Luukos 9:29

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

oo intuu tukanayay, araggii wejigiisa ayaa si kale noqday, dharkiisuna caddaan ayuu la dhalaalayay.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bax 34:29-35 : 29 ¶ Oo markii Muuse Buur Siinay ka soo degay isagoo labadii loox oo maragga gacanta ku sita, intuu buurta ka soo degayay Muuse ma uu ogayn inuu dubka wejigiisu la dhalaalayay hadalkii uu kula hadlay aawadiis. 30 Oo markay Haaruun iyo reer binu Israa'iil oo dhammu Muuse arkeen, bal eeg, dubka wejigiisu waa dhalaalayay, wayna ka cabsadeen inay u dhowaadaan. 31 Markaasaa Muuse iyagii u yeedhay; Haaruun iyo taliyayaashii shirka oo dhammuna way ku soo noqdeen; Muusena wuu la hadlay. 32 Dabadeedna reer binu Israa'iil oo dhammu waa u soo dhowaadeen. Markaasuu wuxuu iyagii ku amray kulli wixii Rabbigu isaga ugu sheegay Buur Siinay. 33 Oo markuu Muuse dhammeeyey hadalkii uu kula hadlayay ayuu indho shareertay. 34 Laakiinse markii Muuse Rabbiga u galay oo uu is-hor taagay inuu la hadlo ayuu indhashareertii iska fayday ilaa uu soo baxay; kolkaasuu soo baxay, oo wuxuu reer binu Israa'iil u sheegay wixii lagu amray, 35 oo reer binu Israa'iilna way arkeen Muuse wejigiisii iyo inuu dubka wejigiisu dhalaalayay, markaasaa Muuse haddana indho shareertay ilaa uu gudaha u galay inuu la hadlo.
  • Ish 33:17 : 17 Indhahaagu waxay arki doonaan Boqorka oo quruxdiisa huwan, oo waxay arki doonaan dhul ilaa meel fog kala baxsan.
  • Ish 53:2 : 2 Waayo, isagu hortiisuu ku koray sidii geed curdan ah, iyo sidii xidid dhul engegan ka soo baxay oo kale. Isagu suurad iyo qurux aynu ku fiirinno toona ma leh, oo qurux aynu ku jeclaanno laguma arko.
  • Mat 17:2 : 2 Hortoodana ayuu ku beddelmay, wejigiisuna sida qorraxda oo kale ayuu u dhalaalay, dharkiisuna sida nuurka oo kale ayuu u caddaaday.
  • Mark 9:2-3 : 2 ¶ Lix maalmood dabadeed Ciise wuxuu waday Butros iyo Yacquub iyo Yooxanaa; oo wuxuu keligood geeyey buur dheer, hortoodana ayuu ku beddelmay. 3 Dharkiisu aad buu caddaan ula dhalaalay sidii midka dhulka wax ku caddeeya aanu u caddayn karin.
  • Mark 16:12 : 12 ¶ Waxan dabadeed isagoo suurad kale ah ayuu u muuqday laba iyaga ah iyagoo sii socda oo beeraha tegaya.
  • Yoox 1:14 : 14 Ereyguna jidh buu noqday, oo waa ina dhex joogay, oo waxaannu aragnay ammaantiisii, taas oo ahayd ammaantii u ekayd tan Wiilka keliya ee Aabbaha, ee nimco iyo run ka buuxa.
  • Fal 6:15 : 15 Oo kuwii shirka wada fadhiyey oo dhan, iyagoo aad u fiirinaya, waxay arkeen wejigiisii oo ah sidii weji malaa'igeed oo kale.
  • Fil 3:7-8 : 7 Habase yeeshee waxyaalihii faa'iidada ii ahaa kuwaas Masiixa aawadiis ayaan khasaare ku tiriyey. 8 Runtii anigu wax kasta ayaan khasaare ku tirinayaa wanaagga aqoonta aan aqaan Rabbigayga Ciise Masiix aawadiis, kaas oo aan aawadiis wax kasta ugu khasaaray, oo haatan waxaan ku tirinayaa inay yihiin qushaash inaan Masiix faa'iido ahaan u helo
  • 2 But 1:16-18 : 16 ¶ Annagu ma aannu raacin sheekooyin khiyaano lagu hindisay, markii aannu idin ogeysiinnay xoogga iyo imaatinka Rabbigeenna Ciise Masiix, laakiinse waxaannu ahayn markhaatiyaal indhaha ku arkay weynaantiisa. 17 Waayo, isagu wuxuu xagga Ilaaha Aabbaha ah ka helay maamuus iyo ammaan markii cod sidaas ahu isaga uga yimid xagga ammaanta aad u weyn ee yidhi, Kanu waa Wiilkayga aan jeclahay oo aan ku faraxsanahay. 18 Oo codkaas aannu maqalnay wuxuu ka yimid samada markii aannu buurta quduuska ah isaga la joognay.
  • Muj 1:13-16 : 13 Oo laambadaha badhtankooda waxaan ku arkay mid u eg bini-aadan oo qaba khamiis dheer, oo laabtana waxaa ugu xidhnaa suun dahab ah. 14 Oo madaxiisa iyo timihiisuna waxay u caddaayeen sida suuf cad iyo sida baraf oo kale; oo indhihiisuna waxay ahaayeen sida dab ololkiis, 15 oo cagihiisuna waxay u ekaayeen naxaas dhalaalaysa sidii iyadoo foorno lagu safeeyey, codkiisuna wuxuu u ekaa codka biyo badan. 16 Oo gacantiisa midigtaana wuxuu ku haystay toddoba xiddigood, oo afkiisana waxaa ka soo baxay seef soofaysan oo laba af leh, jaahiisuna wuxuu u ekaa qorraxda oo xoog u dhalaalaysa.
  • Muj 20:11 : 11 ¶ Oo markaasaan arkay carshi weyn oo cad, iyo kii ku fadhiyey, oo wejigiisa dhulkii iyo samadii ay ka carareen, oo iyagiina meel looma helin.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Mat 17:1-6
    6 aayado
    87%

    1¶ Lix maalmood dabadeed Ciise wuxuu waday Butros iyo Yacquub iyo walaalkiis Yooxanaa, oo wuxuu keligood geeyey buur dheer.

    2Hortoodana ayuu ku beddelmay, wejigiisuna sida qorraxda oo kale ayuu u dhalaalay, dharkiisuna sida nuurka oo kale ayuu u caddaaday.

    3Oo bal eeg, waxaa iyaga u muuqday Muuse iyo Eliyaas oo la hadlaya isaga.

    4Markaasaa Butros u jawaabay oo wuxuu Ciise ku yidhi, Sayidow, waxaa inoo wanaagsan inaynu halkan joogno. Haddaad doonayso saddex waab ayaan halkan ka dhisayaa, mid adaan kuu dhisayaa, midna Muuse, midna Eliyaas.

    5Intuu weli hadlayay, daruur dhalaalaysa ayaa hadhaysay, oo cod baa daruurtii ka soo baxay oo yidhi, Kanu waa Wiilkayga aan jeclahay oo aan ku faraxsanahay. Maqla isaga.

    6Xertiina goortay maqleen, ayay wejigooda u dhaceen, aad bayna u baqeen.

  • Mark 9:1-9
    9 aayado
    85%

    1¶ Wuxuu iyaga ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Kuwa halkan taagan qaarkood sinaba dhimasho uma dhadhamin doonaan ilaa ay arkaan boqortooyada Ilaah oo xoog ku imanaysa.

    2¶ Lix maalmood dabadeed Ciise wuxuu waday Butros iyo Yacquub iyo Yooxanaa; oo wuxuu keligood geeyey buur dheer, hortoodana ayuu ku beddelmay.

    3Dharkiisu aad buu caddaan ula dhalaalay sidii midka dhulka wax ku caddeeya aanu u caddayn karin.

    4Markaasaa waxaa iyaga u muuqday Eliyaas iyo Muuseba, waxayna la hadlayeen Ciise.

    5Markaasaa Butros la hadlay oo Ciise ku yidhi, Macallimow, waxaa inoo wanaagsan inaynu halkan joogno. Saddex waab aannu ka dhisno, mid adaan kuu dhisaynaa, midna Muuse, midna Eliyaas.

    6Waayo, ma uu garanaynin wuxuu ku jawaabo, maxaa yeelay, aad bay u baqeen.

    7Kolkaasaa waxaa timid daruur oo iyaga hadhaynaysa, daruurtiina waxaa ka yimid cod leh, Kanu waa Wiilkayga aan jeclahay ee maqla isaga.

    8Dhaqsiba goortii ay hareerahooda fiiriyeen, mar dambe ma ay arkin cid kale oo iyaga la joogta Ciise keliya maahee.

    9¶ Markay buurta ka soo degayeen, wuxuu ku amray inaanay ninna u sheegin waxay arkeen intaanu Wiilkii Aadanahu kuwii dhintay ka soo sara kicin.

  • 28¶ Abbaaraha siddeed maalmood hadalladan dabadood waxaa dhacay inuu waday Butros, iyo Yooxanaa, iyo Yacquub, oo buurtuu fuulay inuu ku tukado,

  • Luuk 9:30-37
    8 aayado
    83%

    30Oo bal eeg, laba nin ayaa la hadlayay isaga, waxayna ahaayeen Muuse iyo Eliyaas,

    31oo ammaan ku soo muuqday, oo waxay kala hadlayeen dhimashadiisa uu Yeruusaalem dhowaan ku dhammayn lahaa.

    32Laakiin Butros iyo kuwii la jiray ayaa hurdo la cuslaaday; oo goortay tooseen ayay arkeen ammaantiisa iyo labadii nin oo la taagan.

    33Kolkay ka tegayeen waxaa dhacay in Butros ku yidhi Ciise, Macallimow, waxaa inoo wanaagsan inaynu halkan joogno, haddaba saddex waab aannu ka dhisno, mid adaan ku dhisaynaa, midna Muuse, midna Eliyaas, waayo, ma uu garanaynin wuxuu leeyahay.

    34Intuu waxaas lahaa, waxaa timid daruur oo iyagay hadhaysay, wayna baqeen kolkay daruurtii galeen.

    35Daruurtiina waxaa ka yimid cod leh, Kanu waa Wiilkayga aan jeclahay ee maqla isaga.

    36Goortii codkii ahaaday Ciise keliya ayaa la arkay; markaasay iska aamuseen, oo maalmahaas ninna uma ay sheegin wixii ay arkeen.

    37¶ Maalintii xigtay, goortay buurta ka soo degeen, waxaa dhacay in dad badni la kulmay isaga.

  • 3Midabkeedu wuxuu u ekaa hillaac, dharkeeduna wuxuu u caddaa sida baraf cad.

  • 15Oo kuwii shirka wada fadhiyey oo dhan, iyagoo aad u fiirinaya, waxay arkeen wejigiisii oo ah sidii weji malaa'igeed oo kale.

  • Fal 1:9-10
    2 aayado
    73%

    9Oo kolkuu waxyaalahaas yidhi dabadeed, iyagoo eegaya, ayaa sare loo qaaday isagii, oo daruur baa indhahoodii ka qarisay.

    10Oo intuu sii socday, iyagoo samada aad u fiirinaya, ayaa waxaa isa soo ag taagay laba nin oo dhar cadcad qaba,

  • 3Oo kolkuu sodcaalay, waxaa dhacday inuu Dimishaq u soo dhowaaday; oo dhaqsiba waxaa hareerihiisa ka iftiimay iftiin samada ka yimid.

  • Mat 17:8-9
    2 aayado
    71%

    8Goortay indhahooda kor u qaadeen, cidna ma ay arkin Ciise keliya maahee.

    9¶ Markay buurta ka soo degayeen, Ciise ayaa amray oo wuxuu ku yidhi, Ninna ha u sheegina wixii aad aragteen intaanu Wiilka Aadanahu kuwii dhintay ka soo sara kicin.

  • 71%

    17Waayo, isagu wuxuu xagga Ilaaha Aabbaha ah ka helay maamuus iyo ammaan markii cod sidaas ahu isaga uga yimid xagga ammaanta aad u weyn ee yidhi, Kanu waa Wiilkayga aan jeclahay oo aan ku faraxsanahay.

    18Oo codkaas aannu maqalnay wuxuu ka yimid samada markii aannu buurta quduuska ah isaga la joognay.

  • 12¶ Maalmahaas waxaa dhacay inuu buurta u baxay inuu tukado. Habeenkii oo dhan wuxuu waday inuu Ilaah u tukado.

  • 30Markaasaa Korneeliyos wuxuu ku yidhi, Afar maalmood oo hore, saacaddan oo kale, ayaan joogay anoo gurigayga saacaddii sagaalaad ku tukanaya; oo bal eeg waxaa i hor istaagay nin qaba dhar dhalaalaya,

  • 18¶ Intuu keli ahaan u tukanayay, ayaa xertiisii la joogtay, markaasuu weyddiiyey isagoo leh, Dadkii badnaa yay igu sheegaan?

  • 4Waxaa dhacay, intay waxaas ka sii welwelsanaayeen, in laba nin oo dhar dhalaalaya sitaa ag taagnaayeen.

  • 41Markaasuu intii dhagax la tuuro ka durkay, wuuna jilba joogsaday oo tukaday,

  • 29¶ Oo markii Muuse Buur Siinay ka soo degay isagoo labadii loox oo maragga gacanta ku sita, intuu buurta ka soo degayay Muuse ma uu ogayn inuu dubka wejigiisu la dhalaalayay hadalkii uu kula hadlay aawadiis.

  • 33Oo wuxuu watay Butros iyo Yacquub iyo Yooxanaa, oo wuxuu bilaabay inuu calool xumaado oo tiraanyoodo.

  • 35oo reer binu Israa'iilna way arkeen Muuse wejigiisii iyo inuu dubka wejigiisu dhalaalayay, markaasaa Muuse haddana indho shareertay ilaa uu gudaha u galay inuu la hadlo.

  • 35¶ Aroortii hore intaan weli waagii beryin ayuu kacay oo wuxuu tegey meel cidla ah, halkaasuuna ku soo tukanayay.

  • 23Goortuu dadkii badnaa diray ayuu keligiis buurta fuulay inuu ku tukado, oo goortii makhribka la gaadhay keli ahaantiis ayuu halkaas joogay.

  • 7Nimankii la sodcaalayayna hadalla'aan bay istaageen, iyagoo codkii maqlaya laakiin aan ninna arkaynin.

  • 43Markaasaa waxaa samada kaga muuqatay malaa'ig isaga xoogaynaysa.

  • 17¶ Oo waxaa dhacday, markaan Yeruusaalem ku soo noqday dabadeed, intaan macbudka ku tukanayay, inaan riyooday,

  • 9Oo kuwii ila joogayna runtii waxay arkeen iftiinkii, laakiin ma ay maqlin kii ila hadlay codkiisii.

  • 6¶ Oo waxaa dhacday, intaan sodcaalayay oo Dimishaq u soo dhowaanayay, iyadoo duhur ah, in dhaqsiba iftiin weyn oo samada ka yimid hareerahayga ka iftiimay.

  • 8Laakiin dadkii badnaa goortay arkeen, way baqeen, oo Ilaah ammaaneen, kan amar caynkan oo kale ah dadka siiyey.