Luukos 3:1

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Waxay ahayd sannaddii shan iyo tobnaad oo Tiberiyas Kaysar boqranaa, markii Bontiyos Bilaatos xukumi jiray Yahuudiya, oo Herodos taliye u ahaa Galili, walaalkiis Filibosna taliye u ahaa Ituraya iyo dalkii Tarakhoonitis, oo Lusaniyas taliye u ahaa Abilene,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Mat 27:2 : 2 Markaasay xidheen oo kaxeeyeen, oo waxay u dhiibeen taliyihii Bilaatos ahaa.
  • Mat 14:1 : 1 ¶ Waagaas taliye Herodos ayaa warkii Ciise maqlay,
  • Luuk 2:1 : 1 ¶ Wakhtigaas waxaa dhacay in amar ka soo baxay Kaysar Awgustus in dadka dunida jooga oo dhan la qoro.
  • Luuk 3:19 : 19 Laakiin kolkuu taliye Herodos u canaantay walaalkiis Filibos naagtiisii Herodiya aawadeed, iyo waxyaalaha xunxun oo Herodos sameeyey oo dhan aawadood,
  • Luuk 9:7 : 7 ¶ Markaasaa taliye Herodos maqlay waxa dhacay oo dhan, wuuna shakiyey, waayo, qaar baa yidhi, Yooxanaa ayaa kuwii dhintay ka soo sara kacay,
  • Fal 4:27 : 27 waayo, waxaa run ah in magaaladan gudaheeda Herodos iyo Bontiyos Bilaatos oo ay la jiraan dadka aan Yuhuudda ahayn iyo dadka reer binu Israa'iil iyagoo ka gees ah Ciise Midiidinkaaga quduuska ah, oo aad subagtay, ay isu urursadeen,
  • Fal 23:26 : 26 ¶ Kalawdiyos Lusiyas wuxuu salaamayaa taliyaha sharafka weyn leh oo Feelikos ah.
  • Fal 24:27 : 27 ¶ Laakiin markii laba sannadood dhammaatay waxaa Feelikos jagadiisa qaatay Borkiyos Feestos; Feelikosna isagoo doonaya inuu Yuhuuddii ka farxiyo ayuu Bawlos daayay isagoo xidhan.
  • Fal 26:30 : 30 ¶ Markaasaa boqorkii kacay iyo taliyihii iyo Bernikee iyo kuwii la fadhiyey oo dhammu;
  • Bil 49:10 : 10 Usha boqortooyadu kama tegi doonto Yahuudah, Usha taliyuhuna cagihiisa kama dhex bixi doonto; Ilaa Shiiloh yimaado; Dadkuna isagay addeeci doonaan.
  • Luuk 23:1-4 : 1 ¶ Markaasaa dadkoodii oo dhan kacay, oo waxay isagii hor geeyeen Bilaatos. 2 Kolkaasay bilaabeen inay ku ashtakeeyaan iyagoo leh, Waxaannu aragnay ninkan oo quruuntayada rogaya, oo diidaya in Kaysar cashuur la siiyo, oo odhanaya inuu qudhiisu yahay Masiix oo boqor ah. 3 Bilaatos ayaa weyddiiyey, isagoo leh, Ma Boqorka Yuhuudda baad tahay? Wuu u jawaabay oo ku yidhi, Waad tidhi. 4 Dabadeed Bilaatos wuxuu wadaaddadii sare iyo dadkii ku yidhi, Anigu ninkan eed kuma aan helin.
  • Luuk 23:6-9 : 6 ¶ Bilaatos goortuu maqlay, wuxuu weyddiiyey inuu ninku reer Galili yahay. 7 Goortuu ogaaday inuu ka mid ahaa kuwii Herodos xukumo, wuxuu u diray Herodos, kan qudhiisu Yeruusaalem joogay wakhtigaas. 8 ¶ Herodos goortuu Ciise arkay, aad buu u farxay, maxaa yeelay, ilaa wakhti dheer ayuu doonayay inuu arko, waayo, wax buu ka maqlay, oo wuxuu rajaynayay inuu calaamo ka arko. 9 Markaasuu su'aalo badan weyddiiyey, laakiin waxba uma uu jawaabin. 10 Wadaaddadii sare iyo culimmadii ayaa istaagay, oo aad iyo aad bay u ashtakeeyeen. 11 Herodos ayaa fududaystay oo ku majaajilooday, isaga iyo askartiisiiba, oo intuu dhar dhalaalaya u geliyey ayuu Bilaatos u celiyey.
  • Luuk 23:24 : 24 Markaasaa Bilaatos wuxuu xukumay in loo yeelo waxay weyddiisteen.
  • Mat 14:3 : 3 Waayo, Herodos baa Yooxanaa qabtay oo intuu xidhay ayuu u xabbisay, walaalkiis Filibos naagtiisii Herodiya aawadeed.
  • Mark 6:17 : 17 Waayo, Herodos qudhiisa ayaa cid diray oo Yooxanaa qabtay oo u xabbisay walaalkiis Filibos naagtiisii Herodiya aawadeed, waayo, wuu guursaday,

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Luuk 3:2-3
    2 aayado
    79%

    2oo Annas iyo Kayafas wadaaddadii sare ahaan jireen, markaasaa ereygii Ilaah cidlada ugu yimid Yooxanaa ina Sakariyas.

    3Wuxuu yimid Webi Urdun hareerihiis oo dhan isagoo dadka ku wacdiyeya baabtiiskii toobadda dembidhaafka aawadiis,

  • Luuk 2:1-3
    3 aayado
    75%

    1¶ Wakhtigaas waxaa dhacay in amar ka soo baxay Kaysar Awgustus in dadka dunida jooga oo dhan la qoro.

    2Qorniinkaas kolkii ugu horreeyey waxaa la sameeyey markii Kuranayos xukumi jiray Suuriya.

    3Dhammaan waxay u wada tageen in la qoro, mid kastaba magaaladiisii.

  • 1¶ Waagaas taliye Herodos ayaa warkii Ciise maqlay,

  • Luuk 23:6-7
    2 aayado
    71%

    6¶ Bilaatos goortuu maqlay, wuxuu weyddiiyey inuu ninku reer Galili yahay.

    7Goortuu ogaaday inuu ka mid ahaa kuwii Herodos xukumo, wuxuu u diray Herodos, kan qudhiisu Yeruusaalem joogay wakhtigaas.

  • 5¶ Wakhtigii Herodos ahaa boqorkii Yahuudiya, waxaa jiray wadaad la odhan jiray Sakariyas, oo ka mid ahaa safkii Abiya; haweenaydiisuna waxay ka mid ahayd hablihii reer Haaruun, magaceedana waxaa la odhan jiray Elisabed.

  • Luuk 3:19-21
    3 aayado
    71%

    19Laakiin kolkuu taliye Herodos u canaantay walaalkiis Filibos naagtiisii Herodiya aawadeed, iyo waxyaalaha xunxun oo Herodos sameeyey oo dhan aawadood,

    20ayaa Herodos waxan oo dhan weliba ku daray inuu Yooxanaa ku xidho xabsigii.

    21¶ Markii dadkii oo dhan la baabtiisay, waxaa dhacay in Ciisena la baabtiisay, oo intuu tukanayay ayaa samadu furantay,

  • 1¶ Maalmahaas waxaa yimid Yooxanaa Baabtiisaha isagoo cidlada Yahuudiya wax ku wacdiyaya, oo leh,

  • 3Waayo, Herodos baa Yooxanaa qabtay oo intuu xidhay ayuu u xabbisay, walaalkiis Filibos naagtiisii Herodiya aawadeed.

  • 27waayo, waxaa run ah in magaaladan gudaheeda Herodos iyo Bontiyos Bilaatos oo ay la jiraan dadka aan Yuhuudda ahayn iyo dadka reer binu Israa'iil iyagoo ka gees ah Ciise Midiidinkaaga quduuska ah, oo aad subagtay, ay isu urursadeen,

  • 7¶ Markaasaa taliye Herodos maqlay waxa dhacay oo dhan, wuuna shakiyey, waayo, qaar baa yidhi, Yooxanaa ayaa kuwii dhintay ka soo sara kacay,

  • 15¶ Taliyihii waxaa caadadiisu ahayd inuu iidda dadka u sii daayo maxbuuskay doonayaan.

  • Luuk 3:23-24
    2 aayado
    68%

    23¶ Oo Ciise markuu bilaabay inuu wax baro, wuxuu ahaa qiyaas soddon jir, isagoo ahaa (sida loo moodayay) ina Yuusuf, kan ahaa ina Heli,

    24kan ahaa ina Matad, kan ahaa ina Laawi, kan ahaa ina Malki, kan ahaa ina Yanna,

  • 1¶ Haddaba wakhtigaas boqorkii Herodos ahaa ayuu wuxuu gacmihiisa u fidiyey inuu dhibo qaar ka mid ah kuwa kiniisadda.

  • Fal 23:34-35
    2 aayado
    68%

    34Markuu akhriyeyna, wuxuu weyddiiyey gobolkii uu ka yimid; oo kolkuu ogaaday inuu Kilikiya ka yimid,

    35ayuu wuxuu ku yidhi, Waan maqli doonaa dacwadaada markii kuwii ku dacwaynayay yimaadaan; markaasuu ku amray in lagu hayo gurigii taliyaha.

  • 12¶ Maarkuu maqlay in Yooxanaa la qabtay, ayuu Galili ku leexday,

  • 21¶ Goortii maalin wanaagsan timid, markii la xusuustay dhalashadii Herodos, ayuu diyaafad ugu yeedhay raggiisii waaweynaa iyo saraakiishiisii iyo cuqaashii Galili.

  • 9¶ Wakhtigaas waxay noqotay in Ciise ka yimid Naasared tii Galili, oo Yooxanaa baa Webi Urdun ku baabtiisay isagii.

  • 14¶ Kolkii Yooxanaa la qabtay dabadeed, Ciise wuxuu yimid Galili, oo wuxuu dadka ku wacdiyey injiilka Ilaah,

  • 8¶ Waxaa dhacay, intuu shuqulkii wadaadnimadii safkiisa dartiis samaynayay Ilaah hortiisa,

  • 2Markaasay xidheen oo kaxeeyeen, oo waxay u dhiibeen taliyihii Bilaatos ahaa.

  • 6waxaana joogay Annas oo ahaa wadaadkii sare, iyo Kayafas, iyo Yooxanaa, iyo Aleksanderos, iyo in alla intii wadaadka sare xigaalo la ahayd.

  • 67%

    12Maalintaas qudheeda Herodos iyo Bilaatos saaxiibbo bay noqdeen, intii ka horraysayse cadaawe bay isu ahaayeen.

    13¶ Bilaatos ayaa isugu yeedhay wadaaddadii sare iyo taliyayaashii iyo dadkii.

  • 22Laakiin goortuu maqlay in Arkhela'os meeshii aabbihiis Herodos Yahuudiya xukumayo, wuu ka baqay inuu halkaas tago. Markaase Ilaah baa riyo ugu digay, oo uu dhinacyada Galili ku leexday.

  • 13¶ Markaasaa Ciise Galili ka yimid oo Webi Urdun ugu tegey Yooxanaa inuu baabtiiso.

  • 1¶ Goortii Ciise ku dhashay Beytlaxamtii Yahuudiya, waagii Herodos boqorkii ahaa, waxaa Yeruusaalem bari kaga yimid niman xigmad leh iyagoo leh,

  • 29kan ahaa ina Yooses, kan ahaa ina Eliiceser, kan ahaa ina Yoorim, kan ahaa ina Matad, kan ahaa ina Laawi,

  • 37Idinka qudhiinnu waad taqaaniin ereygaas lagu faafiyey Yahuudiya oo dhan oo laga soo bilaabay Galili, baabtiiskii Yooxanaa ku wacdiyey dabadeed,

  • 1¶ Te'ofilosow, hadalkii hore waxaan ka qoray wax kasta oo Ciise bilaabay inuu sameeyo oo baro

  • 3Goortuu boqor Herodos waxan maqlay, ayuu welwelay, isaga iyo reer Yeruusaalem oo dhan.

  • 13Haddaba Bilaatos markuu hadalladaas maqlay, ayuu Ciise dibadda u soo saaray, oo wuxuu ku fadhiistay kursiga xukumaadda, meesha la yidhaahdo Sallaxa Dhagaxa ah oo af Cibraanigana lagu yidhaahdo Gabbata.

  • 1¶ Wakhtigaas qudhiisa waxaa joogay qaar wax uga sheegay dadka reer Galili oo Bilaatos dhiiggooda ku daray allabarigooda.

  • 24oo intuusan imanba, Yooxanaa wuxuu dadka Israa'iil oo dhan hore ugu wacdiyey baabtiiska toobadda.

  • 3Waayo, kan waa kii nebi Isayos ka hadlay kolkuu yidhi, Waa codka kan cidlada kaga qaylinaya, Jidka Rabbiga hagaajiya, Waddooyinkiisa toosiya.

  • 3Sidaa darteed anigana waxaa ila wanaagsanayd inaan, anigoo tan iyo bilowgii wax walba oo dhacay aad u gartay, si hagaagsan kuugu qoro, Te'ofilosow sharaf weyn lahow,

  • 15Eliyuudna wuxuu dhalay Elecaasaar, Elecaasaarna wuxuu dhalay Mataan, Mataanna wuxuu dhalay Yacquub,

  • 7¶ Markaasuu Herodos nimankii xigmadda lahaa hoos ahaan ugu yeedhay, oo ka hubsaday goortay xiddigtu u muuqatay.

  • 24Waayo, Yooxanaa weli xabsiga laguma tuurin.

  • 9Markaasaa Herodos wuxuu yidhi, Yooxanaa madaxaan ka gooyay, Yuu yahay kan aan waxan ka maqlayo? Oo wuxuu doonayay inuu arko.

  • 13oo markii hore waxay u geeyeen Annas, waayo, wuxuu ahaa soddoggii Kayafas oo ahaa wadaadkii sare sannaddaas.

  • 2Kolkaasay bilaabeen inay ku ashtakeeyaan iyagoo leh, Waxaannu aragnay ninkan oo quruuntayada rogaya, oo diidaya in Kaysar cashuur la siiyo, oo odhanaya inuu qudhiisu yahay Masiix oo boqor ah.

  • 6¶ Iiddaas wuxuu iyaga u sii dayn jiray maxbuuskay doonayeen.