Luukos 6:11
Markaasay aad u cadhoodeen, oo waxay ka wada hadleen waxay Ciise ku samayn lahaayeen.
Markaasay aad u cadhoodeen, oo waxay ka wada hadleen waxay Ciise ku samayn lahaayeen.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
20Badidood waxay yidhaahdeen, Jinni buu qabaa, wuuna waalan yahay, ee maxaad u maqlaysaan?
20¶ Kolkaasuu guri galay; oo dad badan ayaa haddana ku soo ururay si aanay karin inay kibis cunaan.
21Xigtadiisii goortay maqleen, ayay u soo baxeen inay qabtaan, waayo, waxay yidhaahdeen, Isagu waa waalan yahay.
11Markaasay niman laaluusheen, oo nimankii baa waxay yidhaahdeen, Waxaannu maqalnay isagoo Muuse iyo Ilaahba caayaya.
12Markaasay kiciyeen dadkii iyo waayeelladii iyo culimmadii, oo intay isagii ku soo kediyeen oo qabteen, ayay shirkii geeyeen.
13Markaasay waxay soo taageen markhaatiyaal been ah oo leh, Ninkanu iskama daayo inuu meeshan quduuska ah iyo sharciga erayo xunxun ka sheego,
28Markii kuwii sunagogga ku jiray oo dhan waxaas maqleen ayay aad u cadhoodeen.
29Markaasay kaceen oo magaaladii ka saareen, waxayna u kaxeeyeen buurtii magaaladoodii ka dhisnayd qarkeedii inay ka tuuraan.
10Markaasuu isha wada mariyey, wuxuuna ninkii ku yidhi, Gacantaada soo taag. Markaasuu yeelay sidaas, gacantiisuna waa bogsatay.
14Laakiin Farrisiintu waa baxeen, oo waxay ka wada hadleen si ay u dilaan.
4Oo waxay ka wada hadleen si ay Ciise khiyaano ugu qabtaan oo ay u dilaan.
5Laakiin waxay yidhaahdeen, Yaanay noqon wakhtiga iidda si aan rabshad dadka uga dhex kicin.
65Wax badan oo kalena ayay ku lahaayeen iyagoo caayaya.
66¶ Kolkuu waagii beryay, waxaa ururay waayeelladii dadka oo ahaa wadaaddadii sare iyo culimmadiiba, oo waxay isagii geeyeen shirkoodii iyagoo leh,
6Markaasaa Farrisiintu baxeen, oo markiiba waxay kala tashadeen Herodosiintii si ay u dilaan isaga.
57Laakiin markaasay cod weyn ku qayliyeen oo dhegaha furaysteen, oo iyagoo isku wada qalbi ah ku yaaceen isagii.
53Haddaba maalintaas wixii ka dambeeyey waxay ku tashadeen inay dilaan.
12¶ Maalmahaas waxaa dhacay inuu buurta u baxay inuu tukado. Habeenkii oo dhan wuxuu waday inuu Ilaah u tukado.
18Markii wadaaddadii sare iyo culimmadii maqleen, waxay doonayeen si ay u dilaan, waayo, way ka baqeen, maxaa yeelay, dadka oo dhan waxay ka yaabeen waxbariddiisa.
15Markaasay u yimaadeen Ciise, oo waxay arkeen jinnoolihii isagoo fadhiya oo dhar sita oo miyir qaba, wayna baqeen.
16Kolkaasaa kuwii arkay waxay u sheegeen sidii ay u dhacday jinnoolihii iyo warkii doofaarrada.
2Markaasaa wadaaddadii sare iyo culimmadii waxay dooneen si ay u dilaan isaga, waayo, dadka ayay ka baqeen.
1¶ Goortii aroortii la gaadhay wadaaddadii sare iyo waayeelladii dadka oo dhan ayaa Ciise wax ka gees ah ka wada hadlay si ay u dilaan.
13Jinniyo badan ayay saareen, dad badan oo bukayna saliid bay mariyeen, wayna bogsiiyeen.
17¶ Laakiin waxaa kacay wadaadkii sare iyo kuwii la socday oo dhan, kuwaas oo ka mid ahaa dariiqada Sadukiinta; markaasay iyagoo aad u xanaaqsan,
20¶ Laakiin wadaaddadii sare iyo waayeelladii waxay dadkii badnaa oggolaysiiyeen inay Baraabbas weyddiistaan, Ciisena la dilo.
43¶ Kulli way ka wada yaabeen Ilaah weynaantiisa.
1¶ Aroortii kolkiiba wadaaddadii sare waxay la wada hadleen waayeelladii iyo culimmadii iyo shirkii oo dhan. Ciisena way xidheen oo kaxeeyeen oo waxay u dhiibeen Bilaatos.
4Markaasuu tegey, oo wuxuu la hadlay wadaaddada sare iyo madaxdii askarta si uu ugu gacangeliyo.
5Goortaasay farxeen oo kula heshiiyeen inay lacag siiyaan,
23Markaasaa waxaa sunagoggoodii ku jiray nin jinni wasakh leh qaba, wuuna qayliyey, oo wuxuu yidhi,
7Culimmadii iyo Farrisiintii ayaa fiirinayay inuu sabtida wax bogsiinayo iyo in kale, si ay ugu helaan wax ay ku ashtakeeyaan.
16Kolkaasuu weyddiiyey, Maxaad isweyddiinaysaan?
35Kolkaasaa dadkii u soo baxay inay arkaan wixii dhacay. Markaasay u yimaadeen Ciise, oo waxay arkeen ninkii jinniyadu ka baxeen, isagoo ag fadhiya Ciise cagihiisa oo dhar sita oo miyir qaba; wayna baqeen.
36Kolkaasaa kuwii arkay waxay iyaga u sheegeen sida jinnoolihii loo bogsiiyey.
30waayo, waxay yidhaahdeen, Jinni wasakh leh ayuu qabaa.
6Kuwii kalena addoommadiisii ayay qabteen, wayna caayeen oo dileen.
47¶ Sidaa aawadeed wadaaddadii sare iyo Farrisiintii shir bay isugu yimaadeen oo yidhaahdeen, Maxaynu samaynaa? Waayo, ninkanu calaamooyin badan buu sameeyeye.
23Markaasay waxay bilaabeen inay dhexdooda isweyddiiyaan midkood waxan yeeli doona.
3Kolkaasaa qaar culimmada ah waxay isku yidhaahdeen, Ninkan waa caytamayaa.
53¶ Ciisena waxay u geeyeen wadaadkii sare, waxaana u soo ururay wadaaddadii sare iyo waayeelladii iyo culimmadii.
11Iyagu markay maqleen ayay farxeen oo waxay ka ballanqaadeen inay lacag siiyaan. Markaasuu doonayay goor wanaagsan oo uu u soo gacangeliyo.
18Oo kuwo jinniyo wasakh leh derdereenna waa la bogsiiyey.
4Oo wuxuu iyaga ku yidhi, Sabtida ma xalaal baa in wanaag la falo ama shar; in naf la badbaadiyo ama la dilo? Laakiin way iska aamuseen.
13Iyaguna mar kale ayay ku qayliyeen, Iskutallaabta ku qodob.
54iyagoo gaadaya inay ku qabtaan wixii afkiisa ka soo baxa.
46Markaasay gacmaha saareen, wayna qabteen.
64Waad maqasheen caytanka. Maxay idinla tahay? Kulligood waxay xukumeen inuu dhimasho istaahilo.
57Markaasaa waxaa kacay qaar marag been ah ku furay oo yidhaahdeen,
27waayo, waxaa run ah in magaaladan gudaheeda Herodos iyo Bontiyos Bilaatos oo ay la jiraan dadka aan Yuhuudda ahayn iyo dadka reer binu Israa'iil iyagoo ka gees ah Ciise Midiidinkaaga quduuska ah, oo aad subagtay, ay isu urursadeen,