Markos 9:18

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Meel alla meeshuu ku qabtoba, wuu ridaa; markaasuu afka ka xumbeeyaa, wuuna ilka jirriqsadaa oo qallalaa. Waxaan xertaada ka baryay inay ka saaraan, wayna kari waayeen.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Fal 7:54 : 54 ¶ Haddaba markay waxyaalahaas maqleen way ka xanaaqeen oo u ilka jirriqsadeen isaga.
  • Yuud 1:13 : 13 iyo hirar kacsan oo badda, oo ceebtoodu xumbaynayso, iyo xiddigo ambaday, oo madowga gudcurka weligood loo hayaa.
  • 2 Boq 4:29-31 : 29 Oo isna wuxuu Geexasii ku yidhi, War guntiga isku giiji, oo ushayda gacanta ku qabso oo tag, oo haddaad qof la kulantid, ha salaamin, oo haddii qof ku salaamana, ha u jawaabin, oo ushayda waxaad saartaa wiilka wejigiisa. 30 Oo wiilkii hooyadiis waxay tidhi, Waxaan ku dhaartay Rabbiga noloshiisa iyo adiga naftaadee inaanan kaa tagayn. Markaasuu kacay oo raacay. 31 Oo Geexasiina wuu ka sii hor maray, oo ushii saaray wiilka wejigiisii, laakiinse cod iyo wax maqlid toona laguma arag. Sidaas daraaddeed wuu noqday oo intuu ka hor yimid ayuu u warramay, oo ku yidhi, Yarkii ma uu toosin.
  • Ayuub 16:9 : 9 Isagoo cadhaysan ayuu i dildillaacsaday, oo wuu i silciyey, Wuuna igu ilko jirriqsaday, Oo cadowgaygii indhuhuu igu caddeeyey.
  • Sab 112:10 : 10 Kii shar lahu wuu arki doonaa, wuuna cadhoon doonaa, Wuu ilko jirriqsan doonaa, oo wuu dhalaali doonaa, Kuwa sharka leh doonistoodu way baabbi'i doontaa.
  • Mat 8:12 : 12 laakiin wiilashii boqortooyada waxaa lagu tuuri doonaa gudcurka dibadda ah. Meeshaas waxaa jiri doonta baroor iyo ilkojirriqsi.
  • Mat 15:22 : 22 Oo naag reer Kancaan ah ayaa soohdimahaas ka soo baxday oo qaylisay iyadoo leh, Ii naxariiso, Sayidow, ina Daa'uudow. Gabadhayda jinni baa si xun u waalaya.
  • Mat 17:16 : 16 oo waxaan u keenay xertaada, wayna bogsiin kari waayeen.
  • Mat 17:19-20 : 19 Markaas xertii ayaa keli ahaan Ciise ugu timid oo ku tidhi, Annagu maxaannu u saari kari waynay? 20 Wuxuu ku yidhi, Waa rumaysadyaraantiinna aawadeed. Runtii waxaan idinku leeyahay, Haddaad leedihiin rumaysad iniin khardal le'eg, waxaad buurtan ku odhan doontaan, Halkan ka dhaqaaq oo halkaas tag, wayna dhaqaaqi doontaa, oo waxba ma kari waayi doontaan.
  • Mark 9:20 : 20 Markaasay u keeneen. Goortuu arkay, kolkiiba jinnigii waa gilgilay; dhulkuuna ku dhacay oo laballegdeeyey isagoo afka ka xumbaynaya.
  • Mark 9:26 : 26 Jinnigii intuu qayliyey, aad buu u gilgilay, kolkaasuu ka soo baxay. Markaasuu wiilku noqday sidii mid dhintay oo kale, sidaa darteeda dad badan baa yidhi, Waa dhintay.
  • Mark 9:28-29 : 28 Ciise goortuu guriga galay, xertiisii waxay gooni ahaan u weyddiiyeen, Annagu maxaannu u saari kari waynay? 29 Wuxuu ku yidhi, Caynkanu wax kale kuma soo bixi karo tukasho iyo soon maahee.
  • Mark 11:23 : 23 Runtii waxaan idinku leeyahay, Ku alla kii buurtan ku yidhaahda, Ruq, baddana isku tuur, oo aan qalbigiisana ka shakiyin laakiin rumaysta in wuxuu yidhi ay noqonayso, waa u ahaan doontaa.
  • Luuk 9:39-40 : 39 oo bal eeg, jinni baa qabsada, oo dhaqsiba wiilkaa qayliya, jinniguna waa gilgilaa, oo wiilku afkuu ka xumbeeyaa; dhib ayaa jinnigu kaga baxaa, isagoo aad u burburinaya. 40 Waxaan xertaada ka baryay inay ka saaraan, wayna kari waayeen.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Luuk 9:38-42
    5 aayado
    88%

    38Oo bal eeg, nin dadkii badnaa ka mid ah ayaa qayliyey isagoo leh, Macallimow, waxaan kaa baryayaa inaad wiilkayga eegto, waayo, waa madigayga,

    39oo bal eeg, jinni baa qabsada, oo dhaqsiba wiilkaa qayliya, jinniguna waa gilgilaa, oo wiilku afkuu ka xumbeeyaa; dhib ayaa jinnigu kaga baxaa, isagoo aad u burburinaya.

    40Waxaan xertaada ka baryay inay ka saaraan, wayna kari waayeen.

    41Markaasaa Ciise u jawaabay oo ku yidhi, Qarni yahow rumaysadka daranu oo madaxa adagu, ilaa goormaan idinla jiri doonaa, oo ilaa goormaan idiin dulqaadan doonaa? Wiilkaaga halkan keen.

    42Intuu weli soo socday, jinnigii ayaa jeexjeexay oo gilgilay. Markaasaa Ciise jinnigii wasakhda lahaa canaantay, wiilkiina ayuu bogsiiyey oo aabbihiis ku celiyey.

  • Mark 9:19-22
    4 aayado
    85%

    19Markaasuu u jawaabay oo ku yidhi, Qarni yahow rumaysadka daranu! Ilaa goormaan idinla jiri doonaa? Ilaa goormaan idiin dulqaadan doonaa? Ii keena isaga.

    20Markaasay u keeneen. Goortuu arkay, kolkiiba jinnigii waa gilgilay; dhulkuuna ku dhacay oo laballegdeeyey isagoo afka ka xumbaynaya.

    21Markaasuu aabbihiis weyddiiyey, Intee buu waxan qabay? Kolkaasuu yidhi, Tan iyo yaraantiisii.

    22Marar badan wuxuu ku tuuray dab iyo biyo inuu dumiyo, laakiin haddaad wax samayn kartid, noo naxariiso oo na caawi.

  • Mark 9:16-17
    2 aayado
    81%

    16Kolkaasuu weyddiiyey, Maxaad isweyddiinaysaan?

    17Markaasaa dadkii badnaa midkood wuxuu ugu jawaabay, Macallimow, waxaan kuu keenay wiilkayga jinni carrab la' qaba.

  • Mat 17:14-19
    6 aayado
    80%

    14¶ Goortay dadkii badnaa u yimaadeen, ayaa nin u yimid isaga, oo intuu u jilba joogsaday ayuu ku yidhi,

    15Sayidow, wiilkayga u naxariiso, waayo, suuxdin buu qabaa oo aad buu u xanuunsadaa, oo marar badan wuxuu ku dhacaa dabka, marar badanna biyo,

    16oo waxaan u keenay xertaada, wayna bogsiin kari waayeen.

    17Ciise wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Qarni yahow rumaysadka daranu oo madaxa adagu, ilaa goormaan idinla jiri doonaa, oo ilaa goormaan idiin dulqaadan doonaa? Halkan iigu keena isaga.

    18Markaasaa Ciise canaantay, oo jinnigii waa ka baxay, saacaddaasna wiilkii waa bogsaday.

    19Markaas xertii ayaa keli ahaan Ciise ugu timid oo ku tidhi, Annagu maxaannu u saari kari waynay?

  • Mark 9:25-29
    5 aayado
    80%

    25¶ Ciise goortuu arkay dadkii oo u soo ordaya, ayuu jinnigii wasakhda lahaa canaantay oo ku yidhi, Jinni yahow carrabka iyo dhegaha la'u, waxaan kugu amrayaa, Ka soo bax oo kol dambena ha ku noqon.

    26Jinnigii intuu qayliyey, aad buu u gilgilay, kolkaasuu ka soo baxay. Markaasuu wiilku noqday sidii mid dhintay oo kale, sidaa darteeda dad badan baa yidhi, Waa dhintay.

    27Laakiin Ciise ayaa gacanta qabtay oo kiciyey; markaasuu kacay.

    28Ciise goortuu guriga galay, xertiisii waxay gooni ahaan u weyddiiyeen, Annagu maxaannu u saari kari waynay?

    29Wuxuu ku yidhi, Caynkanu wax kale kuma soo bixi karo tukasho iyo soon maahee.

  • Mark 5:3-5
    3 aayado
    75%

    3Isagu xabaalaha ayuu dhex fadhiyi jiray, oo ninna xataa silsilad kuma xidhi kari jirin.

    4Maxaa yeelay, marar badan bir cagaha iyo silsilado waa lagu xidhi jiray, silsiladihiina ayuu iska gooyn jiray, bir cagahana wuu kala jejebin jiray. Ninna ka adkaan kari waayay.

    5Weligiiba, habeen iyo maalin, ayuu buuraha iyo xabaalaha joogi jiray isagoo qaylinaya oo dhagaxyona isku jarjaraya.

  • Mark 1:25-26
    2 aayado
    75%

    25Ciise baa canaantay oo ku yidhi, Aamus oo ka soo bax.

    26Goortii jinnigii wasakhda lahaa gilgilay oo cod weyn ku qayliyey, ayuu ka soo baxay.

  • Luuk 8:28-29
    2 aayado
    75%

    28Goortuu arkay Ciise, ayuu qayliyey, hortiisana ayuu isku tuuray oo cod weyn ayuu ku yidhi, Maxaa inoo dhexeeya, Ciisow, adigoo ah Wiilka Ilaaha sarow? Waxaan kaa baryayaa, Ha i silcin.

    29Waayo, wuxuu jinnigii wasakhda lahaa ku amray inuu ninka ka baxo, maxaa yeelay, marar badan ayuu qaban jiray, oo waxaa lagu xidhi jiray silsilado iyo bircago, oo waa la ilaalin jiray; silsiladihiina wuu iska gooyn jiray oo jinniguna cidlada ayuu u kaxayn jiray.

  • Mat 9:32-33
    2 aayado
    75%

    32¶ Kolkay baxeen, bal eeg, waxaa loo keenay nin Carrabla' oo jinni qaba.

    33Oo goortii jinnigii la saaray, ninkii carrabka la'aa waa hadlay, dadkii badnaana way yaabeen oo waxay yidhaahdeen, Sidaas oo kale Israa'iil weligeed laguma arag.

  • 14¶ Wuxuu saarayay jinni carrab la'. Waxaana dhacay goortuu jinnigii baxay inuu kii carrabka la'aa hadlay, dadkiina way yaabeen.

  • Luuk 4:35-36
    2 aayado
    74%

    35Ciise baa canaantay oo ku yidhi, Aamus oo ka soo bax. Jinniguna goortuu ninkii dhexda ku tuuray ayuu ka soo baxay, waxbana ma uu yeelin.

    36Yaab weyn ayaa ku wada dhacay; wayna isla wada hadleen oo yidhaahdeen, Waa maxay hadalkan? waayo, jinniyada wasakhda leh ayuu amar iyo xoog ku xukumaa, wayna ka baxaan.

  • 28¶ Goortuu yimid dhinaca kale oo dalka Gadareni, waxaa la kulmay laba qof oo jinni qaba oo xabaalaha ka soo baxaya, iyagoo aad khatar u ah, si aan ninna jidkaas u mari karin.

  • 22¶ Markaasaa waxaa loo keenay jinnoole indha la' oo carrab la', wuuna bogsiiyey, sidaa darteed ninkii carrabka la'aa waa hadlay oo wax arkay.

  • 39Kuwa hor marayay ayaa canaantay si uu u aamuso, laakiin si ka badan ayuu ugu qayliyey, Ina Daa'uudow, ii naxariiso.

  • 16Kolkaasaa kuwii arkay waxay u sheegeen sidii ay u dhacday jinnoolihii iyo warkii doofaarrada.

  • Mark 5:7-8
    2 aayado
    71%

    7Markaasuu cod weyn ku qayliyey oo ku yidhi, Maxaa inoo dhexeeya, Ciisow adigoo ah Wiilka Ilaaha sarow? Ilaah baan kugu dhaarinayaa, Ha i silcin.

    8Waayo, wuxuu ku yidhi, Ka soo bax ninka, jinni wasakh lahow.

  • Mark 7:32-33
    2 aayado
    71%

    32Markaasay waxay u keeneen mid dhego iyo carrab la', waxayna ka baryeen inuu gacantiisa saaro.

    33Kolkaasuu dadkii badnaa dhinaca uga bixiyey, oo farihiisa ayuu dhegihiisa ka geliyey, wuuna tufay oo carrabkiisa taabtay.

  • 21Xigtadiisii goortay maqleen, ayay u soo baxeen inay qabtaan, waayo, waxay yidhaahdeen, Isagu waa waalan yahay.

  • 10Aad buuna uga baryay inaanu dalka ka eryin.

  • Luuk 8:32-33
    2 aayado
    71%

    32Halkaa waxaa joogay daaqsin doofaarro badan ah oo buurta daaqaysa. Waxayna ka baryeen inuu u fasaxo inay kuwaas galaan. Kolkaasuu u fasaxay.

    33Markaasay jinniyadii ninkii ka baxeen oo doofaarradii galeen. Daqsintiina jarka hoos bay uga yaacday ilaa badda, wayna ku bakhtiyeen.

  • 32oo wuxuu ku yidhi, Baxa. Markaasay baxeen oo galeen doofaarradii, oo daaqsinta oo dhammu jarka hoos bay uga yaacday ilaa badda, oo biyaha ku bakhtiday.

  • 19Ciisese uma fasaxin, laakiin wuxuu ku yidhi, Gurigaaga iyo dadkaaga u tag oo u sheeg waxa weyn oo Rabbigu kuu sameeyey iyo siduu kuugu naxariistay.

  • 23Markaasaa waxaa sunagoggoodii ku jiray nin jinni wasakh leh qaba, wuuna qayliyey, oo wuxuu yidhi,

  • 11Oo jinniyada wasakhda lehna goortay arkeen, hortiisii ayay isku tuureen oo qayliyeen, oo waxay yidhaahdeen, Adigu waxaad tahay Wiilka Ilaah.