Markos 9:17

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaasaa dadkii badnaa midkood wuxuu ugu jawaabay, Macallimow, waxaan kuu keenay wiilkayga jinni carrab la' qaba.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Mark 9:25 : 25 ¶ Ciise goortuu arkay dadkii oo u soo ordaya, ayuu jinnigii wasakhda lahaa canaantay oo ku yidhi, Jinni yahow carrabka iyo dhegaha la'u, waxaan kugu amrayaa, Ka soo bax oo kol dambena ha ku noqon.
  • Luuk 11:14 : 14 ¶ Wuxuu saarayay jinni carrab la'. Waxaana dhacay goortuu jinnigii baxay inuu kii carrabka la'aa hadlay, dadkiina way yaabeen.
  • Yoox 4:47 : 47 Isagu markuu maqlay inuu Ciise Yahuudiya ka yimid oo Galili gaadhay, ayuu u tegey oo ka baryay inuu u yimaado oo wiilkiisa bogsiiyo, waayo, dhimashuu u dhowaa.
  • Mark 10:13 : 13 ¶ Ilmo yaryar ayay u keeneen inuu taabto, xertuna way canaanatay.
  • Luuk 9:38 : 38 Oo bal eeg, nin dadkii badnaa ka mid ah ayaa qayliyey isagoo leh, Macallimow, waxaan kaa baryayaa inaad wiilkayga eegto, waayo, waa madigayga,
  • Mat 12:22 : 22 ¶ Markaasaa waxaa loo keenay jinnoole indha la' oo carrab la', wuuna bogsiiyey, sidaa darteed ninkii carrabka la'aa waa hadlay oo wax arkay.
  • Mat 17:15 : 15 Sayidow, wiilkayga u naxariiso, waayo, suuxdin buu qabaa oo aad buu u xanuunsadaa, oo marar badan wuxuu ku dhacaa dabka, marar badanna biyo,
  • Mark 5:23 : 23 oo aad buu u baryay oo ku yidhi, Gabadhaydii yarayd waa sakaraad. Waan ku baryayaa, kaalay oo gacmahaaga saar inay bogsato oo noolaato.
  • Mark 7:26 : 26 Naagtii waxay ahayd Gariig, qolo ahaanna Surofoynike. Oo waxay ka bariday inuu jinniga gabadheeda ka saaro.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Luuk 9:37-42
    6 aayado
    82%

    37¶ Maalintii xigtay, goortay buurta ka soo degeen, waxaa dhacay in dad badni la kulmay isaga.

    38Oo bal eeg, nin dadkii badnaa ka mid ah ayaa qayliyey isagoo leh, Macallimow, waxaan kaa baryayaa inaad wiilkayga eegto, waayo, waa madigayga,

    39oo bal eeg, jinni baa qabsada, oo dhaqsiba wiilkaa qayliya, jinniguna waa gilgilaa, oo wiilku afkuu ka xumbeeyaa; dhib ayaa jinnigu kaga baxaa, isagoo aad u burburinaya.

    40Waxaan xertaada ka baryay inay ka saaraan, wayna kari waayeen.

    41Markaasaa Ciise u jawaabay oo ku yidhi, Qarni yahow rumaysadka daranu oo madaxa adagu, ilaa goormaan idinla jiri doonaa, oo ilaa goormaan idiin dulqaadan doonaa? Wiilkaaga halkan keen.

    42Intuu weli soo socday, jinnigii ayaa jeexjeexay oo gilgilay. Markaasaa Ciise jinnigii wasakhda lahaa canaantay, wiilkiina ayuu bogsiiyey oo aabbihiis ku celiyey.

  • Mark 9:24-28
    5 aayado
    82%

    24Kolkiiba wiilka aabbihiis ayaa qayliyey oo oohin ku yidhi, Sayidow, waan rumaysanahay, iga caawi rumaysaddarradayda.

    25¶ Ciise goortuu arkay dadkii oo u soo ordaya, ayuu jinnigii wasakhda lahaa canaantay oo ku yidhi, Jinni yahow carrabka iyo dhegaha la'u, waxaan kugu amrayaa, Ka soo bax oo kol dambena ha ku noqon.

    26Jinnigii intuu qayliyey, aad buu u gilgilay, kolkaasuu ka soo baxay. Markaasuu wiilku noqday sidii mid dhintay oo kale, sidaa darteeda dad badan baa yidhi, Waa dhintay.

    27Laakiin Ciise ayaa gacanta qabtay oo kiciyey; markaasuu kacay.

    28Ciise goortuu guriga galay, xertiisii waxay gooni ahaan u weyddiiyeen, Annagu maxaannu u saari kari waynay?

  • Mark 9:18-22
    5 aayado
    81%

    18Meel alla meeshuu ku qabtoba, wuu ridaa; markaasuu afka ka xumbeeyaa, wuuna ilka jirriqsadaa oo qallalaa. Waxaan xertaada ka baryay inay ka saaraan, wayna kari waayeen.

    19Markaasuu u jawaabay oo ku yidhi, Qarni yahow rumaysadka daranu! Ilaa goormaan idinla jiri doonaa? Ilaa goormaan idiin dulqaadan doonaa? Ii keena isaga.

    20Markaasay u keeneen. Goortuu arkay, kolkiiba jinnigii waa gilgilay; dhulkuuna ku dhacay oo laballegdeeyey isagoo afka ka xumbaynaya.

    21Markaasuu aabbihiis weyddiiyey, Intee buu waxan qabay? Kolkaasuu yidhi, Tan iyo yaraantiisii.

    22Marar badan wuxuu ku tuuray dab iyo biyo inuu dumiyo, laakiin haddaad wax samayn kartid, noo naxariiso oo na caawi.

  • Mat 17:14-19
    6 aayado
    80%

    14¶ Goortay dadkii badnaa u yimaadeen, ayaa nin u yimid isaga, oo intuu u jilba joogsaday ayuu ku yidhi,

    15Sayidow, wiilkayga u naxariiso, waayo, suuxdin buu qabaa oo aad buu u xanuunsadaa, oo marar badan wuxuu ku dhacaa dabka, marar badanna biyo,

    16oo waxaan u keenay xertaada, wayna bogsiin kari waayeen.

    17Ciise wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Qarni yahow rumaysadka daranu oo madaxa adagu, ilaa goormaan idinla jiri doonaa, oo ilaa goormaan idiin dulqaadan doonaa? Halkan iigu keena isaga.

    18Markaasaa Ciise canaantay, oo jinnigii waa ka baxay, saacaddaasna wiilkii waa bogsaday.

    19Markaas xertii ayaa keli ahaan Ciise ugu timid oo ku tidhi, Annagu maxaannu u saari kari waynay?

  • 16Kolkaasuu weyddiiyey, Maxaad isweyddiinaysaan?

  • Mat 9:32-33
    2 aayado
    80%

    32¶ Kolkay baxeen, bal eeg, waxaa loo keenay nin Carrabla' oo jinni qaba.

    33Oo goortii jinnigii la saaray, ninkii carrabka la'aa waa hadlay, dadkii badnaana way yaabeen oo waxay yidhaahdeen, Sidaas oo kale Israa'iil weligeed laguma arag.

  • 14¶ Wuxuu saarayay jinni carrab la'. Waxaana dhacay goortuu jinnigii baxay inuu kii carrabka la'aa hadlay, dadkiina way yaabeen.

  • 22¶ Markaasaa waxaa loo keenay jinnoole indha la' oo carrab la', wuuna bogsiiyey, sidaa darteed ninkii carrabka la'aa waa hadlay oo wax arkay.

  • Mark 7:32-33
    2 aayado
    75%

    32Markaasay waxay u keeneen mid dhego iyo carrab la', waxayna ka baryeen inuu gacantiisa saaro.

    33Kolkaasuu dadkii badnaa dhinaca uga bixiyey, oo farihiisa ayuu dhegihiisa ka geliyey, wuuna tufay oo carrabkiisa taabtay.

  • Mark 1:25-26
    2 aayado
    73%

    25Ciise baa canaantay oo ku yidhi, Aamus oo ka soo bax.

    26Goortii jinnigii wasakhda lahaa gilgilay oo cod weyn ku qayliyey, ayuu ka soo baxay.

  • 23Markaasaa waxaa sunagoggoodii ku jiray nin jinni wasakh leh qaba, wuuna qayliyey, oo wuxuu yidhi,

  • 73%

    39Kuwa hor marayay ayaa canaantay si uu u aamuso, laakiin si ka badan ayuu ugu qayliyey, Ina Daa'uudow, ii naxariiso.

    40Markaasaa Ciise joogsaday oo wuxuu ku amray in loo keeno, oo goortuu u soo dhowaaday ayuu weyddiiyey, oo ku yidhi,

  • 30Kolkaasaa waxaa u yimid dad fara badan oo wada kuwa curyaan ah iyo kuwa indha la' iyo kuwa carrab la' iyo kuwa addimmo la' iyo qaar badan oo kale, oo waxay iyaga dhigeen cagihiisa agtooda, wuuna bogsiiyey.

  • Mark 5:7-9
    3 aayado
    72%

    7Markaasuu cod weyn ku qayliyey oo ku yidhi, Maxaa inoo dhexeeya, Ciisow adigoo ah Wiilka Ilaaha sarow? Ilaah baan kugu dhaarinayaa, Ha i silcin.

    8Waayo, wuxuu ku yidhi, Ka soo bax ninka, jinni wasakh lahow.

    9Markaasuu weyddiiyey, Magacaa? Wuxuu ugu jawaabay, Waxaa lay yidhaahdaa, Liijon, waayo, annagu waa badan nahay.

  • 35Ciise baa canaantay oo ku yidhi, Aamus oo ka soo bax. Jinniguna goortuu ninkii dhexda ku tuuray ayuu ka soo baxay, waxbana ma uu yeelin.

  • 11Oo jinniyada wasakhda lehna goortay arkeen, hortiisii ayay isku tuureen oo qayliyeen, oo waxay yidhaahdeen, Adigu waxaad tahay Wiilka Ilaah.

  • 33Waxaana sunagogga joogay nin jinni wasakh leh qaba. Cod weyn ayuu ku qayliyey, oo wuxuu yidhi,

  • Luuk 8:28-30
    3 aayado
    71%

    28Goortuu arkay Ciise, ayuu qayliyey, hortiisana ayuu isku tuuray oo cod weyn ayuu ku yidhi, Maxaa inoo dhexeeya, Ciisow, adigoo ah Wiilka Ilaaha sarow? Waxaan kaa baryayaa, Ha i silcin.

    29Waayo, wuxuu jinnigii wasakhda lahaa ku amray inuu ninka ka baxo, maxaa yeelay, marar badan ayuu qaban jiray, oo waxaa lagu xidhi jiray silsilado iyo bircago, oo waa la ilaalin jiray; silsiladihiina wuu iska gooyn jiray oo jinniguna cidlada ayuu u kaxayn jiray.

    30Markaasaa Ciise weyddiiyey oo ku yidhi, Magacaa? Oo wuxuu ku yidhi, Liijon; waayo, jinniyo badan ayaa galay.

  • 37Aad iyo aad bay ula yaabsanaayeen, oo waxay yidhaahdeen, Wax walba si wanaagsan ayuu u sameeyey. Kuwa dhegaha la' wax buu maqashiiyaa, kuwa carrabka la'na wax buu ka hadliyaa.

  • 20Badidood waxay yidhaahdeen, Jinni buu qabaa, wuuna waalan yahay, ee maxaad u maqlaysaan?

  • 48Qaar badan baa canaantay si uu u aamuso, laakiin si ka badan ayuu ugu qayliyey, Ina Daa'uudow, ii naxariiso.

  • 41Jinniyona dad badan ayay ka soo baxeen, iyagoo qaylinaya oo leh, Adigu waxaad tahay Wiilka Ilaah. Isaguse waa canaantay oo uma oggolaanin inay hadlaan, waayo, waxay garanayeen inuu Masiixa yahay.

  • 14¶ Markay xertii u yimaadeen, waxay arkeen dad faro badan oo la jooga. Culimmaduna wax bay weyddiinayeen.

  • 23Laakiin hadal uguma uu jawaabin. Markaasaa xertiisii u timid oo ka bariday iyagoo leh, Eri, waayo, way inaga daba qaylinaysaa.