, Maxaad u keeni weydeen?
46Saraakiishii waxay ugu jawaabeen, Ninna weligiis uma hadlin sida ninkaasi u hadlay.
16Ciise ayaa haddaba u jawaabay oo ku yidhi, Waxbariddaydu tayda ma aha, laakiin waxaa leh kan i soo diray.
2Goortii sabtida la gaadhay ayuu bilaabay inuu sunagogga wax ku baro; dad badan oo maqlayaana way la yaabeen, oo waxay yidhaahdeen, Ninkanu xaggee buu waxyaalahan ka helay? Oo xigmaddan la siiyeyna maxay tahay in xataa shuqulladan oo xoogga leh gacmihiisu sameeyaan?
46Waxaa noqotay, saddex maalmood dabadeed, inay macbudka ka heleen isagoo macallimiinta dhex fadhiya oo dhegaysanaya oo wax weyddiinaya.
47Dadkii maqlay oo dhan ayaa la yaabay garashadiisii iyo jawaabihiisii.
21¶ Markaasay Kafarna'um galeen, oo markiiba sabtida wuxuu galay sunagogga oo dadka wax baray.
22Waxayna la yaabeen wax bariddiisa, waayo, wuxuu wax u barayay sida mid amar leh, oo uma uu baraynin sida culimmada.
11Yuhuuddu haddaba iidday ka dooneen, oo waxay yidhaahdeen, Xaggee buu joogaa?
29Waxaannu garanaynaa inuu Ilaah la hadlay Muuse, laakiinse ninkanu meeshuu ka yimid garan mayno.
30Ninkii baa u jawaabay oo ku yidhi, Waxakanu waa yaab inaydnaan garanaynin meeshuu ka yimid, isaguna uu indhaha ii furay.
33Dadkii badnaa goortay taas maqleen ayay waxbariddiisii ka yaabeen.
13¶ Markay arkeen Butros iyo Yooxanaa dhiirranaantoodii, oo ay garteen inay yihiin niman aan wax baran, jaahiliinna ah, ayay yaabeen; markaasay garteen inay Ciise la joogi jireen.
28¶ Waxaa dhacay goortii Ciise hadalladan dhammeeyey, in dadkii oo dhammu waxbariddiisa la yaabeen,
29waayo, wuxuu wax u barayay sida mid amar leh oo uma uu baraynin sida culimmada.
21Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Shuqul keliya ayaan sameeyey, kulligiinna waad la yaabteen.
18Sidaa aawadeed Yuhuuddu waa u jawaabtay oo ku tidhi isaga, Calaamadee baad na tusaysaa waxaad waxyaalahaas u samaynayso?
10Markaasaa Ciise u jawaabay oo ku yidhi, Ma waxaad tahay macallinka Israa'iil, oo aadan weliba waxyaalahaasna garanayn?
54Oo markuu waddankiisa yimid, ayuu sunagoggooda wax ku baray, sidaa darteed way yaabeen oo yidhaahdeen, Ninkanu xaggee buu ka helay xigmaddan iyo shuqulladan xoogga leh?
42Waxayna yidhaahdeen, Kanu miyaanu ahayn Ciise, ina Yuusuf, kaannu aabbihiis iyo hooyadiis naqaan? Hadda sidee buu u leeyahay, Samada baan ka soo degay?
20Hadalladaas ayuu kaga hadlay meeshii khasnaddu tiil intuu macbudka wax ku barayay. Oo ninna ma uu qaban isaga, waayo, saacaddiisii weli ma iman.
25¶ Sidaa aawadeed qaar ka mid ah kuwa Yeruusaalem waxay yidhaahdeen, Kanu miyaanu ahayn kay doonayaan inay dilaan?
26Bal fiiriya, bayaan buu u hadlaa, waxbase kuma yidhaahdaan. Taliyayaashu runtii ma og yihiin inuu kanu yahay Masiixa?
27Laakiin kani meeshuu ka yimid waannu og nahay, markuuse Masiixu yimaado, ninna garan maayo meeshuu ka imanayo.
28¶ Ciise haddaba macbudkuu ka dhex qayliyey isagoo wax baraya oo leh, Waad i taqaanniin, waana og tihiin meeshaan ka imid; anigu qudhayda kuma aan iman, laakiin kii i soo diray waa run, kan aydnaan garanaynin.
35Sidaa aawadeed Yuhuuddu waxay isku yidhaahdeen, Kanu xaggee buu tegi doonaa oo aynaan ka heli doonin? Ma wuxuu u tegi doonaa kuwa ku kala firidhsan dadka Gariigta ah, oo wax bari doonaa dadka Gariigta ah?
36Waa maxay hadalkan uu yidhi? Waad i doondooni doontaan, imana heli doontaan, meeshaan joogona ma iman kari doontaan.
32Waxbariddiisiina way la yaabeen, waayo, hadalkiisu amar buu lahaa.
16Kolkaasuu wuxuu yidhi, Idinku weli ma garashola'aan baad tihiin?
5Laakiin Ciise weli waxba ugama jawaabin, sidaa darteed Bilaatos waa la yaabay.
7Markaasay waxay ugu jawaabeen inaanay garan meeshuu ka yimid.
7Oo dhammaantood way wada nexeen oo yaabeen, oo waxay yidhaahdeen, Bal eeg, kuwan hadlaya oo dhammu miyaanay reer Galili ahayn?
15Sunagogyadoodana ayuu wax ku baray, dhammaanna waa la wada ammaanay isaga.
25¶ Oo markay isaga ka heleen badda dhinaceeda kale, waxay ku yidhaahdeen, Macallimow, goormaad halkan timid?
21Wuxuuna ku yidhi, Miyaydnaan weli garanaynin?
45Waxaa ku qoran kitaabbadii nebiyada, Kulligood Ilaah baa wax bari doona. Mid kasta oo Aabbaha wax ka maqlay oo ka bartay waa ii yimaadaa.
1¶ Kolkii Ciise ogaaday inay Farrisiintu maqleen inuu yeelanayay oo baabtiisayay xer ka badan intii Yooxanaa
49Laakiin dadkan badan oo aan sharciga garanaynin waa inkaaran yihiin.
22Kulligood markhaati bay ahaayeen, wayna ka yaabeen hadallada nimcada leh oo afkiisa ka soo baxay, markaasay yidhaahdeen, Kanu miyaanu ahayn wiilkii Yuusuf?
51Miyaa sharcigeennu xukumaa nin, iyadoo aan marka hore laga maqlin isaga oo aan la garanaynin wuxuu sameeyo?
52Yuhuuddu waxay ku yidhaahdeen isaga, Imminka waxaannu garanaynaa inaad jinni qabto. Ibraahim waa dhintay iyo nebiyadiiba, adiguna waxaad leedahay, Haddii qof uun hadalkayga xajiyo, weligiis dhimasho ma dhadhamin doono.
26Hadalkiisa way ku qaban kari waayeen dadka hortiisa, wayna ka yaabeen jawaabtiisa, oo way aamuseen.
19Miyaan Muuse sharciga idin siin? Midkiinnana sharciga ma yeelo. Maxaad u doonaysaan inaad i dishaan?
18Markii wadaaddadii sare iyo culimmadii maqleen, waxay doonayeen si ay u dilaan, waayo, way ka baqeen, maxaa yeelay, dadka oo dhan waxay ka yaabeen waxbariddiisa.
2oo la hadleen oo ku yidhaahdeen, Noo sheeg, Amarkee baad waxan ku samaysaa? Oo yuu yahay kan amarkan ku siiyey?
16Kolkaasuu weyddiiyey, Maxaad isweyddiinaysaan?
22Oo goortay taas maqleen, way yaabeen, wayna iska daayeen oo ka tageen.
28Markaasay waxay ku yidhaahdeen, Amarkee baad waxan ku samaysaa? Yaa amarkan ku siiyey inaad waxan ku samayso?