Luukos 7:43

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Simoon baa u jawaabay oo ku yidhi, Waxaan u malaynayaa, kan uu wax badan u dhaafay. Wuxuu ku yidhi, Si hagaagsan baad u qiyaastay.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 116:16-18 : 16 Rabbiyow, sida runta ah waxaan ahay addoonkaaga, Waxaan ahay addoonkaaga, oo ah wiilka addoontaada, Silsiladahaygii waad iga furtay. 17 Waxaan kuu soo bixin doonaa allabarigii mahadnaqidda, Oo magaca Rabbiga ayaan ku baryootami doonaa. 18 Rabbiga ayaan u oofin doonaa nidarradaydii, Oo weliba waxaan ku bixin doonaa dadkiisa oo dhan hortooda,
  • Mark 12:34 : 34 Markii Ciise arkay inuu miyir ku jawaabay, wuxuu ku yidhi, Boqortooyada Ilaah kama aad fogid. Markaas dabadeed ninna kuma dhicin inuu wax weyddiiyo.
  • Luuk 7:47 : 47 Sidaa darteed waxaan kugu leeyahay, Dembiyadeedii badnaa waa cafiyan yihiin, waayo, aad bay u jeclayd. Kii wax yar loo dhaafay, ayaa wax yar jecel.
  • Luuk 10:38 : 38 ¶ Intay socdeen wuxuu galay tuulo. Markaasaa qof dumar ah oo Maarta la odhan jiray ayaa gurigeeda gelisay.
  • 1 Kor 15:9-9 : 9 Waayo, anigu waxaan ahay kan rasuullada u liita oo aan istaahilin in loogu yeedho rasuul, waayo, kiniisadda Ilaah baan silcin jiray. 10 Laakiin Ilaah nimcadiisa ayaan ku ahay waxaan ahayba, oo nimcadiisii lay siiyeyna wax aan waxtar lahayn ma ay noqon, laakiin anigu waxaan u hawshooday si ka badan dhammaantood, anigase ma aha laakiin waa nimcada Ilaah ee ila jirtay.
  • 2 Kor 5:14-15 : 14 Waayo, jacaylka Masiix ayaa na qasba, annagoo tan xisaabna inuu mid dhammaan u dhintay, sidaa daraaddeed ayay dhammaan dhinteen. 15 Isagu wuxuu u dhintay dhammaan in kuwa nooli aanay u sii noolaan nafsaddooda laakiin ay u sii noolaadaan kan aawadood u dhintay oo u sara kacay.
  • 1 Tim 1:13-16 : 13 in kastoo aan hore u ahaan jiray mid dadka caaya oo silciya, oo dhiba, laakiin waa la ii naxariistay, waayo, aqoonla'aan baan ku sameeyey, anigoo aan rumaysanayn. 14 Nimcada Rabbigeenna waxay aad iyo aad ula badatay rumaysadka iyo jacaylka ku jira Ciise Masiix. 15 Hadalkanu waa run, waana mid istaahila in la wada aqbalo, in Ciise Masiix dunida u yimid inuu badbaadiyo dembilayaasha anoo ah kan ugu daran. 16 Laakiin sababtaas daraaddeed waa la ii naxariistay in, anigoo ah kan ugu daran, Ciise Masiix iga muujiyo dulqaadashadiisa oo dhan, inaan masaal u noqdo kuwa hadda dabadeed isaga rumaysan doona inay nolol weligeed ah helaan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Luuk 7:37-42
    6 aayado
    85%

    37Bal eeg, naag magaalada joogtay oo dembi lahayd goortay ogaatay inuu gurigii Farrisiga cunto u fadhiyo, waxay soo qaadatay weel alabastar ah oo cadar ku jiro.

    38Way isdaba taagtay cagihiisa agtooda iyadoo ooyaysa, waxayna bilaabtay inay ilmada cagihiisa ku qoyso, oo ay timaha madaxeeda ku tirtirto, oo cagihiisay dhunkatay, oo cadarkii marisay.

    39Farrisigii u yeedhay isaga, goortuu arkay, ayuu isla hadlay isagoo leh, Ninkan hadduu nebi yahay, wuu ogaan lahaa naagtan taataabatay cid ay tahay iyo waxay tahay inay tahay dembile.

    40Ciise baa u jawaabay oo ku yidhi, Simoonow, hal baan ku leeyahay. Wuxuu yidhi, Dheh, Macallimow.

    41Waxaa jiray amaahiye laba nin amaah ku lahaa, mid wuxuu ku lahaa shan boqol oo dinaar, midka kalena konton.

    42Goortii ay waayeen waxay bixiyaan, ayuu labadoodiiba u dhaafay. Haddaba iyamaa ahaan doona kan jacayl badan?

  • Luuk 7:44-50
    7 aayado
    79%

    44Kolkaasuu naagtii u jeestay, oo wuxuu Simoon ku yidhi, Naagtan ma aragtaa? Anigu gurigaagaan galay; biyo cagahayga iima aad siin, laakiin iyadu cagahayga ayay ilmadeeda ku qoysay oo ay timaheeda ku tirtirtay.

    45Dhunkasho ima aad dhunkan, iyaduse tan iyo wakhtigaan soo galay kama dayn inay cagahayga dhunkato.

    46Madaxaygana saliid ma aad marin, iyaduse cagahayga ayay cadar marisay.

    47Sidaa darteed waxaan kugu leeyahay, Dembiyadeedii badnaa waa cafiyan yihiin, waayo, aad bay u jeclayd. Kii wax yar loo dhaafay, ayaa wax yar jecel.

    48Wuxuu iyada ku yidhi, Dembiyadaadii waa cafiyan yihiin.

    49Kuwii cunto ula fadhiyey waxay bilaabeen inay isku yidhaahdaan, Yuu yahay kan dembiyo cafiya haddana?

    50Wuxuu naagtii ku yidhi, Rumaysadkaaga ayaa ku badbaadiyey ee nabad ku tag.

  • 72%

    35Maalintii dambe wuxuu soo bixiyey laba dinaar, oo siiyey ninkii hudheelkii lahaa, oo ku yidhi, U dadaal, oo wixii dambe oo kaaga baxa, soo noqodkayga ayaan kuu celin doonaa.

    36Saddexdaas kee bay kula tahay inuu deris u ahaa kii tuugagga ku dhex dhacay?

    37Wuxuu ku yidhi, Kii u naxariistay. Markaasaa Ciise ku yidhi, Tag oo sidaas oo kale yeel.

  • Mat 18:26-27
    2 aayado
    71%

    26Addoonkii haddaba wuu dhacay, oo intuu sujuuday, ayuu wuxuu ku yidhi, Ii dulqaado, anna waan wada bixin doonaaye.

    27Markaasaa addoonkaas sayidkiisii u naxariistay, wuuna sii daayay, oo amaahdii wuu u dhaafay.

  • Mat 18:32-35
    4 aayado
    70%

    32Markaasaa sayidkiisii u yeedhay oo ku yidhi, Addoon yahow sharkaluhu! Waxaan kugu lahaa oo dhan waan kuu dhaafay, waayo, waad i bariday.

    33Miyaanad lahayn inaad kii kula shaqayn jiray u naxariisatid sidaan anigu kuugu naxariistay?

    34Markaasaa sayidkiisu cadhooday oo u dhiibay kuwa dadka silciya ilaa uu bixiyo wixii lagu lahaa oo dhan.

    35Sidaas oo kalena ayaa Aabbahayga jannada ku jiraa idinku samayn doonaa, haddaan midkiin waliba qalbiga ka cafiyin walaalkiis.

  • 23Iyamaa hawl yar, in la yidhaahdo, Dembiyadaadu waa kaa cafiyan yihiin, ama in la yidhaahdo, Kac oo soco?

  • Mat 9:5-6
    2 aayado
    70%

    5Iyamaa hawl yar, in la yidhaahdo, Dembiyadaadu waa cafiyan yihiin, ama in la yidhaahdo, Kac oo soco?

    6Laakiin si aad ku garataan in Wiilka Aadanahu dhulka ku leeyahay amar uu dembiyada ku cafiyo (markaasuu kii curyaanka ahaa ku yidhi), Kac oo sariirtaada qaado oo gurigaaga tag.

  • Yoox 13:5-7
    3 aayado
    69%

    5Markaasuu biyo weel ku shubay oo bilaabay inuu xertiisa cagaha u maydho oo ku tirtiro tuwaalkii uu guntanaa.

    6Wuxuu haddaba u yimid Simoon Butros. Kaasaa ku yidhi, Sayidow, ma adaa cagaha ii maydhaya?

    7Markaasaa Ciise u jawaabay oo ku yidhi, Waxaan samaynaya, garan maysid imminka, laakiinse dabadeed waad garan doontaa.

  • Luuk 5:20-21
    2 aayado
    69%

    20Goortuu rumaysadkoodii arkay ayuu ku yidhi, Nin yahow, dembiyadaadu waa kaa cafiyan yihiin.

    21Markaasaa culimmadii iyo Farrisiintii waxay bilaabeen inay fikiraan iyagoo leh, Ayuu yahay kan caytamayaa? Ayaa dembiyo cafiyi kara Ilaah keliya maahee?

  • Mat 18:21-24
    4 aayado
    69%

    21¶ Markaas Butros ayaa u yimid oo ku yidhi, Sayidow, immisa goor baan cafiyaa walaalkay hadduu igu dembaabo? Ma ilaa toddoba goor baa?

    22Ciise ayaa ku yidhi, Kugu odhan maayo, Ilaa toddoba goor, laakiin, Ilaa toddobaatan goor oo toddoba ah.

    23Sidaa darteed boqortooyada jannada waxaa loo ekaysiiyaa nin boqor ah oo doonayay inuu addoommadiisa ka xisaab qaato.

    24Goortuu bilaabay inuu xisaab qaato waxaa loo keenay nin toban kun oo talanti uu ku lahaa.

  • Mark 2:9-10
    2 aayado
    69%

    9Iyamaa hawl yar, in curyaanka lagu yidhaahdo, Dembiyadaadu waa cafiyan yihiin, ama in lagu yidhaahdo, Kac oo sariirtaada qaado oo soco?

    10Laakiin si aad ku garataan in Wiilka Aadanahu dhulka ku leeyahay amar uu dembiyada ku cafiyo (ayuu ninkii curyaanka ahaa ku yidhi),

  • 4Hadduu toddoba goor maalintii kugu dembaabo, oo toddoba goor kuu soo jeesto, isagoo leh, Waa toobadkeenay, waa inaad cafido.

  • 7Ninkanu muxuu sidan ugu hadlayaa? Wuu caytamayaa. Ayaa dembiyo cafiyi kara Ilaah keliya maahee?

  • Fal 8:23-24
    2 aayado
    67%

    23Waayo, waxaan arkaa adigoo ku jira xammeetida qadhaadhnimada, kuna xidhan xaqdarrada.

    24Markaasaa Simoon u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Rabbiga ii barya inaan waxyaalahaas aad ku hadasheen midkoodna igu dhicin.

  • 37¶ Cidna ha xukumina, idinkana laydinma xukumi doono. Ninnana wax ha ku garaynina, idinkana wax laydinkuma garayn doono e; dhaafa oo waa laydin dhaafi doonaa.

  • 12¶ Haddaba markuu cagihii u maydhay iyagii, oo dharkiisa qaatay, oo haddana fadhiistay, markaasuu ku yidhi, Ma garanaysaan waxaan idinku sameeyey?

  • 23Nin alla ninkaad dembiyadiisa cafidaan way cafiyan yihiin, nin alla ninkaad dembiyadiisa ku celisaan way ceshan yihiin.

  • 7Laakiin goortay sii wadeen inay weyddiiyaan, wuu istaagay, oo wuxuu ku yidhi, Kii idinka mid ah oo aan dembi lahayn, isagu horta dhagax ha ku tuuro.

  • 25Wuxuu yidhi, Haah, wuu bixiyaa. Oo goortuu guriga galay Ciise ayaa hadal hor mariyey oo ku yidhi, Maxay kula tahay, Simoonow? Boqorrada dhulku yay ka qaadaan cashuurta iyo baadda? Wiilashooda ama shisheeyaha?

  • 5Ciise kolkuu rumaysadkoodii arkay, ayuu ninkii curyaanka ahaa ku yidhi, Wiilkow, dembiyadaadu waa cafiyan yihiin.

  • 5Markaasuu u yeedhay mid walba oo sayidkiisu dayn ku lahaa. Kii hore ayuu ku yidhi, Sayidkaygu immisuu kugu leeyahay?

  • 66%

    28Wuxuu ku yidhi, Si hagaagsan ayaad u jawaabtay. Sidaas yeel oo waad noolaan doontaa.

    29¶ Laakiin isagoo doonaya inuu iscaddeeyo inuu xaq yahay, ayuu Ciise ku yidhi, Yaa deriskayga ah?

  • 7¶ Goortuu arkay kuwii loo yeedhay siday kursiyada hore u doorteen, ayuu masaal kula hadlay oo ku yidhi,