Markos 14:34

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaasuu ku yidhi, Naftaydu aad bay u calool xun tahay tan iyo dhimasho; halkan jooga oo soo jeeda.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yoox 12:27 : 27 Haatan naftaydu waa murugootay, oo maxaan idhaahdaa? Aabbow, saacaddan iga badbaadi. Laakiin taas aawadeed ayaan saacaddan u soo gaadhay.
  • Mark 13:35-37 : 35 Soo jeeda haddaba, waayo, idinku ma ogidin sayidkii guriga lahaa goortuu imanayo, inay tahay makhrib, ama habeenbadhkii, ama goortii diiqu ciyo, ama aroortiiba, 36 waayo, waaba intaasuu idinku soo kediyaa oo uu idin helaa idinkoo hurda. 37 Waxaan idinku leeyahay ayaan dadkii oo dhan ku leeyahay, Soo jeeda.
  • Mark 14:37-38 : 37 Markaasuu yimid oo wuxuu arkay iyagoo hurda, oo wuxuu Butros ku yidhi, Simoonow, ma huruddaa? Miyaad kari wayday inaad saacad keliya soo jeeddo? 38 Soo jeeda oo tukada inaydnaan jirrabaadda gelin. Ruuxu waa diyaar, laakiin jidhku waa itaal daranyahay.
  • Ish 53:3-4 : 3 Isaga waa la quudhsaday, waana la diiday, oo wuxuu ahaa nin murugeed, oo xanuun bartay, waana la quudhsaday sida mid dadku wejiga ka qarsado, mana aynaan xurmayn. 4 ¶ Sida runta ah wuxuu xambaartay xanuunyadeennii, wuxuuna qaatay murugadeennii, laakiinse waxaynu ku tirinnay mid belaayo ku dhacday, oo Ilaah dilay, oo dhibaataysan.
  • Ish 53:12 : 12 Sidaas daraaddeed waxaan isaga wax ula qaybin doonaa kuwa waaweyn, isna wuxuu boolida la qaybsan doonaa kuwa xoogga badan, maxaa yeelay, isagu naftiisuu geeri u huray, waxaana lagu tiriyey kuwa xadgudbay, weliba wuxuu xambaartay kuwa badan dembigood, wuuna u duceeyey kuwa xadgudbay.
  • Bar 1:12 : 12 Miyaydaan dan iga lahayn, kuwiinna i ag marayow? Bal eega, oo fiiriya hadday jirto murug murugtayda la mid ah ee laygu riday, Oo uu Rabbigu igu dhibay maalintii ay cadhadiisa kululu timid.
  • Ef 6:18-19 : 18 Mar kasta Ilaah wax kaga barya Ruuxa baryo iyo duco kastaba, oo taas ku dhawra adkaysasho oo dhan iyo u-ducaynta quduusiinta oo dhan. 19 Oo anigana iigu soo duceeya in lay siiyo hadal aan afka ku furo inaan cabsila'aan u muujiyo qarsoodiga injiilka,
  • 1 But 4:7 : 7 ¶ Haddaba wax walba dhammaadkoodu wuu dhow yahay, sidaas daraaddeed digtoonaada, oo tukashada u feeyignaada.
  • 1 But 5:8 : 8 ¶ Feeyignaada oo soo jeeda, waayo, cadowgiinna Ibliiska ahu sida libaax ciyaya ayuu u wareegaa oo u doondoonaa cid uu liqo.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Mat 26:36-46
    11 aayado
    95%

    36¶ Markaasaa Ciise la yimid iyaga meel Getsemane la odhan jiray, oo wuxuu xertii ku yidhi, Halkan fadhiista intii aan halkaas tegayo oo ku soo tukanayo.

    37Oo wuxuu watay Butros iyo labada wiil oo Sebedi, oo wuxuu bilaabay inuu calool xumaado oo tiiraanyoodo.

    38Markaasuu ku yidhi, Naftaydu aad bay u calool xun tahay tan iyo dhimasho; halkan jooga oo ila soo jeeda.

    39Waxoogaa ayuu hore u socday, oo wejigiisuu u dhacay oo tukaday isagoo leh, Aabbow, hadday suurtowdo, koobkanu ha i dhaafo, hase ahaatee, yaanay noqon sidaan doonayo laakiin sidaad doonaysid ha noqoto.

    40Xertii ayuu u yimid, oo wuxuu arkay iyagoo hurda, oo wuxuu Butros ku yidhi, Waa sidee? Miyaad kari weydeen inaad saacad keliya ila soo jeeddaan?

    41Soo jeeda oo tukada inaydnaan jirrabaadda gelin. Ruuxu waa diyaar, laakiin jidhku waa itaal daranyahay.

    42Haddana mar labaad ayuu tegey oo tukaday isagoo leh, Aabbow, haddii aanay suurtoobin in koobkanu i dhaafo anigoo cabba maahee, sidaad doonaysid ha noqoto.

    43Mar kale ayuu yimid oo arkay iyagoo hurda, waayo, indhahoodu lulmay la cuslaayeen.

    44Wuu iska daayay oo haddana ka tegey, oo mar saddexaad ayuu tukaday isagoo haddana hadalkii oo kale ku hadlaya.

    45Markaasuu xertii u yimid oo ku yidhi, Hadda seexda oo nasta. Bal eega, saacaddii waa dhow dahay, oo Wiilka Aadanaha ayaa dembilayaal loo gacangelinayaa.

    46Kaca aan tagnee. Eega, kii i gacangelin lahaa waa soo dhow yahay.

  • 85%

    35Waxoogaa ayuu hore u socday oo dhulkuu ku dhacay, wuxuuna tukaday in hadday suurtowdo saacaddu ay dhaafto.

    36Wuxuuna yidhi, Aabbow, Aabbe, wax walbaba waad karaysaa. Koobkan iga qaad, laakiin yaanay noqon waxaan doonayo, ee waxaad doonaysid ha noqoto.

    37Markaasuu yimid oo wuxuu arkay iyagoo hurda, oo wuxuu Butros ku yidhi, Simoonow, ma huruddaa? Miyaad kari wayday inaad saacad keliya soo jeeddo?

    38Soo jeeda oo tukada inaydnaan jirrabaadda gelin. Ruuxu waa diyaar, laakiin jidhku waa itaal daranyahay.

    39Mar kale ayuu tegey oo tukaday isagoo hadalkii oo kale ku hadlaya.

    40Mar kale ayuu yimid oo arkay iyagoo hurda, waayo, indhahoodu lulmay la cuslaayeen, ma ayna garan waxay ugu jawaabaan.

    41Kolkii saddexaad ayuu yimid oo ku yidhi, Hadda seexda oo nasta, waa ku filan tahay. Saacaddii waa timid. Bal eega, Wiilka Aadanaha ayaa dembilayaal loo gacangelinayaa.

    42Kaca aan tagnee. Eega, kii i gacangelin lahaa waa soo dhow yahay.

  • 82%

    31Laakiin aad buu ugu celceliyey, Haddaan leeyahay inaan kula dhinto, kolleyba ku dafiri maayo. Kulligoodba sidaas oo kale ayay yidhaahdeen.

    32¶ Markaasay yimaadeen meel Getsemane la odhan jiray, wuxuuna xertiisii ku yidhi, Halkan fadhiista intii aan soo tukanayo.

    33Oo wuxuu watay Butros iyo Yacquub iyo Yooxanaa, oo wuxuu bilaabay inuu calool xumaado oo tiraanyoodo.

  • 80%

    39¶ Markaasuu baxay oo Buur Saytuun tegey sidii caadadiisu ahayd, xertiina waa raacday.

    40Markuu meeshii joogay ayuu ku yidhi, Tukada inaydnaan jirrabaadda gelin.

    41Markaasuu intii dhagax la tuuro ka durkay, wuuna jilba joogsaday oo tukaday,

    42isagoo leh, Aabbow, haddaad doonaysid, koobkan iga fogee, hase ahaatee, doonistaydu yaanay noqon, taaduse ha noqoto.

    43Markaasaa waxaa samada kaga muuqatay malaa'ig isaga xoogaynaysa.

    44Isagoo aad u xanuunsan ayuu dadaal ku tukaday, dhididkiisuna wuxuu noqday sida dhibicyo dhiig ah oo dhulka ku dhacaya.

    45Goortuu tukashadiisii ka soo kacay, ayuu xertii u yimid oo wuxuu arkay iyagoo caloolxumo la hurda.

    46Markaasuu ku yidhi, Maxaad u huruddaan? Kaca oo tukada inaydnaan jirrabaadda gelin.

  • 73%

    26¶ Goortay gabay ammaan ah ku gabyeen waxay u baxeen Buur Saytuun.

    27¶ Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Kulligiin waad iga xumaan doontaan, waayo, waxaa qoran, Adhijirkaan dili doonaa, idahuna waa kala firdhi doonaan.

  • 73%

    36waayo, waaba intaasuu idinku soo kediyaa oo uu idin helaa idinkoo hurda.

    37Waxaan idinku leeyahay ayaan dadkii oo dhan ku leeyahay, Soo jeeda.

  • 27Haatan naftaydu waa murugootay, oo maxaan idhaahdaa? Aabbow, saacaddan iga badbaadi. Laakiin taas aawadeed ayaan saacaddan u soo gaadhay.

  • 1¶ Ciise markuu waxyaalahaas yidhi wuu la baxay xertiisii oo kala gudbay Tog Qidroon, meeshay ku tiil beer uu galay, isaga iyo xertiisiiba.

  • 33Markaasuu wuxuu ku yidhi, Sayidow, diyaar baan u ahay inaan kuu raaco xabsiga iyo dhimashadaba.

  • 36Laakiin wakhti walbaba soo jeeda, idinkoo Ilaah baryaya inaad xoog yeelataan si aad uga baxsataan waxaas dhici doonaa oo dhan, oo aad Wiilka Aadanaha isu hor taagtaan.

  • Mat 17:22-23
    2 aayado
    71%

    22¶ Intay Galili ku warwareegayeen, Ciise ayaa ku yidhi, Wiilka Aadanaha ayaa dadka loo gacangelin doonaa.

    23Wayna dili doonaan, maalinta saddexaadna waa la sara kicin doonaa. Markaasay aad u calool xumaadeen.

  • 19Markaasay calool xumaadeen, oo mid baa mid ku yidhi, Ma aniga baa?

  • 21¶ Ciise markuu sidaas yidhi, ayuu ka qalbi xumaaday, wuxuuna bayaan u sheegay oo yidhi, Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Midkiin ayaa i gacangelin doona.

  • 7isagoo leh, Wiilka Aadanaha waa in loo gacangeliyo dembilayaasha, oo iskutallaabta lagu qodbo, oo maalinta saddexaad uu soo sara kaco.

  • 35¶ Aroortii hore intaan weli waagii beryin ayuu kacay oo wuxuu tegey meel cidla ah, halkaasuuna ku soo tukanayay.

  • 33oo wuxuu ku yidhi, Waxaynu ku soconnaa Yeruusaalem. Wiilka Aadanaha waxaa loo dhiibi doonaa wadaaddada sare iyo culimmada; oo waxay ku xukumi doonaan dhimasho. Waxayna u dhiibi doonaan dadka aan Yuhuudda ahayn.

  • 54Haddaba sidee buu u noqon doonaa Qorniinku kan leh, Waa in sidaasu noqotaa?

  • 23Goortuu dadkii badnaa diray ayuu keligiis buurta fuulay inuu ku tukado, oo goortii makhribka la gaadhay keli ahaantiis ayuu halkaas joogay.

  • 33Iska jira oo soo jeeda, waayo, ma ogidin wakhtigu goortuu yahay.

  • 22Markaasay aad iyo aad u caloolxumaadeen, oo waxay bilaabeen in mid kastaa ku yidhaahdo, Ma aniga baa, Sayidow?

  • 34Saacaddii sagaalaad Ciise ayaa cod weyn ku dhawaaqay oo yidhi, Eloy, Eloy, lama sabakhtani? taasoo micneheedu yahay, Ilaahayow, Ilaahayow, maxaad ii dayrisay?