1 Timoteyos 5:23

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Laakiinse hadda ka dib biyo oo keliya ha cabbin, illowse waxoogaa yar oo khamri ah u cab calooshaada iyo cudurradaada mararka badan kugu soo noqnoqda daraaddood.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 104:15 : 15 Iyo khamri ka farxiya dadka qalbigiisa, Iyo saliid uu wejiga ku dhaashado, Iyo kibis qalbiga dadka xoogaysa.
  • 1 Tim 3:8 : 8 Sidaas oo kalena caawiyayaasha kiniisaddu waa inay ahaadaan dad la maamuuso oo ayan noqon laba-hadallayaal, oo ayan khamri badan cabbin, oo ayan faa'iidada ceebta ah jeclaan.
  • Titus 1:7 : 7 Waayo, hoggaamiyaha kiniisaddu waa inuu ceeb la'aado sida wakiilka Ilaah; oo uusan madax adkaan, oo uusan camal fududaan, oo uusan sakhraan noqon, oo uusan gacan fududaan, oo uusan faa'iidada ceebta ah jeclaan,
  • Titus 2:3 : 3 Sidaas oo kalena habruhu waa inay asluub quduus ah lahaadaan, oo ayan noqon kuwa wax xanta, oo ayan khamri badan addoommo u noqon, laakiinse ay noqdaan kuwo wax wanaagsan dadka bara.
  • Maah 31:4-7 : 4 Lemuu'eelow, uma eka boqorrada, uma eka boqorradu inay khamri cabbaan, Oo amiirradana uma eka inay waxa lagu sakhraamo damcaan, 5 Waaba intaasoo ay cabbaan, oo ay sharciga illoobaan, Oo ay kuwa dhibaataysan midkood gartiisa qalloociyaan. 6 Waxa lagu sakhraamo siiya ka dhimashada ku dhow, Oo khamrigana waxaad siisaan kuwa naftoodu la qadhaadhaatay. 7 Ha cabbo, oo caydhnimadiisa ha illoobo, Oo dhibaatadiisana yaanu mar dambe soo xusuusan innaba.
  • Ef 5:18 : 18 Ha ku sakhraamina khamriga rabshadu ku jirto, laakiinse Ruuxu ha idinka buuxsamo.
  • 1 Tim 3:3 : 3 oo uusan sakhraan noqon, oo uusan gacan fududaan, laakiin waa inuu noqdo mid tudhid badan, oo uusan ilaaq lahayn, oo uusan lacag jeclayn.
  • Yex 44:21 : 21 Oo markay barxadda gudaha soo galaanna wadaadna waa inuusan innaba khamri cabbin.
  • 1 Tim 4:4 : 4 Waayo, wax kasta oo Ilaah abuuray wuu wanaagsan yahay, waana inaan waxba la diidin haddii mahadnaqid lagu aqbalo,
  • Laaw 10:9-9 : 9 Ha cabbina khamri amase wax lagu sakhraamo, adiga iyo wiilashaada kula jira toona, markaad teendhada shirka gashaan yeydnan dhimane, oo taasu weligiin iyo ab ka ab qaynuun bay idiin ahaan doontaa, 10 oo waa inaad kala dudaan waxa quduuska ah iyo waxa aan quduuska ahayn, iyo waxa nijaasta ah iyo waxa daahirka ah; 11 iyo inaad reer binu Israa'iil bartaan kulli qaynuunnadii Rabbigu iyaga kula hadlay oo uu gacanta Muuse ugu soo dhiibay oo dhan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Maah 31:4-7
    4 aayado
    75%

    4Lemuu'eelow, uma eka boqorrada, uma eka boqorradu inay khamri cabbaan, Oo amiirradana uma eka inay waxa lagu sakhraamo damcaan,

    5Waaba intaasoo ay cabbaan, oo ay sharciga illoobaan, Oo ay kuwa dhibaataysan midkood gartiisa qalloociyaan.

    6Waxa lagu sakhraamo siiya ka dhimashada ku dhow, Oo khamrigana waxaad siisaan kuwa naftoodu la qadhaadhaatay.

    7Ha cabbo, oo caydhnimadiisa ha illoobo, Oo dhibaatadiisana yaanu mar dambe soo xusuusan innaba.

  • 22Ninna gacmaha degdeg ha u saarin, dad kale dembiyadoodana ha ka qayb gelin. Nafsaddaada daahirsanaan ku dhawr.

  • 73%

    30Waa kuwa wakhti dheer ku raaga khamriga, Waana kuwa u taga inay doondoontaan khamri laysku daray.

    31Ha fiirin khamrigu markuu casaado, Markuu koobka ka dhex dhalaalo, Iyo markuu si wanaagsan u shubmayoba.

  • Luuk 5:37-39
    3 aayado
    72%

    37Ninna khamri cusub kuma shubo qarbeddo duug ah, haddii kale khamrigii cusbaa ayaa qarbeddada kala dildillaacinaya, oo waa daadanayaa; qarbeddaduna waa hallaabayaan.

    38Laakiin khamri cusub waa in lagu shubaa qarbeddo cuscusub.

    39Ma jiro nin, hadduu khamri duug ah cabbay, doonaya kan cusub, waayo, wuxuu leeyahay, Kan duugga ah ayaa wanaagsan.

  • Ef 5:17-18
    2 aayado
    72%

    17Sidaas daraaddeed nacasyo ha ahaanina, laakiinse garta waxa ay doonista Rabbigu tahay.

    18Ha ku sakhraamina khamriga rabshadu ku jirto, laakiinse Ruuxu ha idinka buuxsamo.

  • 20Ha dhex joogin khamriyacabyada Iyo kuwa hunguriweynaanta hilibka u cuna,

  • 21Haddaba taada dhibaataysan oo ku sakhraantay wax aan khamri ahaynay, bal waxan maqal:

  • 24Dadka qarkood dembiyadoodu waa bayaan, oo waxay u hor marayaan xukunka, dadka qaarkoodna kuwoodu way daba socdaan.

  • 22¶ Hoog waxaa leh kuwa u xoogga badan inay khamri cabbaan, iyo dadka u itaalka weyn inay qasaan wax lagu sakhraamo,

  • 21Waa wanaagsan tahay inaadan hilib cunin ama khamri cabbin ama samayn wax kaleto oo walaalkaa ku turunturoodo.

  • 15¶ Waxaa iska hoogay kaaga deriskiisa khamri cabsiiya, oo cadho ugu shuba, oo weliba u sakhraamiya si uu cawradooda u fiirsada aawadeed!

  • 11Oo biyahana waa inaad qiyaas u cabtaa, oo waxaa kuu go'an hiin lix meelood loo dhigay meeshiis, oo waa inaad goor ka goor cabtaa.

  • 1Khamri waa dadquudhsade, waxa lagu sakhraamona waa qaylokiciye, Oo ku alla kii ku qaldamaana caqli ma laha.

  • 3waa inuu ka fogaadaa khamri iyo wax lagu sakhraamoba. Waa inuusan cabbin khamri khalkiis ama wax lagu sakhraamo khalkood, oo waa inuusan cabbin dheecaanka canabka, uusanna cunin canab cusub ama sabiib toona.

  • 14Markaasaa Ceelii wuxuu iyadii ku yidhi, Ilaa gormaad sakhraamaysaa? Khamrigaaga iska fogee.

  • 5Kuwiinna sakhraamiinta ahow, toosa, oo ooya, kuwiinna khamriga cabta oo dhammow, khamrigii macaanaa aawadiis u baroorta, waayo, waa idinka go'ay.

  • 30Sababtaas aawadeed ayay badidiinnu u itaal daranyihiin, oo u bukaan, oo qaar aan yaraynu u dhinteen.

  • 11¶ Hoog waxaa leh kuwa aroor hore u kaca si ay wax lagu sakhraamo u daba galaan, oo haddana ilaa habeenkii ku sii raaga ilaa uu khamrigu ololiyo!

  • 5Kaalaya oo kibistayda wax ka cuna, Oo khamriga aan isku darayna wax ka cabba.

  • 1 Tes 5:6-7
    2 aayado
    68%

    6sidaas daraaddeed yeynan seexan sida kuwa kale yeelaan, laakiinse aan soo jeedno oo aan feeyignaanno.

    7Waayo, kuwa seexdaa habeenkay seexdaan, kuwa sakhraamaana habeenkay sakhraamaan.

  • 25Runtii waxaan idinku leeyahay, Mar dambe midhaha geedka canabka ah kama cabbi doono ilaa maalinta aan boqortooyada Ilaah ka cabbi doono kan cusub.

  • 9Ha cabbina khamri amase wax lagu sakhraamo, adiga iyo wiilashaada kula jira toona, markaad teendhada shirka gashaan yeydnan dhimane, oo taasu weligiin iyo ab ka ab qaynuun bay idiin ahaan doontaa,

  • 15Berkeddaada biyo ka cab, Oo ceelkaagana biyo qulqulaya ka cab.

  • 15Iyo khamri ka farxiya dadka qalbigiisa, Iyo saliid uu wejiga ku dhaashado, Iyo kibis qalbiga dadka xoogaysa.

  • 11Sinada iyo khamriga iyo khamriga cusububa qalbigay la tagaan.

  • 18waayo, waxaan idinku leeyahay, Hadda dabadeed anigu midhaha geedka canabka ah kama cabbi doono ilaa ay boqortooyada Ilaah timaado.

  • 22Khamri cusubna qarbeddo duug ah laguma shubo, haddii kale khamrigii cusbaa ayaa qarbeddada kala dildillaacinaya, khamriguna waa daadanayaa, qarbeddaduna waa hallaabayaan, laakiin khamriga cusubse waxaa lagu shubaa qarbeddo cuscusub.

  • 7¶ Orod oo tag, oo kibistaada farxad ku cun, oo khamrigaagana qalbi istareexsan ku cab, waayo, Ilaah shuqulladaadii horuu u aqbalay.

  • 10oo ku yidhi, Nin kastaa marka hore wuxuu soo saaraa khamriga wanaagsan, oo markay u cabbaan siday doonayaan dabadeedna ayuu keenaa kan liita; adiguse khamriga wanaagsan ilaa haddeer ayaad dib u dhigtay.

  • 17Khamri cusubna laguma shubo qarbeddo duug ah, haddii kale qarbeddada ayaa qarxaya, khamriguna waa daadanayaa, qarbeddaduna waa hallaabayaan, laakiin khamri cusubse waxaa lagu shubaa qarbeddo cuscusub, labaduba waa sii raagayaan.

  • 29Laakiin waxaan idinku leeyahay, Hadda dabadeed anigu kama cabbi doono midhahan geedka canabka ah ilaa maalinta aan iyadoo cusub idinkula cabbayo boqortooyada Aabbahay dhexdeed.

  • 13Cagihiinnana waddooyin toosan u sameeya si aan curyaanku u murkacan laakiin u bogsado.

  • 9Mar dambe khamri hees kuma ay cabbi doonaan, oo wax lagu sakhraamona wuu u qadhaadhaan doonaa kuwa cabba.

  • 11Laakiin hadda waxaan idiin soo qoray, Ha raacina qof walaal la yidhaahdo hadduu sinaysto, ama wax badan damco, ama sanam caabudo, ama wax caayo, ama sakhraamo, ama wax dulmo. Waa inaydnaan kaasoo kale xataa wax la cunin.

  • 8Taasu waxay xundhurtaada u noqon doontaa caafimaad, Oo lafahaagana waxay u noqon doontaa dhuux.

  • 10Sidaasay maqsinnadaadu barwaaqo uga buuxsami doonaan, Macsarooyinkaaguna waxay la buuxdhaafi doonaan khamri cusub.

  • 4Miyaannan annagu jid u lahayn inaannu wax cunno oo wax cabno?

  • 22Lacagtaadii wasakh bay noqotay, khamrigaagiina waxaa ku qasmay biyo.

  • 17Waayo, iyagu waxay cunaan kibistii sharnimada, Oo waxay cabbaan khamrigii dulmiga.

  • 14Mid bukaa ma idinku dhex jiraa? Ha u yeedho waayeellada kiniisadda, oo iyagu ha u duceeyeen, oo saliid ha ku mariyeen magaca Rabbiga.

  • 16Haddaba bal sidee buu u daahir ahaanayaa nin karaahiyo iyo wasakhaan ah, Oo dembiga sida biyo u cabbaa!

  • 2Odayaashu waa inay feejignaadaan oo dhug yeeshaan oo digtoonaadaan oo ay si run ah ugu socdaan iimaanka iyo jacaylka iyo dulqaadashada.