Matayos 19:28

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Ciise ayaa ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Kuwiinna i soo raacay, wakhtiga cusboonaysiinta, goortii Wiilka Aadanahu carshiga ammaantiisa ku fadhiisto, idinkuna waxaad ku fadhiisan doontaan laba iyo toban carshi, idinkoo xukumaya laba-iyo-tobanka qolo oo Israa'iil.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Muj 3:21 : 21 Kii guulaysta, waxaan siin doonaa amar uu carshigayga igula fadhiisto, sida aan aniguba u guulaystay, oo aan Aabbahay ugula fadhiistay carshigiisa.
  • Mat 25:31 : 31 ¶ Goortii Wiilka Aadanahu ammaantiisa ku yimaado, isaga iyo malaa'igaha oo dhan, markaasuu carshiga ammaantiisa ku fadhiisan doonaa.
  • Luuk 22:28-30 : 28 Idinku waxaad tihiin kuwa ila sii joogay markii lay jirrabayay. 29 Waxaan idiin yeelayaa boqortooyo sida aabbahay iigu yeelay, 30 si aad wax uga cuntaan oo uga cabtaan miiskayga oo boqortooyadayda ku jira, oo waxaad ku fadhiisan doontaan carshiyo idinkoo xukumaya laba-iyo-tobanka qolo oo Israa'iil.
  • Mat 16:27 : 27 Waayo, Wiilka Aadanahu wuxuu ammaanta Aabbihiis kula iman doonaa malaa'igihiisa, markaasuu nin kasta ugu abaalgudi doonaa siduu falay.
  • Mat 20:21 : 21 Wuxuu ku yidhi, Maxaad doonaysaa? Waxay ku tidhi, Amar in labadaydan wiil mid midigtaada, midna bidixdaada, boqortooyadaada ka fadhiistaan.
  • Muj 21:5 : 5 Markaasaa kii carshiga ku fadhiyey wuxuu yidhi, Bal eeg, wax kastaba cusayb baan ka dhigayaa. Oo wuxuu igu yidhi, Qor, waayo, erayadanu waa aamin iyo run.
  • Muj 4:4 : 4 Oo carshigii hareerihiisana waxaa yiil afar iyo labaatan carshi oo kale; oo carshiyadii dushoodana waxaan ku arkay afar iyo labaatan oday oo ku fadhiya, oo dhar cad qaba; madaxana waxaa u saarnaa taajaj dahab ah.
  • Muj 7:4 : 4 Oo waxaan maqlay intoodii la shaabadeeyey tiradoodii, waxayna ahaayeen boqol iyo afar iyo afartan kun oo intaasaa laga shaabadeeyey qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhan.
  • Muj 12:1 : 1 ¶ Markaasaa waxaa samada ka muuqatay calaamo weyn, taas oo ahayd naag qorraxda huwan, oo dayaxuna wuxuu ka hooseeyey cagaheeda, madaxana waxaa u saarnaa taaj laba iyo toban xiddigood ah,
  • Muj 20:4 : 4 ¶ Oo markaasaan arkay carshiyo, oo waxaa kuwa ku fadhiyey la siiyey amar ay ku xukumaan; oo haddana waxaan arkay nafihii kuwii madaxa looga jaray markhaatigii ay Ciise u fureen aawadiis, iyo eraygii Ilaah aawadiis, iyo kuwii aan caabudin bahalkii iyo sanamkiisa toona, oo aan aqbalin in sumaddii lagaga dhigo wejigooda iyo gacantooda; way soo noolaadeen oo kun sannadood ayay Masiix wax la xukumeen.
  • Muj 20:11-15 : 11 ¶ Oo markaasaan arkay carshi weyn oo cad, iyo kii ku fadhiyey, oo wejigiisa dhulkii iyo samadii ay ka carareen, oo iyagiina meel looma helin. 12 Oo markaasaan arkay kuwii dhintay, yar iyo weynba, iyagoo taagan carshiga hortiisii, markaasaa waxaa la furay kitaabbadii; oo haddana waxaa la furay kitaab kale oo ah kii nolosha; oo kuwii dhintay waxaa lagu xukumay waxyaalihii kitaabbadii ku qornaa, sidii ay shuqulladoodii ahaayeen. 13 Markaasaa baddii waxay sii daysay kuwii dhintay oo dhexdeedii ku jiray; oo dhimashadii iyo Haadeesna waxay sii daayeen kuwii dhintay oo dhexdoodii ku jiray; markaasaa iyagii waxaa laga xukumay nin walba sidii shuqulladiisu ahaayeen. 14 Oo dhimashadii iyo Haadeesba waxaa lagu tuuray baddii dabka ahayd. Oo taasu waa dhimashadii labaad oo ah badda dabka ah. 15 Oo ku alla kii aan kitaabkii nolosha laga helin isagoo ku qoran, waxaa lagu tuuray baddii dabka ahayd.
  • Muj 22:2 : 2 iyo jidkii magaalada dhexdiisa. Webiga dhankiisan iyo dhankiisaasba waxaa ku yiil geedkii nolosha oo dhalaya laba iyo toban cayn oo midho ah, oo midhihiisana dhalaya bil kasta; oo geedka caleemihiisuna waxay quruumaha u ahaayeen bogsiin.
  • Fal 3:21 : 21 kan ay waajibka tahay inay samadu aqbasho tan iyo wakhtiyada la soo celinayo wax walba oo Ilaah kaga hadlay afkii nebiyadiisii quduuska ahaa tan iyo bilowgii.
  • 1 Kor 6:2-3 : 2 Mise waydnaan garanaynin in quduusiintu ay dunida xukumi doonaan? Oo haddaad dunida xukuntaan, ma waxaad tihiin kuwa aan istaahilin inay waxyaalaha yaryar xukumaan? 3 Miyeydnaan ogayn inaynu malaa'igaha xukumi doonno? Intee ka badan baa waxyaalaha noloshan ku saabsan aynu xukumaynaa?
  • 2 Tes 1:7-9 : 7 iyo inuu kuwiinna la dhibay nala kiin nasiyo markii Rabbi Ciise samada ka muuqdo, isagoo wata malaa'igaha xooggiisa 8 oo dab ololaya ku jira, oo ka aargudanaya kuwa aan Ilaah aqoon iyo kuwa aan addeecin injiilka Rabbigeenna Ciise Masiix. 9 Waxaa lagu ciqaabi doonaa halaag weligiis ah, oo waxaa laga gooyn doonaa Rabbiga hortiisa iyo ammaanta xooggiisa, 10 markuu yimaado maalintaas in isaga lagu ammaano quduusiintiisa oo lagula yaabo kuwii rumaystay oo dhan, maxaa yeelay, markhaatifurkayagii aan idiin sheegnay waa la rumaystay.
  • 2 Tim 2:12 : 12 haddii aynu adkaysanno, dee haddana wax baynu la xukumi doonnaa; haddii aynu isaga inkirnona, dee isna wuu ina diidi doonaa;
  • 2 But 3:13 : 13 Laakiinse sidii uu inoo ballanqaaday, waxaynu sugaynaa samooyin cusub iyo dhul cusub oo xaqnimo dhex deggan tahay.
  • Muj 2:26-27 : 26 Kii guulaysta oo shuqulladayda sii xajiya tan iyo ugu dambaysta, waxaan siin doonaa amar uu ku xukumo quruumaha. 27 Oo wuxuu ku xukumi doonaa ul bir ah, sida weelasha dheriyasameeyuhu ay u burburaan; sida aan aniguba Aabbahay uga helay:
  • Bax 15:27 : 27 ¶ Markaasay waxay yimaadeen meel la yidhaahdo Eelim, oo meeshaas waxaa ku yiil laba iyo toban ilood oo biyo ah, iyo toddobaatan geed oo timir ah, oo halkaasay degeen biyaha agtooda.
  • Bax 24:4 : 4 Markaasaa Muuse wuxuu qoray ereyadii Rabbiga oo dhan, kolkaasuu aroor hore kacay, oo buurta hoosteedii wuxuu ka dhisay meel allabari iyo laba iyo toban tiir, sidii laba iyo tobankii qolo oo reer binu Israa'iil ay ahaayeen.
  • Bax 28:21 : 21 Oo dhagaxyadu waa inay tiro le'ekaadaan sida magacyada reer binu Israa'iil, ha ahaadeen laba iyo toban sida magacyadooda, oo laba iyo tobanka qabiil waa in mid kasta magiciisa lagu xardho sida xaradhka shaabadda.
  • Laaw 24:5 : 5 ¶ Oo waa inaad bur soo qaadataa, oo aad ka dubtaa laba iyo toban xabbadood oo kibis ah, oo xabbaddiiba waa inuu eefaah toban meelood loo dhigo labadiis meelood ku jiraa.
  • Yash 3:12 : 12 Haddaba sidaas daraaddeed laba iyo toban nin ka soo bixiya qabiilooyinka reer binu Israa'iil, qabiil walba nin.
  • 1 Boq 18:31 : 31 Oo wuxuu Eliiyaah soo qaaday laba iyo toban dhagax oo ka dhigan intii qabiilooyinkii wiilashii Yacquub tiradoodu ahayd, kaasoo eraygii Rabbigu u yimid oo ku yidhi, Magacaagu wuxuu ahaan doonaa Israa'iil.
  • Cesr 6:17 : 17 Oo markay gurigan Ilaah gaar uga dhigayeen waxay u bixiyeen boqol dibi, iyo laba boqol oo wan, iyo afar boqol oo baraar ah; oo qurbaan dembina waxay reer binu Israa'iil oo dhan ugu bixiyeen laba iyo toban orgi intii ay ahaayeen tirada qabiilooyinkii reer binu Israa'iil.
  • Ish 65:17 : 17 ¶ Waayo, bal eega, waxaan abuuri doonaa samooyin cuscusub iyo dhul cusub, oo waxyaalihii horena lama soo xusuusan doono, oo innaba maanka sooma ay geli doonaan.
  • Ish 66:22 : 22 Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Sida samooyinka cuscusub iyo dhulka cusub oo aan samayn doono ay hortayda ugu raagi doonaan, ayaa farcankiinna iyo magiciinnuba hortayda ugu raagi doonaan.
  • Muj 21:12-14 : 12 oo waxay lahayd derbi weyn oo dheer; oo waxay kaloo lahayd laba iyo toban irdood, oo irdahana waxaa ka taagnaa laba iyo toban malaa'igood; oo waxaa ku qornaa magacyo, kuwaas oo ah magacyadii laba iyo tobanka qabiil oo reer binu Israa'iil; 13 oo xagga bari waxay ku lahayd saddex irdood, woqooyina waxay ku lahayd saddex irdood, koonfurna waxay ku lahayd saddex irdood, galbeedna waxay ku lahayd saddex irdood. 14 Oo derbigii magaaladuna wuxuu lahaa laba iyo toban aasaas, oo dushooda waxaa ku qornaa laba iyo tobankii rasuul ee Wanka laba iyo tobankoodii magac.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 83%

    28Idinku waxaad tihiin kuwa ila sii joogay markii lay jirrabayay.

    29Waxaan idiin yeelayaa boqortooyo sida aabbahay iigu yeelay,

    30si aad wax uga cuntaan oo uga cabtaan miiskayga oo boqortooyadayda ku jira, oo waxaad ku fadhiisan doontaan carshiyo idinkoo xukumaya laba-iyo-tobanka qolo oo Israa'iil.

  • 27¶ Markaas Butros ayaa u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Annagu wax walba waannu ka soo wada tagnay, waana ku raacnay. Maxaannu haddaba heli doonnaa?

  • Mat 8:11-12
    2 aayado
    75%

    11Waxaan idinku leeyahay, Qaar badan ayaa bari iyo galbeed ka iman doona oo la fadhiisan doona Ibraahim iyo Isxaaq iyo Yacquub boqortooyadii jannada gudaheeda,

    12laakiin wiilashii boqortooyada waxaa lagu tuuri doonaa gudcurka dibadda ah. Meeshaas waxaa jiri doonta baroor iyo ilkojirriqsi.

  • 74%

    37Waxay ku yidhaahdeen, Na sii inaannu fadhiisanno mid midigtaada, kii kalena bidixdaada xaggii ammaantaada.

    38Laakiin Ciise wuxuu ku yidhi, Garan maysaan waxaad weyddiisanaysaan. Ma karaysaan inaad ka cabtaan koobka aan ku dhowahay inaan ka cabbo, iyo in laydinku baabtiiso baabtiiska laygu baabtiisay?

    39Waxay ku yidhaahdeen, Waannu karaynaa. Markaasaa Ciise ku yidhi, Koobka aan ka cabbayo waad ka cabbi doontaan, oo baabtiiska laygu baabtiisay waa laydinku baabtiisi doonaa,

    40laakiin inaad midigtayda iyo bidixdayda fadhiisataan anigu ma lihi inaan idin siiyo, laakiin waxaa la siin doonaa kuwa loo diyaargareeyey.

  • Mat 19:29-30
    2 aayado
    74%

    29Oo mid walba oo ka tegey guryo, ama walaalo, ama aabbe, ama hooyo, ama carruur, ama beero, magacayga aawadiis, wuxuu heli doonaa boqol laab, oo wuxuu dhaxli doonaa nolosha weligeed ah.

    30Kuwa badan oo hore waa dambayn doonaan, kuwa dambena waa horrayn doonaan.

  • Mat 20:21-23
    3 aayado
    73%

    21Wuxuu ku yidhi, Maxaad doonaysaa? Waxay ku tidhi, Amar in labadaydan wiil mid midigtaada, midna bidixdaada, boqortooyadaada ka fadhiistaan.

    22Laakiin Ciise ayaa u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Garan maysaan waxaad weyddiisanaysaan. Ma karaysaan inaad ka cabtaan koobka aan ku dhowahay inaan ka cabbo, iyo in laydinku baabtiiso baabtiiska laygu baabtiisay? Waxay ku yidhaahdeen, Waannu karaynaa.

    23Wuxuu ku yidhi, Runtii koobkayga waad ka cabbi doontaan, oo baabtiiska laygu baabtiisay waa laydinku baabtiisi doonaa, laakiin inaad midigtayda iyo bidixdayda fadhiisataan anigu malihi inaan idin siiyo, laakiin waxaa la siin doonaa kuwa Aabbahay u diyaargareeyey.

  • 31¶ Goortii Wiilka Aadanahu ammaantiisa ku yimaado, isaga iyo malaa'igaha oo dhan, markaasuu carshiga ammaantiisa ku fadhiisan doonaa.

  • 30oo aan haatan helayn labanlaab badan, wakhtiga imanayana nolosha weligeed ah.

  • 71%

    28Halkaa waxaa jiri doonta baroor iyo ilko jirriqsi goortaad boqortooyada Ilaah ku aragtaan Ibraahim iyo Isxaaq iyo Yacquub iyo nebiyada oo dhan, oo idinkana dibadda laydiin tuuray.

    29Waxay ka iman doonaan bari iyo galbeed iyo woqooyi iyo koonfur, waxayna dhex fadhiisan doonaan boqortooyada Ilaah.

    30Ogaada, kuwa ugu dambeeya ayaa ugu horrayn doona, kuwa ugu horreeyaana way ugu dambayn doonaan.

  • Mat 16:27-28
    2 aayado
    70%

    27Waayo, Wiilka Aadanahu wuxuu ammaanta Aabbihiis kula iman doonaa malaa'igihiisa, markaasuu nin kasta ugu abaalgudi doonaa siduu falay.

    28Runtii waxaan idinku leeyahay, Kuwa halkan taagan qaarkood sinaba dhimasho uma dhadhamin doonaan ilaa ay arkaan Wiilka Aadanaha oo boqortooyadiisa ku imanaya.

  • 62Ciise baa yidhi, Waan ahay, oo waxaad arki doontaan Wiilka Aadanaha oo fadhiya midigta xoogga Ilaah, oo ku imanaya daruuraha cirka.

  • 17¶ Intuu Ciise Yeruusaalem ku socday, laba-iyo-tobankii ayuu keli ahaantood waday, oo intay jidka ku socdeen ayuu ku yidhi,

  • 28Kolkaasaa Butros bilaabay inuu ku yidhaahdo, Annagu wax walba waannu ka wada tagnay, waana ku raacnay.

  • 69Laakiin hadda dabadeed Wiilka Aadanahu wuxuu fadhiisan doonaa midigta xoogga Ilaah.

  • 64Ciise ayaa ku yidhi, Waad tidhi. Hase ahaatee waxaan idinku leeyahay, Hadda dabadeed waxaad arki doontaan Wiilka Aadanaha oo fadhiya midigta xoogga Ilaah oo ku imanaya daruuraha cirka.

  • 21Kii guulaysta, waxaan siin doonaa amar uu carshigayga igula fadhiisto, sida aan aniguba u guulaystay, oo aan Aabbahay ugula fadhiistay carshigiisa.

  • 1¶ Wuxuu iyaga ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Kuwa halkan taagan qaarkood sinaba dhimasho uma dhadhamin doonaan ilaa ay arkaan boqortooyada Ilaah oo xoog ku imanaysa.

  • 4¶ Oo markaasaan arkay carshiyo, oo waxaa kuwa ku fadhiyey la siiyey amar ay ku xukumaan; oo haddana waxaan arkay nafihii kuwii madaxa looga jaray markhaatigii ay Ciise u fureen aawadiis, iyo eraygii Ilaah aawadiis, iyo kuwii aan caabudin bahalkii iyo sanamkiisa toona, oo aan aqbalin in sumaddii lagaga dhigo wejigooda iyo gacantooda; way soo noolaadeen oo kun sannadood ayay Masiix wax la xukumeen.

  • 69%

    14oo aad barakaysnaan doontaa, waayo, iyagu maleh waxa ay kuugu abaalgudaan, laakiin waxaa laguu abaalgudi doonaa wakhtiga sarakicidda kuwa xaqa ah.

    15¶ Kuwa cuntada ula fadhiyey midkood, goortuu waxaas maqlay, wuxuu isaga ku yidhi, Waxaa barakaysan kan kibis ku cuni doona boqortooyada Ilaah.

  • 28Butros ayaa ku yidhi, Bal eeg, waxayagii ayaannu ka tagnay, waana ku raacnay.

  • 27Laakiin run baan idiin sheegayaa, Kuwa halkan taagan qaarkood sinaba dhimasho uma dhadhamin doonaan ilaa ay arkaan boqortooyada Ilaah.

  • 14Laba iyo toban ayuu soo saaray inay isaga la joogaan, iyo inuu u diro inay wax wacdiyaan,

  • 19Oo wuxuu ku yidhi, I soo raaca, waxaan idinka dhigayaa kuwa dadka jillaabta.

  • 19Wuxuu waxaas u yidhi inuu tuso dhimashaduu Ilaah ku ammaani doono. Markuu waxaas yidhi dabadeed, wuxuu ku yidhi, I soo raac.

  • 9¶ Laakiin iska jira. Waxaa laydiin dhiibi doonaa shirar, oo sunagogyo waa laydinku karbaashi doonaa; taliyayaal iyo boqorro hortooda ayaad daraadday u istaagi doontaan inaad markhaati u ahaataan.

  • 39iyo kursiyada hore oo sunagogyada, iyo meelaha hore oo diyaafadaha.

  • 68%

    30oo aan haatan oo la joogo helayn boqol laab guryo ah, iyo walaalo, iyo hooyooyin, iyo carruur, iyo beero, wuxuuna la heli doonaa silec, wakhtiga imanayana nolosha weligeed ah.

    31Laakiin kuwa badan oo hore waa dambayn doonaan, kuwa dambena waa horrayn doonaan.

  • 44Runtii waxaan idinku leeyahay. Wuxuu leeyahay oo dhan ayuu ka sarraysiin doonaa isaga.

  • 30Markaasaa waxaa cirka ka soo muuqan doona calaamada Wiilka Aadanaha, markaas ayaa qolooyinka dhulka oo dhammu barooran doonaan, oo waxay arki doonaan Wiilka Aadanaha oo daruuraha cirka ku imanaya isagoo leh xoog iyo ammaan weyn.

  • 14¶ Goortii saacaddii timid ayuu fadhiistay, isaga iyo rasuulladiiba.

  • 18Oo waxaa aawaday laydiin hor geeyn doonaa taliyayaal iyo boqorro inay marag ku noqoto iyaga iyo dadka aan Yuhuudda ahayn.

  • 36¶ Simoon Butros ayaa ku yidhi, Sayidow, xaggee baad tegaysaa? Ciise wuxuu ugu jawaabay, Meeshaan tegayo hadda ii raaci kari maysid, laakiin mar dambe waad i soo raaci doontaa.

  • 17Ciise wuxuu ku yidhi, I soo raaca. Waxaan idinka dhigayaa kuwa dadka jillaabta.

  • 23Laakiin goortay magaaladan idinku silciyaan, tan kale u carara, waayo, runtii waxaan idinku leeyahay, Magaalooyinka Israa'iil ma wada gaadhi doontaan ilaa Wiilka Aadanahu yimaado.

  • 26Markaasay waxay arki doonaan Wiilka Aadanaha oo daruuraha ku imanaya isagoo leh xoog badan iyo ammaan.

  • 43Markaasaa kuwa xaqa ah ku dhalaali doonaan boqortooyada Aabbahood sida qorraxdu u dhalaalayso. Kan dhego lahu ha maqlo.