Yooxanaa 8:7

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Laakiin goortay sii wadeen inay weyddiiyaan, wuu istaagay, oo wuxuu ku yidhi, Kii idinka mid ah oo aan dembi lahayn, isagu horta dhagax ha ku tuuro.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sharc 17:6-7 : 6 Oo kii la dilayo, markii laba ama saddex qof ku markhaati furaan waa in la dilo, laakiinse qof keliya markhaatigiisa waa inaan lagu dilin. 7 Oo markhaatiyaashu waa inay marka hore u gacan qaadaan qofkaas, dabadeedna dadka oo dhammu waa inay u gacan qaadaan. Oo sidaas waa inaad sharka dhexdiinna uga saartaan.
  • Room 2:1-3 : 1 ¶ Sidaas daraaddeed, nin yahow, marmarsiinyo ma lihid ku kastoo aad tahayba kaaga wax xukuma; maxaa yeelay, meeshii aad ku kale ku xukuntid, waad isku xukumaysaa, waayo, kaaga wax xukumaa, waxaad samaysaa isla wixii. 2 Oo waxaannu og nahay in xukunka Ilaah uu ka gees yahay kuwa waxyaalaha caynkaas ah sameeya, sida runta ah. 3 Nin yahow, ma waxay kula tahay, kolkaad xukuntid kuwa waxyaalaha caynkaas ah sameeya oo aad isla wixiina sameeysid, inaad xukunka Ilaah ka baxsan doonto?
  • Sab 50:16-20 : 16 Laakiinse Ilaah wuxuu kan sharka leh ku yidhaahdaa, Maxaad qaynuunnadayda u sheegaysaa, Oo aad axdigayga afkaaga ugu soo qaadaysaa? 17 Adigoo tacliinta neceb, Oo weliba erayadaydana dabadaada ku tuura. 18 Markaad tuug aragtay waad oggolaatay, Oo waxaad la qayb qaadatay dhillayo. 19 Afkaaga waxaad u daysaa inuu shar ku hadlo, Oo carrabkaaguna wuxuu hindisaa khiyaano. 20 Waad fadhiisataa oo wax ka sheegtaa walaalkaa, Oo weliba waxaad xamataa inahooyadaa.
  • Maah 26:4-5 : 4 Nacas ha ugu jawaabin sida nacasnimadiisu tahay, Waaba intaasoo aad sidiisa oo kale noqotaaye. 5 Nacas ugu jawaab sida nacasnimadiisu tahay, Waaba intaasoo uu isla caqli weynaadaaye.
  • Room 2:21-25 : 21 haddaba kaaga kan kale wax baraa, sow wax isbari maysid? Kaaga dadka ku wacdiya, Waxba ha xadina; adigu miyaad wax xaddaa? 22 Kaaga yidhaahda, Yaan la sinaysan, miyaad adigu sinaysataa? Kaaga sanamyada nebcaada, miyaad macbudyo dhacdaa? 23 Kaaga sharciga ku faana, miyaad Ilaah ku cisa jebisaa sharciga aad gudubtay aawadiis? 24 Waayo, magaca Ilaaha waa lagaga caytamaa quruumaha dhexdooda idinka daraaddiin, sida qoran. 25 Waayo, hubaal gudniintu wax bay tartaa, haddaad sharciga yeeshid, laakiin haddaad sharciga gudubtid, gudniintaadii waxay noqotay buuryoqabnimo.
  • Mat 7:1-5 : 1 ¶ Ninna ha xukumina inaan laydin xukumin. 2 Waayo, xukunkii aad ku xukuntaan ayaa laydinku xukumi doonaa, oo qiyaastii aad ku qiyaastaan ayaa laydinku qiyaasi doonaa. 3 Saxarka isha walaalkaa ku jira maxaad u aragtaa, dogobka ishaada ku jirase aad u fiirsan weydaa? 4 Sidee baad walaalkaa ugu odhan doontaa, I daa, saxarka ishaada ku jira aan kaa saaree; oo dogob baa ishaada ku jiree? 5 Labawejiile yahow, horta dogobka ishaada ku jira iska saar, goortaasaad bayaan u arkaysaa inaad saxarka isha walaalkaa ku jira ka saarto.
  • Kol 4:6 : 6 Mar kasta hadalkiinnu nimco ha lahaado isagoo cusbo lagu daray, inaad ogaataan sida idinku waajibka ah inaad mid kasta ugu jawaabtaan.
  • Cib 4:12-13 : 12 Waayo, hadalka Ilaah wuu nool yahay, waana shaqeeyaa, oo waa ka af badan yahay seef kasta oo laba af leh, isagoo ka dhex dusaya ilaa kala soocniinta nafta iyo ruuxa, iyo xubnaha iyo dhuuxaba, waana kala gartaa fikirrada iyo waxyaalaha qalbiga ku jira. 13 Oo uun aan hortiisa ka muuqani ma jiro, laakiin wax waliba way qaawan yihiin oo bannaan yihiin indhihiisa hortooda, kan aynu ku tirsan nahay.
  • Muj 1:16 : 16 Oo gacantiisa midigtaana wuxuu ku haystay toddoba xiddigood, oo afkiisana waxaa ka soo baxay seef soofaysan oo laba af leh, jaahiisuna wuxuu u ekaa qorraxda oo xoog u dhalaalaysa.
  • Muj 2:16 : 16 Haddaba sidaas daraaddeed toobadkeena, haddii kalese dhaqsaan idiinku iman, oo waxaan iyaga kula diriri doonaa seefta afkayga.
  • Muj 19:15 : 15 Oo afkiisana waxaa ka soo baxday seef af badan inuu ku laayo quruumaha; oo wuxuu iyaga ku xukumi doonaa ul bir ah, oo wuxuu ku tumay macsaraddii canabka oo xanaaqii cadhada Ilaaha Qaadirkaa.
  • Mat 23:25-28 : 25 ¶ Waa idiin hoog, culimmo iyo Farrisiin yahay, labawejiilayaasha ahu, waayo, koobka iyo saxanka dushaad ka nadiifisaan, laakiin gudaha waxaa ka buuxa dulun iyo damacbadnaan. 26 Farrisi yahow indhaha la'u, horta koobka gudaha ka nadiifi in dushiisuna nadiifsanaato. 27 ¶ Waa idiin hoog, culimmo iyo Farrisiin yahay, labawejiilayaasha ahu, waayo, waxaad u eg tihiin xabaalo la caddeeyey, kuwa dushoodu u eg tahay wax qurxoon, laakiin hoosta waxaa ka buuxa lafo dad dhintay iyo wasakh oo dhan. 28 Sidaas oo kalena idinku dusha waxaad dadka ugu eg tihiin dad xaq ah, laakiin gudaha waxaa idinka buuxa labawejiilenimo iyo dembi.
  • Yoox 7:46 : 46 Saraakiishii waxay ugu jawaabeen, Ninna weligiis uma hadlin sida ninkaasi u hadlay.
  • 1 Kor 14:24-25 : 24 Laakiin hadday dhammaantood wax sii sheegaan oo uu u yimaado mid aan rumaysanayn ama aan garanaynini, isaga waa la wada canaantaa, oo la wada xukumaa. 25 Waxyaalaha qarsoon ee qalbigiisa waa la muujiyaa, oo taa aawadeed wejigiisuu u dhici doonaa oo Ilaah ayuu caabudi doonaa isagoo odhanaya, Runtii Ilaah waa idin dhex joogaa.
  • Yer 23:29 : 29 Rabbigu wuxuu leeyahay, Miyaan eraygaygu ahayn sida dab oo kale, iyo sida dubbe dhagaxa kala burburiya oo kale?
  • Maah 12:18 : 18 Waxaa jira mid u hadla sida seef wax mudaysa, Laakiinse kan caqliga leh carrabkiisu waa caafimaad.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Yoox 8:8-13
    6 aayado
    87%

    8Mar kale ayuu foororsaday, oo haddana dhulka wax ku qoray.

    9Iyagu markay waxaas maqleen, ayay iska daba baxeen midba mid, waayeelladii ka bilaabato ilaa kii u dambeeyey. Ciisena keligiis ayuu hadhay iyo naagtii dhexda joogtay.

    10Ciise ayaa istaagay oo ku yidhi iyadii, Naag yahay, xaggee bay joogaan? Ninna miyaanu ku xukumin?

    11Waxay ku tidhi, Ninna, Sayidow. Ciisena wuxuu ku yidhi, Anna ku xukumi maayo. Soco, oo hadda ka dib ha dembaabin.

    12¶ Haddaba Ciise ayaa mar kale la hadlay iyaga, oo wuxuu ku yidhi, Anigu waxaan ahay nuurka dunida. Kii i soo raacaa, gudcurka kuma socon doono, wuxuuse lahaan doonaa nuurka nolosha.

    13Sidaa aawadeed Farrisiintu waxay ku yidhaahdeen, Marag baad isu furaysaa, maraggaagguna run ma aha.

  • Yoox 8:2-6
    5 aayado
    85%

    2Aroortii hore ayuu haddana macbudka yimid, dadkii oo dhammuna way u yimaadeen, oo intuu fadhiistay, ayuu wax baray.

    3Culimmadii iyo Farrisiintii waxay u keeneen naag sino lagu qabtay. Markaasay dhexda joojiyeen,

    4oo waxay isagii ku yidhaahdeen, Macallimow, naagtan waxaa lagu qabtay sino.

    5Hadda Muuse wuxuu sharciga nagu amray in la dhagxiyo tan oo kale, adiguse maxaad ka leedahay iyada?

    6Waxay waxaas u yidhaahdeen, iyagoo jirrabaya, si ay u helaan wax ay ku ashtakeeyaan. Laakiin Ciise waa foororsaday, oo farta ayuu dhulka wax ku qoray.

  • 59Markaasay dhagaxyo u gurteen inay ku tuuraan, laakiin Ciise waa dhuuntay, wuuna ka baxay macbudka.

  • 46Midkiinnee baa dembi igu caddaynaya? Haddaan runta sheego, maxaad ii rumaysan weydaan?

  • Luuk 7:37-40
    4 aayado
    71%

    37Bal eeg, naag magaalada joogtay oo dembi lahayd goortay ogaatay inuu gurigii Farrisiga cunto u fadhiyo, waxay soo qaadatay weel alabastar ah oo cadar ku jiro.

    38Way isdaba taagtay cagihiisa agtooda iyadoo ooyaysa, waxayna bilaabtay inay ilmada cagihiisa ku qoyso, oo ay timaha madaxeeda ku tirtirto, oo cagihiisay dhunkatay, oo cadarkii marisay.

    39Farrisigii u yeedhay isaga, goortuu arkay, ayuu isla hadlay isagoo leh, Ninkan hadduu nebi yahay, wuu ogaan lahaa naagtan taataabatay cid ay tahay iyo waxay tahay inay tahay dembile.

    40Ciise baa u jawaabay oo ku yidhi, Simoonow, hal baan ku leeyahay. Wuxuu yidhi, Dheh, Macallimow.

  • 48Wuxuu iyada ku yidhi, Dembiyadaadii waa cafiyan yihiin.

  • 1¶ Ninna ha xukumina inaan laydin xukumin.

  • 70%

    31¶ Markaasay Yuhuuddu haddana dhagaxyo u gurteen inay dhagxiyaan.

    32Ciise ayaa ugu jawaabay, Shuqullo badan oo wanaagsan ayaan idinka tusay xagga Aabbahay. Shuqulladaas kee baad igu dhagxinaysaan?

  • 27¶ Isla markii waxaa timid xertiisii, wayna la yaabeen markay arkeen inuu naag la hadlayo. Weliba ninna ma odhan, Maxaad doonaysaa? amase, Maxaad ula hadlaysaa iyada?

  • 32Kolkaasuu hareerihiisii ka fiirfiiriyey inuu arko tan waxan samaysay.

  • 51Miyaa sharcigeennu xukumaa nin, iyadoo aan marka hore laga maqlin isaga oo aan la garanaynin wuxuu sameeyo?

  • 34Markaasay u jawaabeen oo ku yidhaahdeen, Dhammaantaaba dembiyo waad ku dhalatay ee ma wax baad na baraysaa? Kolkaasay dibadda ku tuureen.

  • Mark 2:7-8
    2 aayado
    68%

    7Ninkanu muxuu sidan ugu hadlayaa? Wuu caytamayaa. Ayaa dembiyo cafiyi kara Ilaah keliya maahee?

    8Kolkiiba Ciise ruuxiisuu ka ogaaday inay sidaas qalbiyadooda ka fikirayaan, oo wuxuu ku yidhi, Maxaad waxan qalbiyadiinna ugaga fikiraysaan?

  • 5kolkaas waa inaad irdihiinna keentaan ninkaa ama naagtaa waxan sharka ah sameeyey, oo qofkaasu nin ama naag ha ahaadee waa inaad dhagxisaan si ay u dhintaan.

  • 24Aragtida waxba ha ku xukumina, laakiin ku xukuma xukunka xaqa ah.

  • 18Wuxuu ku yidhi, Kuwee? Ciise ayaa ku yidhi, Waa inaanad qudh gooyn, Waa inaanad sinaysan, Wan inaanad wax xadin, Waa inaanad marag been ah furin.

  • 37¶ Cidna ha xukumina, idinkana laydinma xukumi doono. Ninnana wax ha ku garaynina, idinkana wax laydinkuma garayn doono e; dhaafa oo waa laydin dhaafi doonaa.

  • 1¶ Sidaas daraaddeed, nin yahow, marmarsiinyo ma lihid ku kastoo aad tahayba kaaga wax xukuma; maxaa yeelay, meeshii aad ku kale ku xukuntid, waad isku xukumaysaa, waayo, kaaga wax xukumaa, waxaad samaysaa isla wixii.

  • Yoox 18:6-7
    2 aayado
    68%

    6Sidaa daraaddeed Ciise markuu ku yidhi, Isagii baan ahay, dib bay u socdeen, oo dhulkay ku dhaceen.

    7Mar kale haddaba ayuu weyddiiyey, oo ku yidhi, Kumaad doondoonaysaan? Oo waxay ku yidhaahdeen, Ciisihii reer Naasared.

  • 17Naagtii ayaa u jawaabtay oo ku tidhi, Nin ma lihi. Ciise wuxuu ku yidhi, Run baad ku hadashay, Nin ma lihi.

  • 11Waayo, kii yidhi, Ha sinaysan; wuxuu kaloo yidhi, Cidna ha dilin. Haddaanad sinaysanin laakiin aad dad disho, waxaad noqotay ku sharciga ku xadgudbay.

  • 41Ciise ayaa ku yidhi, Haddaad indhala'aan lahaydeen, dembi ma aydin lahaateen, laakiinse haatan waxaad tidhaahdaan, Wax baannu aragnaa. Dembigiinnu waa sii jiraa.

  • 7¶ Markaasaa waxaa timid naag reer Samaariya ah inay biyo dhaansato. Kolkaasaa Ciise wuxuu ku yidhi iyada, I waraabi.

  • 34Ciise ayaa ugu jawaabay, Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Kii kasta oo dembi sameeyaa waa addoonkii dembiga.

  • 15Idinku waxaad wax ka xukuntaan xagga jidhka, aniguse ninna ma xukumo.

  • 19Miyaan Muuse sharciga idin siin? Midkiinnana sharciga ma yeelo. Maxaad u doonaysaan inaad i dishaan?

  • Mat 5:27-28
    2 aayado
    67%

    27¶ Waad maqasheen in la yidhi, Waa inaanad sinaysan.

    28Laakiin waxaan idinku leeyahay, Nin walba oo qof dumar ah damac u eegaa, durba qalbigiisuu kaga sinaystay.

  • Luuk 7:43-44
    2 aayado
    67%

    43Simoon baa u jawaabay oo ku yidhi, Waxaan u malaynayaa, kan uu wax badan u dhaafay. Wuxuu ku yidhi, Si hagaagsan baad u qiyaastay.

    44Kolkaasuu naagtii u jeestay, oo wuxuu Simoon ku yidhi, Naagtan ma aragtaa? Anigu gurigaagaan galay; biyo cagahayga iima aad siin, laakiin iyadu cagahayga ayay ilmadeeda ku qoysay oo ay timaheeda ku tirtirtay.

  • Luuk 4:29-30
    2 aayado
    67%

    29Markaasay kaceen oo magaaladii ka saareen, waxayna u kaxeeyeen buurtii magaaladoodii ka dhisnayd qarkeedii inay ka tuuraan.

    30Laakiin isagu intuu dhex maray ayuu iska tegey.

  • 5Labawejiile yahow, horta dogobka ishaada ku jira iska saar, goortaasaad bayaan u arkaysaa inaad saxarka isha walaalkaa ku jira ka saarto.

  • 8Haddaynu nidhaahno, Dembi ma lihin, nafsaddeenna ayaynu khiyaanaynaa, oo runtuna inaguma jirto.

  • 13Kuwa dibadda ah Ilaah baa xukuma. Idinkuse kan sharka leh dhexdiinna ka saara.