Markos 13:20
Oo haddaan Rabbigu wakhtigaas gaabin, ninna ma uu badbaadeen, laakiin kuwuu doortay aawadood ayuu wakhtigaas u gaabshay.
Oo haddaan Rabbigu wakhtigaas gaabin, ninna ma uu badbaadeen, laakiin kuwuu doortay aawadood ayuu wakhtigaas u gaabshay.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
19Laakiin waa u hoog kuwa uurka leh iyo kuwa wakhtigaas ilmo nuujinaya.
20Barya inaan cararkiinnu noqon wakhtiga qabowga ama sabtida.
21Waayo, markaas waxaa jiri doona dhib weyn sida mid aan jirin tan iyo dunida bilowgeedii ilaa hadda, mana jiri doonto weligeed.
22Oo haddaan wakhtigaas la gaabin ninna ma uu badbaadeen, laakiin kuwa la doortay aawadood ayaa wakhtigaas loo gaabin doonaa.
23Maarkaas haddii laydinku yidhaahdo, Waa kan Masiixa ama waa kaas, ha rumaysanina.
24Waayo, waxaa kici doona Masiixyo been ah iyo nebiyo been ah, oo waxay samayn doonaan calaamooyin waaweyn iyo yaabab, si ay xataa kuwa la doortay u khiyaaneeyaan hadday u suurtowdo.
16Kii beer joogaana yaanu dib ugu noqon inuu dharkiisa soo qaato.
17Laakiin waa u hoog kuwa uurka leh iyo kuwa wakhtigaas ilmo nuujinaya.
18Barya inaan waxaasu noqon wakhtiga qabowga.
19Waayo, maalmahaas waxay ahaan doonaan dhib sida mid aan jirin tan iyo bilowgii abuurniinta oo Ilaah abuuray, mana jiri doonto weligeed.
27¶ Oo Isayos wuxuu ku qayliyey wax Israa'iil ku saabsan isagoo leh, In kastoo tirada reer binu Israa'iil noqoto sida cammuudda badda, intii hadhay waa badbaadi doontaa,
28waayo, Rabbigu hadalkiisa dhulkuu ku samayn doonaa, isagoo dhammaystiraya oo soo gaabinaya,
29oo sidii Isayos hore u yidhi, Haddaan Rabbigii Saba'ood farcan inoo reebin, Sidii Sodom baan noqon lahayn, oo sidii Gomora baa laynaga dhigi lahaa.
26Markaasay waxay arki doonaan Wiilka Aadanaha oo daruuraha ku imanaya isagoo leh xoog badan iyo ammaan.
27Markaasuu wuxuu soo diri doonaa malaa'igihiisa, oo kuwuu doortay ayuu ka soo ururin doonaa afarta jahood ee meesha dhulka ugu fog ilaa meesha cirka ugu fog.
21Markaas haddii nin idinku yidhaahdo, Waa kan Masiixii, ama, Waa kaas, ha rumaysanina.
22Waayo, waxaa kici doona Masiixyo been ah iyo nebiyo been ah, oo waxay samayn doonaan calaamooyin iyo yaabab si ay xataa kuwa la doortay u khiyaaneeyaan hadday u suurtowdo.
23Laakiin idinku iska jira, wax walbaba horaan idiinku sheegaye.
24¶ Laakiin wakhtigaas, dhibtaas dabadeed, qorraxdu waa madoobaan doontaa, dayaxuna ma nuuri doono,
13Laakiin kii adkaysta ilaa ugu dambaysta, kaasaa badbaadi doona.
13Dadka oo dhan ayaa magacayga aawadiis idiin necbaan doona, laakiin kan ilaa ugu dambaysta adkaysta kaasaa badbaadi doona.
14¶ Laakiin goortaad aragtaan waxa baas oo hallaynta ah oo taagan meeshii uusan lahayn inuu taagnaado (kii akhriyaa ha garto), markaas kuwa Yahuudiya joogaa buuraha ha u carareen.
10Haddaba wax walba waxaan ugu adkaystaa kuwa la doortay aawadood inay iyana helaan badbaadada ammaanta weligeeda leh oo ku jirta Ciise Masiix.
22Waayo, kuwanu waa maalmo aargudasho in wixii la qoray oo dhammu ay noqdaan.
22Dadka oo dhan ayaa magacayga aawadiis idiin necbaan doona, laakiin kan ilaa ugu dambaysta adkaysta, kaasaa badbaadi doona.
31Oo wuxuu soo diri doonaa malaa'igihiisa oo wata buun weyn, oo kuwuu doortay ayay ka soo ururin doonaan afarta jahood cirka meesha ugu fog ilaa meesheeda kale.
14Waayo, kuwo badan baa loo yeedhay, laakiin kuwo yar baa la doortay.
7Hoogay wakhtigaasu waa wakhti weyn, oo ma jiro mid isaga la mid ahu, waana wakhtigii dhibkii dadka Yacquub, laakiinse waa laga badbaadin doonaa dhibkaas.
9Waayo, Ilaah inooma uu dooran cadhada, laakiinse wuxuu inoo doortay inaynu ku badbaadno Rabbigeenna Ciise Masiix,
30Si la mid ah ayay noqon doontaa maalinta Wiilka Aadanahu soo muuqdo.
31Maalintaas kii guriga fuushanu, oo alaabtiisu guriga ku jirto, yaanu u soo degin inuu soo qaato; kii beerta joogaana sidaas oo kale yaanu dib u noqon.
20xataa haddii Nuux iyo Daanyeel iyo Ayuub ay dhex joogi lahaayeen, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye, Wiil iyo gabadh toona ma samatabbexeen, laakiinse iyagu xaqnimadooda ayay naftooda oo keliya ku samatabbixin lahaayeen.
7Ilaahna miyaanu xaq siin doonin kuwuu doortay oo habeen iyo maalinba u qayliya; oo miyaanu u dulqaadan doonin?
29¶ Laakiin dhibta wakhtigaas dabadeed, kolkiiba qorraxdu waa madoobaan doontaa, dayuxuna ma nuuri doono, xiddiguhuna cirka waa ka soo dhici doonaan, xoogagga cirkana waa la gariirin doonaa.
40Haddaba sidii gocondhadii loo ururiyey oo dab loogu gubay, sidaasay ahaan doontaa dhammaadka wakhtiga dunidu.
29Idinkuna sidaas oo kale goortaad aragtaan waxaas oo dhacaya, garta inuu Wiilka Aadanahu dhow yahay oo albaabbada ag joogo.
30Runtii waxaan idinku leeyahay, Qarniganu ma idlaan doono intaanay waxan oo dhammi dhicin.
31Cirka iyo dhulku waa idlaan doonaan, laakiinse hadalladaydu ma idlaan doonaan.
32Laakiin maalintaas iyo saacaddaas ninna waxba kama oga, malaa'igaha jannada ku jira iyo Wiilka toona, midna ma oga, Aabbaha keliya maahee.
33Iska jira oo soo jeeda, waayo, ma ogidin wakhtigu goortuu yahay.
29Oo qof kasta ha ahaadee kii aan maalintaas la dhibin, dadkiisa waa in laga gooyaa.
37Sida wakhtigii Nuux ahaa, sidaas oo kale ayaa imaatinka Wiilka Aadanahu ahaan doonaa.
18Tinna madaxiinna kama lumi doono.
9Rabbigu kama raago inuu ballankiisa oofiyo sida dadka qaarkiis ku tiriyo inay tahay raagid, laakiinse idinkuu idiin dulqaadanayaa, oo dooni maayo in qofnaba halligmo, laakiinse wuxuu doonayaa in kulli la wada toobadkeeno.
49Sidaasay ahaan doontaa dhammaadka wakhtiga dunidu. Malaa'igahu way soo bixi doonaan oo waxay kuwa sharka leh ka dhex sooci doonaan kuwa xaqa ah,
7Markaasuu iyaga ku yidhi, Dantiinna ma aha inaad ogaataan wakhtiyada iyo xilliyada uu Aabbuhu amarkiisa kaga dhigay.
23Mid baa wuxuu ku yidhi, Sayidow, ma yar yihiin kuwa badbaadayaa?
20Qorraxdu waxay u beddelmi doontaa gudcur, Dayaxuna wuxuu u beddelmi doonaa dhiig, Intaanay iman maalinta Rabbigu, Taas oo ah maalin weyn oo caan ah.