Markos 6:24

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaasay baxday oo hooyadeed ku tidhi, Maxaan weyddiistaa? Oo waxay tidhi, Madaxa Yooxanaa Baabtiisaha.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bil 27:8-9 : 8 Haddaba sidaas daraaddeed, wiilkaygiiyow, codkayga u addeec sida aan kuugu amro. 9 Bal adhiga u kac, oo iiga keen laba waxar oo wanwanaagsan, oo waxaan aabbahaa uga samayn hilib macaan, oo ah kan uu jecel yahay, 10 adna aabbahaa waad u geeyn doontaa inuu cuno, si uu kuugu duceeyo intuusan dhiman. 11 Yacquubna wuxuu hooyadiis Rebeqah ku yidhi, Walaalkay Ceesaw waa nin xaad badan, anna waxaan ahay nin xaad yar.
  • 2 Taar 22:3-4 : 3 Oo isaguna wuxuu ku socday jidadkii reerka Axaab maray, waayo, hooyadiis waxay kula talin jirtay inuu shar sameeyo. 4 Oo wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah, sidii reerka Axaab yeeli jiray oo kale, waayo, markii aabbihiis dhintay ka dib iyagaa ahaan jiray lataliyayaashiisii ilaa uu baabba'ay.
  • Ayuub 31:31 : 31 Dadka teendhadayda jooga haddayan isku odhan, Yaa heli kara mid aan hilibkiisa ka dhergin?
  • Sab 27:2 : 2 Markii xumaanfalayaashu iigu yimaadeen inay hilibkayga cunaan, Kuwaasoo ah cadaawayaashayda iyo colkayga, way turunturoodeen, wayna dheceen.
  • Sab 37:12 : 12 Kan sharka lahu wuxuu shirqool u dhigaa kan xaqa ah, Oo isaga ayuu u ilko jirriqsadaa.
  • Sab 37:14 : 14 Kuwa sharka lahu waxay la bexeen seeftoodii, qaansadoodiina way xooteen, Si ay miskiinka iyo kan baahan hoos ugu tuuraan, Oo ay laayaan kuwa jidkooda ku qumman.
  • Maah 27:3-4 : 3 Dhagax waa culus yahay, oo cammuuduna way miisaan weyn tahay, Laakiinse waxaa labadoodaba ka sii culus nacas cadhadiis. 4 Cadho waa naxariisdarro, xanaaqna waa daad, Laakiinse bal yaa hinaaso is-hor taagi kara?
  • Yex 19:2-3 : 2 oo waxaad tidhaahdaa, Hooyadaa maxay ahayd? Gool bay ahayd! oo libaaxyay dhex jiiftay, oo waxay dhasheedii ku dhex korisay libaaxyo yaryar. 3 Oo dhasheedii midkood ayay korisay, oo wuxuu noqday libaax aaran ah, oo wuxuu bartay sida ugaadha loo qabsado, dad buuna cunay.
  • Mat 14:8 : 8 Iyadoo hooyadeed hore ula soo talisay ayay tidhi, Halkan xeedho igu soo sii madaxa Yooxanaa Baabtiisaha.
  • Fal 23:12-13 : 12 ¶ Oo markii ay maalin noqotayna, ayaa Yuhuuddii urur samaysteen oo nidar wada galeen iyagoo leh, Waxba cuni mayno, waxbana cabbi mayno ilaa aan Bawlos dilno mooyaane. 13 Kuwa isku dhaartayna waxay ka badnaayeen afartan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Mark 6:25-28
    4 aayado
    91%

    25Kolkiiba boqorkii ayay dhaqso ugu timid oo weyddiisatay iyadoo leh, Waxaan doonayaa haddaba madaxii Yooxanaa Baabtiisaha inaad xeedho igu siiso.

    26Markaasaa boqorkii aad u calool xumaaday, laakiin dhaarihiisii iyo kuwii la fadhiyey aawadood ayuusan doonaynin inuu diido.

    27Kolkiiba boqorkii wuxuu diray askari oo ku amray inuu madaxiisa soo qaado. Markaasuu tegay oo xabsiga madaxa kaga gooyay.

    28Madaxiisiina ayuu xeedho ku soo qaaday oo gabadhii siiyey, gabadhiina waxay siisay hooyadeed.

  • Mat 14:3-11
    9 aayado
    89%

    3Waayo, Herodos baa Yooxanaa qabtay oo intuu xidhay ayuu u xabbisay, walaalkiis Filibos naagtiisii Herodiya aawadeed.

    4Waayo, Yooxanaa wuxuu ku yidhi, Xalaal kuuma aha inaad haysatid,

    5oo goortuu doonay inuu dilo, dadkii badnaa ayuu ka baqay, maxaa yeelay, waxay u haysteen sidii nebi oo kale.

    6Goortii maalintii la xusuustay dhalashadii Herodos timid, gabadhii Herodiya ayaa dadkii dhexdiisa ku cayaartay, oo Herodos ayay ka farxisay.

    7Kolkaasuu dhaar ku ballanqaaday inuu siiyo wixii ay weyddiisatoba.

    8Iyadoo hooyadeed hore ula soo talisay ayay tidhi, Halkan xeedho igu soo sii madaxa Yooxanaa Baabtiisaha.

    9Boqorkii waa calool xumaaday, laakiin dhaarihiisii iyo kuwii la fadhiyey aawadood ayuu ku amray in la siiyo.

    10Markaasuu cid diray oo Yooxanaa xabsigaa madaxa lagaga gooyay.

    11Madaxiisiina waxaa lagu keenay xeedho, oo gabadhii la siiyey, iyaduna hooyadeed bay u keentay.

  • Mark 6:16-23
    8 aayado
    82%

    16Laakiin Herodos goortuu maqlay wuxuu yidhi, Kanu waa Yooxanaa, kii aan madaxa ka gooyay. Kuwii dhintay ayuu ka soo sara kacay.

    17Waayo, Herodos qudhiisa ayaa cid diray oo Yooxanaa qabtay oo u xabbisay walaalkiis Filibos naagtiisii Herodiya aawadeed, waayo, wuu guursaday,

    18oo Yooxanaa wuxuu Herodos ku yidhi, Xalaal kuu ma aha inaad naagtii walaalkaa haysatid.

    19Sidaa darteed ayaa Herodiya ka dhiriftay oo doonaysay inay disho, mase karin,

    20waayo, Herodos baa Yooxanaa ka baqay. Wuxuu ogaa inuu yahay nin qumman oo quduus ah, wuuna ilaaliyey. Oo goortuu maqlay waa wareeray, farxadna wuu ku maqlay.

    21¶ Goortii maalin wanaagsan timid, markii la xusuustay dhalashadii Herodos, ayuu diyaafad ugu yeedhay raggiisii waaweynaa iyo saraakiishiisii iyo cuqaashii Galili.

    22Kolkaasaa gabadhii Herodiya qudheedu soo gashay oo cayaartay, oo waxay ka farxisay Herodos iyo kuwii la fadhiyey, kolkaasaa boqorkii baa wuxuu gabadhii ku yidhi, Wax alla wixii aad doonaysidba i weyddiiso, waanan ku siinayaa.

    23Kolkaasuu wuxuu ugu dhaartay, Wax alla wixii aad i weyddiisatidba, waan ku siinayaa ilaa boqortooyadayda badhkeed.

  • Mat 20:20-21
    2 aayado
    71%

    20¶ Markaasaa waxaa u timid wiilashii Sebedi hooyadood iyadoo wadata wiilasheedii, wayna u sujuudday oo wax ka bariday.

    21Wuxuu ku yidhi, Maxaad doonaysaa? Waxay ku tidhi, Amar in labadaydan wiil mid midigtaada, midna bidixdaada, boqortooyadaada ka fadhiistaan.

  • 9Markaasaa Herodos wuxuu yidhi, Yooxanaa madaxaan ka gooyay, Yuu yahay kan aan waxan ka maqlayo? Oo wuxuu doonayay inuu arko.

  • 71%

    28Markaasaa boqorkii wuxuu iyadii ku yidhi, Naa maxaa ku helay? Oo iyana waxay ugu jawaabtay, Naagtan waxay igu tidhi, Naa wiilkaaga na sii aan maanta cunnee oo wiilkaygana berri baannu wada cuni doonnaa.

    29Sidaas daraaddeed wiilkaygii waan karsannay oo waannu cunnay; markaasaan maalintii dambe iyadii ku idhi, Naa wiilkaagii na sii aan cunnee; laakiinse iyadu way qarisay wiilkeedii.

  • 20Kolkaasay tidhi, Wax yar baan kaa baryayaaye, hana ii diidin. Boqorkiina wuxuu ku yidhi, Hooyoy, ii sheeg, waayo, kuu diidi maayo.

  • 18Markaasaa boqorkii naagtii ugu jawaabay, Waan ku baryayaaye waxa aan ku weyddiin doono, waxba ha iga qarin. Oo naagtiina waxay tidhi, Boqorow, sayidkaygiiyow, bal iska hadal.

  • 69%

    11Markaasay tidhi, Waan ku baryayaaye, Boqorow, xusuuso Rabbiga Ilaahaaga ah, si kan dhiig u aaraa uusan mar dambe wax u dilin, waaba intaasoo ay wiilkayga dilaane. Oo isna wuxuu ku yidhi, Nolosha Rabbigaan ku dhaartaye inaan wiilkaaga tin keli ahi dhulka kaga dhacayn.

    12Markaasaa naagtii tidhi, Waan ku baryayaaye, anoo addoontaada ah, aan eray kugula hadlo, boqorow sayidkaygiiyow. Isna wuxuu yidhi, Bal ku hadal.

  • 68%

    15Sidaas daraaddeed ayaan kuugu imid, boqorow, sayidkaygiiyow, inaan eraygan kugula hadlo; maxaa yeelay, dadkaa i cabsiiyey, markaasaan anoo addoontaada ah is-idhi, Haatan waxaan la hadlayaa boqorka, waayo, waaba intaasoo uu boqorku ii yeelaa waxaan weyddiisto anoo addoontiisa ah.

    16Waayo, boqorku wuu i maqli doonaa, inuu anoo addoontiisa ah iga samatabbixiyo gacantii ninkii doonayay inuu na baabbi'iyo oo dhaxalka Ilaahna naga saaro aniga iyo wiilkaygaba.

  • 60Kolkaasaa hooyadiis u jawaabtay oo ku tidhi, Sidaas ma aha; waxaase loogu yeedhi doonaa Yooxanaa.

  • 34Oo markuu meeshii galay ayuu wax cunay oo wax cabbay, dabadeedna wuxuu yidhi, Bal naagtan habaaran u jeesta oo aasa, waayo, iyadu waa ina boqor.

  • 11Oo markay u sii socotay inay u keento ayuu u yeedhay oo ku yidhi, Waan ku baryayaaye waxaad gacanta iigu soo qaaddaa in yar oo kibis ah.

  • 27Markaasaa boqorkii wuxuu ku jawaabay, Wiilka nool iyada siiya oo hana dilina, maxaa yeelay, iyadu waa hooyadiis.

  • 19Oo wuxuu aabbihiis ku yidhi, Madaxa madaxa! Oo isna wuxuu addoonkiisii ku yidhi, War qaad, oo hooyadiis u gee.

  • 6Oo intii martiqaadkii khamriga la joogay ayuu boqorkii Esteer ku yidhi, Baryadaadu waa maxay? Maxaad i weyddiisanaysaa? Xataa hadday boqortooyada badhkeed tahay waa laguu yeelayaaye.

  • 57Markaasay yidhaahdeen, Gabadha waannu u yeedhi doonnaa oo weyddiin doonnaa.

  • 67%

    24Markaasaa boqorkii wuxuu yidhi, Bal seef ii keena. Kolkaasay boqorkii seef u keeneen.

    25Oo haddana boqorkii wuxuu yidhi, Ilmaha nool laba u kala qaybiya, oo middood badh siiya, badhka kalena tan kale siiya.

  • 36Oo waxay ku tidhi, Aabbahayow, Rabbigaad afkaaga u furtay, haddaba igu samee wixii afkaaga ka soo baxay, waayo, Rabbigu waa kaaga aarguday cadaawayaashaadii, kuwaasoo ahaa reer Cammoon.

  • 67%

    35¶ Waxaa u yimid Yooxanaa iyo Yacquub oo ahaa wiilashii Sebedi, oo waxay ku yidhaahdeen, Macallimow, waxaannu doonaynaa inaad noo yeeshid wixii aannu weyddiisanno.

    36Wuxuu ku yidhi, Maxaad doonaysaan inaan idiin sameeyo?

  • 3Kolkaasuu boqorkii ku yidhi, Boqorad Esteeray, maxaad doonaysaa? Oo maxaad i weyddiisanaysaa? Xataa hadday boqortooyada badhkeed tahay waa lagu siinayaaye.

  • 3oo waxaad u gashaa boqorka, oo sidan ula hadal. Sidaasuu Yoo'aab erayadii afka ugu riday.

  • 16Sidaas daraaddeed iyadii meel bay u banneeyeen, markaasay tagtay marinkii ay farduhu gurigii boqorka u mari jireen, oo halkaasaa lagu dilay.

  • 5Kolkaasaa hooyadiis waxay midiidinyadii ku tidhi, Wax kastuu idinku yidhaahdo, yeela.

  • 27Waxaan ka baryay wiilkan, oo Rabbigu waa i siiyey baryadaydii aan weyddiistay isaga,

  • 14¶ Boqor Herodos ayaa warkii Ciise maqlay, waayo, magiciisa ayaa meel walba laga wada ogaaday. Kolkaasuu yidhi, Yooxanaa Baabtiisaha ayaa kuwii dhintay ka soo sara kacay, sidaa darteeda shuqulladan xoogga leh waa ku dhex jiraan oo shaqaynayaan.