Markos 11:24
Sidaa darteed, waxaan idinku leeyahay, wax kasta oo aad tukasho ku baridaan, rumaysta inaad hesheen oo way idiin ahaan doontaa.
Sidaa darteed, waxaan idinku leeyahay, wax kasta oo aad tukasho ku baridaan, rumaysta inaad hesheen oo way idiin ahaan doontaa.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
21Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Haddaad rumaysan tihiin oo aydnaan shakiyin, wixii geedkii berdaha ahaa ku dhacay oo keliya ma aad samayn doontaan, laakiin weliba haddaad buurtan ku tidhaahdaan, Ruq, baddana isku tuur, way noqonaysaa.
22Oo wax kasta oo aad tukasho ku baridaan idinkoo rumaysan waad heli doontaan.
22Ciise baa u jawaabay oo ku yidhi, Ilaah rumaysta.
23Runtii waxaan idinku leeyahay, Ku alla kii buurtan ku yidhaahda, Ruq, baddana isku tuur, oo aan qalbigiisana ka shakiyin laakiin rumaysta in wuxuu yidhi ay noqonayso, waa u ahaan doontaa.
25Oo kolkaad tukasho u taagan tihiin, cafiya haddii aad dad wax ku leedihiin, si Aabbihiinna jannada ku jiraa xumaantiinna idiin cafiyo.
26Haddii aanad cafiyin, Aabbihiinna jannada ku jira xumaantiinna idiin cafiyi maayo.
20Wuxuu ku yidhi, Waa rumaysadyaraantiinna aawadeed. Runtii waxaan idinku leeyahay, Haddaad leedihiin rumaysad iniin khardal le'eg, waxaad buurtan ku odhan doontaan, Halkan ka dhaqaaq oo halkaas tag, wayna dhaqaaqi doontaa, oo waxba ma kari waayi doontaan.
21Laakiin caynkan waxba kuma soo baxo tukasho iyo soon maahee.
9Waxaan idinku leeyahay, Weyddiista oo waa laydin siin doonaa; doona oo waad heli doontaan; garaaca oo waa laydinka furi doonaa.
10Waayo, mid kasta oo weyddiista waa la siiyaa; kii doonaana waa helaa; kii garaacana waa laga furi doonaa.
23Ciise wuxuu ku yidhi, Haddaad rumaysan karaysid, wax waluba waa u suurtoobaan ka rumaysan.
24Kolkiiba wiilka aabbihiis ayaa qayliyey oo oohin ku yidhi, Sayidow, waan rumaysanahay, iga caawi rumaysaddarradayda.
7¶ Weyddiista oo waa laydin siin doonaa; doona oo waad heli doontaan: garaaca oo waa laydinka furi doonaa;
8waayo, mid kasto oo weyddiista waa la siiyaa, kii doonaana waa helaa, kii garaacana waa laga furi doonaa.
18Runtii waxaan idinku leeyahay, Wax alla wixii aad dhulka ku xidhaan ayaa jannada ku xidhnaan doona, oo wax alla wixii aad dhulka ku furtaan ayaa jannada ku furnaan doona.
19¶ Weliba waxaan idinku leeyahay, Haddii laba idinka mid ahu dhulka ku heshiiyaan wax kastoo ay baryaan, way uga noqon doontaa xagga Aabbahayga jannada ku jira.
11I rumaysta inaan Aabbaha ku jiro, oo Aabbuhuna aniga igu jiro, haddii kale shuqullada aawadood ii rumaysta.
12Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Kii i rumaystaa, shuqullada aan sameeyo, isna wuu samayn doonaa, oo shuqullo kuwan ka waaweynna wuu samayn doonaa, maxaa yeelay, Aabbahaan u tegayaa.
13Oo wax alla waxaad magacayga ku weyddiisataan, waan samayn doonaa in Aabbuhu ku ammaanmo Wiilka.
14Haddii aad wax igu weyddiisataan magacayga, waan samayn doonaa.
5¶ Markaasay rasuulladii waxay Rabbiga ku yidhaahdeen, Rumaysad noo kordhi.
6Rabbiguna wuxuu ku yidhi, Haddaad leedihiin rumaysad iniin khardal le'eg, waxaad ku odhan lahaydeen geedkan sukamin, Ruq, oo badda ku beeran, wuuna idin addeeci lahaa.
7Haddaad igu jirtaan, oo ay erayadayduna idinku jiraan, weyddiista waxaad doonaysaanba, waana laydiin yeeli doonaa.
23Oo maalintaasna waxba ima weyddiin doontaan. Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Haddii aad wax uun weyddiisataan Aabbaha, magacayga ayuu idinku siin doonaa.
24Tan iyo imminka waxba magacayga kuma weyddiisan. Weyddiista, waanad heli doontaan, inay farxaddiinnu buuxsanto.
2Wuxuu ku yidhi, Goortaad tukanaysaan dhaha, Aabbahayaga jannada ku jirow, magacaagu quduus ha ahaado, boqortooyadaadu ha timaado.
6Laakiin adigu goortaad tukanaysid, qolkaaga qarsoon gal, oo goortaad albaabkaaga xidhid, Aabbahaaga meesha qarsoon ku jira bari, oo Aabbahaaga waxa qarsoon arka ayaa kuu abaalgudi doona.
7Goortaad tukanaysaan hadalka ha ku celcelinina sida dadka aan Ilaah aaminin yeelaan, waayo, waxay u malaynayaan in loo maqlayo hadalkooda badan aawadiis.
8Sidaa darteed ha ahaanina sidooda oo kale, waayo, Aabbihiin waa og yahay waxaad u baahan tihiin intaanad weyddiin.
9¶ Haddaba sidatan u tukada, Aabbahayaga jannada ku jirow, magacaagu quduus ha ahaado.
22Hadda waxaan garanayaa in wax alla waxaad Ilaah weyddiisatid uu ku siinayo.
6Laakiin rumaysad ha ku baryo, isagoo aan shakiyayn, waayo, kii shakiyaa wuxuu la mid yahay hirka badda oo dabayshu kaxayso oo rogrogto.
7Ninkaasu yuusan u malayn inuu Rabbiga wax ka heli doono.
24Kolkaasuu ku yidhi, U fiirsada waxaad maqlaysaan; qiyaastii aad ku qiyaastaan ayaa laydiinku qiyaasi doona oo ayaa laydiin kordhin doonaa.
25Kii wax haysta waa la siin doonaa. Kii aan waxba haysanse waa laga qaadi doonaa wuxuu haysto.
14¶ Waayo, haddaad dadka u cafidaan xumaantooda, Aabbihiinna jannada ku jira ayaa idin cafiyi doona.
11Haddaba idinka oo shar leh haddaad garanaysaan inaad hadiyado wanaagsan carruurtiinna siisaan, intee ka badan ayaa Aabbihiinna jannada ku jiraa wax wanaagsan uu siin doonaa kuwa isaga weyddiista?
14Oo tanu waa kalsoonaanta aynu isaga u qabno, taasoo ah haddaynu wax uun doonistiisa ku barinno, isagu wuu ina maqlaa,
15oo haddaynu og nahay inuu inaga maqlo wax alla wixii aynu ka barinno, waxaynu og nahay inaynu leennahay waxyaalihii aynu isaga ka barinnay.
36Wuxuu ku yidhi, Maxaad doonaysaan inaan idiin sameeyo?
18Sidaa darteed u fiirsada sidaad u maqlaysaan, waayo, ku alla kii wax haysta waa la siin doonaa, ku alla kii aan waxba haysanse waa laga qaadi doonaa wixii loo maleeyo inuu haysto.
31Laakiin doondoona boqortooyadiisa, oo waxaas oo dhan waa laydiinku dari doonaa.
12Waayo, ku alla kii wax haysta waa la siin doonaa, waana loo badin doonaa, kii aan waxba haysanse, waa laga qaadi doonaa wuxuu haysto.
20¶ Kuwan oo keliya kuu baryi maayo, waxaanse weliba kuu baryayaa kuwa igu rumaysanaya hadalkooda aawadiis,
29Markaasuu indhahooda taabtay isagoo leh, Sida rumaysadkiinnu yahay ha idiin noqoto.
29Wuxuu ku yidhi, Caynkanu wax kale kuma soo bixi karo tukasho iyo soon maahee.
35Sidaas oo kalena ayaa Aabbahayga jannada ku jiraa idinku samayn doonaa, haddaan midkiin waliba qalbiga ka cafiyin walaalkiis.
22Oo wax kastoo aynu ka barinno waynu ka helnaa, maxaa yeelay, qaynuunnadiisa ayaynu xajinnaa, oo waxaynu falnaa waxa isaga ka farxiya.
37¶ Cidna ha xukumina, idinkana laydinma xukumi doono. Ninnana wax ha ku garaynina, idinkana wax laydinkuma garayn doono e; dhaafa oo waa laydin dhaafi doonaa.
38Siiya oo waa laydin siin doonaa; qiyaas wanaagsan oo hoos u riixriixan oo ruxan oo buuxdhaafaya ayaa laydinku siin doonaa faraqiinna, waayo, qiyaastii aad ku qiyaastaan ayaa laydiinku qiyaasi doonaa.