Matayos 14:7

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Kolkaasuu dhaar ku ballanqaaday inuu siiyo wixii ay weyddiisatoba.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Est 5:3 : 3 Kolkaasuu boqorkii ku yidhi, Boqorad Esteeray, maxaad doonaysaa? Oo maxaad i weyddiisanaysaa? Xataa hadday boqortooyada badhkeed tahay waa lagu siinayaaye.
  • Est 5:6 : 6 Oo intii martiqaadkii khamriga la joogay ayuu boqorkii Esteer ku yidhi, Baryadaadu waa maxay? Maxaad i weyddiisanaysaa? Xataa hadday boqortooyada badhkeed tahay waa laguu yeelayaaye.
  • Est 7:2 : 2 Oo haddana maalintii labaad intii la fadhiyey martiqaadkii khamriga ayaa boqorkii Esteer ku yidhi, Boqorad Esteeray, baryadaadu waa maxay? Waa lagu siinayaaye. Maxaad i weyddiisanaysaa? Xataa hadday boqortooyada badhkeed tahay, waa laguu yeelayaaye.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Mark 6:16-28
    13 aayado
    87%

    16Laakiin Herodos goortuu maqlay wuxuu yidhi, Kanu waa Yooxanaa, kii aan madaxa ka gooyay. Kuwii dhintay ayuu ka soo sara kacay.

    17Waayo, Herodos qudhiisa ayaa cid diray oo Yooxanaa qabtay oo u xabbisay walaalkiis Filibos naagtiisii Herodiya aawadeed, waayo, wuu guursaday,

    18oo Yooxanaa wuxuu Herodos ku yidhi, Xalaal kuu ma aha inaad naagtii walaalkaa haysatid.

    19Sidaa darteed ayaa Herodiya ka dhiriftay oo doonaysay inay disho, mase karin,

    20waayo, Herodos baa Yooxanaa ka baqay. Wuxuu ogaa inuu yahay nin qumman oo quduus ah, wuuna ilaaliyey. Oo goortuu maqlay waa wareeray, farxadna wuu ku maqlay.

    21¶ Goortii maalin wanaagsan timid, markii la xusuustay dhalashadii Herodos, ayuu diyaafad ugu yeedhay raggiisii waaweynaa iyo saraakiishiisii iyo cuqaashii Galili.

    22Kolkaasaa gabadhii Herodiya qudheedu soo gashay oo cayaartay, oo waxay ka farxisay Herodos iyo kuwii la fadhiyey, kolkaasaa boqorkii baa wuxuu gabadhii ku yidhi, Wax alla wixii aad doonaysidba i weyddiiso, waanan ku siinayaa.

    23Kolkaasuu wuxuu ugu dhaartay, Wax alla wixii aad i weyddiisatidba, waan ku siinayaa ilaa boqortooyadayda badhkeed.

    24Markaasay baxday oo hooyadeed ku tidhi, Maxaan weyddiistaa? Oo waxay tidhi, Madaxa Yooxanaa Baabtiisaha.

    25Kolkiiba boqorkii ayay dhaqso ugu timid oo weyddiisatay iyadoo leh, Waxaan doonayaa haddaba madaxii Yooxanaa Baabtiisaha inaad xeedho igu siiso.

    26Markaasaa boqorkii aad u calool xumaaday, laakiin dhaarihiisii iyo kuwii la fadhiyey aawadood ayuusan doonaynin inuu diido.

    27Kolkiiba boqorkii wuxuu diray askari oo ku amray inuu madaxiisa soo qaado. Markaasuu tegay oo xabsiga madaxa kaga gooyay.

    28Madaxiisiina ayuu xeedho ku soo qaaday oo gabadhii siiyey, gabadhiina waxay siisay hooyadeed.

  • Mat 14:8-11
    4 aayado
    85%

    8Iyadoo hooyadeed hore ula soo talisay ayay tidhi, Halkan xeedho igu soo sii madaxa Yooxanaa Baabtiisaha.

    9Boqorkii waa calool xumaaday, laakiin dhaarihiisii iyo kuwii la fadhiyey aawadood ayuu ku amray in la siiyo.

    10Markaasuu cid diray oo Yooxanaa xabsigaa madaxa lagaga gooyay.

    11Madaxiisiina waxaa lagu keenay xeedho, oo gabadhii la siiyey, iyaduna hooyadeed bay u keentay.

  • Mat 14:3-6
    4 aayado
    81%

    3Waayo, Herodos baa Yooxanaa qabtay oo intuu xidhay ayuu u xabbisay, walaalkiis Filibos naagtiisii Herodiya aawadeed.

    4Waayo, Yooxanaa wuxuu ku yidhi, Xalaal kuuma aha inaad haysatid,

    5oo goortuu doonay inuu dilo, dadkii badnaa ayuu ka baqay, maxaa yeelay, waxay u haysteen sidii nebi oo kale.

    6Goortii maalintii la xusuustay dhalashadii Herodos timid, gabadhii Herodiya ayaa dadkii dhexdiisa ku cayaartay, oo Herodos ayay ka farxisay.

  • Luuk 3:19-20
    2 aayado
    70%

    19Laakiin kolkuu taliye Herodos u canaantay walaalkiis Filibos naagtiisii Herodiya aawadeed, iyo waxyaalaha xunxun oo Herodos sameeyey oo dhan aawadood,

    20ayaa Herodos waxan oo dhan weliba ku daray inuu Yooxanaa ku xidho xabsigii.

  • 9Markaasaa Herodos wuxuu yidhi, Yooxanaa madaxaan ka gooyay, Yuu yahay kan aan waxan ka maqlayo? Oo wuxuu doonayay inuu arko.

  • Mat 20:20-21
    2 aayado
    70%

    20¶ Markaasaa waxaa u timid wiilashii Sebedi hooyadood iyadoo wadata wiilasheedii, wayna u sujuudday oo wax ka bariday.

    21Wuxuu ku yidhi, Maxaad doonaysaa? Waxay ku tidhi, Amar in labadaydan wiil mid midigtaada, midna bidixdaada, boqortooyadaada ka fadhiistaan.

  • 12In alla intii aad meher iyo yarad doonaysaan i weyddiista, oo anna waan idin siin intii aad igu tidhaahdaan, laakiinse gabadha i siiya aan guursadee.

  • 43Aad buu ugu adkeeyey inaan ninna ogaan, wuxuuna u sheegay in cunto la siiyo iyada.

  • 1¶ Waagaas taliye Herodos ayaa warkii Ciise maqlay,

  • 27Waxaan ka baryay wiilkan, oo Rabbigu waa i siiyey baryadaydii aan weyddiistay isaga,

  • 67%

    35¶ Waxaa u yimid Yooxanaa iyo Yacquub oo ahaa wiilashii Sebedi, oo waxay ku yidhaahdeen, Macallimow, waxaannu doonaynaa inaad noo yeeshid wixii aannu weyddiisanno.

    36Wuxuu ku yidhi, Maxaad doonaysaan inaan idiin sameeyo?

  • 7Goortuu ogaaday inuu ka mid ahaa kuwii Herodos xukumo, wuxuu u diray Herodos, kan qudhiisu Yeruusaalem joogay wakhtigaas.

  • 16Haddaba wax baan ku weyddiisanayaa, hana ii diidin. Iyana waxay tidhi, Bal ii sheeg.

  • 18Markaasaa boqorkii naagtii ugu jawaabay, Waan ku baryayaaye waxa aan ku weyddiin doono, waxba ha iga qarin. Oo naagtiina waxay tidhi, Boqorow, sayidkaygiiyow, bal iska hadal.

  • 7Markaasaa Esteer jawaabtay oo tidhi, Baryadayda iyo weyddiisashadaydu waxay tahay,

  • 20Kolkaasay tidhi, Wax yar baan kaa baryayaaye, hana ii diidin. Boqorkiina wuxuu ku yidhi, Hooyoy, ii sheeg, waayo, kuu diidi maayo.

  • 6¶ Iiddaas wuxuu iyaga u sii dayn jiray maxbuuskay doonayeen.

  • 7¶ Markaasaa taliye Herodos maqlay waxa dhacay oo dhan, wuuna shakiyey, waayo, qaar baa yidhi, Yooxanaa ayaa kuwii dhintay ka soo sara kacay,

  • 5Kolkaasaa hooyadiis waxay midiidinyadii ku tidhi, Wax kastuu idinku yidhaahdo, yeela.

  • 67%

    15Sidaas daraaddeed ayaan kuugu imid, boqorow, sayidkaygiiyow, inaan eraygan kugula hadlo; maxaa yeelay, dadkaa i cabsiiyey, markaasaan anoo addoontaada ah is-idhi, Haatan waxaan la hadlayaa boqorka, waayo, waaba intaasoo uu boqorku ii yeelaa waxaan weyddiisto anoo addoontiisa ah.

    16Waayo, boqorku wuu i maqli doonaa, inuu anoo addoontiisa ah iga samatabbixiyo gacantii ninkii doonayay inuu na baabbi'iyo oo dhaxalka Ilaahna naga saaro aniga iyo wiilkaygaba.

  • 12Markaasaa naagtii tidhi, Waan ku baryayaaye, anoo addoontaada ah, aan eray kugula hadlo, boqorow sayidkaygiiyow. Isna wuxuu yidhi, Bal ku hadal.

  • 11Iyagu markay maqleen ayay farxeen oo waxay ka ballanqaadeen inay lacag siiyaan. Markaasuu doonayay goor wanaagsan oo uu u soo gacangeliyo.

  • 13ayaa sidaas gabadhii boqorkii ugu timid, oo wax alla wixii ay doonaysay inay guriga naagaha ka qaadato, oo ay la tagto guriga boqorka, dhammaantood waa la siiyey iyada.

  • 22Hadda waxaan garanayaa in wax alla waxaad Ilaah weyddiisatid uu ku siinayo.

  • 17Markaasuu wuxuu ku yidhi, Waxaan adhiga kaaga soo diri doonaa waxar. Iyana waxay tidhi, Rahaamad ma i siinaysaa intaad ii soo diraysid?

  • 3Kolkaasuu boqorkii ku yidhi, Boqorad Esteeray, maxaad doonaysaa? Oo maxaad i weyddiisanaysaa? Xataa hadday boqortooyada badhkeed tahay waa lagu siinayaaye.

  • 7¶ Markaasuu Herodos nimankii xigmadda lahaa hoos ahaan ugu yeedhay, oo ka hubsaday goortay xiddigtu u muuqatay.