Luukos 9:40

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waxaan xertaada ka baryay inay ka saaraan, wayna kari waayeen.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Luuk 9:1 : 1 ¶ Laba-iyo-tobankii ayuu isugu yeedhay, wuxuuna siiyey xoog iyo amar ay jinniyada oo dhan ku saaraan oo ay cudurro ku bogsiiyaan.
  • Luuk 10:17-19 : 17 ¶ Toddobaatankii farxad ayay la soo noqdeen, iyagoo leh, Sayidow, xataa jinniyadu magacaaga ayay nooga dambeeyaan. 18 Markaasuu wuxuu ku yidhi, Waxaan arkay Shayddaankoo sida hillaac samada uga soo dhacaya. 19 Bal ogaada, waxaan idin siiyey amar aad kula tumataan abeesooyin iyo dabaqalloocyo iyo xoogga oo dhan ee cadowga; innaba waxba idinma yeeli doono.
  • Fal 19:13-16 : 13 Laakiin kuwo Yuhuudda wareegi jirtay ka mid ah oo jinniyosaarayaal ah baa waxay ku talo jireen inay kuwii jinniyada qabay ka dul yidhaahdaan magaca Rabbi Ciise, iyagoo leh, Waxaan idinku dhaarinayaa Ciisaha Bawlos dadka ku wacdiyo. 14 Waxaa jiray oo sidaas sameeyey toddoba wiil oo Iskeba dhalay, kaasoo ahaa wadaad sare oo Yuhuudi ah. 15 Markaasaa jinnigii u jawaabay oo ku yidhi iyagii, Ciise ayaan garanayaa, Bawlosna waan aqaan, idinkuse yaad tihiin? 16 Haddaba ninkii jinniga qabay baa ku booday iyagii, wuuna ka xoog badiyey kulligood, oo ka adkaaday, sidaas darteed ayay gurigaas ka carareen, iyagoo qaawan oo dhaawacan.
  • 2 Boq 4:31 : 31 Oo Geexasiina wuu ka sii hor maray, oo ushii saaray wiilka wejigiisii, laakiinse cod iyo wax maqlid toona laguma arag. Sidaas daraaddeed wuu noqday oo intuu ka hor yimid ayuu u warramay, oo ku yidhi, Yarkii ma uu toosin.
  • Mat 17:20 : 20 Wuxuu ku yidhi, Waa rumaysadyaraantiinna aawadeed. Runtii waxaan idinku leeyahay, Haddaad leedihiin rumaysad iniin khardal le'eg, waxaad buurtan ku odhan doontaan, Halkan ka dhaqaaq oo halkaas tag, wayna dhaqaaqi doontaa, oo waxba ma kari waayi doontaan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Mat 17:14-19
    6 aayado
    86%

    14¶ Goortay dadkii badnaa u yimaadeen, ayaa nin u yimid isaga, oo intuu u jilba joogsaday ayuu ku yidhi,

    15Sayidow, wiilkayga u naxariiso, waayo, suuxdin buu qabaa oo aad buu u xanuunsadaa, oo marar badan wuxuu ku dhacaa dabka, marar badanna biyo,

    16oo waxaan u keenay xertaada, wayna bogsiin kari waayeen.

    17Ciise wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Qarni yahow rumaysadka daranu oo madaxa adagu, ilaa goormaan idinla jiri doonaa, oo ilaa goormaan idiin dulqaadan doonaa? Halkan iigu keena isaga.

    18Markaasaa Ciise canaantay, oo jinnigii waa ka baxay, saacaddaasna wiilkii waa bogsaday.

    19Markaas xertii ayaa keli ahaan Ciise ugu timid oo ku tidhi, Annagu maxaannu u saari kari waynay?

  • Mark 9:16-22
    7 aayado
    85%

    16Kolkaasuu weyddiiyey, Maxaad isweyddiinaysaan?

    17Markaasaa dadkii badnaa midkood wuxuu ugu jawaabay, Macallimow, waxaan kuu keenay wiilkayga jinni carrab la' qaba.

    18Meel alla meeshuu ku qabtoba, wuu ridaa; markaasuu afka ka xumbeeyaa, wuuna ilka jirriqsadaa oo qallalaa. Waxaan xertaada ka baryay inay ka saaraan, wayna kari waayeen.

    19Markaasuu u jawaabay oo ku yidhi, Qarni yahow rumaysadka daranu! Ilaa goormaan idinla jiri doonaa? Ilaa goormaan idiin dulqaadan doonaa? Ii keena isaga.

    20Markaasay u keeneen. Goortuu arkay, kolkiiba jinnigii waa gilgilay; dhulkuuna ku dhacay oo laballegdeeyey isagoo afka ka xumbaynaya.

    21Markaasuu aabbihiis weyddiiyey, Intee buu waxan qabay? Kolkaasuu yidhi, Tan iyo yaraantiisii.

    22Marar badan wuxuu ku tuuray dab iyo biyo inuu dumiyo, laakiin haddaad wax samayn kartid, noo naxariiso oo na caawi.

  • Mark 9:24-29
    6 aayado
    85%

    24Kolkiiba wiilka aabbihiis ayaa qayliyey oo oohin ku yidhi, Sayidow, waan rumaysanahay, iga caawi rumaysaddarradayda.

    25¶ Ciise goortuu arkay dadkii oo u soo ordaya, ayuu jinnigii wasakhda lahaa canaantay oo ku yidhi, Jinni yahow carrabka iyo dhegaha la'u, waxaan kugu amrayaa, Ka soo bax oo kol dambena ha ku noqon.

    26Jinnigii intuu qayliyey, aad buu u gilgilay, kolkaasuu ka soo baxay. Markaasuu wiilku noqday sidii mid dhintay oo kale, sidaa darteeda dad badan baa yidhi, Waa dhintay.

    27Laakiin Ciise ayaa gacanta qabtay oo kiciyey; markaasuu kacay.

    28Ciise goortuu guriga galay, xertiisii waxay gooni ahaan u weyddiiyeen, Annagu maxaannu u saari kari waynay?

    29Wuxuu ku yidhi, Caynkanu wax kale kuma soo bixi karo tukasho iyo soon maahee.

  • Luuk 9:38-39
    2 aayado
    83%

    38Oo bal eeg, nin dadkii badnaa ka mid ah ayaa qayliyey isagoo leh, Macallimow, waxaan kaa baryayaa inaad wiilkayga eegto, waayo, waa madigayga,

    39oo bal eeg, jinni baa qabsada, oo dhaqsiba wiilkaa qayliya, jinniguna waa gilgilaa, oo wiilku afkuu ka xumbeeyaa; dhib ayaa jinnigu kaga baxaa, isagoo aad u burburinaya.

  • Luuk 9:41-43
    3 aayado
    79%

    41Markaasaa Ciise u jawaabay oo ku yidhi, Qarni yahow rumaysadka daranu oo madaxa adagu, ilaa goormaan idinla jiri doonaa, oo ilaa goormaan idiin dulqaadan doonaa? Wiilkaaga halkan keen.

    42Intuu weli soo socday, jinnigii ayaa jeexjeexay oo gilgilay. Markaasaa Ciise jinnigii wasakhda lahaa canaantay, wiilkiina ayuu bogsiiyey oo aabbihiis ku celiyey.

    43¶ Kulli way ka wada yaabeen Ilaah weynaantiisa.

  • Mark 1:25-26
    2 aayado
    75%

    25Ciise baa canaantay oo ku yidhi, Aamus oo ka soo bax.

    26Goortii jinnigii wasakhda lahaa gilgilay oo cod weyn ku qayliyey, ayuu ka soo baxay.

  • 10Aad buuna uga baryay inaanu dalka ka eryin.

  • 31Markaasay ka baryeen inaanu amrin inay yamayska tagaan.

  • 32¶ Kolkay baxeen, bal eeg, waxaa loo keenay nin Carrabla' oo jinni qaba.

  • 35Ciise baa canaantay oo ku yidhi, Aamus oo ka soo bax. Jinniguna goortuu ninkii dhexda ku tuuray ayuu ka soo baxay, waxbana ma uu yeelin.

  • Mark 5:17-19
    3 aayado
    74%

    17Markaasay bilaabeen inay baryaan inuu soohdintooda ka noqdo.

    18¶ Intuu doonnida fuulayay, kii jinniyada qabi jiray ayaa baryay inuu raaco.

    19Ciisese uma fasaxin, laakiin wuxuu ku yidhi, Gurigaaga iyo dadkaaga u tag oo u sheeg waxa weyn oo Rabbigu kuu sameeyey iyo siduu kuugu naxariistay.

  • 38¶ Yooxanaa baa u jawaabay oo ku yidhi, Macallimow, waxaannu aragnay qof magacaaga jinniyo ku saaraya. Nama uu soo raaco. Waannu u diidnay, waayo, isagu nama uu soo raaco.

  • 38Laakiin ninkii jinniyadii ka baxeen ayaa ka baryay isaga inuu raaco, laakiin wuu diray isagoo ku leh,

  • 41Jinniyona dad badan ayay ka soo baxeen, iyagoo qaylinaya oo leh, Adigu waxaad tahay Wiilka Ilaah. Isaguse waa canaantay oo uma oggolaanin inay hadlaan, waayo, waxay garanayeen inuu Masiixa yahay.

  • 21Laakiin caynkan waxba kuma soo baxo tukasho iyo soon maahee.

  • 23Laakiin hadal uguma uu jawaabin. Markaasaa xertiisii u timid oo ka bariday iyagoo leh, Eri, waayo, way inaga daba qaylinaysaa.

  • 49¶ Yooxanaa baa u jawaabay oo ku yidhi, Macallimow, waxaannu aragnay qof magacaaga jinniyo ku saaraya, oo waannu u diidnay, waayo, isagu nama uu soo raaco.

  • 14¶ Wuxuu saarayay jinni carrab la'. Waxaana dhacay goortuu jinnigii baxay inuu kii carrabka la'aa hadlay, dadkiina way yaabeen.

  • Mark 5:7-8
    2 aayado
    73%

    7Markaasuu cod weyn ku qayliyey oo ku yidhi, Maxaa inoo dhexeeya, Ciisow adigoo ah Wiilka Ilaaha sarow? Ilaah baan kugu dhaarinayaa, Ha i silcin.

    8Waayo, wuxuu ku yidhi, Ka soo bax ninka, jinni wasakh lahow.

  • 40Markaasaa Ciise joogsaday oo wuxuu ku amray in loo keeno, oo goortuu u soo dhowaaday ayuu weyddiiyey, oo ku yidhi,

  • 23Markaasaa waxaa sunagoggoodii ku jiray nin jinni wasakh leh qaba, wuuna qayliyey, oo wuxuu yidhi,

  • 29Waayo, wuxuu jinnigii wasakhda lahaa ku amray inuu ninka ka baxo, maxaa yeelay, marar badan ayuu qaban jiray, oo waxaa lagu xidhi jiray silsilado iyo bircago, oo waa la ilaalin jiray; silsiladihiina wuu iska gooyn jiray oo jinniguna cidlada ayuu u kaxayn jiray.

  • 31Jinniyadii ayaa baryay iyagoo leh, Haddaad na saaraysid, noo dir daaqsinta doofaarrada ah,

  • 1¶ Laba-iyo-tobankii ayuu isugu yeedhay, wuxuuna siiyey xoog iyo amar ay jinniyada oo dhan ku saaraan oo ay cudurro ku bogsiiyaan.

  • 11Oo jinniyada wasakhda lehna goortay arkeen, hortiisii ayay isku tuureen oo qayliyeen, oo waxay yidhaahdeen, Adigu waxaad tahay Wiilka Ilaah.

  • 28¶ Goortuu yimid dhinaca kale oo dalka Gadareni, waxaa la kulmay laba qof oo jinni qaba oo xabaalaha ka soo baxaya, iyagoo aad khatar u ah, si aan ninna jidkaas u mari karin.

  • 32Markaasay waxay u keeneen mid dhego iyo carrab la', waxayna ka baryeen inuu gacantiisa saaro.