Yooxanaa 8:27

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Ma ayna garan inuu iyaga kala hadlay Aabbaha.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ish 6:9 : 9 Oo wuxuu igu yidhi, Tag, oo dadkan waxaad ku tidhaahdaa, Wax sii maqla, mana garan doontaan, oo wax sii arka, idiinmana dhaadhici doonto.
  • Ish 42:18-20 : 18 ¶ Kuwiinna dhegaha la'ow, wax maqla, oo kuwiinna indhaha la'ow, wax fiiriya, aad wax aragteene. 19 Bal yaa indha la' addoonkayga mooyaane? Yaase dhega la' sida wargeeyahayga aan soo diray? Yaase indha la' sida kan ila nabdoon, iyo sida addoonka Rabbiga? 20 Waxyaalo badan baad aragtaa, laakiinse uma fiirsatid, dhegaha waa la furay, laakiinse waxba lama maqlo.
  • Ish 59:10 : 10 Sida kuwa indhaha la' ayaynu derbiga u haabhaabannaa, oo sida innagoo aan innaba indho lahayn ayaynu wax u haabhaabannaa. Sida fiid oo kale ayaynu hadh cad u turunturoonnaa, oo waxaynu nahay sida dad dhintay oo kuwa barwaaqaysan ku dhex jira.
  • Yoox 8:43 : 43 Maxaad hadalkayga u garan weydeen? Waayo, hadalkayga ma maqli karaysaane.
  • Yoox 8:47 : 47 Kii Ilaah kuwiisa ka mid ah, erayada Ilaah ayuu maqlaa, sidaas daraaddeed idinku maqli maysaan, waayo, Ilaah kuwiisii ma ihidin.
  • Room 11:7-9 : 7 Waa maxay haddaba? Wixii reer binu Israa'iil doondoonayeen ma ay helin, laakiinse kuwii la doortay waa heleen, intii kalena waa la engejiyey, 8 sida qoran, Ilaah wuxuu iyaga siiyey maskax hurudda, iyo indho aanay waxba ku arkin, iyo dhego aanay waxba ku maqlin, ilaa maalintatan. 9 Daa'uudna wuxuu yidhi, Miiskoodu ha u noqdo dabin iyo wax qabsada iyaga, Iyo wax ay ku turunturoodaan, iyo wax ka aarguta iyaga; 10 Indhahoodu ha madoobaadeen si aanay waxba u arkin, Dhabarkoodana foorari weligiis.
  • 2 Kor 4:3-4 : 3 Laakiin injiilkayagu hadduu daboolan yahay, wuxuu ka daboolan yahay kuwa lumaya. 4 Ilaaha wakhtigani wuu ka indho tiray maanka kuwa aan rumaysanaynin, inaan iftiinka injiilka ee ammaanta Masiix, kan ah u-ekaanta Ilaah, uu ifin iyaga.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 50Laakiin way garan waayeen hadalkii uu kula hadlay.

  • 6Masaalkaas Ciise ayaa kula hadlay iyaga, laakiin ma ay garan waxyaaluhuu kala hadlayay xaggooda.

  • Yoox 8:19-20
    2 aayado
    79%

    19Sidaas aawadeed waxay ku yidhaahdeen, Aabbahaa xaggee buu joogaa? Ciise ayaa ugu jawaabay, I garan maysaan, Aabbahayna garan maysaan. Haddaad i garanaysaan, Aabbahayna waad garan lahaydeen.

    20Hadalladaas ayuu kaga hadlay meeshii khasnaddu tiil intuu macbudka wax ku barayay. Oo ninna ma uu qaban isaga, waayo, saacaddiisii weli ma iman.

  • 45Laakiin hadalkaas ayay garan waayeen, waana laga qariyey si ayna u garan, wayna ka cabsadeen inay hadalkas wax ka weyddiiyaan.

  • 28Sidaas aawadeed Ciise ayaa ku yidhi, Markaad Wiilka Aadanaha kor u qaaddaan, markaasaad garan doontaan inaan isagii ahay iyo inaanan keligay waxba samaynaynin, laakiin sida Aabbuhu ii baray ayaan waxyaalahaas ugu hadlaa.

  • 21Wuxuuna ku yidhi, Miyaydnaan weli garanaynin?

  • 32Laakiin hadalkaas ayay garan waayeen, wayna ka cabsadeen inay weyddiiyaan.

  • 43Maxaad hadalkayga u garan weydeen? Waayo, hadalkayga ma maqli karaysaane.

  • 34Laakiin waxyaalahaas waxba kama ay garan, hadalkaasna waa ka qarsoonaa, mana ay garan wixii la yidhi.

  • 13Markaasaa xertiisii garatay inuu kala hadlay Yooxanaa Baabtiisaha.

  • 27¶ Aabbahay wax walbaba waa ii dhiibay; oo ninna Wiilka garan maayo Aabbaha maahee, oo ninna Aabbaha garan maayo Wiilka maahee iyo kii Wiilku doonayo inuu u muujiyo.

  • 18Haddaba waxay yidhaahdeen, Waa maxay waxan uu leeyahay, In yar dabadeed? Garan mayno wuxuu leeyahay.

  • 3Oo waxay waxyaalahaas u samayn doonaan, waayo, waxaanay garanayn Aabbaha iyo aniga toona.

  • Mat 13:13-14
    2 aayado
    73%

    13Sidaa darteed ayaan masaallo ugula hadlaa, waayo, iyagoo arkaya ma arkaan, oo iyagoo maqlaya ma maqlaan, mana gartaan.

    14Iyagay u noqotay waxsheegidda Isayos iyadoo leh, Maqal baad ku maqli doontaan mana garan doontaan, Idinkoo arkaya wax baad arki doontaan, idiinmana dhaadhici doonto.

  • 38Waxaan xaggii Aabbahay ku soo arkay ayaan ka hadlaa, idinkuna waxaad samaysaan wixii aydin aabbihiin ka maqasheen.

  • 26Waxaan hayaa wax badan oo aan idinkala hadlo oo aan idinku xukumo, laakiin kii i soo diray waa run, aniguna waxaan ka maqlay isaga, waxaas ayaan dunida kula hadlayaa.

  • Yoox 14:9-10
    2 aayado
    73%

    9Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Ma intaas badan baan idinla joogay, oo aanad i garanaynin, Filibosow? Kii i arkay wuxuu arkay Aabbaha. Sidee baad u leedahay, Aabbaha na tus?

    10Miyaadan rumaysan inaan Aabbaha ku jiro, Aabbuhuna uu igu jiro? Erayadaan idinkula hadlayo, anigu iskagama hadlayo, Aabbahase igu jira ayaa shuqulladiisa sameeya.

  • 25Aabbaha xaqa ahow, dunidu kuma ay garanaynin, laakiinse waan ku garanayay; kuwanna waxay garanayeen inaad i soo dirtay.

  • 47Kii Ilaah kuwiisa ka mid ah, erayada Ilaah ayuu maqlaa, sidaas daraaddeed idinku maqli maysaan, waayo, Ilaah kuwiisii ma ihidin.

  • 22Aabbahay wax walbaba waa ii dhiibay; oo ninna Wiilka garan maayo cid uu yahay Aabbaha maahee, oo ninna Aabbaha garan maayo cid uu yahay, Wiilka maahee, iyo kii Wiilku doonayo inuu u muujiyo.

  • 7Markaasay waxay ugu jawaabeen inaanay garan meeshuu ka yimid.

  • 16Kolkaasuu wuxuu yidhi, Idinku weli ma garashola'aan baad tihiin?

  • 28Kuwa la fadhiyey midkoodna ma garanaynin sababta uu sidaas ugula hadlay isaga.

  • Mark 8:17-18
    2 aayado
    72%

    17Ciise oo gartay ayaa ku yidhi, Maxaad isu la hadlaysaan? Ma kibistii aydnaan haysan aawadeed ba? Miyaydnaan weli arkin oo aydnaan garanaynin? Qalbigiinnu weli ma engegan yahay?

    18Indho baad leedihiin, miyaydnaan waxba arkaynin? Dhegona waad leedihiin, miyaydnaan waxba maqlaynin oo aydnaan xusuusnayn?

  • 25Waxyaalahaas ayaan masaallo idinkula hadlay. Waxaa imanaysa goortii aanan mar dambe masaallo idinkula hadli doonin, laakiin aan bayaan idiinkaga warrami doono Aabbaha.

  • 25Ciise ayaa ugu jawaabay, Waan idiin sheegay, idinkuse ma rumaysnidin. Shuqullada aan magaca Aabbahay ku sameeyo ayaa ii marag fura,

  • Mark 4:12-13
    2 aayado
    71%

    12si ay goortay arkayaan ayan u arkin, oo si ay goortay maqlayaan ayan u garan, si ayan u soo noqon oo aan loo cafiyin.

    13¶ Wuxuuna iyaga ku yidhi, Miyaydnaan masaalkan garanaynin? Sidee baad masaalladii oo dhan u garan doontaan?

  • 18Iyagu ma ay aqoon, mana ay garanayn, waayo, indhahoodii waa la xidhay si ayan waxba u arkin, oo qalbigoodiina si ayan waxba u garan.

  • 29¶ Xertiisii ayaa ku tidhi, Bal eeg, bayaan baad hadda u hadlaysaaye, oo masaal ku hadli maysid.

  • 7Haddaad i garateen, Aabbahayna waad garan lahaydeen. Hadda ka dib waad garanaysaan, waadna aragteen.

  • 23Oo iyana ma ay ogayn in Yuusuf gartay iyaga; waayo, turjumaan baa kala dhex joogay.

  • 10Markaasaa Ciise u jawaabay oo ku yidhi, Ma waxaad tahay macallinka Israa'iil, oo aadan weliba waxyaalahaasna garanayn?

  • 19¶ Haddaba Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Wiilku keli ahaantiis waxba ma samayn karo, wuxuu arko Aabbahoo samaynaya mooyaane. Wax kastoo isagu sameeyo ayaa Wiilkuna sidiisa u sameeyaa.

  • 26oo ku yidhi, Adigu dadka u tag, oo waxaad ku tidhaahdaa, Maqal baad ku maqli doontaan, mana garan doontaan; Idinkoo arkaya, wax baad arki doontaan, idiinmana dhaadhici doonto;

  • 46Ma aha in nin arkay Aabbaha, kii Ilaah ka yimid mooyaane. Isagu waa arkay Aabbaha.

  • 55Mana aydnaan garan isaga, laakiinse anigu waa garanayaa, oo haddaan idhaahdo, Garan maayo isaga, sidiinna oo kalaan beenaaleh noqonayaa, laakiinse waan aqaan isaga, ereygiisana waan xajiyaa.

  • 16Markii hore xertiisii waxyaalahaas ma ay garan, laakiin markii Ciise ammaanmay dabadeed ayay xusuusteen in waxyaalahaas xaggiisa laga qoray iyo in waxyaalahaas lagu sameeyey isaga.

  • 6Waayo, ma uu garanaynin wuxuu ku jawaabo, maxaa yeelay, aad bay u baqeen.

  • 16Laakiin waa la indhasaabay si aanay u garanayn.

  • 38Mana haysataan ereygiisa oo idinku sii jira, waayo, kii uu soo diray waad rumaysan weydeen.

  • 38Laakiin haddaan sameeyo, in kastoo aydnaan i rumaysanayn, shuqullada rumaysta, inaad ogaataan oo garataan in Aabbuhu igu jiro, anna Aabbaha aan ku jiro.

  • 27Markaasay Ciise u jawaabeen oo ku yidhaahdeen, Garan mayno. Isaguna wuxuu ku yidhi, Aniguna idiin sheegi maayo amarka aan waxan ku sameeyo.

  • 21Laakiin waxyaalahaas oo dhan waxay idiinku samayn doonaan magacayga aawadii, maxaa yeelay, waxaanay garanayn kii i soo diray.

  • 9Waayo, weli Qorniinka ma ay garan inay tahay inuu kuwa dhintay ka soo sara kaco.

  • 49Waayo, anigu amarkayga kuma hadlin, laakiinse Aabbihii i soo diray isagaa i amray waxaan idhaahdo iyo waxaan ku hadloba.