Luukos 9:30

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo bal eeg, laba nin ayaa la hadlayay isaga, waxayna ahaayeen Muuse iyo Eliyaas,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Cib 3:3-6 : 3 Waayo, waxaa isaga lagu tiriyey inuu istaahilo ammaan ka badan tii Muuse, sida kan guriga dhisa uga murwad badan yahay guriga. 4 Waayo, guri walba mid baa dhisay, laakiin kan wax walba dhisay waa Ilaah. 5 Oo runtii Muuse gurigiisa oo dhan aamin buu ugu ahaa sida midiidin, inuu markhaati u ahaado waxyaalaha mar dambe lagu hadli doono. 6 Laakiin Masiix aamin buu u ahaa sida wiil gurigiisa ka sarreeya; oo gurigiisu waa innaga haddaynu ilaa ugu dambaysta dhiirranaanteenna iyo faanka rajadeenna aad u xajinno.
  • Mat 17:3-4 : 3 Oo bal eeg, waxaa iyaga u muuqday Muuse iyo Eliyaas oo la hadlaya isaga. 4 Markaasaa Butros u jawaabay oo wuxuu Ciise ku yidhi, Sayidow, waxaa inoo wanaagsan inaynu halkan joogno. Haddaad doonayso saddex waab ayaan halkan ka dhisayaa, mid adaan kuu dhisayaa, midna Muuse, midna Eliyaas.
  • Mark 9:4-6 : 4 Markaasaa waxaa iyaga u muuqday Eliyaas iyo Muuseba, waxayna la hadlayeen Ciise. 5 Markaasaa Butros la hadlay oo Ciise ku yidhi, Macallimow, waxaa inoo wanaagsan inaynu halkan joogno. Saddex waab aannu ka dhisno, mid adaan kuu dhisaynaa, midna Muuse, midna Eliyaas. 6 Waayo, ma uu garanaynin wuxuu ku jawaabo, maxaa yeelay, aad bay u baqeen.
  • Luuk 1:17 : 17 Isaguna wuxuu ku hor mari doonaa ruuxii iyo xooggii Eliyaas inuu aabbayaasha qalbiyadooda ku soo jeediyo carruurta, iyo inuu caasiyiinta ku soo celiyo xigmadda kuwa xaqa ah, inuu Rabbiga u diyaargareeyo dad hagaagsan.
  • Luuk 9:19 : 19 Way u jawaabeen oo ku yidhaahdeen, Yooxanaa Baabtiisaha; qaar kalena waxay yidhaahdeen, Eliyaas, qaarna waxay yidhaahdeen, Nebi nebiyadii hore ah oo soo sara kacay.
  • Luuk 24:27 : 27 Markaasuu ka bilaabay Muuse iyo nebiyada oo dhan, Qorniinka oo dhanna ayuu uga micneeyey wixii isaga qudhiisa ku saabsanaa.
  • Luuk 24:44 : 44 ¶ Wuxuu ku yidhi, Kuwani waa hadalladaydii aan idinkula hadlay intii aan weli idinla jiray. Waa inay noqdaan wax walba oo sharciga Muuse iyo nebiyadii iyo sabuurrada laygaga qoray oo igu saabsanaa.
  • Yoox 1:17 : 17 Waayo, sharciga waxaa loo soo dhiibay Muuse, laakiinse nimcada iyo runtu waxay ku yimaadeen Ciise Masiix.
  • Room 3:21-23 : 21 ¶ Laakiin haatan sharciga la'aantiis ayaa xaqnimadii Ilaah la muujiyey, waxaana u marag furay sharciga iyo nebiyadii, 22 waxaana weeyaan xaqnimada Ilaah ee lagu helo rumaysadka xagga Ciise Masiix oo u ah in alla inta rumaysata oo dhan, waayo, kala duwanaan ma leh. 23 Maxaa yeelay, dhammaan way wada dembaabeen oo gaadhi waayeen ammaanta Ilaah;
  • 2 Kor 3:7-9 : 7 Laakiin adeegidda dhimashada keentaa ee qorniin lagu xardhay dhagaxyo, hadday ammaan la ahaatay, si aan reer binu Israa'iil u karin inay Muuse wejigiisa aad u eegaan ammaanta wejigiisa aawadeed ee ah tan idlaanaysa, 8 sidaanay u ahayn adeegidda ruuxa inay la ahaan doonto ammaan? 9 Waayo, hadday adeegidda xukunka keentaa ammaan ahayd, adeegidda xaqnimada keentaa aad bay uga ammaan badan tahay. 10 Waayo, wixii ammaan lahaan jiray, ammaan kama lahayn wixii kan ku saabsan, ammaanta ka sarraysa aawadeed. 11 Waayo, haddii waxa idlaanayaa ammaan lahaan jiray, intee ka badan baa waxa hadhaa ammaan leeyahay.
  • Yac 5:17-18 : 17 Eliyaas wuxuu ahaa nin dabiicaddeenna oo kale leh. Aad buu Ilaah u baryay inaan roob di'in, roobna saddex sannadood iyo lix bilood dhulka kuma uu di'in. 18 Oo kol kale ayuu Ilaah baryay, oo cirku roob buu soo daayay, dhulkuna midhihiisii buu soo saaray.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Mat 17:1-6
    6 aayado
    92%

    1¶ Lix maalmood dabadeed Ciise wuxuu waday Butros iyo Yacquub iyo walaalkiis Yooxanaa, oo wuxuu keligood geeyey buur dheer.

    2Hortoodana ayuu ku beddelmay, wejigiisuna sida qorraxda oo kale ayuu u dhalaalay, dharkiisuna sida nuurka oo kale ayuu u caddaaday.

    3Oo bal eeg, waxaa iyaga u muuqday Muuse iyo Eliyaas oo la hadlaya isaga.

    4Markaasaa Butros u jawaabay oo wuxuu Ciise ku yidhi, Sayidow, waxaa inoo wanaagsan inaynu halkan joogno. Haddaad doonayso saddex waab ayaan halkan ka dhisayaa, mid adaan kuu dhisayaa, midna Muuse, midna Eliyaas.

    5Intuu weli hadlayay, daruur dhalaalaysa ayaa hadhaysay, oo cod baa daruurtii ka soo baxay oo yidhi, Kanu waa Wiilkayga aan jeclahay oo aan ku faraxsanahay. Maqla isaga.

    6Xertiina goortay maqleen, ayay wejigooda u dhaceen, aad bayna u baqeen.

  • Mark 9:1-11
    11 aayado
    91%

    1¶ Wuxuu iyaga ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Kuwa halkan taagan qaarkood sinaba dhimasho uma dhadhamin doonaan ilaa ay arkaan boqortooyada Ilaah oo xoog ku imanaysa.

    2¶ Lix maalmood dabadeed Ciise wuxuu waday Butros iyo Yacquub iyo Yooxanaa; oo wuxuu keligood geeyey buur dheer, hortoodana ayuu ku beddelmay.

    3Dharkiisu aad buu caddaan ula dhalaalay sidii midka dhulka wax ku caddeeya aanu u caddayn karin.

    4Markaasaa waxaa iyaga u muuqday Eliyaas iyo Muuseba, waxayna la hadlayeen Ciise.

    5Markaasaa Butros la hadlay oo Ciise ku yidhi, Macallimow, waxaa inoo wanaagsan inaynu halkan joogno. Saddex waab aannu ka dhisno, mid adaan kuu dhisaynaa, midna Muuse, midna Eliyaas.

    6Waayo, ma uu garanaynin wuxuu ku jawaabo, maxaa yeelay, aad bay u baqeen.

    7Kolkaasaa waxaa timid daruur oo iyaga hadhaynaysa, daruurtiina waxaa ka yimid cod leh, Kanu waa Wiilkayga aan jeclahay ee maqla isaga.

    8Dhaqsiba goortii ay hareerahooda fiiriyeen, mar dambe ma ay arkin cid kale oo iyaga la joogta Ciise keliya maahee.

    9¶ Markay buurta ka soo degayeen, wuxuu ku amray inaanay ninna u sheegin waxay arkeen intaanu Wiilkii Aadanahu kuwii dhintay ka soo sara kicin.

    10Dhexdoodii ayay hadalkii haysteen oo iska weyddiinayeen, Waa maxay ka soo sara kiciddii kuwii dhintay?

    11Markaasay waxay weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen, Culimmadu maxay u yidhaahdaan, Eliyaas waa inuu horta yimaado?

  • Luuk 9:31-37
    7 aayado
    83%

    31oo ammaan ku soo muuqday, oo waxay kala hadlayeen dhimashadiisa uu Yeruusaalem dhowaan ku dhammayn lahaa.

    32Laakiin Butros iyo kuwii la jiray ayaa hurdo la cuslaaday; oo goortay tooseen ayay arkeen ammaantiisa iyo labadii nin oo la taagan.

    33Kolkay ka tegayeen waxaa dhacay in Butros ku yidhi Ciise, Macallimow, waxaa inoo wanaagsan inaynu halkan joogno, haddaba saddex waab aannu ka dhisno, mid adaan ku dhisaynaa, midna Muuse, midna Eliyaas, waayo, ma uu garanaynin wuxuu leeyahay.

    34Intuu waxaas lahaa, waxaa timid daruur oo iyagay hadhaysay, wayna baqeen kolkay daruurtii galeen.

    35Daruurtiina waxaa ka yimid cod leh, Kanu waa Wiilkayga aan jeclahay ee maqla isaga.

    36Goortii codkii ahaaday Ciise keliya ayaa la arkay; markaasay iska aamuseen, oo maalmahaas ninna uma ay sheegin wixii ay arkeen.

    37¶ Maalintii xigtay, goortay buurta ka soo degeen, waxaa dhacay in dad badni la kulmay isaga.

  • Luuk 9:28-29
    2 aayado
    83%

    28¶ Abbaaraha siddeed maalmood hadalladan dabadood waxaa dhacay inuu waday Butros, iyo Yooxanaa, iyo Yacquub, oo buurtuu fuulay inuu ku tukado,

    29oo intuu tukanayay, araggii wejigiisa ayaa si kale noqday, dharkiisuna caddaan ayuu la dhalaalayay.

  • Fal 1:9-10
    2 aayado
    73%

    9Oo kolkuu waxyaalahaas yidhi dabadeed, iyagoo eegaya, ayaa sare loo qaaday isagii, oo daruur baa indhahoodii ka qarisay.

    10Oo intuu sii socday, iyagoo samada aad u fiirinaya, ayaa waxaa isa soo ag taagay laba nin oo dhar cadcad qaba,

  • Mat 17:8-10
    3 aayado
    73%

    8Goortay indhahooda kor u qaadeen, cidna ma ay arkin Ciise keliya maahee.

    9¶ Markay buurta ka soo degayeen, Ciise ayaa amray oo wuxuu ku yidhi, Ninna ha u sheegina wixii aad aragteen intaanu Wiilka Aadanahu kuwii dhintay ka soo sara kicin.

    10Xertiisii waxay weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen, Haddaba culimmadu maxay u yidhaahdaan, Eliyaas waa inuu horta yimaado?

  • Bax 34:29-30
    2 aayado
    72%

    29¶ Oo markii Muuse Buur Siinay ka soo degay isagoo labadii loox oo maragga gacanta ku sita, intuu buurta ka soo degayay Muuse ma uu ogayn inuu dubka wejigiisu la dhalaalayay hadalkii uu kula hadlay aawadiis.

    30Oo markay Haaruun iyo reer binu Israa'iil oo dhammu Muuse arkeen, bal eeg, dubka wejigiisu waa dhalaalayay, wayna ka cabsadeen inay u dhowaadaan.

  • 8qaarna waxay yidhaahdeen, Eliyaas ayaa soo muuqday, qaar kalena waxay yidhaahdeen, Nebi nebiyadii hore ah ayaa soo sara kacay.

  • 4Waxaa dhacay, intay waxaas ka sii welwelsanaayeen, in laba nin oo dhar dhalaalaya sitaa ag taagnaayeen.

  • 18Oo codkaas aannu maqalnay wuxuu ka yimid samada markii aannu buurta quduuska ah isaga la joognay.

  • 11Oo intii ay sii socdeen, oo ay sheekaysanayeen ayaa waxaa u muuqday gaadhifaras dab ah iyo fardo dab ah, oo labadoodii bay kala dhex mareen, markaasaa Eliiyaah wuxuu kor u raacay dabayl cirwareen ah oo wuxuu galay samada.

  • 37Ciise ayaa ku yidhi, Waad aragtay, waana isaga kan kula hadlayaa.

  • 3Midabkeedu wuxuu u ekaa hillaac, dharkeeduna wuxuu u caddaa sida baraf cad.

  • 7Nimankii la sodcaalayayna hadalla'aan bay istaageen, iyagoo codkii maqlaya laakiin aan ninna arkaynin.

  • 35oo reer binu Israa'iilna way arkeen Muuse wejigiisii iyo inuu dubka wejigiisu dhalaalayay, markaasaa Muuse haddana indho shareertay ilaa uu gudaha u galay inuu la hadlo.

  • 31Oo markii Muuse arkay ayuu wuxuu arkay la yaabay, oo intuu u soo dhowaanayay inuu arko, ayaa waxaa u yimid codkii Rabbiga oo leh,

  • 19Way u jawaabeen oo ku yidhaahdeen, Yooxanaa Baabtiisaha; qaar kalena waxay yidhaahdeen, Eliyaas, qaarna waxay yidhaahdeen, Nebi nebiyadii hore ah oo soo sara kacay.

  • 69%

    14Waxay ka wada hadlayeen wixii dhacay oo dhan,

    15oo waxay noqotay intay wada hadlayeen oo wax isweyweyddiinayeen, in Ciise qudhiisa u soo dhowaaday oo la socday.

  • 7Oo isna wuxuu iyagii ku yidhi, Ninkii idinka hor yimid oo waxakan idiin sheegay nin caynkee ah buu ahaa?

  • 9Oo kuwii ila joogayna runtii waxay arkeen iftiinkii, laakiin ma ay maqlin kii ila hadlay codkiisii.

  • 18Markaasaa Muuse wuxuu galay daruurtii dhexdeeda, oo buurtuu fuulay; oo Muuse wuxuu buurtii fuushanaa afartan maalmood iyo afartan habeen.

  • 8Isaga bayaan baan afkayga ugula hadlayaa, oo hadal gudcur ah kula hadli maayo, oo wuxuu arki doonaa Rabbiga qaabkiisa. Haddaba maxaad uga cabsan weydeen inaad addoonkayga Muuse wax ka sheegtaan?

  • 9Oo markii Muuse Taambuuggii galay ayaa tiirkii daruurta ahaa soo degay oo Taambuugga iriddiisii qotonsaday, markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay.