Matayos 18:34

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaasaa sayidkiisu cadhooday oo u dhiibay kuwa dadka silciya ilaa uu bixiyo wixii lagu lahaa oo dhan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Mat 5:25-26 : 25 Dhaqso cadowgaaga ula heshii intaad jidka kula socoto, si aan cadowgu xaakinka kuugu dhiibin, xaakinkuna askariga kuugu dhiibin, oo xabsi lagugu tuurin. 26 Runtii waxaan kugu leeyahay, Halkaas ka soo bixi maysid ilaa aad siisid beesadda ugu dambaysa.
  • Mat 18:30 : 30 Isaguse ma uu doonaynin, laakiin wuu baxay oo xabsiga ku tuuray ilaa uu bixiyo wixii lagu lahaa.
  • Luuk 12:58-59 : 58 Goortaad cadowgaaga u raacdo xaakinka, intaad jidka maraysaan ku dadaal si aad uga baxsato, inaanu xaakinka kuu jiidin, xaakinkuna askariga kuu dhiibin, askariguna xabsiga kugu tuurin. 59 Waxaan kugu leeyahay, Halkaas ka soo bixi maysid ilaa aad siisid lacagta u yar oo ugu dambaysa.
  • 2 Tes 1:8-9 : 8 oo dab ololaya ku jira, oo ka aargudanaya kuwa aan Ilaah aqoon iyo kuwa aan addeecin injiilka Rabbigeenna Ciise Masiix. 9 Waxaa lagu ciqaabi doonaa halaag weligiis ah, oo waxaa laga gooyn doonaa Rabbiga hortiisa iyo ammaanta xooggiisa,
  • Yac 2:13 : 13 Xukunku naxariis uma leh kii aan dadka u naxariisan; naxariistu way ka faantaa xukunka.
  • Muj 14:10-11 : 10 isna wuxuu ka cabbi doonaa khamriga cadhada Ilaah oo lagu shubay koobka cadhadiisa isagoo aan badhxanayn; oo waxaa isaga lagu silcin doonaa dab iyo baaruud malaa'igaha quduuska ah hortooda iyo Wanka hortiisa. 11 Oo qiiqa caddibaaddooda kor buu u baxayaa weligiis iyo weligiis, oo kuwa caabuda bahalka iyo sanamkiisa, iyo ku alla kii aqbala sumadda magiciisa nasasho heli maayaan habeen iyo maalin toona.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Mat 18:21-33
    13 aayado
    87%

    21¶ Markaas Butros ayaa u yimid oo ku yidhi, Sayidow, immisa goor baan cafiyaa walaalkay hadduu igu dembaabo? Ma ilaa toddoba goor baa?

    22Ciise ayaa ku yidhi, Kugu odhan maayo, Ilaa toddoba goor, laakiin, Ilaa toddobaatan goor oo toddoba ah.

    23Sidaa darteed boqortooyada jannada waxaa loo ekaysiiyaa nin boqor ah oo doonayay inuu addoommadiisa ka xisaab qaato.

    24Goortuu bilaabay inuu xisaab qaato waxaa loo keenay nin toban kun oo talanti uu ku lahaa.

    25Laakiin wuxuu ku bixiyo ma uu haysan. Markaasaa sayidkii wuxuu ku amray in la iibiyo isaga iyo naagtiisa iyo carruurtiisa iyo wuxuu lahaa oo dhan, oo lagu bixiyo.

    26Addoonkii haddaba wuu dhacay, oo intuu sujuuday, ayuu wuxuu ku yidhi, Ii dulqaado, anna waan wada bixin doonaaye.

    27Markaasaa addoonkaas sayidkiisii u naxariistay, wuuna sii daayay, oo amaahdii wuu u dhaafay.

    28¶ Laakiin addoonkaas ayaa baxay oo helay mid ka mid ah addoommadii uu la shaqayn jiray, kii uu ku lahaa boqol dinaar. Wuu qabtay oo intuu ceejiyey ayuu ku yidhi, Bixi waxa lagugu leeyahay.

    29Addoonkii uu la shaqayn jiray ayaa haddaba cagihiisii isku riday oo baryay, oo ku yidhi, Ii dulqaado, anna waan bixin doonaaye.

    30Isaguse ma uu doonaynin, laakiin wuu baxay oo xabsiga ku tuuray ilaa uu bixiyo wixii lagu lahaa.

    31Haddaba kuwii la shaqayn jiray, goortay arkeen wixii dhacay, aad bay u calool xumaadeen, oo intay sayidkooda u yimaadeen, ayay u sheegeen wixii dhacay oo dhan.

    32Markaasaa sayidkiisii u yeedhay oo ku yidhi, Addoon yahow sharkaluhu! Waxaan kugu lahaa oo dhan waan kuu dhaafay, waayo, waad i bariday.

    33Miyaanad lahayn inaad kii kula shaqayn jiray u naxariisatid sidaan anigu kuugu naxariistay?

  • 35Sidaas oo kalena ayaa Aabbahayga jannada ku jiraa idinku samayn doonaa, haddaan midkiin waliba qalbiga ka cafiyin walaalkiis.

  • 77%

    21Waayo, waan kaa baqay, maxaa yeelay, nin ba'an baad tahay; waxaad qaadataa waxaanad dhigan, oo waxaad gurataa waxaanad beeran.

    22Wuxuu ku yidhi, Waxaa afkaaga ka soo baxay ayaan kugu xukumayaa, addoon yahow sharka leh. Waad ogayd inaan ahay nin ba'an oo qaato wixii aanan dhigan oo gurto wixii aanan beeran.

    23Maxaad haddaba lacagtaydii baangiga u dhigi weyday, si, markaan imaado, aan u soo qaato lacagtaydii iyo faa'iidadeediiba?

    24Markaasuu ku yidhi kuwii ag taagnaa, Minaha ka qaada oo u dhiiba kan tobanka mina haya.

  • 30Oo addoonka aan waxtarka lahayn ku tuura gudcurka dibadda ah. Halkaas waxaa jiri doonta baroor iyo ilko jirriqsi.

  • Mat 25:26-28
    3 aayado
    75%

    26Markaasaa sayidkiisii u jawaabay oo ku yidhi, Addoon yahow sharka leh oo caajiska ahu, waad ogayd inaan wax ka gurto meel aanan wax ku beeran, oo aan wax ka urursado meel aanan wax ku firdhin.

    27Haddaba waxaad lahayd inaad lacagtayda u dhiibto kuwa baangiga jooga, oo goortaan soo noqdo, waxayga iyo faa'iido ayaan qaadan lahaa.

    28Haddaba talantigii ka qaada oo u dhiiba kan tobanka talanti haya.

  • 75%

    46addoonkaas sayidkiisu wuxuu iman doonaa maalin aanu filayn oo saacad aanu ogayn, oo waa kala jeexi doonaa, oo wuxuu ka dhigi doonaa mid qayb la hela kuwa aan aaminka ahayn.

    47Addoonkaas ogaa doonista sayidkiisa, oo aan diyaargarayn, oo aan yeelin sidii doonistiisu ahayd, wax badan waa la garaaci doonaa.

    48Laakiin kii aan ogayn oo yeelayse wixii garaacid istaahila, wax yar baa la garaaci doonaa. Mid kasta oo wax badan la siiyey, wax badan ayaa laga dooni doonaa, oo kan wax badan loo sii dhiibtay, wax ka badan ayaa la weyddiisan doonaa.

  • 75%

    25Oo kolkaad tukasho u taagan tihiin, cafiya haddii aad dad wax ku leedihiin, si Aabbihiinna jannada ku jiraa xumaantiinna idiin cafiyo.

    26Haddii aanad cafiyin, Aabbihiinna jannada ku jira xumaantiinna idiin cafiyi maayo.

  • 13Markaasaa boqorkii wuxuu midiidinyadii ku yidhi, Lugaha iyo gacmaha ka xidha, oo gudcurka dibadda ah ku tuura; halkaas waxaa jiri doonta baroor iyo ilko jirriqsi.

  • 26Runtii waxaan kugu leeyahay, Halkaas ka soo bixi maysid ilaa aad siisid beesadda ugu dambaysa.

  • 5Markaasuu u yeedhay mid walba oo sayidkiisu dayn ku lahaa. Kii hore ayuu ku yidhi, Sayidkaygu immisuu kugu leeyahay?

  • Mat 25:18-19
    2 aayado
    74%

    18Kii midka helayse, wuu baxay oo dhulka qoday oo lacagtii sayidkiisii ayuu ku qariyey.

    19Wakhti dheer dabadeed sayidkii addoommadaas ayaa yimid oo ka xisaab qaatay.

  • Mat 6:14-15
    2 aayado
    74%

    14¶ Waayo, haddaad dadka u cafidaan xumaantooda, Aabbihiinna jannada ku jira ayaa idin cafiyi doona.

    15Laakiin haddaanad dadka cafiyin, Aabbihiinnu xumaantiinna idiin cafiyi maayo.

  • Mat 24:47-51
    5 aayado
    74%

    47Runtii waxaan idinku leeyahay, Wuxuu leeyahay oo dhan ayuu ka sarreeysiin doonaa isaga.

    48Laakiin haddii addoonkaas sharka leh qalbigiisa ka yidhaahdo, Sayidkaygu waa raagay,

    49oo uu bilaabo inuu garaaco kuwii la shaqayn jiray, oo uu wax la cuno oo wax la cabbo kuwa sakhraanka ah,

    50addoonkaas sayidkiisu wuxuu iman doonaa maalin aanu filayn iyo saacad aanu ogayn,

    51oo waa kala jeexi doonaa oo wuxuu ka dhigi doonaa mid qayb la hela labawejiilayaasha. Halkaa waxaa jiri doonta baroor iyo ilko jirriqsi.

  • 59Waxaan kugu leeyahay, Halkaas ka soo bixi maysid ilaa aad siisid lacagta u yar oo ugu dambaysa.

  • 24Kii talantigii keliya helayna waa u yimid oo ku yidhi, Sayidow, waan ku garanayay inaad tahay nin qalbi engegan, oo aad wax ka guratid meel aanad wax ku beeran oo aad wax ka urursatid meel aanad wax ku firdhin.

  • 12Oo naga cafi qaamahayaga sidaannu u cafinnay kuwa noo qaamaysan.

  • Luuk 17:3-4
    2 aayado
    72%

    3Iska dhawra. Walaalkaa hadduu dembaabo, canaano; hadduuna toobadkeeno, cafi.

    4Hadduu toddoba goor maalintii kugu dembaabo, oo toddoba goor kuu soo jeesto, isagoo leh, Waa toobadkeenay, waa inaad cafido.

  • 42Oo waxay ku tuuri doonaan foornada dabka, halkaas waxaa jiri doonta baroor iyo ilko jirriqsi.

  • 14Waxaaga qaado oo tag. Waxaan doonayaa inaan kan ugu dambeeya siiyo intaan ku siiyey oo kale.

  • 42Goortii ay waayeen waxay bixiyaan, ayuu labadoodiiba u dhaafay. Haddaba iyamaa ahaan doona kan jacayl badan?

  • 19Ninkii cadho badan waa la taqsiiri doonaa, Waayo, haddaad mar isaga samatabbixiso, haddana waa inaad mar kale sidii oo kale ku samaysaa.

  • 8Laakiin miyaanu ku odhan doonin, Diyaari waxaan ku casheeyo, oo gunto, oo ii adeeg intaan wax cunayo oo cabbayo, kolkaa dabadeed ayaad wax cuni oo cabbi?

  • 7Laakiin boqorkii markuu maqlay wuu cadhooday, oo askartiisii buu u diray oo baabbi'iyey kuwaasoo dhiig qabay, magaaladoodiina wuu gubay.