Markos 7:26

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Naagtii waxay ahayd Gariig, qolo ahaanna Surofoynike. Oo waxay ka bariday inuu jinniga gabadheeda ka saaro.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ish 49:12 : 12 Bal eega, kuwanu waxay ka iman doonaan meel fog, oo bal ogaada, kuwanu waxay ka iman doonaan xagga woqooyi iyo xagga galbeed, oo kuwanuna waxay ka iman doonaan dalka reer Siiniim.
  • Mat 15:22 : 22 Oo naag reer Kancaan ah ayaa soohdimahaas ka soo baxday oo qaylisay iyadoo leh, Ii naxariiso, Sayidow, ina Daa'uudow. Gabadhayda jinni baa si xun u waalaya.
  • Kol 3:11 : 11 Halkaas ma jiri karaan Gariig ama Yuhuudi, mid gudan ama mid buuryoqab ah, reer Barbari, ama reer Iskutees, addoon ama xor; laakiinse Masiixu waa wax walba, oo wax walba wuu ku jiraa.
  • Gal 3:28 : 28 Ma jiro Yuhuud ama Gariig, ma jiro addoon ama xor, ma jiro lab ama dhaddig, waayo, kulligiin mid baad ku wada tihiin Ciise Masiix.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Mark 7:24-25
    2 aayado
    88%

    24¶ Meeshaas ayuu ka kacay oo wuxuu tegey soohdimaha Turos iyo Siidoon. Markaasuu guri galay. Ma uu doonaynin in la ogaado, laakiin wuu qarsoomi kari waayay.

    25Kolkaasaa naag gabadheedu jinni wasakh leh qabtay ayaa warkiisa maqashay, oo intay timid ayay lugihiisa isku tuurtay.

  • Mat 15:21-23
    3 aayado
    83%

    21¶ Ciise ayaa meeshaas ka baxay, oo dhinacyada Turos iyo Siidoon ayuu u leexday.

    22Oo naag reer Kancaan ah ayaa soohdimahaas ka soo baxday oo qaylisay iyadoo leh, Ii naxariiso, Sayidow, ina Daa'uudow. Gabadhayda jinni baa si xun u waalaya.

    23Laakiin hadal uguma uu jawaabin. Markaasaa xertiisii u timid oo ka bariday iyagoo leh, Eri, waayo, way inaga daba qaylinaysaa.

  • Mark 7:27-32
    6 aayado
    82%

    27Kolkaasuu ku yidhi, Kolka hore carruurtu ha dheergaan, waayo, ma wanaagsana in carruurta kibistooda la qaado oo eeyaha loo tuuro.

    28Laakiin way u jawaabtay oo ku tidhi, Waa run, Sayidow, laakiin weliba eeyaha miiska hoostiisa ku jiraa waxay cunaan jajabka carruurta ka dhaca.

    29Kolkaasuu iyada ku yidhi, Hadalkaas aawadiis tag; jinnigii ayaa gabadhaada ka baxay.

    30Goortay gurigeeda timid waxay aragtay gabadhii oo sariirta jiifta oo jinnigii ka baxay.

    31¶ Mar kale ayuu soohdimaha Turos ka soo tegey oo Siidoon maray oo badda Galili yimid, soohdimaha Dekabolisna ayuu soo dhex maray.

    32Markaasay waxay u keeneen mid dhego iyo carrab la', waxayna ka baryeen inuu gacantiisa saaro.

  • Mat 15:25-28
    4 aayado
    78%

    25Laakiin iyadu way u timid oo sujuudday, oo waxay tidhi, Sayidow, i caawi.

    26Wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Ma wanaagsana in carruurta kibistooda la qaado oo eeyaha loo tuuro.

    27Waxay tidhi, Waa run, Sayidow, laakiin weliba eeyahu waxay cunaan jajabka ka dhaca miiska sayidkooda.

    28Markaasaa Ciise u jawaabay oo ku yidhi, Naagtay, rumaysadkaagu waa weyn yahay ee ha kuu noqoto sidaad doonaysid. Oo saacaddaasba gabadheedii waa bogsatay.

  • 2iyo naago laga bogsiiyey jinniyo shar leh iyo cudurro. Waxay ahaayeen Maryantii la odhan jiray tii reer Magdala, ee toddoba jinni ka baxeen,

  • Luuk 8:41-43
    3 aayado
    71%

    41Oo bal eeg, waxaa yimid nin Yayros la odhan jiray, oo taliyaha sunagogga ahaan jiray. Wuxuuna isku riday Ciise cagihiisa oo ka baryay inuu gurigiisa galo.

    42Waayo, gabadh keliya buu lahaa, iyadoo abbaaraha laba iyo toban sannadood jirtay, wayna sakaraadaysay. Laakiin intuu socday dadkii badnaa ayaa cidhiidhiyey.

    43¶ Naag laba iyo toban sannadood dhiigbixid qabtay, oo wixii ay ku noolaan lahayd oo dhan dhakhtarro ku bixisay, oo ku bogsan kari weyday, midna xaggiisa,

  • Mark 5:34-35
    2 aayado
    71%

    34Kolkaasuu wuxuu iyada ku yidhi, Gabadhay, rumaysadkaaga ayaa ku bogsiiyey. Nabad ku tag, cudurkaagiina ka bogso.

    35¶ Goortuu weli hadlayay waxaa gurigii taliyaha sunagogga ka yimid kuwii yidhi, Gabadhaadii waa dhimatay. Maxaad Macallinka u sii dhibaysaa?

  • Mat 9:21-22
    2 aayado
    71%

    21Waayo, waxay isku tidhi, Haddaan maradiisa iska taabto uun, waan bogsanayaa.

    22Laakiin Ciise intuu ku soo jeestay oo arkay, ayuu wuxuu ku yidhi, Gabadhay, kalsoonow; rumaysadkaaga ayaa ku bogsiiyey. Oo naagtii baa saacaddaas bogsatay.

  • 23oo aad buu u baryay oo ku yidhi, Gabadhaydii yarayd waa sakaraad. Waan ku baryayaa, kaalay oo gacmahaaga saar inay bogsato oo noolaato.

  • Luuk 8:47-49
    3 aayado
    69%

    47Naagtii goortay aragtay inaanay qarsoonaan karin ayay timid iyadoo gariiraysa, oo hortiisay isku ridday, oo u caddaysay dadkii oo dhan hortooda waxay u taabatay iyo siday markiiba u bogsatay.

    48Kolkaasuu wuxuu iyada ku yidhi, Gabadhoy, rumaysadkaaga ayaa ku bogsiiyey ee nabad ku tag.

    49¶ Intuu weli hadlayay, waxaa gurigii taliyaha sunagogga ka yimid nin ku leh, Gabadhaadii waa dhimatay, ee Macallinka ha dhibin.

  • 18¶ Intuu waxan kula hadlayay, waxaa u yimid taliye oo u sujuuday oo ku yidhi, Gabadhaydu haddeer bay dhimatay, laakiin kaalay oo gacantaada saar oo way noolaanaysaa.

  • 40Waxaan xertaada ka baryay inay ka saaraan, wayna kari waayeen.

  • 23Markaasaa waxaa sunagoggoodii ku jiray nin jinni wasakh leh qaba, wuuna qayliyey, oo wuxuu yidhi,

  • 33Waxaana sunagogga joogay nin jinni wasakh leh qaba. Cod weyn ayuu ku qayliyey, oo wuxuu yidhi,

  • 7Markaasuu cod weyn ku qayliyey oo ku yidhi, Maxaa inoo dhexeeya, Ciisow adigoo ah Wiilka Ilaaha sarow? Ilaah baan kugu dhaarinayaa, Ha i silcin.

  • 38¶ Markaasuu sunagoggi ka soo kacay, oo wuxuu galay gurigii Simoon. Simoon soddohdiisna qandho weyn ayay qabtay, markaasay isaga u baryeen aawadeed,

  • Mark 5:25-27
    3 aayado
    67%

    25¶ Waxaa jirtay naag laba iyo toban sannadood dhiigbixid qabtay.

    26Silec badanna ayay dhakhtarro badan ka heshay, oo wixii ay lahayd oo dhanna ayay ku bixisay, mana roonaanin laakiinse way ka sii dartay.

    27Markay Ciise warkiisa maqashay ayay dadkii soo dhex martay oo dhabarkiisa timid, markaasay maradiisa taabatay.

  • 34Markaasaa magaaladii oo dhan lagaga soo baxay inay Ciise ka hor tagaan. Goortay arkeen, waxay ka baryeen inuu soohdintooda ka noqdo.

  • 32¶ Makhribkii goortay qorraxdii dhacday, waxay u keeneen kuwa buka oo dhan iyo kuwa jinniyo qaba.

  • 50Wuxuu naagtii ku yidhi, Rumaysadkaaga ayaa ku badbaadiyey ee nabad ku tag.

  • 16Oo naagtan oo ina Ibraahim ah oo Shayddaanku siddeed iyo toban sannadood xidhay, miyaanay lahayn in maalinta sabtida ah laga fura xidhmaddaas?

  • 42Intuu weli soo socday, jinnigii ayaa jeexjeexay oo gilgilay. Markaasaa Ciise jinnigii wasakhda lahaa canaantay, wiilkiina ayuu bogsiiyey oo aabbihiis ku celiyey.

  • 10Aad buuna uga baryay inaanu dalka ka eryin.

  • 12Ciise goortuu arkay, ayuu u yeedhay oo ku yidhi, Haweentoy, cudurkaaga waad ka furan tahay.

  • 18Markaasaa Ciise canaantay, oo jinnigii waa ka baxay, saacaddaasna wiilkii waa bogsaday.

  • 25¶ Ciise goortuu arkay dadkii oo u soo ordaya, ayuu jinnigii wasakhda lahaa canaantay oo ku yidhi, Jinni yahow carrabka iyo dhegaha la'u, waxaan kugu amrayaa, Ka soo bax oo kol dambena ha ku noqon.

  • 18Sidaasna maalmo badan ayay yeelaysay. Laakiin Bawlos oo ka xumaaday ayaa u jeestay oo jinnigii ku yidhi, Magaca Ciise Masiix ayaan kugu amrayaa inaad iyada ka soo baxdid. Markaasuu saacaddiiba ka soo baxay.

  • 15Markaasuu gacanteeda taabtay, qandhadiina waa ka baxday. Wayna kacday oo u adeegtay isaga.

  • 26¶ Waxay gaadheen dalka Gadareni ee ka soo hor jeeday Galili.

  • Mat 17:14-15
    2 aayado
    67%

    14¶ Goortay dadkii badnaa u yimaadeen, ayaa nin u yimid isaga, oo intuu u jilba joogsaday ayuu ku yidhi,

    15Sayidow, wiilkayga u naxariiso, waayo, suuxdin buu qabaa oo aad buu u xanuunsadaa, oo marar badan wuxuu ku dhacaa dabka, marar badanna biyo,