Markos 6:25

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Kolkiiba boqorkii ayay dhaqso ugu timid oo weyddiisatay iyadoo leh, Waxaan doonayaa haddaba madaxii Yooxanaa Baabtiisaha inaad xeedho igu siiso.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Tir 7:13 : 13 Oo qurbaankiisuna wuxuu ahaa saxan weyn oo lacag ah oo miisaankiisu yahay boqol iyo soddon sheqel, iyo maddiibad lacag ah oo miisaankeedu yahay toddobaatan sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, oo labadoodaba waxaa ka buuxay bur saliid lagu daray qurbaanka hadhuudhka aawadiis,
  • Tir 7:19-89 : 19 Oo qurbaankiisiina wuxuu ahaa saxan weyn oo lacag ah oo miisaankiisu yahay boqol iyo soddon sheqel, iyo maddiibad lacag ah oo miisaankeedu yahay toddobaatan sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, oo labadoodaba waxaa ka buuxay bur saliid lagu daray qurbaanka hadhuudhka aawadiis, 20 iyo malqacad dahab ah ee miisaankeedu yahay toban sheqel, oo foox ka buuxo. 21 Oo qurbaan la gubona wuxuu u keenay dibi yar, iyo wan weyn, iyo wan yar oo gu jir ah, 22 oo qurbaan dembina wuxuu u keenay orgi. 23 Oo allabarigii qurbaannadii nabaadiinadana wuxuu u keenay laba dibi, iyo shan wan oo waaweyn, iyo shan orgi, iyo shan wan oo yaryar oo wada gu jir ah, oo intaasu waxay ahayd qurbaankii Netaneel ina Suucaar. 24 ¶ Oo maalintii saddexaadna waxaa bixiyey Elii'aab ina Xeelon, oo amiir u ahaa reer Sebulun. 25 Oo qurbaankiisiina wuxuu ahaa saxan weyn oo lacag ah oo miisaankiisu yahay boqol iyo soddon sheqel, iyo maddiibad lacag ah oo miisaankeedu yahay toddobaatan sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, oo labadoodaba waxaa ka buuxay bur saliid lagu daray qurbaanka hadhuudhka aawadiis, 26 iyo malqacad dahab ah ee miisaankeedu yahay toban sheqel, oo foox ka buuxo. 27 Oo qurbaan la gubona wuxuu u keenay dibi yar, iyo wan weyn, iyo wan yar oo gu jir ah, 28 oo qurbaan dembina wuxuu u keenay orgi. 29 Oo allabarigii qurbaannadii nabaadiinadana wuxuu u keenay laba dibi, iyo shan wan oo waaweyn, iyo shan orgi, iyo shan wan oo yaryar oo wada gu jir ah, oo intaasu waxay ahayd qurbaankii Elii'aab ina Xeelon. 30 ¶ Oo maalintii afraadna waxaa bixiyey Eliisuur ina Shedeeyuur oo amiir u ahaa reer Ruubeen. 31 Oo qurbaankiisiina wuxuu ahaa saxan weyn oo lacag ah oo miisaankiisu yahay boqol iyo soddon sheqel, iyo maddiibad lacag ah oo miisaankeedu yahay toddobaatan sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, oo labadoodaba waxaa ka buuxay bur saliid lagu daray qurbaanka hadhuudhka aawadiis, 32 iyo malqacad dahab ah ee miisaankeedu yahay toban sheqel oo foox ka buuxo. 33 Oo qurbaan la gubona wuxuu u keenay dibi yar, iyo wan weyn, iyo wan yar oo gu jir ah, 34 oo qurbaan dembina wuxuu u keenay orgi. 35 Oo allabarigii qurbaannadii nabaadiinadana wuxuu u keenay laba dibi, iyo shan wan oo waaweyn, iyo shan orgi, iyo shan wan oo yaryar oo wada gu jir ah, oo intaasu waxay ahayd qurbaankii Eliisuur ina Shedeeyuur. 36 ¶ Oo maalintii shanaad waxaa bixiyey Shelumii'eel ina Suuriishadday, oo amiir u ahaa reer Simecoon. 37 Oo qurbaankiisiina wuxuu ahaa saxan weyn oo lacag ah oo miisaankiisu yahay boqol iyo soddon sheqel, iyo maddiibad lacag ah oo miisaankeedu yahay toddobaatan sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, oo labadoodaba waxaa ka buuxay bur saliid lagu daray qurbaanka hadhuudhka aawadiis, 38 iyo malqacad dahab ah ee miisaankeedu yahay toban sheqel, oo foox ka buuxo. 39 Oo qurbaan la gubona wuxuu u keenay dibi yar, iyo wan weyn, iyo wan yar oo gu jir ah, 40 oo qurbaan dembina wuxuu u keenay orgi. 41 Oo allabarigii qurbaannadii nabaadiinadana wuxuu u keenay laba dibi, iyo shan wan oo waaweyn, iyo shan orgi, iyo shan wan oo yaryar oo wada gu jir ah, oo intaasu waxay ahayd qurbaankii Shelumii'eel ina Suuriishadday. 42 ¶ Oo maalintii lixaadna waxaa bixiyey Eliyaasaaf ina Decuu'eel, oo amiir u ahaa reer Gaad. 43 Oo qurbaankiisiina wuxuu ahaa saxan weyn oo lacag ah oo miisaankiisu yahay boqol iyo soddon sheqel, iyo maddiibad lacag ah oo miisaankeedu yahay toddobaatan sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, oo labadoodaba waxaa ka buuxay bur saliid lagu daray qurbaankii hadhuudhka aawadiis, 44 iyo malqacad dahab ah ee miisaankeedu yahay toban sheqel, oo foox ka buuxo. 45 Oo qurbaan la gubona wuxuu u keenay dibi yar, iyo wan weyn, iyo wan yar oo gu jir ah, 46 oo qurbaan dembina wuxuu u keenay orgi. 47 Oo allabarigii qurbaannadii nabaadiinadana wuxuu u keenay laba dibi, iyo shan wan oo waaweyn, iyo shan orgi, iyo shan wan oo yaryar oo wada gu jir ah, oo intaasu waxay ahayd qurbaankii Eliyaasaaf ina Decuu'eel. 48 ¶ Oo maalintii toddobaadna waxaa bixiyey Eliishaamaac ina Cammiihuud oo amiir u ahaa reer Efrayim. 49 Oo qurbaankiisiina wuxuu ahaa saxan weyn oo lacag ah oo miisaankiisu yahay boqol iyo soddon sheqel, iyo maddiibad lacag ah oo miisaankeedu yahay toddobaatan sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, oo labadoodaba waxaa ka buuxay bur saliid lagu daray qurbaanka hadhuudhka aawadiis, 50 iyo malqacad dahab ah ee miisaankeedu yahay toban sheqel, oo foox ka buuxo. 51 Oo qurbaan la gubona wuxuu u keenay dibi yar, iyo wan weyn, iyo wan yar oo gu jir ah, 52 oo qurbaan dembina wuxuu u keenay orgi. 53 Oo allabarigii qurbaannadii nabaadiinadana wuxuu u keenay laba dibi, iyo shan wan oo waaweyn, iyo shan orgi, iyo shan wan oo yaryar oo wada gu jir ah, oo intaasu waxay ahayd qurbaankii Eliishaamaac ina Cammiihuud. 54 ¶ Oo maalintii siddeedaadna waxaa bixiyey Gamalii'eel ina Fedaahsuur oo amiir u ahaa reer Manaseh. 55 Oo qurbaankiisiina wuxuu ahaa saxan weyn oo lacag ah oo miisaankiisu yahay boqol iyo soddon sheqel, iyo maddiibad lacag ah oo miisaankeedu yahay toddobaatan sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, oo labadoodaba waxaa ka buuxay bur saliid lagu daray qurbaanka hadhuudhka aawadiis, 56 iyo malqacad dahab ah ee miisaankeedu yahay toban sheqel, oo foox ka buuxo. 57 Oo qurbaan la gubona wuxuu u keenay dibi yar, iyo wan weyn, iyo wan yar oo gu jir ah, 58 oo qurbaan dembina wuxuu u keenay orgi. 59 Oo allabarigii qurbaannadii nabaadiinadana wuxuu u keenay laba dibi, iyo shan wan oo waaweyn, iyo shan orgi, iyo shan wan oo yaryar oo wada gu jir ah, oo intaasu waxay ahayd qurbaankii Gamalii'eel ina Fedaahsuur. 60 ¶ Oo maalintii sagaalaadna waxaa bixiyey Abiidaan ina Gidconii, oo amiir u ahaa reer Benyaamiin. 61 Oo qurbaankiisiina wuxuu ahaa saxan weyn oo lacag ah oo miisaankiisu yahay boqol iyo soddon sheqel, iyo maddiibad lacag ah oo miisaankeedu yahay toddobaatan sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, oo labadoodaba waxaa ka buuxay bur saliid lagu daray qurbaanka hadhuudhka aawadiis, 62 iyo malqacad dahab ah ee miisaankeedu yahay toban sheqel, oo foox ka buuxo. 63 Oo qurbaan la gubona wuxuu u keenay dibi yar, iyo wan weyn, iyo wan yar oo gu jir ah, 64 oo qurbaan dembina wuxuu u keenay orgi. 65 Oo allabarigii qurbaannadii nabaadiinadana wuxuu u keenay laba dibi, iyo shan wan oo waaweyn, iyo shan orgi, iyo shan wan oo yaryar oo wada gu jir ah, oo intaasu waxay ahayd qurbaankii Abiidaan ina Gidconii. 66 ¶ Oo maalintii tobnaadna waxaa bixiyey Axiiceser ina Cammiishadday oo amiir u ahaa reer Daan. 67 Oo qurbaankiisiina wuxuu ahaa saxan weyn oo lacag ah oo miisaankiisu yahay boqol iyo soddon sheqel, iyo maddiibad lacag ah oo miisaankeedu yahay toddobaatan sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, oo labadoodaba waxaa ka buuxay bur saliid lagu daray qurbaanka hadhuudhka aawadiis, 68 iyo malqacad dahab ah oo miisaankeedu yahay toban sheqel, oo foox ka buuxo. 69 Oo qurbaan la gubona wuxuu u keenay dibi yar, iyo wan weyn, iyo wan yar oo gu jir ah, 70 oo qurbaan dembina wuxuu u keenay orgi. 71 Oo allabarigii qurbaannadii nabaadiinadana wuxuu u keenay laba dibi, iyo shan wan oo waaweyn, iyo shan orgi, iyo shan wan oo yaryar oo wada gu jir ah, oo intaasu waxay ahayd qurbaankii Axiiceser ina Cammiishadday. 72 ¶ Oo maalintii kow iyo tobnaadna waxaa bixiyey Fagcii'eel ina Cokraan oo amiir u ahaa reer Aasheer. 73 Oo qurbaankiisiina wuxuu ahaa saxan weyn oo lacag ah oo miisaankiisu yahay boqol iyo soddon sheqel, iyo maddiibad lacag ah oo miisaankeedu yahay toddobaatan sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, oo labadoodaba waxaa ka buuxay bur saliid lagu daray qurbaanka hadhuudhka aawadiis, 74 iyo malqacad dahab ah oo miisaankeedu yahay toban sheqel, oo foox ka buuxo. 75 Oo qurbaan la gubona wuxuu u keenay dibi yar, iyo wan weyn, iyo wan yar oo gu jir ah, 76 oo qurbaan dembina wuxuu u keenay orgi. 77 Oo allabarigii qurbaannadii nabaadiinadana wuxuu u keenay laba dibi, iyo shan wan oo waaweyn, iyo shan orgi, iyo shan wan oo yaryar oo wada gu jir ah, oo intaasu waxay ahayd qurbaankii Fagcii'eel ina Cokraan. 78 ¶ Oo maalintii laba iyo tobnaadna waxaa bixiyey Axiirac ina Ceynaan oo amiir u ahaa reer Naftaali. 79 Oo qurbaankiisiina wuxuu ahaa saxan weyn oo lacag ah oo miisaankiisu yahay boqol iyo soddon sheqel, iyo maddiibad lacag ah oo miisaankeedu yahay toddobaatan sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, oo labadoodaba waxaa ka buuxay bur saliid lagu daray qurbaanka hadhuudhka aawadiis, 80 iyo malqacad dahab ah oo miisaankeedu yahay toban sheqel, oo foox ka buuxo. 81 Oo qurbaan la gubona wuxuu u keenay dibi yar, iyo wan weyn, iyo wan yar oo gu jir ah, 82 oo qurbaan dembina wuxuu u keenay orgi. 83 Oo allabarigii qurbaannadii nabaadiinadana wuxuu u keenay laba dibi, iyo shan wan oo waaweyn, iyo shan orgi, iyo shan wan oo yaryar oo wada gu jir ah, oo intaasu waxay ahayd qurbaankii Axiirac ina Ceynaan. 84 ¶ Intaasu waxay ahayd wixii amiirradii reer binu Israa'iil ay maalintii meesha allabariga la subkay daahirinteeda u bixiyeen, waxayna ahaayeen laba iyo toban saxan oo waaweyn oo lacag ah, iyo laba iyo toban maddiibadood oo lacag ah, iyo laba iyo toban malqacadood oo dahab ah. 85 Oo miisaanka saxan kastaa oo lacag ah wuxuu ahaa boqol iyo soddon sheqel, oo kan maddiibad kastaana wuxuu ahaa toddobaatan sheqel, oo weelasha oo dhan lacagtoodu waxay ahayd laba kun iyo afar boqol oo sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah. 86 Oo laba iyo tobanka malqacadood oo dahabka ahna waxaa ka wada buuxay foox, oo mid kastaaba waxay ahayd toban sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, oo malqacadaha oo dhan dahabkoodu wuxuu ahaa boqol iyo labaatan sheqel. 87 Oo dibidii qurbaanka la gubo loo bixiyey oo dhammu waxay ahaayeen laba iyo toban dibi, wanankuna waxay ahaayeen laba iyo toban wan oo waaweyn, iyo laba iyo toban wan oo yaryar oo wada gu jir ah, waxaana la keenay qurbaankoodii hadhuudhka ahaa. Oo qurbaankii dembigana orgidii loo bixiyey waxay ahaayeen laba iyo toban, 88 oo allabarigii qurbaannadii nabaadiinada dibidii loo bixiyey oo dhammu waxay ahaayeen afar iyo labaatan, wananka waaweynuna waxay ahaayeen lixdan, orgiduna waxay ahaayeen lixdan, wananka yaryar oo wada gu jirka ahuna waxay ahaayeen lixdan. Intaasu waa wixii daahirinta meesha allabariga loo bixiyey markii la subkay dabadeed. 89 Oo markii Muuse u galay teendhadii shirka inuu Rabbiga la hadlo, wuxuu maqlay Codka isaga la hadlaya oo ka yeedhaya daboolkii saarnaa sanduuqii maragga iyo labadii keruub dhexdooda, oo isaguna wuu la hadlay isagii.
  • Maah 1:16 : 16 Waayo, cagahoodu waxay u ordaan shar, Oo waxay u degdegaan inay dhiig daadiyaan.
  • Room 3:15 : 15 Cagahoodu waxay u dheereeyaan inay dhiig daadiyaan;

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Mark 6:16-24
    9 aayado
    91%

    16Laakiin Herodos goortuu maqlay wuxuu yidhi, Kanu waa Yooxanaa, kii aan madaxa ka gooyay. Kuwii dhintay ayuu ka soo sara kacay.

    17Waayo, Herodos qudhiisa ayaa cid diray oo Yooxanaa qabtay oo u xabbisay walaalkiis Filibos naagtiisii Herodiya aawadeed, waayo, wuu guursaday,

    18oo Yooxanaa wuxuu Herodos ku yidhi, Xalaal kuu ma aha inaad naagtii walaalkaa haysatid.

    19Sidaa darteed ayaa Herodiya ka dhiriftay oo doonaysay inay disho, mase karin,

    20waayo, Herodos baa Yooxanaa ka baqay. Wuxuu ogaa inuu yahay nin qumman oo quduus ah, wuuna ilaaliyey. Oo goortuu maqlay waa wareeray, farxadna wuu ku maqlay.

    21¶ Goortii maalin wanaagsan timid, markii la xusuustay dhalashadii Herodos, ayuu diyaafad ugu yeedhay raggiisii waaweynaa iyo saraakiishiisii iyo cuqaashii Galili.

    22Kolkaasaa gabadhii Herodiya qudheedu soo gashay oo cayaartay, oo waxay ka farxisay Herodos iyo kuwii la fadhiyey, kolkaasaa boqorkii baa wuxuu gabadhii ku yidhi, Wax alla wixii aad doonaysidba i weyddiiso, waanan ku siinayaa.

    23Kolkaasuu wuxuu ugu dhaartay, Wax alla wixii aad i weyddiisatidba, waan ku siinayaa ilaa boqortooyadayda badhkeed.

    24Markaasay baxday oo hooyadeed ku tidhi, Maxaan weyddiistaa? Oo waxay tidhi, Madaxa Yooxanaa Baabtiisaha.

  • Mat 14:3-11
    9 aayado
    89%

    3Waayo, Herodos baa Yooxanaa qabtay oo intuu xidhay ayuu u xabbisay, walaalkiis Filibos naagtiisii Herodiya aawadeed.

    4Waayo, Yooxanaa wuxuu ku yidhi, Xalaal kuuma aha inaad haysatid,

    5oo goortuu doonay inuu dilo, dadkii badnaa ayuu ka baqay, maxaa yeelay, waxay u haysteen sidii nebi oo kale.

    6Goortii maalintii la xusuustay dhalashadii Herodos timid, gabadhii Herodiya ayaa dadkii dhexdiisa ku cayaartay, oo Herodos ayay ka farxisay.

    7Kolkaasuu dhaar ku ballanqaaday inuu siiyo wixii ay weyddiisatoba.

    8Iyadoo hooyadeed hore ula soo talisay ayay tidhi, Halkan xeedho igu soo sii madaxa Yooxanaa Baabtiisaha.

    9Boqorkii waa calool xumaaday, laakiin dhaarihiisii iyo kuwii la fadhiyey aawadood ayuu ku amray in la siiyo.

    10Markaasuu cid diray oo Yooxanaa xabsigaa madaxa lagaga gooyay.

    11Madaxiisiina waxaa lagu keenay xeedho, oo gabadhii la siiyey, iyaduna hooyadeed bay u keentay.

  • Mark 6:26-29
    4 aayado
    85%

    26Markaasaa boqorkii aad u calool xumaaday, laakiin dhaarihiisii iyo kuwii la fadhiyey aawadood ayuusan doonaynin inuu diido.

    27Kolkiiba boqorkii wuxuu diray askari oo ku amray inuu madaxiisa soo qaado. Markaasuu tegay oo xabsiga madaxa kaga gooyay.

    28Madaxiisiina ayuu xeedho ku soo qaaday oo gabadhii siiyey, gabadhiina waxay siisay hooyadeed.

    29Tan goortii xertiisii maqashay, ayay yimaadeen oo meydkiisii qaadeen oo aaseen.

  • 9Markaasaa Herodos wuxuu yidhi, Yooxanaa madaxaan ka gooyay, Yuu yahay kan aan waxan ka maqlayo? Oo wuxuu doonayay inuu arko.

  • 69%

    28Markaasaa boqorkii wuxuu iyadii ku yidhi, Naa maxaa ku helay? Oo iyana waxay ugu jawaabtay, Naagtan waxay igu tidhi, Naa wiilkaaga na sii aan maanta cunnee oo wiilkaygana berri baannu wada cuni doonnaa.

    29Sidaas daraaddeed wiilkaygii waan karsannay oo waannu cunnay; markaasaan maalintii dambe iyadii ku idhi, Naa wiilkaagii na sii aan cunnee; laakiinse iyadu way qarisay wiilkeedii.

  • 68%

    33Kolkaasuu ku yidhi, Soo tuura iyada. Iyana way soo tuureen, oo dhiiggeedii waxaa qaar ku saydhmay derbigii iyo fardihii; oo isna kolkaasuu iyadii ku tuntay.

    34Oo markuu meeshii galay ayuu wax cunay oo wax cabbay, dabadeedna wuxuu yidhi, Bal naagtan habaaran u jeesta oo aasa, waayo, iyadu waa ina boqor.

  • 16Sidaas daraaddeed iyadii meel bay u banneeyeen, markaasay tagtay marinkii ay farduhu gurigii boqorka u mari jireen, oo halkaasaa lagu dilay.

  • 5Markaasaa boqorkii wuxuu yidhi, Haamaan haddiiba ha dhaqsado, si loo yeelo waxay Esteer tidhi. Oo sidaas daraaddeed boqorkii iyo Haamaanba waxay yimaadeen martiqaadkii ay Esteer u diyaarisay.

  • 67%

    15Sidaas daraaddeed ayaan kuugu imid, boqorow, sayidkaygiiyow, inaan eraygan kugula hadlo; maxaa yeelay, dadkaa i cabsiiyey, markaasaan anoo addoontaada ah is-idhi, Haatan waxaan la hadlayaa boqorka, waayo, waaba intaasoo uu boqorku ii yeelaa waxaan weyddiisto anoo addoontiisa ah.

    16Waayo, boqorku wuu i maqli doonaa, inuu anoo addoontiisa ah iga samatabbixiyo gacantii ninkii doonayay inuu na baabbi'iyo oo dhaxalka Ilaahna naga saaro aniga iyo wiilkaygaba.

  • 15Sidaas daraaddeed iyadii meel bay u banneeyeen, markaasay tagtay marinkii ay farduhu guriga boqorka u mari jireen; oo halkaasay ku dileen.

  • 2Wuxuuna seef ku dilay Yacquub oo ahaa Yooxanaa walaalkiis.

  • 67%

    24Markaasaa boqorkii wuxuu yidhi, Bal seef ii keena. Kolkaasay boqorkii seef u keeneen.

    25Oo haddana boqorkii wuxuu yidhi, Ilmaha nool laba u kala qaybiya, oo middood badh siiya, badhka kalena tan kale siiya.

  • Luuk 3:19-20
    2 aayado
    67%

    19Laakiin kolkuu taliye Herodos u canaantay walaalkiis Filibos naagtiisii Herodiya aawadeed, iyo waxyaalaha xunxun oo Herodos sameeyey oo dhan aawadood,

    20ayaa Herodos waxan oo dhan weliba ku daray inuu Yooxanaa ku xidho xabsigii.

  • 27Markaasaa boqorkii wuxuu ku jawaabay, Wiilka nool iyada siiya oo hana dilina, maxaa yeelay, iyadu waa hooyadiis.

  • 14¶ Boqor Herodos ayaa warkii Ciise maqlay, waayo, magiciisa ayaa meel walba laga wada ogaaday. Kolkaasuu yidhi, Yooxanaa Baabtiisaha ayaa kuwii dhintay ka soo sara kacay, sidaa darteeda shuqulladan xoogga leh waa ku dhex jiraan oo shaqaynayaan.

  • Mat 20:20-21
    2 aayado
    66%

    20¶ Markaasaa waxaa u timid wiilashii Sebedi hooyadood iyadoo wadata wiilasheedii, wayna u sujuudday oo wax ka bariday.

    21Wuxuu ku yidhi, Maxaad doonaysaa? Waxay ku tidhi, Amar in labadaydan wiil mid midigtaada, midna bidixdaada, boqortooyadaada ka fadhiistaan.

  • 18Markaasaa boqorkii naagtii ugu jawaabay, Waan ku baryayaaye waxa aan ku weyddiin doono, waxba ha iga qarin. Oo naagtiina waxay tidhi, Boqorow, sayidkaygiiyow, bal iska hadal.

  • 3oo waxaad u gashaa boqorka, oo sidan ula hadal. Sidaasuu Yoo'aab erayadii afka ugu riday.

  • Est 6:4-5
    2 aayado
    66%

    4Markaasaa boqorkii wuxuu yidhi, Yaa barxadda jooga? Haddaba Haamaan ayaa yimid guriga boqorka barxaddiisa dibadda ah inuu boqorka kala hadlo in Mordekay lagu deldelo qorigii deldelaadda oo uu isaga u diyaariyey.

    5Markaasaa boqorka addoommadiisii waxay isaga ku yidhaahdeen, Bal eeg, Haamaan baa taagan barxadda. Kolkaasaa boqorkii yidhi, Ha soo galo.

  • 1¶ Maalmahaas waxaa yimid Yooxanaa Baabtiisaha isagoo cidlada Yahuudiya wax ku wacdiyaya, oo leh,

  • 12Markaasaa naagtii tidhi, Waan ku baryayaaye, anoo addoontaada ah, aan eray kugula hadlo, boqorow sayidkaygiiyow. Isna wuxuu yidhi, Bal ku hadal.

  • 20Kolkaasay tidhi, Wax yar baan kaa baryayaaye, hana ii diidin. Boqorkiina wuxuu ku yidhi, Hooyoy, ii sheeg, waayo, kuu diidi maayo.

  • 11Oo markay u sii socotay inay u keento ayuu u yeedhay oo ku yidhi, Waan ku baryayaaye waxaad gacanta iigu soo qaaddaa in yar oo kibis ah.

  • 2¶ Goortii Yooxanaa xabsiga ka maqlay shuqulladii Masiixa, laba xertiisii ah ayuu u soo diray