Matayos 20:30

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo laba nin oo indha la' ayaa jidka ag fadhiyey, oo goortay maqleen in Ciise ag marayo ayay qayliyeen iyagoo leh, Sayidow, ina Daa'uudow, noo naxariiso.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Mat 22:42 : 42 oo wuxuu ku yidhi, Yuu idinla yahay Masiixu? Waa ina ayo? Kolkaasay ku yidhaahdeen, Waa ina Daa'uud.
  • Mat 21:9 : 9 Dadkii badnaa oo hor socday iyo kuwii daba socday waxay ku qayliyeen, Hoosanna ha u jirto ina Daa'uud. Waxaa barakaysan kan Rabbiga magiciisa ku imanaya, Hoosanna ha ku jirto meelaha ugu sarreeya.
  • Mat 21:14 : 14 Waxaana macbudka ugu yimid kuwa indha la' iyo kuwa luga la'; wuuna bogsiiyey.
  • Mark 10:46 : 46 ¶ Kolkaasay yimaadeen Yerixoo, oo goortuu Yerixoo ka soo baxayay, isaga iyo xertiisii iyo dad faro badanba, nin indha la' oo Bartimayos la odhan jiray, oo ina Timayos ahaa, ayaa jidka ag fadhiyey oo dawarsanayay.
  • Luuk 4:18 : 18 Ruuxii Rabbiga ayaa i dul jooga, Waayo, wuxuu ii subkay inaan war wanaagsan masaakiinta ku wacdiyo, Wuxuuna ii soo diray inaan kuwa xidhan furriinnimada ogeysiiyo Iyo kuwa indhaha la' soo celinta araggooda Iyo inaan kuwa nabaraysan soo furfuro,
  • Luuk 7:21 : 21 Saacaddaas qudheeda ayuu dad badan ka bogsiiyey bukaankooda iyo cudurradooda iyo jinniyadooda sharka leh. Indhoolayaal badanna wuxuu ugu roonaaday inay wax arkaan.
  • Yoox 9:1-9 : 1 ¶ Ciise intuu socday, wuxuu arkay nin indhala'aan ku dhashay. 2 Xertiisu waxay weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen, Macallimow, yaa dembaabay, ma kan baa mise waa waalidkiis, inuu indhala'aan ku dhasho? 3 Ciise ayaa ugu jawaabay, Ninkan iyo waalidkiis midna ma dembaabin, laakiin waa in shuqullada Ilaah lagu muujiyo isaga. 4 Waa inaan samayno shuqullada kii i soo diray intay maalin tahay; habeen baa imanaya mar aan ninna shaqayn karin. 5 Intaan dunida joogo, waxaan ahay nuurkii dunida. 6 Markuu sidaas yidhi, ayuu dhulka candhuuf ku tufay, oo candhuuftii dhoobo ka sameeyey, markaasuu dhoobadii wuxuu mariyey ninkii indhihiisii, 7 oo ku yidhi, Bax oo ku soo maydho balliga Siloo'am la yidhaahdo (oo fasirkiisii yahay, Waa la diray). Wuu tegey haddaba oo soo maydhay, markaasuu yimid isagoo wax arkaya. 8 Sidaa daraaddeed derisyadii iyo kuwii hortii arki jiray inuu miskiin yahay, waxay yidhaahdeen, Kanu miyaanu ahayn kii fadhiyi jiray oo dawarsan jiray? 9 Qaar baa yidhi, Waa isagii, Qaarna waxay yidhaahdeen, Maya, laakiin waa u eg yahay. Isagaa yidhi, Isagii baan ahay. 10 Sidaa daraaddeed waxay ku yidhaahdeen, Haddaba sidee bay indhahaagu u furmeen? 11 Wuxuu ugu jawaabay, Ninka Ciise la yidhaahdo ayaa dhoobo sameeyey oo indhahayga mariyey, oo wuxuu igu yidhi, Siloo'am u kac, oo ku soo maydho, Sidaa aawadeed ayaan tegey, oo markaan soo maydhay ayaan arag helay. 12 Kolkaasay waxay ku yidhaahdeen, Xaggee buu joogaa? Isaguse wuxuu ku yidhi, Ma ogi.
  • Fal 2:30 : 30 Haddaba isagoo nebi ahaa oo ogaa in Ilaah dhaar ugu dhaartay isaga inuu dhashiisa midkood carshigiisa ku fadhiisin doono,
  • Room 1:3-4 : 3 oo wuxuu ku saabsan yahay Wiilkiisa, kii ka dhashay farcankii Daa'uud xagga jidhka, 4 oo sarakiciddii uu ka sara kacay kuwii dhintay ay ku caddaysay inuu xagga ruuxa quduusnimada yahay Wiilka Ilaah oo xoog leh oo ah Rabbigeenna Ciise Masiix,
  • Sab 146:8 : 8 Rabbigu indhahuu u bixiyaa indhoolayaasha, Oo kuwa gotana Rabbigaa toosiya, Oo kuwa xaqa ahna Rabbigu waa jecel yahay.
  • Ish 29:18 : 18 Oo wakhtigaas kuwa dhegaha la'u erayada qorniinka ayay maqli doonaan, oo kuwa indhaha la' indhahooduna wax bay mugdiga iyo gudcurka ka arki doonaan.
  • Ish 35:5-6 : 5 Oo markaasaa kuwa indhaha la' indhahoodu furmi doonaan, oo kuwa dhegaha la' dhegahooda furka laga bixin doonaa. 6 Oo markaasaa ninkii curyaan ahu wuxuu u boodboodi doonaa sida deerada oo kale, oo kii carrab la' carrabkiisuna wuu gabyi doonaa, waayo, cidlada biyaa ka soo burqan doona, oo lamadegaankana durdurraa ka soo bixi doona.
  • Ish 42:16 : 16 Oo kuwa indhaha la'na waxaan soo marsiin doonaa jid ayan mar hore aqoon, oo waxaan ku hagi doonaa dhabbayaal ayan aqoon, oo gudcurkana waxaan hortooda kaga dhigi doonaa iftiin, oo meelaha qalloocanna waan u toosin doonaa. Waxyaalahaas baan samayn doonaa, oo innaba iyaga ma dayrin doono.
  • Ish 42:18 : 18 ¶ Kuwiinna dhegaha la'ow, wax maqla, oo kuwiinna indhaha la'ow, wax fiiriya, aad wax aragteene.
  • Ish 59:10 : 10 Sida kuwa indhaha la' ayaynu derbiga u haabhaabannaa, oo sida innagoo aan innaba indho lahayn ayaynu wax u haabhaabannaa. Sida fiid oo kale ayaynu hadh cad u turunturoonnaa, oo waxaynu nahay sida dad dhintay oo kuwa barwaaqaysan ku dhex jira.
  • Ish 61:1-2 : 1 ¶ Ruuxii Sayidka Rabbiga ah ayaa i dul jooga, waayo, wuxuu Rabbigu ii subkay inaan war wanaagsan masaakiinta ku wacdiyo, wuxuuna ii soo diray inaan kuwa qalbiga jaban bogsiiyo, iyo inaan maxaabiista xornimada ogeysiiyo, kuwa xidhanna furriinnimada, 2 iyo inaan dadka ogeysiiyo sannadda qaabbilaadda ah ee Rabbiga iyo maalintii aarsashada Ilaahayaga, iyo inaan kuwa baroorta oo dhan u qalbi qaboojiyo,
  • Mat 9:27-31 : 27 ¶ Ciise intuu meeshaas ka tegayay, waxaa daba socday laba nin oo Indhala', iyagoo qaylinaya oo leh, Ina Daa'uudow, noo naxariiso. 28 Goortuu guriga galay ayay nimankii indhaha la'aa u yimaadeen. Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Ma rumaysan tihiin inaan waxan yeeli karo? Waxay ku yidhaahdeen, Haah, Sayidow. 29 Markaasuu indhahooda taabtay isagoo leh, Sida rumaysadkiinnu yahay ha idiin noqoto. 30 Markaasaa indhahoodii furmeen. Ciise aad buu u amray, oo ku yidhi, Iska jira; ninna yaanu ogaan. 31 Laakiin iyagu way baxeen oo warkiisa ku fidiyeen dhulkaas oo dhan.
  • Mat 12:22-23 : 22 ¶ Markaasaa waxaa loo keenay jinnoole indha la' oo carrab la', wuuna bogsiiyey, sidaa darteed ninkii carrabka la'aa waa hadlay oo wax arkay. 23 Kolkaasaa dadkii badnaa oo dhammu yaabeen oo waxay yidhaahdeen, Kanu miyaanu ahayn ina Daa'uud?
  • Mat 15:22 : 22 Oo naag reer Kancaan ah ayaa soohdimahaas ka soo baxday oo qaylisay iyadoo leh, Ii naxariiso, Sayidow, ina Daa'uudow. Gabadhayda jinni baa si xun u waalaya.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Mat 9:26-30
    5 aayado
    91%

    26Markaasaa warkaasu dalkaas oo dhan gaadhay.

    27¶ Ciise intuu meeshaas ka tegayay, waxaa daba socday laba nin oo Indhala', iyagoo qaylinaya oo leh, Ina Daa'uudow, noo naxariiso.

    28Goortuu guriga galay ayay nimankii indhaha la'aa u yimaadeen. Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Ma rumaysan tihiin inaan waxan yeeli karo? Waxay ku yidhaahdeen, Haah, Sayidow.

    29Markaasuu indhahooda taabtay isagoo leh, Sida rumaysadkiinnu yahay ha idiin noqoto.

    30Markaasaa indhahoodii furmeen. Ciise aad buu u amray, oo ku yidhi, Iska jira; ninna yaanu ogaan.

  • Mat 20:31-34
    4 aayado
    89%

    31Dadkii badnaa ayaa canaantay si ay u aamusaan, laakiin si ka badan ayay u qayliyeen iyagoo leh, Sayidow, ina Daa'uudow, noo naxariiso.

    32Markaasaa Ciise joogsaday, oo intuu u yeedhay ayuu ku yidhi, Maxaad doonaysaan inaan idiin sameeyo?

    33Waxay ku yidhaahdeen, Sayidow, in indhuhu noo furmaan ayaannu doonaynaa.

    34Ciise intuu u naxariistay ayuu indhahooda taabtay oo kolkiiba wax bay arkeen, wayna raaceen.

  • 85%

    46¶ Kolkaasay yimaadeen Yerixoo, oo goortuu Yerixoo ka soo baxayay, isaga iyo xertiisii iyo dad faro badanba, nin indha la' oo Bartimayos la odhan jiray, oo ina Timayos ahaa, ayaa jidka ag fadhiyey oo dawarsanayay.

    47Goortuu maqlay inuu yahay Ciisihii reer Naasared, wuxuu bilaabay inuu aad u qayliyo oo yidhaahdo, Ciise, ina Daa'uudow, ii naxariiso.

    48Qaar badan baa canaantay si uu u aamuso, laakiin si ka badan ayuu ugu qayliyey, Ina Daa'uudow, ii naxariiso.

    49Kolkaasaa Ciise joogsaday oo yidhi, U yeedha. Markaasay ninkii indhaha la'aa u yeedheen oo ku yidhaahdeen, Kalsoonow, kac, waa kuu yeedhayaaye.

    50Intuu maradiisa iska tuuray ayuu booday oo Ciise u yimid.

    51Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Maxaad doonaysaa inaan kuu sameeyo? Indhoolihii baa ku yidhi, Sayidow, inaan wax arko.

    52Markaasaa Ciise ku yidhi, Soco. Rumaysadkaaga ayaa ku bogsiiyey. Kolkiiba ayuu wax arkay, oo jidka buu la qaaday isaga.

  • 84%

    35¶ Waxaa noqotay markuu Yerixoo ku soo dhowaaday, in nin indha la' jidka ag fadhiyey oo dawarsanayay,

    36oo goortuu maqlay dadka badan oo ag maraya ayuu weyddiiyey waxaas waxay ahaayeen.

    37Waxay u sheegeen in Ciisihii Reer Naasared ag marayo.

    38Markaasuu qayliyey isagoo leh, Ciise, ina Daa'uudow, ii naxariiso.

    39Kuwa hor marayay ayaa canaantay si uu u aamuso, laakiin si ka badan ayuu ugu qayliyey, Ina Daa'uudow, ii naxariiso.

    40Markaasaa Ciise joogsaday oo wuxuu ku amray in loo keeno, oo goortuu u soo dhowaaday ayuu weyddiiyey, oo ku yidhi,

    41Maxaad doonaysaa inaan kuu sameeyo? Wuxuu ku yidhi, Sayidow, inaan wax arko.

    42Markaasaa Ciise ku yidhi, Wax arag; rumaysadkaaga ayaa ku bogsiiyey.

    43Kolkiiba ayuu wax arkay, wuuna raacay oo Ilaah ammaanay. Dadkii oo dhanna goortay arkeen, ayay Ilaah ammaaneen.

  • 29¶ Kolkay Yerixoo ka tegayeen waxaa raacay dad aad u badan.

  • 13Markaasay codka kor u qaadeen iyagoo leh, Ciisow, Macallimow, noo naxariiso.

  • Mark 8:22-24
    3 aayado
    73%

    22¶ Markaasay yimaadeen Beytsayda. Oo waxay u keeneen nin indha la' oo ay ka baryeen inuu taabto.

    23Markaasuu ninkii indhaha la'aa gacanta qabtay, oo tuulada dibadda uga saaray, oo goortuu indhaha kaga tufay oo gacmihiisii saaray, wuxuu weyddiiyey, Wax ma arkaysaa?

    24Kor buu u eegay oo yidhi, Waxaan arkayaa niman, oo waxay ii le'eg yihiin sida geedo socda.

  • Yoox 9:1-2
    2 aayado
    73%

    1¶ Ciise intuu socday, wuxuu arkay nin indhala'aan ku dhashay.

    2Xertiisu waxay weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen, Macallimow, yaa dembaabay, ma kan baa mise waa waalidkiis, inuu indhala'aan ku dhasho?

  • Mat 12:22-23
    2 aayado
    73%

    22¶ Markaasaa waxaa loo keenay jinnoole indha la' oo carrab la', wuuna bogsiiyey, sidaa darteed ninkii carrabka la'aa waa hadlay oo wax arkay.

    23Kolkaasaa dadkii badnaa oo dhammu yaabeen oo waxay yidhaahdeen, Kanu miyaanu ahayn ina Daa'uud?

  • Mat 15:30-31
    2 aayado
    73%

    30Kolkaasaa waxaa u yimid dad fara badan oo wada kuwa curyaan ah iyo kuwa indha la' iyo kuwa carrab la' iyo kuwa addimmo la' iyo qaar badan oo kale, oo waxay iyaga dhigeen cagihiisa agtooda, wuuna bogsiiyey.

    31Sidaas daraaddeed baa dadkii yaabay goortay arkeen kuwii carrabka la'aa oo hadlaya iyo kuwii lugaha la'aa oo bogsaday iyo kuwii curyaanka ahaa oo socda iyo kuwii indhaha la'aa oo wax arkaya, waxayna ammaaneen Ilaaha reer binu Israa'iil.

  • Mat 15:22-23
    2 aayado
    72%

    22Oo naag reer Kancaan ah ayaa soohdimahaas ka soo baxday oo qaylisay iyadoo leh, Ii naxariiso, Sayidow, ina Daa'uudow. Gabadhayda jinni baa si xun u waalaya.

    23Laakiin hadal uguma uu jawaabin. Markaasaa xertiisii u timid oo ka bariday iyagoo leh, Eri, waayo, way inaga daba qaylinaysaa.

  • 14¶ Goortay dadkii badnaa u yimaadeen, ayaa nin u yimid isaga, oo intuu u jilba joogsaday ayuu ku yidhi,

  • Mat 21:14-15
    2 aayado
    72%

    14Waxaana macbudka ugu yimid kuwa indha la' iyo kuwa luga la'; wuuna bogsiiyey.

    15Laakiin wadaaddada sare iyo culimmadu goortay arkeen waxyaalaha yaabka leh oo uu suubbiyey iyo carruurta macbudka ka qaylinaysa, iyagoo leh, Hoosanna ha u jirto ina Daa'uud, way cadhoodeen

  • 8Laakiin dadkii badnaa goortay arkeen, way baqeen, oo Ilaah ammaaneen, kan amar caynkan oo kale ah dadka siiyey.

  • 70%

    35¶ Waxaa u yimid Yooxanaa iyo Yacquub oo ahaa wiilashii Sebedi, oo waxay ku yidhaahdeen, Macallimow, waxaannu doonaynaa inaad noo yeeshid wixii aannu weyddiisanno.

    36Wuxuu ku yidhi, Maxaad doonaysaan inaan idiin sameeyo?

  • 8Sidaa daraaddeed derisyadii iyo kuwii hortii arki jiray inuu miskiin yahay, waxay yidhaahdeen, Kanu miyaanu ahayn kii fadhiyi jiray oo dawarsan jiray?

  • 38Oo bal eeg, nin dadkii badnaa ka mid ah ayaa qayliyey isagoo leh, Macallimow, waxaan kaa baryayaa inaad wiilkayga eegto, waayo, waa madigayga,

  • 32Markaasay waxay u keeneen mid dhego iyo carrab la', waxayna ka baryeen inuu gacantiisa saaro.

  • 16Laakiin waxaa barakaysan indhihiinna, waayo, wax bay arkaan, iyo dhegihiinna, waayo, wax bay maqlaan.

  • 9Dadkii badnaa oo hor socday iyo kuwii daba socday waxay ku qayliyeen, Hoosanna ha u jirto ina Daa'uud. Waxaa barakaysan kan Rabbiga magiciisa ku imanaya, Hoosanna ha ku jirto meelaha ugu sarreeya.

  • 28¶ Goortuu yimid dhinaca kale oo dalka Gadareni, waxaa la kulmay laba qof oo jinni qaba oo xabaalaha ka soo baxaya, iyagoo aad khatar u ah, si aan ninna jidkaas u mari karin.