Luukos 5:39

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Ma jiro nin, hadduu khamri duug ah cabbay, doonaya kan cusub, waayo, wuxuu leeyahay, Kan duugga ah ayaa wanaagsan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yer 6:16 : 16 ¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Jidadka dhex istaaga, oo bal wax fiiriya, oo bal dhabbayaashii hore haybsada, oo waxaad tidhaahdaan, Meeh jidkii wanaagsanaa? Oo markaas ku socdaa, oo naftiinna nasashaad u heli doontaan. Laakiinse iyagu waxay yidhaahdeen, Annagu ku socon mayno jidkaas.
  • Mark 7:7-9 : 7 Si aan micne lahayn ayay ii caabudaan, Iyagoo dadka wax ku baraya amarrada dadka. 8 Idinku qaynuunkii Ilaah waad ka tagtaan, oo waxaad xajisaan xeerka dadka, sida dhaqidda dheriyada iyo koobabka, oo wax kale oo badan oo kuwaas la mid ah ayaad samaysaan. 9 ¶ Markaasuu ku yidhi, Qaynuunkii Ilaah aad baad u diiddaan inaad xeerkiinna xajisaan. 10 Waayo, Muuse wuxuu yidhi, Aabbahaa iyo hooyadaa maamuus; oo kan aabbihii iyo hooyadii caayaa, dhimasho ha ku dhammaado. 11 Laakiin waxaad leedihiin, Haddii nin aabbihii iyo hooyadii ku yidhaahdo, Wixii aan idiin tari lahaa oo dhan waa Qurbaan, waxa weeye, Waa sadaqad aan Ilaah siiyey; 12 idinku uma daysaan mar dambe inuu aabbihii iyo hooyadii wax u sameeyo. 13 Ereygii Ilaah ayaad ku buriseen xeerkiinna aad bixiseen, oo wax badan oo kuwan oo kale ah ayaad samaysaan.
  • Room 4:11-12 : 11 oo wuxuu helay calaamada gudniinta, tan ahayd shaabaddii xaqnimada oo rumaysadkii uu haystay intuu buuryoqabka ahaa; inuu noqdo aabbihii inta rumaysata oo dhan in kastoo ay buuryoqab yihiin, in xaqnimo loo tiriyo iyaga, 12 iyo inuu aabbaha gudniinta u noqdo kuwa aan ahayn kuwa gudan oo keliya laakiinse kuwa ku socda tallaabooyinka rumaysadka ee Aabbeheen Ibraahim haystay intuu buuryoqabka ahaa.
  • Cib 11:1-2 : 1 ¶ Rumaysadku waa hubaasha waxyaalaha la rajeeyo, iyo xaqiiqaynta waxyaalaha aan la arkin. 2 Waayo, saasaa loogu markhaati furay waayeelladii.
  • Cib 11:39 : 39 Kuwaas oo dhammu, iyagoo loo markhaati furay rumaysadkoodii daraaddiis, ayaanay helin wixii loo ballanqaaday;

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Luuk 5:36-38
    3 aayado
    89%

    36Weliba wuxuu kula hadlay masaal isagoo leh, Ninna karriin kama jeexo dhar cusub inuu dhar duug ah ku tolo, haddii kale tan cusub ayuu jeexayaa, oo karriintii laga soo gooyay dharkii cusbaa la heshiin mayso kan duugga ah.

    37Ninna khamri cusub kuma shubo qarbeddo duug ah, haddii kale khamrigii cusbaa ayaa qarbeddada kala dildillaacinaya, oo waa daadanayaa; qarbeddaduna waa hallaabayaan.

    38Laakiin khamri cusub waa in lagu shubaa qarbeddo cuscusub.

  • Mark 2:21-22
    2 aayado
    84%

    21Ninna karriin cusub kuma tolo dhar duug ah, haddii kale tan cusub ee lagu buuxin lahaa ayaa ka go'da kan duug ah, oo jeexdintu waa ka sii xumaataa.

    22Khamri cusubna qarbeddo duug ah laguma shubo, haddii kale khamrigii cusbaa ayaa qarbeddada kala dildillaacinaya, khamriguna waa daadanayaa, qarbeddaduna waa hallaabayaan, laakiin khamriga cusubse waxaa lagu shubaa qarbeddo cuscusub.

  • Mat 9:16-17
    2 aayado
    84%

    16Ninna karriin cusub kuma tolo dhar duug ah, waayo, tan lagu buuxin lahaa ayaa dharka ka go'da, oo jeexdintu waa ka sii xumaataa.

    17Khamri cusubna laguma shubo qarbeddo duug ah, haddii kale qarbeddada ayaa qarxaya, khamriguna waa daadanayaa, qarbeddaduna waa hallaabayaan, laakiin khamri cusubse waxaa lagu shubaa qarbeddo cuscusub, labaduba waa sii raagayaan.

  • Yoox 2:9-10
    2 aayado
    78%

    9Kii madaxda ahaa markuu dhadhamiyey biyihii khamriga noqday ma uu ogayn meel ay ka yimaadeen, laakiin midiidinyadii oo soo dhuray way ogaayeen; markaasaa kii madaxda ahaa u yeedhay ninkii arooska ahaa,

    10oo ku yidhi, Nin kastaa marka hore wuxuu soo saaraa khamriga wanaagsan, oo markay u cabbaan siday doonayaan dabadeedna ayuu keenaa kan liita; adiguse khamriga wanaagsan ilaa haddeer ayaad dib u dhigtay.

  • 13oo sibraarradan khamriga oo aannu soo buuxsannay way cusbaayeen, oo bal eega haatan waa dildillaacsan yihiin, oo dharkayaga iyo kabahayagu waxay ku duugoobeen sodcaalkii aad u dheeraa aawadiis.

  • 1Khamri waa dadquudhsade, waxa lagu sakhraamona waa qaylokiciye, Oo ku alla kii ku qaldamaana caqli ma laha.

  • 23Laakiinse hadda ka dib biyo oo keliya ha cabbin, illowse waxoogaa yar oo khamri ah u cab calooshaada iyo cudurradaada mararka badan kugu soo noqnoqda daraaddood.

  • 72%

    30Waa kuwa wakhti dheer ku raaga khamriga, Waana kuwa u taga inay doondoontaan khamri laysku daray.

    31Ha fiirin khamrigu markuu casaado, Markuu koobka ka dhex dhalaalo, Iyo markuu si wanaagsan u shubmayoba.

  • 11Sinada iyo khamriga iyo khamriga cusububa qalbigay la tagaan.

  • Maah 31:4-7
    4 aayado
    72%

    4Lemuu'eelow, uma eka boqorrada, uma eka boqorradu inay khamri cabbaan, Oo amiirradana uma eka inay waxa lagu sakhraamo damcaan,

    5Waaba intaasoo ay cabbaan, oo ay sharciga illoobaan, Oo ay kuwa dhibaataysan midkood gartiisa qalloociyaan.

    6Waxa lagu sakhraamo siiya ka dhimashada ku dhow, Oo khamrigana waxaad siisaan kuwa naftoodu la qadhaadhaatay.

    7Ha cabbo, oo caydhnimadiisa ha illoobo, Oo dhibaatadiisana yaanu mar dambe soo xusuusan innaba.

  • 5Kuwiinna sakhraamiinta ahow, toosa, oo ooya, kuwiinna khamriga cabta oo dhammow, khamrigii macaanaa aawadiis u baroorta, waayo, waa idinka go'ay.

  • 7Khamriga cusubu wuu baroortaa, dhirta canabkuna way dhadaa, oo kuwii qalbigoodu faraxsanaa oo dhammuna way taahaan.

  • 29Laakiin waxaan idinku leeyahay, Hadda dabadeed anigu kama cabbi doono midhahan geedka canabka ah ilaa maalinta aan iyadoo cusub idinkula cabbayo boqortooyada Aabbahay dhexdeed.

  • 25Runtii waxaan idinku leeyahay, Mar dambe midhaha geedka canabka ah kama cabbi doono ilaa maalinta aan boqortooyada Ilaah ka cabbi doono kan cusub.

  • 10Sidaasay maqsinnadaadu barwaaqo uga buuxsami doonaan, Macsarooyinkaaguna waxay la buuxdhaafi doonaan khamri cusub.

  • 5Haah, oo weliba khamrigu wax buu khiyaanaa, oo nin isla weynu gurigiisa kuma xasillo. Wuxuu xiisihiisa u ballaadhiyaa sida She'ool oo kale, oo isagu waa sida geerida oo kale oo innaba lama dherjin karo, laakiinse wuxuu soo urursadaa quruumaha oo dhan, oo wuxuu isu geeystaa dadyowga oo dhan.

  • 52Markaasuu wuxuu ku yidhi, Sidaa darteed mid kasta oo culimmada ka mid ah oo xer looga dhigay boqortooyada jannada, wuxuu u eg yahay nin reer odaygiis ah oo maalkiisa ka soo saara wax cusub iyo wax duug ah.

  • 10Oo waxaad cuni doontaan midhihii hore oo aad wakhti dheer kaydsateen, oo waxaad soo bixin doontaan midhihii hore si aad kuwa cusub meel ugu heshaan.

  • 13Kolkuu yidhi, Axdi cusub, ayuu kii hore duug ka dhigay. Laakiin kan duugoobayaa oo gaboobayaa wuxuu u dhow yahay inuu libdho.

  • 18Ha ku sakhraamina khamriga rabshadu ku jirto, laakiinse Ruuxu ha idinka buuxsamo.

  • 11¶ Hoog waxaa leh kuwa aroor hore u kaca si ay wax lagu sakhraamo u daba galaan, oo haddana ilaa habeenkii ku sii raaga ilaa uu khamrigu ololiyo!

  • 9Mar dambe khamri hees kuma ay cabbi doonaan, oo wax lagu sakhraamona wuu u qadhaadhaan doonaa kuwa cabba.

  • 22¶ Hoog waxaa leh kuwa u xoogga badan inay khamri cabbaan, iyo dadka u itaalka weyn inay qasaan wax lagu sakhraamo,

  • 3waa inuu ka fogaadaa khamri iyo wax lagu sakhraamoba. Waa inuusan cabbin khamri khalkiis ama wax lagu sakhraamo khalkood, oo waa inuusan cabbin dheecaanka canabka, uusanna cunin canab cusub ama sabiib toona.

  • 15¶ Waxaa iska hoogay kaaga deriskiisa khamri cabsiiya, oo cadho ugu shuba, oo weliba u sakhraamiya si uu cawradooda u fiirsada aawadeed!

  • 12¶ Sidaas daraaddeed waxaad iyaga u sheegtaa eraygan, oo waxaad ku tidhaahdaa, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Sibraar kasta waxaa laga buuxin doonaa khamri, iyaguna waxay kugu odhan doonaan, War sida runta ah miyaannan ogayn in sibraar kastaba khamri laga buuxin doono?

  • Wacd 1:9-10
    2 aayado
    68%

    9Wixii hore u jiri jiray waa waxa dibna u jiri doona, oo wixii la sameeyeyna waa waxa hadda ka dib la samayn doono, oo inta qorraxda ka hoosaysana wax cusub laguma arko.

    10Miyey jiraan wax la odhan karo, Bal eeg, waxanu waa cusub yihiine? Way jiri jireen tan iyo waayihii inaga horreeyey.

  • 33Waayo, Yooxanaa Baabtiisaha waa yimid isagoo aan kibis cunaynin oo aan khamri cabbaynin; waxaadna tidhaahdaan, Jinni buu qabaa.

  • 5Kaalaya oo kibistayda wax ka cuna, Oo khamriga aan isku darayna wax ka cabba.

  • 12Oo waxay yidhaahdaan, Kaalaya khamri baan doonan doonaaye oo wax lagu sakhraamo baynu ka soo dhergi doonnaaye, oo berrina waxay ahaan doontaa sida maanta oo kale, oo weliba ka sii weyn.

  • 17Kii raaxaysi jecelu miskiin buu ahaan doonaa, Oo kii khamri iyo saliid jeceluna taajir ma noqon doono.

  • 19Bal eega, calooshaydu waa sidii khamri sibraar ku jirta oo aan lahayn meelay ka neefsato, Xataa sidii sibraarro ku dhow inay qarxaan.

  • 20Ha dhex joogin khamriyacabyada Iyo kuwa hunguriweynaanta hilibka u cuna,

  • 13Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi iyada, Kii kasta oo biyahan ka cabbaa, mar kale wuu harraadi doonaa,

  • 10Ha odhan, Waayihii hore bal maxay kuwan uga fiicnaayeen? Waayo, xaalkan si caqliya u weyddiin maysid.

  • 13Markaasaa geedcanabkii wuxuu ku yidhi iyagii, Miyaan ka tagaa khamrigayga ka farxiya Ilaah iyo dadkaba, oo miyaan u kacaa inaan hore iyo dib uga lulmado geedaha dushooda?

  • 15Iyo khamri ka farxiya dadka qalbigiisa, Iyo saliid uu wejiga ku dhaashado, Iyo kibis qalbiga dadka xoogaysa.

  • 2Goobta hadhuudhka lagu tumo iyo macsarada khamriguba iyaga ma ay quudin doonaan, oo khamriga cusubuna wuu gabi doonaa.

  • 34Ciise wuxuu ku yidhi, Ma ku dirqi karaysaan saaxiibbadii arooska inay soomaan kolkuu aroosku la joogo?