Markos 13:21

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaas haddii nin idinku yidhaahdo, Waa kan Masiixii, ama, Waa kaas, ha rumaysanina.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Mat 24:23-25 : 23 Maarkaas haddii laydinku yidhaahdo, Waa kan Masiixa ama waa kaas, ha rumaysanina. 24 Waayo, waxaa kici doona Masiixyo been ah iyo nebiyo been ah, oo waxay samayn doonaan calaamooyin waaweyn iyo yaabab, si ay xataa kuwa la doortay u khiyaaneeyaan hadday u suurtowdo. 25 Bal eega, horaan idiinku sheegaye.
  • Luuk 17:23-24 : 23 Waxaana laydinku odhan doonaa, Waa taas! Waa tan! Ha bixina, hana raacina. 24 Waayo, sida hillaacu markuu dhinaca hoose oo cirka ka hillaaco oo ilaa dhinaca kale oo hoose oo cirka u ifiyo, sidaas oo kale ayuu Wiilka Aadanahuna ahaan doonaa maalintiisa.
  • Luuk 21:8 : 8 Markaasuu yidhi, Iska eega yaan laydin khiyaanayn, waayo, qaar badan ayaa magacayga ku iman doona, oo waxay odhan doonaan, Anigu waxaan ahay isaga; iyo, Wakhtigu waa soo dhowaaday. Ha raacina.
  • Yoox 5:43 : 43 Waxaan ku imid Aabbahay magiciis, idinkuna waad i aqbali weydeen. Haddiise mid kale magiciisa ku yimaado, kaasaad aqbalaysaan.
  • Sharc 13:1-3 : 1 ¶ Hadduu dhexdiinna ka kaco nebi ama mid riyooyin ku riyooda, oo uu idin tuso calaamad ama yaab, 2 oo calaamadda amase yaabku haddu rumoobo oo la arko wixii uu idinkula hadlay isagoo leh, Ina keena aynu ilaahyo kale raacnee oo aynu iyaga u adeegnee kuwaas oo aydaan aqoonin, 3 waa inaydaan dhegaysan erayada nebigaas ama riyaalowgaas, waayo, Rabbiga Ilaahiinna ahu wuu idin tijaabinayaa inuu ogaado bal inaad Rabbiga Ilaahiinna ah ka jeceshihiin qalbigiinna oo dhan iyo naftiinna oo dhan iyo in kale.
  • Mat 24:5 : 5 Waayo, qaar badan ayaa magacayga ku iman doona, oo waxay odhan doonaan, Anigu waxaan ahay Masiixa, oo qaar badan ayay khiyaanayn doonaan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Mat 24:22-26
    5 aayado
    95%

    22Oo haddaan wakhtigaas la gaabin ninna ma uu badbaadeen, laakiin kuwa la doortay aawadood ayaa wakhtigaas loo gaabin doonaa.

    23Maarkaas haddii laydinku yidhaahdo, Waa kan Masiixa ama waa kaas, ha rumaysanina.

    24Waayo, waxaa kici doona Masiixyo been ah iyo nebiyo been ah, oo waxay samayn doonaan calaamooyin waaweyn iyo yaabab, si ay xataa kuwa la doortay u khiyaaneeyaan hadday u suurtowdo.

    25Bal eega, horaan idiinku sheegaye.

    26Haddaba hadday idinku yidhaahdaan, Bal eega, wuxuu joogaa cidlada, ha u bixina. Bal eega, wuxuu joogaa qolalka qarsoon, ha rumaysanina.

  • 83%

    22Waayo, waxaa kici doona Masiixyo been ah iyo nebiyo been ah, oo waxay samayn doonaan calaamooyin iyo yaabab si ay xataa kuwa la doortay u khiyaaneeyaan hadday u suurtowdo.

    23Laakiin idinku iska jira, wax walbaba horaan idiinku sheegaye.

  • 81%

    21Lamana odhan doono, Waa tan! ama, Waa taas! waayo, bal eega, boqortooyada Ilaah waa idinku dhex jirtaa.

    22¶ Markaasuu xertii ku yidhi, Maalmuhu waa iman doonaan goortaad dooni doontaan inaad aragtaan maalmaha Wiilka Aadanaha middood, mana arki doontaan.

    23Waxaana laydinku odhan doonaa, Waa taas! Waa tan! Ha bixina, hana raacina.

  • Luuk 21:7-9
    3 aayado
    81%

    7¶ Markaasay weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen, Macallimow, goormay waxyaalahanu ahaan doonaan, oo calaamadu maxay ahaan doontaa goortii waxyaalahanu ay dhowaan doonaan?

    8Markaasuu yidhi, Iska eega yaan laydin khiyaanayn, waayo, qaar badan ayaa magacayga ku iman doona, oo waxay odhan doonaan, Anigu waxaan ahay isaga; iyo, Wakhtigu waa soo dhowaaday. Ha raacina.

    9Oo markaad dagaallo iyo rabshooyin maqashaan ha baqanina, waayo, kolka hore waxyaalahanu waa inay dhacaan, laakiin dhammaadku kolkiiba ma aha.

  • Mark 13:5-7
    3 aayado
    77%

    5Ciise baa u jawaabay oo bilaabay inuu ku yidhaahdo, Iska eega yaan laydin khiyaanayn.

    6Qaar badan ayaa magacayga ku iman doona, oo waxay odhan doonaan, Anigu waxaan ahay isaga, oo qaar badan ayay khiyaanayn doonaan.

    7Goortaad dagaallo maqashaan iyo dagaallo hadalhayntood ha baqanina. Waxaasu waa inay dhacaan, laakiin dhammaadku weli weeye.

  • Mat 24:4-5
    2 aayado
    77%

    4Ciise ayaa u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Iska eega yaan laydin khiyaanayn.

    5Waayo, qaar badan ayaa magacayga ku iman doona, oo waxay odhan doonaan, Anigu waxaan ahay Masiixa, oo qaar badan ayay khiyaanayn doonaan.

  • 73%

    13Dadka oo dhan ayaa magacayga aawadiis idiin necbaan doona, laakiin kan ilaa ugu dambaysta adkaysta kaasaa badbaadi doona.

    14¶ Laakiin goortaad aragtaan waxa baas oo hallaynta ah oo taagan meeshii uusan lahayn inuu taagnaado (kii akhriyaa ha garto), markaas kuwa Yahuudiya joogaa buuraha ha u carareen.

    15Kii guri fuushanuna yaanu guriga u soo degin oo gelin inuu wax ka soo qaato.

  • 40Sidaas darteed iska jira inaanay idinku dhicin wixii nebiyadu sheegeen iyagoo leh,

  • 33Iska jira oo soo jeeda, waayo, ma ogidin wakhtigu goortuu yahay.

  • Mat 24:15-16
    2 aayado
    72%

    15¶ Haddaba goortaad aragtaan waxa baas oo hallaynta ah ee lagaga hadlay nebi Daanyeel, oo taagan meesha quduuska ah (kii akhriyaa ha garto),

    16markaas kuwa Yahuudiya joogaa, buuraha ha u carareen.

  • 3Sinaba yaan laydiin khiyaanayn, waayo, maalintaasu ma iman doonto ilamaa horta Ilaah laga fallaagoobo, oo la muujiyo ninka dembiga oo ah wiilka halaagga,

  • 11Waxaa kici doona nebiyo badan oo been ah, oo qaar badan ayay khiyaanayn doonaan.

  • 1¶ Gacaliyayaalow, ha rumaysanina ruux walba, laakiin ruuxyada tijaabiya si aad u hubsataan inay kuwa Ilaah yihiin; waayo, nebiyo badan oo been ah ayaa u soo baxay dunida.

  • 71%

    36waayo, waaba intaasuu idinku soo kediyaa oo uu idin helaa idinkoo hurda.

    37Waxaan idinku leeyahay ayaan dadkii oo dhan ku leeyahay, Soo jeeda.

  • 40Idinkuna diyaar ahaada, waayo, saacad aydnaan u malaynaynin ayaa Wiilka Aadanahu imanayaa.

  • 20Oo haddaan Rabbigu wakhtigaas gaabin, ninna ma uu badbaadeen, laakiin kuwuu doortay aawadood ayuu wakhtigaas u gaabshay.

  • 13Haddaba soo jeeda, waayo, garan maysaan maalinta ama saacadda.

  • 15¶ Iska jira nebiyada beenta ah, kuwa idiinku imanaya iyagoo qaba dharka idaad, laakiin hoosta ka ah yeey wax boobaysa.

  • 67Haddii aad Masiixa tahay, noo sheeg. Wuxuuse ku yidhi, Haddaan idiin sheego ma rumaysan doontaan.

  • 26Markaasay waxay arki doonaan Wiilka Aadanaha oo daruuraha ku imanaya isagoo leh xoog badan iyo ammaan.

  • 29Idinkuna sidaas oo kale goortaad aragtaan waxaas oo dhacaya, garta inuu Wiilka Aadanahu dhow yahay oo albaabbada ag joogo.

  • 19Hadda dabadeed waxaas ayaan idiin sheegayaa intaanay dhicin, in markay dhacaan aad rumaysataan inaan ahay isagii.

  • 2oo calaamadda amase yaabku haddu rumoobo oo la arko wixii uu idinkula hadlay isagoo leh, Ina keena aynu ilaahyo kale raacnee oo aynu iyaga u adeegnee kuwaas oo aydaan aqoonin,

  • 12¶ Oo haddaad wax ka maqashaan mid ka mid ah magaalooyinka Rabbiga Ilaahiinna ahu idiin siinayo inaad degtaan,

  • 44Sidaa darteed idinkuna diyaar ahaada, waayo, saacad aydnaan u malaynaynin ayaa Wiilka Aadanahu imanayaa.

  • 20Markaasuu xertii ku amray inaanay cidna u sheegin inuu Masiixa yahay.

  • 69%

    20¶ Laakiin goortaad aragtaan Yeruusaalem oo colal ku wareegsan yihiin, markaas ogaada in hallaynteedu dhow dahay.

    21Markaas kuwa Yahuudiya joogaa buuraha ha u carareen, kuwa gudaheeda ku jiraana ha ka baxeen, kuwa beeraha joogaana yaanay gelin.

  • 27Markaasay arki doonaan Wiilka Aadanaha oo daruur ku imanaya, isagoo leh xoog iyo ammaan weyn.

  • 8Iska jira si aydnaan u khasaarayn wixii aynu falnay, laakiinse si aad abaalgud dhan u heshaan.

  • 21¶ Ma aha qof kasta oo igu yidhaahda, Rabbow, Rabbow, kuwa boqortooyadii jannada gelayaa, laakiin kii sameeya doonista Aabbahayga jannada ku jira, kaasaa gelaya.

  • 21¶ Ciise markuu sidaas yidhi, ayuu ka qalbi xumaaday, wuxuuna bayaan u sheegay oo yidhi, Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Midkiin ayaa i gacangelin doona.

  • 44¶ Ciise ayaa ku dhawaaqay oo yidhi, Kii i rumaystaa, ima rumaysto, wuxuuse rumaystaa kan i soo diray.

  • 37Haddaanan samayn shuqullada Aabbahay, ha i rumaysanina.