Matayos 21:27

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaasay Ciise u jawaabeen oo ku yidhaahdeen, Garan mayno. Isaguna wuxuu ku yidhi, Aniguna idiin sheegi maayo amarka aan waxan ku sameeyo.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ish 6:10 : 10 Dadkan qalbigooda ka dhig mid qallafsan, dhegahoodana kuwa dhib wax ku maqla, indhahoodana kuwa xidhan, si aanay indhaha wax ugu arkin, oo aanay dhegaha wax ugu maqlin, oo aanay qalbiga wax ugu garan, oo aanay u soo noqon, oo aanay u bogsan.
  • Ish 28:9 : 9 Bal yuu aqoon bari doonaa? Bal yuuse warka garansiin doonaa? Ma kuwa caanihii laga gudhiyey oo naasaha laga duway baa?
  • Ish 29:10-12 : 10 Waayo, Rabbigu wuxuu idinku riday hurdo weyn, wuxuuna awday indhihiinnii oo nebiyadii ahaa, wuxuuna daboolay madaxyadiinnii oo wax arkayaashii ahaa. 11 Oo riyo kastaaba waxay idiin noqotay sidii erayadii qorniin shaabad lagu xidhay, oo loo dhiibay qof wax akhriyi kara, oo lagu leeyahay, Waannu ku baryaynaaye kan akhri, oo isna wuxuu leeyahay, Ma aan akhriyi karo, waayo, shaabad buu ku xidhan yahay. 12 Oo haddana qorniinkii waxaa loo dhiibaa mid aan akhris baran, oo waxaa lagu leeyahay, Waannu ku baryaynaaye kan akhri, oo isna wuxuu leeyahay, Anigu waxba ma aan akhriyi karo.
  • Ish 42:19-20 : 19 Bal yaa indha la' addoonkayga mooyaane? Yaase dhega la' sida wargeeyahayga aan soo diray? Yaase indha la' sida kan ila nabdoon, iyo sida addoonka Rabbiga? 20 Waxyaalo badan baad aragtaa, laakiinse uma fiirsatid, dhegaha waa la furay, laakiinse waxba lama maqlo.
  • Ish 56:10-11 : 10 Waardiyayaashiisu waa indha la' yihiin, oo kulligoodna aqoon ma leh, dhammaantoodna waa eeyo carrab la' oo aan ciyi karin. Way riyoodaan oo jiifaan, oo jecel yihiin inay hurdaan. 11 Eeyadu way hunguri weyn yihiin, weligoodna ma dhergi karaan, oo kuwaasuna waa adhijirro aan innaba wax garan karin. Kulligood waxay u leexdeen jidkoodii, oo midkood kastaaba xataa kii ugu dambeeyey wuxuu iska daba galay faa'iidadiisii.
  • Yer 8:7-9 : 7 Sida xaqiiqada ah xuurta samadu xilligeeda way taqaan, oo qoolleyda, iyo dabfallaadha, iyo saratoosiyuhuba way dhawraan xilliga imaatinkooda, laakiinse dadkaygu Rabbiga xukunkiisa ma ay yaqaaniin. 8 Haddaba bal sidee baad u tidhaahdaan, Annagu xigmad baannu leennahay, oo Rabbiga sharcigiisuna waa nala jiraa? Laakiinse qalinkii beenta ahaa ee karraaniyada ayaa been ka dhigay. 9 Nimankii xigmadda lahaa way ceeboobeen, wayna argaggexeen oo waa la kaxaystay, bal eega, Eraygii Rabbiga way diideen, haddaba xigmadda ku jirta waa maxay?
  • Mal 2:6-9 : 6 Sharcigii runtu afkooduu ku jiray, oo bushimihoodana xaqdarro lagama helin. Way igula socdeen nabaadiino iyo qummanaan, qaar badanna xumaan bay ka leexiyeen. 7 Waayo, bushimaha wadaadka waxaa waajib ku ah inay aqoonta dhawraan, oo waxaa ku habboon in sharciga afkiisa laga doono, waayo, isagu waa wargeeyihii Rabbiga ciidammada. 8 Laakiinse idinku jidkii baad ka baydheen, oo dad badan baad sharciga ku kufiseen, oo axdigii reer Laawina waad kharribteen, ayaa Rabbiga ciidammadu leeyahay. 9 Haddaba sidaas daraaddeed waxaan dadka oo dhan hortiisa idinkaga dhigay wax la quudhsado oo hooseeya, maxaa yeelay, jidadkayga ma aydaan dhawrin, laakiinse dadka baad ugu kala eexateen sharciga.
  • Mat 15:14 : 14 Iska daaya. Iyagu waa indhoolayaal indhoolayaal hagayaye. Laakiin nin indha la' hadduu nin indha la' hago, labadooduba god bay ku dhici doonaan.
  • Mat 16:3 : 3 Aroortiina waxaad tidhaahdaan, Maanta roob baa da'aya, waayo, cirku waa guduudan yahay, waana kicinsan yahay. Waxaad taqaaniin sida loo garto muuqashada cirka, laakiin ma kala garan kartaan calaamooyinka wakhtiyada.
  • Mat 23:16-28 : 16 ¶ Waa idiin hoog, hoggaamiyayaal yahow indhaha la'u oo leh, Ku alla kii macbudka ku dhaarta, waxba ma aha, laakiin ku alla kii dahabkii macbudka ku dhaarta, wuxuu ku dhaartay waa lagu leeyahay. 17 Doqonno yahow indhaha la'u, kee baa weyn, dahabka iyo macbudka dahabka quduus ka dhiga? 18 Oo weliba waxaad leedihiin, Ku alla kii meesha allabariga ku dhaarta waxba ma aha, laakiin ku alla kii ku dhaarta hadiyadda dul saaran, wuxuu ku dhaartay waa lagu leeyahay. 19 Indhoolayaal yahow, haddaba kee baa weyn, hadiyadda iyo meesha allabariga oo hadiyadda quduus ka dhigta? 20 Haddaba kan meesha allabariga ku dhaartaa, wuxuu ku dhaartaa iyada iyo wixii dul saaran oo dhanba. 21 Oo kii macbudka ku dhaartaa, wuxuu ku dhaartaa isaga iyo kan dhex degganba. 22 Oo kii jannada ku dhaartaana, wuxuu ku dhaartaa carshiga Ilaah iyo kan ku dul fadhiyaba. 23 ¶ Waa idiin hoog, culimmo iyo Farrisiin yahay, labawejiilayaasha ahu, waayo, reexaanta iyo kabsarta iyo kamuunta toban meelood ayaad meel ka bixisaan, oo waxaad dhaafteen wixii sharciga ugu cuslaa, waxaa weeye xukunka iyo naxariista iyo iimaanka. Waxaad lahaydeen inaad waxan samaysaan oo aydnaan kuwa kale dhaafin. 24 Hoggaamiyayaal yahow indhaha la'u oo kaneecada iska miira oo awrka liqa. 25 ¶ Waa idiin hoog, culimmo iyo Farrisiin yahay, labawejiilayaasha ahu, waayo, koobka iyo saxanka dushaad ka nadiifisaan, laakiin gudaha waxaa ka buuxa dulun iyo damacbadnaan. 26 Farrisi yahow indhaha la'u, horta koobka gudaha ka nadiifi in dushiisuna nadiifsanaato. 27 ¶ Waa idiin hoog, culimmo iyo Farrisiin yahay, labawejiilayaasha ahu, waayo, waxaad u eg tihiin xabaalo la caddeeyey, kuwa dushoodu u eg tahay wax qurxoon, laakiin hoosta waxaa ka buuxa lafo dad dhintay iyo wasakh oo dhan. 28 Sidaas oo kalena idinku dusha waxaad dadka ugu eg tihiin dad xaq ah, laakiin gudaha waxaa idinka buuxa labawejiilenimo iyo dembi.
  • Luuk 20:7-8 : 7 Markaasay waxay ugu jawaabeen inaanay garan meeshuu ka yimid. 8 Ciisena wuxuu ku yidhi, Aniguna idiin sheegi maayo amarka aan waxan ku sameeyo.
  • Yoox 9:30 : 30 Ninkii baa u jawaabay oo ku yidhi, Waxakanu waa yaab inaydnaan garanaynin meeshuu ka yimid, isaguna uu indhaha ii furay.
  • Yoox 9:40-41 : 40 Kuwii Farrisiinta ahaa oo la joogay ayaa waxyaalahaas maqlay, oo waxay ku yidhaahdeen, Annaguna ma indha la' nahay? 41 Ciise ayaa ku yidhi, Haddaad indhala'aan lahaydeen, dembi ma aydin lahaateen, laakiinse haatan waxaad tidhaahdaan, Wax baannu aragnaa. Dembigiinnu waa sii jiraa.
  • Room 1:18-22 : 18 ¶ Cadhadii Ilaah ayaa samada laga muujiyey iyadoo ka gees ah cibaadodarrada iyo xaqdarrada dadka oo dhan, kuwaasoo runta ku joojiya xaqdarro; 19 maxaa yeelay, wixii Ilaah laga garan karo waa ka dhex muuqataa iyaga, waayo, Ilaah waa u muujiyey iyaga. 20 Tan iyo abuurniinta dunida waxyaalihiisii aan la arki karin ayaa bayaan loo arkaa, iyagoo laga garto waxyaalihii la sameeyey, xataa xooggiisa daa'imiska ah iyo ilaahnimadiisa, si ayan marmarsiinyo u lahaan. 21 Maxaa yeelay, iyagoo Ilaah garanaya ayayan isaga Ilaah ahaan u ammaanin, umana ay mahadnaqin, laakiin fikirradoodii waa xumaadeen, qalbigoodii garaadka la'aana waa madoobaaday. 22 Iyagoo kuwo caqli leh isku sheegaya ayay nacasoobeen.
  • Room 1:28 : 28 ¶ Intay oggolaan waayeen inay Ilaah ku sii haystaan aqoontooda, Ilaah wuxuu u daayay maan dulli ah inay sameeyaan waxyaalo aan qummanayn,
  • 2 Kor 4:3 : 3 Laakiin injiilkayagu hadduu daboolan yahay, wuxuu ka daboolan yahay kuwa lumaya.
  • 2 Tes 2:9-9 : 9 Kaas imaatinkiisu waa sida shuqul Shayddaan oo leh xoog iyo calaamooyin iyo cajaa'ibyo been ah oo dhan, 10 iyo khiyaanada xaqdarrada oo dhan. Waxaana leh kuwa lumaya, maxaa yeelay, waxay diideen inay runta jeclaadaan oo ay sidaas u badbaadaan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 96%

    28Markaasay waxay ku yidhaahdeen, Amarkee baad waxan ku samaysaa? Yaa amarkan ku siiyey inaad waxan ku samayso?

    29Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Aniguna hal baan idin weyddiinayaa, ii jawaaba, waanan idiin sheegi doonaa amarka aan waxan ku sameeyo.

    30Baabtiiskii Yooxanaa ma wuxuu ka yimid xagga jannada mise dadka? Ii jawaaba.

    31Dhexdooda ayay iskala hadleen iyagoo leh, Maxaynu nidhaahnaa? Haddaynu nidhaahno, Xagga jannada, wuxuu inagu odhanayaa, Haddaba maxaad u rumaysan weydeen?

    32Laakiin haddii aynu nidhaahno, Xagga dadka ayuu ka yimid, dadkay ka baqeen. Waayo, kulli waxay u haysteen Yooxanaa inuu nebi yahay.

    33Markaasay Ciise u jawaabeen oo ku yidhaahdeen, Garan mayno. Ciisena wuxuu ku yidhi, Aniguna idiin sheegi maayo amarka aan waxan ku sameeyo.

  • Luuk 20:7-8
    2 aayado
    90%

    7Markaasay waxay ugu jawaabeen inaanay garan meeshuu ka yimid.

    8Ciisena wuxuu ku yidhi, Aniguna idiin sheegi maayo amarka aan waxan ku sameeyo.

  • Mat 21:23-26
    4 aayado
    86%

    23¶ Oo goortuu macbudkii galay, intuu wax barayay waxaa u yimid wadaaddadii sare iyo waayeelladii dadka, oo waxay ku yidhaahdeen, Amarkee baad waxan ku samaysaa? Oo yaa amarkan ku siiyey?

    24Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Aniguna hal baan idin weyddiinayaa. Haddaad taas ii sheegtaan, aniguna waan idiin sheegi doonaa amarka aan waxan ku sameeyo.

    25Baabtiiskii Yooxanaa xaggee buu ka yimid? Ma wuxuu ka yimid xagga jannada mise dadka? Dhexdooda ayay iskala hadleen iyagoo leh, Haddaynu nidhaahno, Xagga jannada, wuxuu inagu odhanayaa, Haddaba maxaad u rumaysan weydeen?

    26Laakiin haddii aynu nidhaahno, Xagga dadka, dadka badan ayaynu ka baqaynaa, waayo, Yooxanaa sida nebi oo kale ayay kulli u haystaan.

  • Luuk 20:2-3
    2 aayado
    81%

    2oo la hadleen oo ku yidhaahdeen, Noo sheeg, Amarkee baad waxan ku samaysaa? Oo yuu yahay kan amarkan ku siiyey?

    3Markaasuu u jawaabay oo ku yidhi, Aniguna hal baan idin weyddiinayaa, iina sheega.

  • 74%

    67Haddii aad Masiixa tahay, noo sheeg. Wuxuuse ku yidhi, Haddaan idiin sheego ma rumaysan doontaan.

    68Haddaan idin weyddiiyona, iima jawaabi doontaan.

  • 6Wayna uga jawaabi kari waayeen waxyaalahaas.

  • 28¶ Maxay idinla tahay? Nin baa laba wiil lahaa. Wuxuu u yimid kii hore oo ku yidhi, Wiilkaygiiyow, aad beerta canabka ah oo maanta ka shaqee.

  • 21Maxaad ii weyddiinaysaa? Weyddii kuwa maqlay waxaan kula hadlay. Bal eeg, kuwaasaa og waxaan idhi e.

  • 46Ninna hadal uguma jawaabi karin, oo maalintaas dabadeed ninna kuma dhicin inuu mar dambe wax weyddiiyo.

  • 72%

    25Markaasuu ku yidhi, Haddaba Kaysar siiya wixii Kaysar leeyahay, Ilaahna siiya wixii Ilaah leeyahay.

    26Hadalkiisa way ku qaban kari waayeen dadka hortiisa, wayna ka yaabeen jawaabtiisa, oo way aamuseen.

  • 18Haddaba waxay yidhaahdeen, Waa maxay waxan uu leeyahay, In yar dabadeed? Garan mayno wuxuu leeyahay.

  • 5Dhexdooda ayay iskala hadleen iyagoo leh, Haddaynu nidhaahno, Xagga jannada, wuxuu odhanayaa, Maxaad u rumaysan weydeen?

  • 34Ciise ayaa ugu jawaabay, Ma adaa iska odhanaya waxaas, mise kuwa kalaa iiga kaa sheegay?

  • 40Kol dambe kuma ay dhicin inay wax weyddiiyaan.

  • 21Waxay ku yidhaahdeen, Kaysar baa leh. Markaasuu ku yidhi, Haddaba Kaysar siiya wixii Kaysar leeyahay, Ilaahna siiya wixii Ilaah leeyahay.

  • Yoox 7:26-27
    2 aayado
    71%

    26Bal fiiriya, bayaan buu u hadlaa, waxbase kuma yidhaahdaan. Taliyayaashu runtii ma og yihiin inuu kanu yahay Masiixa?

    27Laakiin kani meeshuu ka yimid waannu og nahay, markuuse Masiixu yimaado, ninna garan maayo meeshuu ka imanayo.

  • 71%

    21Markaasay weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen, Macallimow, waxaannu og nahay inaad si hagaagsan wax u tidhaahdo oo wax u bartid, oo aanad ninna u eexan, laakiin aad jidka Ilaah run ku bartid.

    22Ma xalaal baa inaannu cashuur Kaysar siinno ama inaannan siin?

  • 19Sidaas aawadeed waxay ku yidhaahdeen, Aabbahaa xaggee buu joogaa? Ciise ayaa ugu jawaabay, I garan maysaan, Aabbahayna garan maysaan. Haddaad i garanaysaan, Aabbahayna waad garan lahaydeen.

  • 17Haddaba noo sheeg waxay kula tahay, Ma xalaal baa in cashuur Kaysar la siiyo ama inaan la siin?

  • 13¶ Wuxuuna iyaga ku yidhi, Miyaydnaan masaalkan garanaynin? Sidee baad masaalladii oo dhan u garan doontaan?

  • 12Kolkaasay waxay ku yidhaahdeen, Xaggee buu joogaa? Isaguse wuxuu ku yidhi, Ma ogi.

  • 32Laakiin hadalkaas ayay garan waayeen, wayna ka cabsadeen inay weyddiiyaan.

  • 21¶ Laakiin wuu waaniyey oo wuxuu ku amray inaanay ninna waxaas u sheegin,

  • 30Markaasuu wuxuu u yimid kii labaad, oo sidii oo kale ku yidhi. Isaguna wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Waa yahay, waan tegayaa, sayidow, laakiin ma uu tegin.

  • 30Markaasuu ku amray inayan ninna isaga u sheegin.

  • 15Markaasaa Butros u jawaabay oo ku yidhi, Masaalkaa noo caddee.

  • 21Wuxuuna ku yidhi, Miyaydnaan weli garanaynin?

  • 24Ciise baa u jawaabay oo ku yidhi, Sidaa darteed miyaydnaan qaldamin? Waayo, Qorniinka iyo xoogga Ilaah midna garan maysaan.

  • 27Ma ayna garan inuu iyaga kala hadlay Aabbaha.

  • 12Laakiin wuu u jawaabay oo ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Anigu idin garan maayo.

  • 9oo haddana wuxuu galay guriga taliyaha oo ku yidhi Ciise, Xaggee baad ka timid? Laakiin Ciise jawaabna uma uu celinin.

  • 6Masaalkaas Ciise ayaa kula hadlay iyaga, laakiin ma ay garan waxyaaluhuu kala hadlayay xaggooda.

  • 17Ciise baa u jawaabay oo ku yidhi, Kaysar siiya wixii Kaysar leeyahay, Ilaahna siiya wixii Ilaah leeyahay. Wayna ka yaabeen.

  • 25Ciise ayaa ugu jawaabay, Waan idiin sheegay, idinkuse ma rumaysnidin. Shuqullada aan magaca Aabbahay ku sameeyo ayaa ii marag fura,

  • 15Markaasuu wuxuu ku yidhi, Idinkuse yaad igu sheegtaan?

  • 19¶ Haddaba Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Wiilku keli ahaantiis waxba ma samayn karo, wuxuu arko Aabbahoo samaynaya mooyaane. Wax kastoo isagu sameeyo ayaa Wiilkuna sidiisa u sameeyaa.