Maahmaahyadii 4:17

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waayo, iyagu waxay cunaan kibistii sharnimada, Oo waxay cabbaan khamrigii dulmiga.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ayuub 24:5-6 : 5 Bal eeg, sida dameerdibadeedyo lamadegaanka jooga Ayay shuqulkooda ugu baxaan, iyagoo cunto aad u doonaya; Cidladuna carruurtooda cuntay u soo bixisaa. 6 Cuntadooda waxay ka goostaan berrinka, Oo waxay xaabxaabaan canabka kuwa sharrowyada ah.
  • Sab 14:4 : 4 Xumaanfalayaasha oo dhammu miyaanay aqoon lahayn? Iyagoo dadkayga cuna, siday kibista u cunaan, Mana ay baryaan Rabbiga.
  • Maah 9:17 : 17 Biyo la soo xaday way macaan yihiin. Oo cunto qarsoodi loo cunaana wax bay ka farxisaa.
  • Maah 20:17 : 17 Cuntadii khiyaano lagu helaa dadka way u macaan tahay, Laakiinse dabadeed afkiisa waxaa ka buuxsami doona quruurux.
  • Yer 5:26-28 : 26 Waayo, dadkayga dhexdiisa waxaa laga helaa niman shar ah. Waxay u gabbadaan sida kuwa wax dabta, oo intay dabin u qoolaan ayay dad qabsadaan. 27 Sida qafas shimbirro ka buuxaan oo kale ayaa guryahooda khiyaano uga buuxdaa, oo sidaas daraaddeed ayay u weynaadeen oo u taajiroobeen. 28 Aad bay u buurnaadeen oo cayileen, oo xataa falimaha sharka ahna aad bay u badiyaan, ma garsooraan oo agoontana uma ay muddacaan si ay u barwaaqoobaan, oo masaakiintana xaqooda uma ay sameeyaan.
  • Yex 22:25-29 : 25 Shirqool bay nebiyadeedu dhexdeeda ku sameeyeen, sidii libaax ciyaya oo xoog wax ku qabsada. Nafo dad ayay baabbi'iyeen, oo waxay iska qaataan khasnad iyo waxyaalo qaali ah, oo waxay u yeeleen carmallo badan oo dhexdeeda jooga. 26 Oo wadaaddadeediina sharcigaygii si xun bay u dhaafeen, oo waxay nijaaseeyeen waxyaalahaygii quduuska ahaa. Innaba ma ay kala duwin wixii quduuska ahaa iyo wixii nijaasta ahaa, oo innaba dadka ma ay barin inay kala gartaan wixii nadiifta ahaa iyo wixii aan nadiifta ahayn, oo indhahoodana waxay ka qariyeen sabtiyadaydii, oo anigana dhexdoodaa wax nijaas ah laygaga dhigay. 27 Amiirradeeda dhex joogaa waa sida yeey xoog wax ku qabsata oo kale inay dhiig daadiyaan, iyo inay nafo dad halligaan, si ay faa'iido daacadla'aan ugu helaan aawadeed. 28 Oo nebiyadeeduna waxay ku malaaseen dhoobo aan nuurad lahayn, oo iyagoo aan Rabbigu la hadlin ayay yidhaahdaan, Sayidka Rabbiga ah ayaa saas leh, illowse waxay arkeen wax aan waxba ahayn, oo wax been ah bay iyaga ugu faaliyeen. 29 Dadkii dalku waxay ku isticmaaleen dulmi, oo wax bay dheceen, oo masaakiintii iyo saboolkii baahnaa aad bay u dhibeen, oo xataa shisheeyihii si xun bay u dulmeen.
  • Aam 8:4-6 : 4 Bal maqla, kuwiinna saboolka baahan liqow, oo xataa masaakiinta dalka baabbi'iyow, 5 oo leh, Goormuu dayaxa cusubu dhammaan doonaa aan hadhuudhka iibinnee? Sabtiduse goormay na dhaafaysaa aannu sarreenka soo saarnee, idinkoo miisaanka eefaah yaraynaya, oo miisaanka sheqelkana weynaynaya, kafadahana khiyaano ku beenaynaya, 6 si aannu masaakiinta lacag ugu iibsanno oo aannu saboolka baahanna laba kabood u siisanno, oo aannu sarreenka xaabkiisa u iibinno?
  • Miik 3:5 : 5 Rabbigu sidaasuu kaga leeyahay nebiyada dadkayga qalda, oo qaniina oo haddana ku qayliya, Nabad, oo ku dhawaaqa in lala diriro ku alla kii aan afkooda wax ku ridin.
  • Miik 6:12 : 12 Waayo, dadkeeda taajiriinta ahu waa dulmi miidhan, oo kuweeda degganuna been bay ku hadlaan, oo carrabka afkooduna waa khiyaano miidhan.
  • Saf 3:3 : 3 Amiirradeeda iyada dhex jooga waa sida libaaxyo ciyaya, xaakinnadeeduna waa sida yeey habeennimo oo aan waxba tan iyo aroortii reebin.
  • Mat 23:13 : 13 ¶ Laakiin waa idiin hoog, culimmo iyo Farrisiin yahay oo labawejiilayaasha ahu, waayo, boqortooyada jannada ayaad dadka ka xidhaan, maxaa yeelay, idinku ma gashaan, oo kuwa gelayana uma deysaan inay galaan.
  • Yac 5:4-5 : 4 Shaqaalayaashii beerihiinnii idiin gooyay mushahaaradoodii aad dulmiga uga reebateen way dhawaaqaysaa, qaylooyinkii kuwii beerihii gooyayna waxay galeen dhegaha Rabbiga Saba'ood. 5 Dhulkaad ku barwaaqaysateen, waadna ku raaxaysateen, oo qalbiyadiinnii waxaad u naaxiseen maalinta gowracidda.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 16Waayo, iyagu ma seexdaan haddaanay xumaan falin, Oo hurdadoodana waa laga qaadaa iyagoo cid kufiya mooyaane.

  • 4Xumaanfalayaasha oo dhammu miyaanay aqoon lahayn? Iyagoo dadkayga cuna, siday kibista u cunaan, Mana ay baryaan Rabbiga.

  • 8Waayo, Rabbiga gacantiisa waxaa ku jira koob, oo waxaa ka xumbaynaysa khamri, Oo waxaa ka buuxa wax laysku qooshay, oo kaasuu wax ka shubaa, Hubaal huubadiisa waxaa heenheensan doona oo cabbi doona dunida kuweeda sharka leh oo dhan.

  • 7Kuwa sharka leh dhacoodu iyaguu baabbi'in doonaa, Maxaa yeelay, iyagu waxay diidaan inay gar sameeyaan.

  • 17si ay baad iyo biyo u waayaan oo uu midkoodba kan kale ula welwelo, oo ay xumaantooda aawadeed u wada baabba'aan.

  • 6Cuntadooda waxay ka goostaan berrinka, Oo waxay xaabxaabaan canabka kuwa sharrowyada ah.

  • Ish 5:22-23
    2 aayado
    75%

    22¶ Hoog waxaa leh kuwa u xoogga badan inay khamri cabbaan, iyo dadka u itaalka weyn inay qasaan wax lagu sakhraamo,

    23kuwaasoo kan sharka leh xaq ka dhiga laaluush aawadiis, oo ka xaqa ahna xaqiisa ka qaada!

  • 8Iyagu waxay quutaan dembigii dadkayga, wayna jeclaystaan xumaantoodii.

  • 11¶ Hoog waxaa leh kuwa aroor hore u kaca si ay wax lagu sakhraamo u daba galaan, oo haddana ilaa habeenkii ku sii raaga ilaa uu khamrigu ololiyo!

  • 9Mar dambe khamri hees kuma ay cabbi doonaan, oo wax lagu sakhraamona wuu u qadhaadhaan doonaa kuwa cabba.

  • 16Waayo, cagahoodu waxay u ordaan shar, Oo waxay u degdegaan inay dhiig daadiyaan.

  • 10Waayo, in kastoo ay la mid yihiin qodxan isku wada murugsan, oo ay yihiin sidii kuwo cabniinkoodii ku sakhraamay, haddana waxaa loo wada baabbi'in doonaa sidii bal engegay.

  • 11Sinada iyo khamriga iyo khamriga cusububa qalbigay la tagaan.

  • 20Ha dhex joogin khamriyacabyada Iyo kuwa hunguriweynaanta hilibka u cuna,

  • 4Miyaanay aqoon lahayn xumaanfalayaasha dadkaygii u cuna siday kibista u cunaan, Oo aanay Ilaah baryin?

  • Room 3:15-16
    2 aayado
    74%

    15Cagahoodu waxay u dheereeyaan inay dhiig daadiyaan;

    16Jidadkooda waxaa yaal hoog iyo ba';

  • 2Nin wuxuu wax wanaagsan ku cuni doonaa midhaha afkiisa, Laakiinse khaayinnada naftoodu waxay cuni doontaa midhaha dulmiga.

  • 5Waaba intaasoo ay cabbaan, oo ay sharciga illoobaan, Oo ay kuwa dhibaataysan midkood gartiisa qalloociyaan.

  • 74%

    10Sidaas daraaddeed waxay warwareegaan iyagoo qaawan oo aan dhar qabin, Oo iyagoo gaajaysan ayay xidhmooyinka sidaan.

    11Waxay saliid ku sameeyaan nimankaas derbiyadooda gudahooda, Macsarooyinkoodana way tuntaan, iyagoo harraadsan.

  • 1Khamri waa dadquudhsade, waxa lagu sakhraamona waa qaylokiciye, Oo ku alla kii ku qaldamaana caqli ma laha.

  • 11Miskiinka baad ku tumataan, oo waxaad ka qaadataan sarreen badan, sidaas daraaddeed guryihii aad dhagax la qoray ka dhisateen kuma hoyan doontaan, oo beercanabyadii wanwanaagsanaa ee aad beerateenna khamrigooda kama cabbi doontaan.

  • 5Kuwiinna sakhraamiinta ahow, toosa, oo ooya, kuwiinna khamriga cabta oo dhammow, khamrigii macaanaa aawadiis u baroorta, waayo, waa idinka go'ay.

  • Miik 2:1-2
    2 aayado
    73%

    1¶ Waxaa hoogay kuwa xumaanta ka fikira oo waxyaalaha sharka ah sariirahooda ku hindisa. Markii waagu beryo ayay sameeyaan, maxaa yeelay, taas gacantooda baa xoog u leh.

    2Oo waxay damcaan beero, kolkaasay xoog ku qabsadaan, oo waxay damcaan guryo oo way iska qaataan, oo waxay dulmaan nin iyo reerkiis, iyo xataa nin iyo dhaxalkiis.

  • 15¶ Waxaa iska hoogay kaaga deriskiisa khamri cabsiiya, oo cadho ugu shuba, oo weliba u sakhraamiya si uu cawradooda u fiirsada aawadeed!

  • 2Innaba wax kale laguma arko dhaarasho been ah, iyo axdijebin, iyo dilid, iyo xadid, iyo sino mooyaane. Way soo fara baxsadaan, oo dhiiggelid baa dhiiggelid ku xigsata.

  • 19Jidka kuwa sharka lahuna waa sida gudcurka oo kale. Oo iyagu garan maayaan waxay ku turunturoodaan.

  • 73%

    32Waayo, geedcanabkoodu wuxuu ka yimid geedcanabkii Sodom, Iyo kii ku yiil beerihii Gomora. Canabkoodu waa midho sumeed, Rucubyadooduna waa qadhaadh.

    33Khamrigoodu waa jebiso waabaydeed, Iyo mariidka xun ee jilbiska.

  • 7Cagahoodu shar bay u ordaan, oo waxay u degdegaan inay dhiig aan xaq qabin daadiyaan. Fikirradoodu waa fikirro xumaaneed, baabba' iyo halligaad ayaa jidadkooda dhex yaal.

  • 6waayo, iyagu waxay daadiyeen dhiiggii quduusiintii iyo nebiyadii, oo adiguna waxaad ka waraabisay dhiig; waayo, way istaahilaan.

  • 7Waayo, kuwa seexdaa habeenkay seexdaan, kuwa sakhraamaana habeenkay sakhraamaan.

  • 8Oo meel kasta oo allabariba agteed waxay ku jiifsadaan dhar rahmad loo qaatay, oo guriga Ilaahoodna waxay ku dhex cabbaan khamrigii kuwa la ganaaxay.

  • 17Biyo la soo xaday way macaan yihiin. Oo cunto qarsoodi loo cunaana wax bay ka farxisaa.

  • 14Kuwa sharka lahu waxay la bexeen seeftoodii, qaansadoodiina way xooteen, Si ay miskiinka iyo kan baahan hoos ugu tuuraan, Oo ay laayaan kuwa jidkooda ku qumman.

  • 19oo dadka dalka degganna waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu dadka deggan Yeruusaalem iyo dalka reer binu Israa'iilba ka leeyahay, Iyagu kibistooda welwel bay ku cuni doonaan, oo biyahoodana yaab bay ku cabbi doonaan, si uu dalkoodu uga cidloobo waxa dhexdiisa jooga oo dhan, waana dulmiga kuwa dhexdiisa deggan oo dhammu ay sameeyaan aawadiis.

  • 4Oo markii aydnaan iyaga u raacin nejisnimadaas badan, way idinla yaabaan oo way idin caayaan.

  • 6Barako waxay saaran tahay kan xaqa ah madaxiisa, Laakiinse kuwa sharka leh afkooda dulmi baa qariya.

  • 8Sidaan anigu arkay, weligoodba kuwii xumaan tacbadaa, Oo belaayo beertaa, isla waxaasay goostaan.

  • 22Miiskoodu hortooda ha ku noqdo dabin, Oo markay nabdoon yihiinna shirqool ha ku noqdo.

  • 14Oo qalbigooda igama ay baryin, laakiinse sariirahooday ku kor ooyaan. Waxay u soo wada shiraan hadhuudh iyo khamri aawadood, oo anigana way igu caasiyoobaan.

  • 7Laakiinse kuwaasuba khamri bay ku ambadeen, oo waxay la dhacdheceen wax lagu sakhraamo. Oo wadaadkii iyo nebigiiba waxay ku ambadeen wax lagu sakhraamo, oo waxay aad ugu qasmeen khamri, oo waxay u habaabeen wax lagu sakhraamo. Riyada way ku ambadaan, oo garsooriddana way ku turunturoodaan.

  • 5Kaalaya oo kibistayda wax ka cuna, Oo khamriga aan isku darayna wax ka cabba.

  • 2Waayo, qalbigoodu wuxuu ka fikiraa kharribaad, Oo bushimahooduna waxay ku hadlaan belaayo.

  • 18Isagu biyaha dushooda wuu ku dheereeyaa, Qaybtoodii dhulkaa lagu habaaray, Isagu uma leexdo xagga jidka beeraha canabka ah.

  • 16Haddaba bal sidee buu u daahir ahaanayaa nin karaahiyo iyo wasakhaan ah, Oo dembiga sida biyo u cabbaa!

  • 25Kan xaqa ahu wax buu cunaa ilaa naftiisu dheregto, Laakiinse caloosha kuwa sharka lahu way baahnaan doontaa.