Matayos 18:35

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Sidaas oo kalena ayaa Aabbahayga jannada ku jiraa idinku samayn doonaa, haddaan midkiin waliba qalbiga ka cafiyin walaalkiis.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Mat 6:14-15 : 14 ¶ Waayo, haddaad dadka u cafidaan xumaantooda, Aabbihiinna jannada ku jira ayaa idin cafiyi doona. 15 Laakiin haddaanad dadka cafiyin, Aabbihiinnu xumaantiinna idiin cafiyi maayo.
  • Luuk 6:37-38 : 37 ¶ Cidna ha xukumina, idinkana laydinma xukumi doono. Ninnana wax ha ku garaynina, idinkana wax laydinkuma garayn doono e; dhaafa oo waa laydin dhaafi doonaa. 38 Siiya oo waa laydin siin doonaa; qiyaas wanaagsan oo hoos u riixriixan oo ruxan oo buuxdhaafaya ayaa laydinku siin doonaa faraqiinna, waayo, qiyaastii aad ku qiyaastaan ayaa laydiinku qiyaasi doonaa.
  • Mat 7:1-2 : 1 ¶ Ninna ha xukumina inaan laydin xukumin. 2 Waayo, xukunkii aad ku xukuntaan ayaa laydinku xukumi doonaa, oo qiyaastii aad ku qiyaastaan ayaa laydinku qiyaasi doonaa.
  • Mark 11:25 : 25 Oo kolkaad tukasho u taagan tihiin, cafiya haddii aad dad wax ku leedihiin, si Aabbihiinna jannada ku jiraa xumaantiinna idiin cafiyo.
  • Mat 6:12 : 12 Oo naga cafi qaamahayaga sidaannu u cafinnay kuwa noo qaamaysan.
  • Yac 2:13 : 13 Xukunku naxariis uma leh kii aan dadka u naxariisan; naxariistu way ka faantaa xukunka.
  • Yac 3:14 : 14 Haddaad xaasidnimo qadhaadh iyo iskala qaybqaybin ku haysataan qalbigiinna, ha faanina, runtana been ha ka sheegina.
  • Luuk 16:15 : 15 Markaasuu wuxuu ku yidhi, Idinku waxaad tihiin kuwa dadka hortooda isku soo caddeeya inaad xaq tihiin, laakiin Ilaah waa garanayaa qalbiyadiinna, waayo, wixii dadka dhexdooda lagu sarraysiiyaa, Ilaah hortiisa waa ka karaahiyo.
  • Maah 21:2 : 2 Nin jidkiis waluba waa la qumman yahay isaga, Laakiinse Rabbigu qalbiyaduu miisaamaa.
  • Yer 3:10 : 10 Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Walaasheedii Yahuudah oo sirreyda ahayd in kastoo ay waxyaalahaas oo dhan aragtay haddana qalbigeeda oo dhan iiguma ay soo noqon, laakiinse waxay iigu soo noqotay si isyeelyeelid ah.
  • Sak 7:12 : 12 Oo waxay qalbigoodii ka dhigeen sidii dhagax adag oo kale si ayan u maqlin sharcigii iyo erayadii Rabbiga ciidammadu uu ku soo dhiibay ruuxiisa markuu nebiyadiisii hore soo diray, oo sidaas daraaddeed waxaa Rabbiga ciidammada ka timid cadho weyn.
  • Maah 21:13 : 13 Kii dhegihiisa u fureeyaa si aanu qaylada miskiinka u maqlin, Isaga qudhiisuna wuu qaylin doonaa, laakiinse lama maqli doono.
  • Yac 4:8 : 8 U soo dhowaada Ilaah, isaguna wuu idiin soo dhowaan doonaa. Dembilayaashow, gacmihiinna nadiifiya. Labaqalbiilayaashow, qalbiyadiinna daahiriya.
  • Muj 2:23 : 23 Oo waxaan carruurteeda ku dili doonaa dhimasho, kiniisadaha oo dhammuna waxay ogaan doonaan inaan ahay kan baadhbaadha kelyaha iyo qalbiyada, oo anna midkiin walbaba waxaan wax u siin doonaa sida shuqulladiinnu yihiin.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Mat 6:14-15
    2 aayado
    89%

    14¶ Waayo, haddaad dadka u cafidaan xumaantooda, Aabbihiinna jannada ku jira ayaa idin cafiyi doona.

    15Laakiin haddaanad dadka cafiyin, Aabbihiinnu xumaantiinna idiin cafiyi maayo.

  • 89%

    25Oo kolkaad tukasho u taagan tihiin, cafiya haddii aad dad wax ku leedihiin, si Aabbihiinna jannada ku jiraa xumaantiinna idiin cafiyo.

    26Haddii aanad cafiyin, Aabbihiinna jannada ku jira xumaantiinna idiin cafiyi maayo.

  • Mat 18:21-34
    14 aayado
    85%

    21¶ Markaas Butros ayaa u yimid oo ku yidhi, Sayidow, immisa goor baan cafiyaa walaalkay hadduu igu dembaabo? Ma ilaa toddoba goor baa?

    22Ciise ayaa ku yidhi, Kugu odhan maayo, Ilaa toddoba goor, laakiin, Ilaa toddobaatan goor oo toddoba ah.

    23Sidaa darteed boqortooyada jannada waxaa loo ekaysiiyaa nin boqor ah oo doonayay inuu addoommadiisa ka xisaab qaato.

    24Goortuu bilaabay inuu xisaab qaato waxaa loo keenay nin toban kun oo talanti uu ku lahaa.

    25Laakiin wuxuu ku bixiyo ma uu haysan. Markaasaa sayidkii wuxuu ku amray in la iibiyo isaga iyo naagtiisa iyo carruurtiisa iyo wuxuu lahaa oo dhan, oo lagu bixiyo.

    26Addoonkii haddaba wuu dhacay, oo intuu sujuuday, ayuu wuxuu ku yidhi, Ii dulqaado, anna waan wada bixin doonaaye.

    27Markaasaa addoonkaas sayidkiisii u naxariistay, wuuna sii daayay, oo amaahdii wuu u dhaafay.

    28¶ Laakiin addoonkaas ayaa baxay oo helay mid ka mid ah addoommadii uu la shaqayn jiray, kii uu ku lahaa boqol dinaar. Wuu qabtay oo intuu ceejiyey ayuu ku yidhi, Bixi waxa lagugu leeyahay.

    29Addoonkii uu la shaqayn jiray ayaa haddaba cagihiisii isku riday oo baryay, oo ku yidhi, Ii dulqaado, anna waan bixin doonaaye.

    30Isaguse ma uu doonaynin, laakiin wuu baxay oo xabsiga ku tuuray ilaa uu bixiyo wixii lagu lahaa.

    31Haddaba kuwii la shaqayn jiray, goortay arkeen wixii dhacay, aad bay u calool xumaadeen, oo intay sayidkooda u yimaadeen, ayay u sheegeen wixii dhacay oo dhan.

    32Markaasaa sayidkiisii u yeedhay oo ku yidhi, Addoon yahow sharkaluhu! Waxaan kugu lahaa oo dhan waan kuu dhaafay, waayo, waad i bariday.

    33Miyaanad lahayn inaad kii kula shaqayn jiray u naxariisatid sidaan anigu kuugu naxariistay?

    34Markaasaa sayidkiisu cadhooday oo u dhiibay kuwa dadka silciya ilaa uu bixiyo wixii lagu lahaa oo dhan.

  • Luuk 17:3-4
    2 aayado
    81%

    3Iska dhawra. Walaalkaa hadduu dembaabo, canaano; hadduuna toobadkeeno, cafi.

    4Hadduu toddoba goor maalintii kugu dembaabo, oo toddoba goor kuu soo jeesto, isagoo leh, Waa toobadkeenay, waa inaad cafido.

  • Luuk 6:35-37
    3 aayado
    77%

    35Laakiin cadowyadiinna jeclaada, oo wanaag u sameeya, oo amaahiya, idinkoo aan waxba ka rajaynaynin, abaalgudkiinnuna waa badan doonaa, oo waxaadna noqon doontaan wiilashii Kan ugu sarreeya, waayo, isagu waa u roon yahay kuwa aan mahadnaqin iyo kuwa sharka leh.

    36Naxariis lahaada sida Aabbihiin naxariis u leeyahay.

    37¶ Cidna ha xukumina, idinkana laydinma xukumi doono. Ninnana wax ha ku garaynina, idinkana wax laydinkuma garayn doono e; dhaafa oo waa laydin dhaafi doonaa.

  • 13Midkiinba midka kale ha u dulqaato oo ha cafiyo, haddii mid ka cabanayo mid kale; xataa sida Rabbiguba idiin cafiyey, idinkuna sidaas oo kale yeela:

  • 12Oo naga cafi qaamahayaga sidaannu u cafinnay kuwa noo qaamaysan.

  • Mat 18:14-15
    2 aayado
    76%

    14Sidaas oo kale, ma aha doonista Aabbihiinna jannada ku jira in yaryarkan midkood lumo.

    15¶ Oo haddii walaalkaa kugu dembaabo, u tag oo canaano, adiga iyo isaga keli ahaantiinna. Hadduu ku maqlo, walaalkaa waad soo ceshatay.

  • Mat 5:23-25
    3 aayado
    76%

    23Haddaba haddaad hadiyaddaada meesha allabariga keento, oo meeshaas aad ku xusuusatid in walaalkaa wax kuu haysto,

    24hadiyaddaada ku dhaaf meeshii allabariga horteeda, tag, oo horta walaalkaa la soo heshii, dabadeed kaalay oo hadiyaddaada bixi.

    25Dhaqso cadowgaaga ula heshii intaad jidka kula socoto, si aan cadowgu xaakinka kuugu dhiibin, xaakinkuna askariga kuugu dhiibin, oo xabsi lagugu tuurin.

  • 32oo idinka midkiinba midka kale ha u roonaado, oo ha u qalbi jilicsanaado, idinkoo iscafiyaya sidii Ilaahba Masiixa idiinku cafiyey.

  • 4Oo naga cafi dembiyadayada, waayo, annaguba waa u cafinnaa mid walba oo aannu qaan ku leennahay, oo jirrabaaddana ha noo kaxayn.

  • Mat 12:31-32
    2 aayado
    74%

    31Sidaa darteed waxaan idinku leeyahay, Dembi walba iyo cay walba waa loo cafiyi doonaa dadka, laakiin cayda Ruuxa Quduuska ah ka gees ah looma cafiyi doono.

    32Ku alla kii ku hadla hadal Wiilka Aadanaha ka gees ah waa loo cafiyi doonaa, laakiin ku alla kii ku hadla hadal Ruuxa Quduuska ah ka gees ah looma cafiyi doono wakhtigan iyo wakhtiga iman doona.

  • 10Kii aad wax ka cafidaan, aniguna waan ka cafiyaa: waxaan anigu ka cafiyeyna, haddaan wax ka cafiyey, waxaan uga cafiyey aawadiin Masiix hortiisa,

  • Mark 3:28-29
    2 aayado
    73%

    28Runtii waxaan idinku leeyahay, Bini-aadmiga waa loo cafiyi doonaa dembiyadii oo dhan iyo caydii ay ku caytamaan;

    29laakiin ku alla kii caaya Ruuxa Quduuska ah, weligiis cafiga heli maayo, laakiin wuxuu eed u leeyahay dembi weligiis ah;

  • Mat 18:17-18
    2 aayado
    73%

    17Oo hadduu iyaga maqli waayo, dadka kiniisadda u sheeg, oo hadduu dadka kiniisadda maqli waayona, ha kuu ahaado sida qof aan Ilaah aaminin iyo cashuurqaade.

    18Runtii waxaan idinku leeyahay, Wax alla wixii aad dhulka ku xidhaan ayaa jannada ku xidhnaan doona, oo wax alla wixii aad dhulka ku furtaan ayaa jannada ku furnaan doona.

  • 31Oo sidaad doonaysaan in dadku idiin sameeyo, idinkuna sidaas oo kale u sameeya iyaga.

  • 22Sidaas aawadeed xumaantaadan ka toobadkeen, Rabbigana ka bari in fikirka qalbigaaga lagaa cafiyo.

  • 10oo mid walba oo ku hadla hadal Wiilka Aadanaha ka gees ah, waa loo cafiyi doonaa, laakiin kii caaya Ruuxa Quduuska ah looma cafiyi doono.

  • 71%

    9Sayidyadow, idinkuna isla waxaas iyaga u sameeya, oo cabsiinta iska daaya, waayo, waad og tihiin inuu kan ah Sayidkooda iyo kiinnaba jannada ku jiro, oo uusan dadka u kala eexan.

  • Mat 5:44-45
    2 aayado
    71%

    44laakiin waxaan idinku leeyahay, Cadowyadiinna jeclaada, u duceeya kuwa idin habaara, wax wanaagsan u sameeya kuwa idin neceb, oo Ilaah u barya kuwa idin caaya oo idin silciya,

    45si aad u ahaataan wiilashii Aabbihiinna jannada ku jira, waayo, qorraxdiisa wuxuu u soo bixiya kuwa xun iyo kuwa wanaagsan, roobna wuu u di'iyaa kuwa xaqa ah iyo kuwa aan xaqa ahaynba.

  • 48Saas aawadeed u samaada sida Aabbihiinna jannadu u san yahay.

  • 7Laakiinse waa inaad isaga cafidaan oo u gargaartaan inaanay sina caloolxumo aad u badani liqin kaasoo kale.

  • 23Nin alla ninkaad dembiyadiisa cafidaan way cafiyan yihiin, nin alla ninkaad dembiyadiisa ku celisaan way ceshan yihiin.

  • 42Goortii ay waayeen waxay bixiyaan, ayuu labadoodiiba u dhaafay. Haddaba iyamaa ahaan doona kan jacayl badan?

  • 17Waxaad Yuusuf ku tidhaahdaan, Haatan waan ku baryayaaye, cafi walaalahaa xadgudubkooda, iyo dembigooda, maxaa yeelay, iyagu xumaan bay kugu sameeyeen. Haddaba waannu ku baryaynaaye, Annagoo ah addoommada Ilaaha aabbahaa, naga cafi xadgududkayaga. Yuusufuna wuu ooyay markay la hadleen.