Matayos 21:2

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

oo wuxuu ku yidhi, Tuulada idinka soo hor jeedda taga, oo kolkiiba waxaad ka helaysaan dameer xidhan iyo qayl la jooga. Soo fura oo ii keena,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yoox 2:5-8 : 5 Kolkaasaa hooyadiis waxay midiidinyadii ku tidhi, Wax kastuu idinku yidhaahdo, yeela. 6 Meeshaas waxaa yiil lix ashuun oo dhagax ah, oo loo dhigay caadada Yuhuudda oo daahirinta, mid kastaana wuxuu qaadi jiray qiyaas laba ama saddex metritas. 7 Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Ashuummada biyo ka buuxiya, goortaasay buuxiyeen ilaa girgirka. 8 Kolkaasuu wuxuu ku yidhi, Ka soo dhura oo u geeya ka miiska arooska madaxda u ah, wayna u geeyeen.
  • Mat 26:18 : 18 Wuxuu yidhi, Magaalada gala oo hebel u taga oo waxaad ku tidhaahdaan, Macallinkii wuxuu leeyahay, Wakhtigaygii waa dhow yahay, gurigaaga ayaan cashada Iidda Kormaridda kula samaysanayaa xertayda.
  • Mark 11:2-3 : 2 Wuxuuna ku yidhi, Tuulada idinka soo hor jeedda taga, oo kolkiiba markaad gashaan waxaad ka helaysaan qayl xidhan oo aan ninna weligii fuulin. Soo fura oo keena. 3 Haddii nin idinku yidhaahdo, Maxaad waxan u samaynaysaan? waxaad ku tidhaahdaan, Sayidkaa u baahan, oo kolkiiba wuu u soo diri doonaa halkan.
  • Mark 14:13-16 : 13 Wuxuu diray laba xertiisii ah oo ku yidhi, Magaalada gala, oo waxaa idinla kulmi doona nin ashuun biyah sita; isaga raaca. 14 Meeshuu galo waxaad ninkii guriga lahaa ku tidhaahdaan, Macallinkii wuxuu leeyahay, Meeday qolladdaydii martidu oo aan xertayda kula cuni doono cashada Iidda Kormaridda? 15 Wuxuu idin tusayaa qollad weyn oo sare oo goglan oo diyaar ah; halkaa inoogu diyaargareeya. 16 Xertiisii ayaa baxday oo magaalada gashay, wayna heleen siduu u sheegay, oo cashada Iidda Kormaridda ayay diyaargareeyeen.
  • Luuk 19:30-32 : 30 isagoo leh, Tuulada idinka soo hor jeedda taga, tan goortaad gashaan aad ka helaysaan qayl xidhan oo aan ninna weligii fuulin; soo fura oo keena. 31 Haddii laydin weyddiiyo oo laydinku yidhaahdo, Maxaad u furaysaan? waxaad ku tidhaahdaan, Sayidkaa u baahan. 32 Markaasay kuwii la diray tageen oo heleen sidii lagu yidhi.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Mark 11:1-9
    9 aayado
    92%

    1¶ Goortay Yeruusaalem ku soo dhowaadeen, halka Beytfaage iyo Beytaniya, xaggii Buur Saytuun, xertiisii ayuu laba ka diray.

    2Wuxuuna ku yidhi, Tuulada idinka soo hor jeedda taga, oo kolkiiba markaad gashaan waxaad ka helaysaan qayl xidhan oo aan ninna weligii fuulin. Soo fura oo keena.

    3Haddii nin idinku yidhaahdo, Maxaad waxan u samaynaysaan? waxaad ku tidhaahdaan, Sayidkaa u baahan, oo kolkiiba wuu u soo diri doonaa halkan.

    4Markaasay tageen oo heleen qayl ku xidhan irid agteed meel dibadda ah oo jidka dhexdiisaa, wayna soo fureen.

    5Kuwa halkaa taagnaa qaarkood waxay ku yidhaahdeen, Maxaad samaynaysaan oo u furaysaan qaylka?

    6Kolkaasay waxay ku yidhaahdeen sida Ciise u amray, markaasay oggolaadeen.

    7Waxay qaylkii u keeneen Ciise, dharkoodana ayay dusha ka saareen, wuuna ku fadhiistay.

    8Dad badan baa dharkoodii jidka ku goglay, kuwa kalena laamo ayay beeraha ka soo jareen oo jidka ku gogleen.

    9Kuwii hor socday iyo kuwii daba socdayba way qayliyeen oo yidhaahdeen, Hoosanna, waxaa barakaysan kan Rabbiga magiciisa ku imanayo.

  • Luuk 19:28-37
    10 aayado
    90%

    28¶ Goortuu waxaas ku hadlay ayuu hore u socday oo Yeruusaalem tegey.

    29Goortuu Beytfaage iyo Beytaniya ku dhowaaday ilaa buurta Buur Saytuun la yidhaahdo ayuu laba xer ah diray,

    30isagoo leh, Tuulada idinka soo hor jeedda taga, tan goortaad gashaan aad ka helaysaan qayl xidhan oo aan ninna weligii fuulin; soo fura oo keena.

    31Haddii laydin weyddiiyo oo laydinku yidhaahdo, Maxaad u furaysaan? waxaad ku tidhaahdaan, Sayidkaa u baahan.

    32Markaasay kuwii la diray tageen oo heleen sidii lagu yidhi.

    33Kolkay qaylka furayeen ayaa kuwii lahaa ku yidhaahdeen, Maxaad qaylka u furaysaan?

    34Waxay ku yidhaahdeen, Sayidkaa u baahan.

    35Markaasay Ciise u keeneen, oo dharkoodii bay qaylkii dusha ka saareen, oo Ciise ayay fuusheen.

    36Oo intuu socday, dharkoodii ayay jidka ku gogleen.

    37Goortuu ku soo dhowaanayay xataa meeshii Buur Saytuun laga dego, dadkii oo dhan oo xertii ahaa ayaa bilaabay inay farxaan, oo cod weyn Ilaah ku ammaanaan waxa xoogga leh oo dhan oo ay arkeen aawadood,

  • Mat 21:3-10
    8 aayado
    86%

    3oo haddii nin wax idinku yidhaahdo, waxaad ku tidhaahdaan, Sayidkaa u baahan, oo kolkiiba wuu soo diri doonaa.

    4Waxanu waa dhaceen in la arko wixii nebiga lagaga dhex hadlay markuu yidhi,

    5Gabadha Siyoon u sheega, Bal eeg, boqorkaagu waa kuu imanayaa, Isagoo qalbi qabow, oo dameer fuushan Iyo qayl dameereed.

    6Markaasaa xertii tagtay, oo sida Ciise ku amray ayay yeeleen.

    7Dameertii iyo qaylkii ayay keeneen, oo dharkoodii bay dusha ka saareen, wuuna ku fadhiistay.

    8Dadka badidooda ayaa dharkoodii jidka ku goglay, qaar kalena laamo ayay geedaha ka soo jareen oo jidka ku gogleen.

    9Dadkii badnaa oo hor socday iyo kuwii daba socday waxay ku qayliyeen, Hoosanna ha u jirto ina Daa'uud. Waxaa barakaysan kan Rabbiga magiciisa ku imanaya, Hoosanna ha ku jirto meelaha ugu sarreeya.

    10Oo goortuu Yeruusaalem galay, magaalada oo dhan waa kacsanayd, iyagoo leh, Kanu yuu yahay?

  • 1¶ Goortay Yeruusaalem ku soo dhowaadeen oo ay Beytfaage galeen ilaa Buur Saytuun, markaasaa Ciise laba xer ah diray,

  • 81%

    12¶ Maalintii xigtay dad badan oo u yimid iiddii, markay maqleen inuu Ciise Yeruusaalem imanayo,

    13waxay qaateen laamihii geedaha timirta ah, oo ay baxeen inay ka hor tagaan, iyagoo ku dhawaaqaya Hoosanna, waxaa barakaysan kan Rabbiga magiciisa ku imanaya oo boqorka Israa'iil ah.

    14Ciise wuxuu helay dameer yar oo fuulay, siday ugu qoran tahay,

    15Ha biqin, gabadhii Siyoonay; bal eeg, Boqorkaagu waa imanayaa isagoo fuushan qayl dameereed.

  • 9¶ Magaalada Siyoonay, si weyn u reyree, magaalada Yeruusaalemay, qayli. Bal eeg, boqorkaagu waa kuu imanayaa. Isagu waa xaq oo guul buu leeyahay, waana qalbi qabow yahay, oo wuxuu fuushan yahay dameer ah qayl dameereed.

  • 27Markaasuu wiilashiisii la hadlay oo ku yidhi, War dameerka ii kooreeya. Oo iyana way u kooreeyeen.

  • 13Markaasuu wiilashiisii ku yidhi, War dameerka ii kooreeya. Dameerkiina way u kooreeyeen oo isna wuu fuulay.

  • 16Xertiisii ayaa baxday oo magaalada gashay, wayna heleen siduu u sheegay, oo cashada Iidda Kormaridda ayay diyaargareeyeen.

  • 13Markaasay tageen, oo waxay heleen siduu u sheegay, oo cashada Iidda Kormaridda way diyaargareeyeen.

  • Yoox 2:14-15
    2 aayado
    69%

    14Wuxuu macbudka ku arkay kuwa ku iibinaya dibiyo iyo ido iyo qoolleyo, iyo kuwa fadhiya oo lacagta bedbeddelaya.

    15Markaasuu xadhko karbaash ka sameeyey, kulligoodna ayuu macbudka ka eryay, dibiyada iyo idaha labadaba, lacagtiina wuu ka daadiyey kuwii bedbeddelayay, miisaskoodiina wuu rogay.

  • 21¶ Oo subaxdii dambe ayaa Balcaam kacay oo dameertiisii kooraystay, kolkaasuu raacay amiirradii reer Moo'aab.

  • 3Oo aroortii horaa Ibraahim kacay, oo wuxuu kooraystay dameerkiisii, oo wuxuu kaxaystay laba ka mid ah dhallinyaradiisii, iyo wiilkiisii Isxaaq; qoryihiina allabariga la gubo wuu u jeexjeexay, wuuna kacay, oo wuxuu tegey meeshii Ilaah u sheegay.

  • 24Markaasay dameer kooraysatay, oo midiidinkeedii waxay ku tidhi, Igu kaxee oo hore u soco, oo anigoo kugu amra mooyaane ha i raajin.

  • 16Markaasay dhaqso u yimaadeen oo waxay heleen Maryan iyo Yuusufba iyo ilmihii oo qabaal ku jiifa.

  • 23Markaasaa dameertii waxay aragtay malaa'igtii Rabbiga oo jidka taagan oo seefteedii oo galka ka baxsan gacanta ku haysata. Kolkaasay dameertii jidka ka leexatay oo berrinka gashay. Oo Balcaamna dameertii wax buu ku dhuftay si uu jidka ugu soo celiyo.

  • 5Wuxuu iyaga ku yidhi, Kiinnee baa leh dameer ama dibi ceel ku dhacay oo aan maalin sabti ah dhaqso uga soo bixinaynin?

  • 11¶ Markaasaa Ciise Yeruusaalem yimid oo galay macbudka. Goortuu hareeraha iyo wax walbaba eegay, oo gabbalkiina dhacay, ayuu Beytaniya laba-iyo-tobankii ula baxay.

  • 15Laakiin wadaaddada sare iyo culimmadu goortay arkeen waxyaalaha yaabka leh oo uu suubbiyey iyo carruurta macbudka ka qaylinaysa, iyagoo leh, Hoosanna ha u jirto ina Daa'uud, way cadhoodeen

  • 10Wuxuu ku yidhi, Bal eega, goortaad magaalada gashaan waxaa idinla kulmi doona nin ashuun biyah sita. Isaga raaca oo ka daba gala guriguu galo.

  • 13Wuxuu diray laba xertiisii ah oo ku yidhi, Magaalada gala, oo waxaa idinla kulmi doona nin ashuun biyah sita; isaga raaca.

  • 17¶ Intuu Ciise Yeruusaalem ku socday, laba-iyo-tobankii ayuu keli ahaantood waday, oo intay jidka ku socdeen ayuu ku yidhi,