Matayos 21:5

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Gabadha Siyoon u sheega, Bal eeg, boqorkaagu waa kuu imanayaa, Isagoo qalbi qabow, oo dameer fuushan Iyo qayl dameereed.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sak 9:9-9 : 9 ¶ Magaalada Siyoonay, si weyn u reyree, magaalada Yeruusaalemay, qayli. Bal eeg, boqorkaagu waa kuu imanayaa. Isagu waa xaq oo guul buu leeyahay, waana qalbi qabow yahay, oo wuxuu fuushan yahay dameer ah qayl dameereed. 10 Oo anigu Efrayim gaadhifardood kasta waan ka baabbi'in doonaa, oo Yeruusaalemna faras kuma reebi doono, oo qaansada dagaalkana waa la baabbi'in doonaa. Isna quruumaha nabad buu kula hadli doonaa, oo dowladnimadiisuna waxay gaadhi doontaa bad ilaa baddeeda kale, iyo tan iyo Webiga iyo xataa dhulka darafyadiisa.
  • Ish 62:11 : 11 Bal eega, Rabbigu wuxuu tan iyo dhulka darafkiisa ku naadiyey oo yidhi, Magaalada Siyoon waxaad ku tidhaahdaan, Bal eeg, badbaadadaadii waa soo socotaaye. Bal eeg, isagu abaalgudkiisii wuu wataa, oo abaalmarintiisuna way ka soo horraysaa.
  • Mat 11:29 : 29 Harqoodkayga dushiinna ku qaata oo wax iga barta; waayo, waan qaboobahay, qalbigayguna waa hooseeyaa, oo naftiinna nasashaad u heli doontaan.
  • Bil 49:10 : 10 Usha boqortooyadu kama tegi doonto Yahuudah, Usha taliyuhuna cagihiisa kama dhex bixi doonto; Ilaa Shiiloh yimaado; Dadkuna isagay addeeci doonaan.
  • Tir 24:19 : 19 Oo mid reer Yacquub ka soo farcamay ayaa xukun yeelan doona, Oo wuxuu baabbi'in doonaa kuwa magaalada ka hadha.
  • Sharc 17:16 : 16 Laakiinse isagu waa inuusan fardo badsan, oo dadkana uusan Masar dib ugu celin si uu fardo u badsado, maxaa yeelay, Rabbigu wuxuu idinku yidhi, Hadda ka dib jidkaas waa inaydaan dib ugu noqon.
  • Xaak 5:10 : 10 Bal taas ka warama kuwiinna dameerraha cadcad fuushan, Iyo kuwiinna ku fadhiya gogosha wanaagsan, Iyo kuwiinna jidka marow.
  • Xaak 12:14 : 14 Oo isna wuxuu lahaa afartan wiil iyo soddon uu awowe u ahaa, oo fuuli jiray toddobaatan qayl dameer. Oo wuxuu reer binu Israa'iil xukumayay siddeed sannadood.
  • 2 Sam 16:2 : 2 Markaasaa boqorkii wuxuu Siibaa ku yidhi, War waxyaalahan maxaad ula jeeddaa? Oo Siibaana wuxuu yidhi, Dameeraha waxaan u keenay in boqorka reerkiisu fuulaan; kibista iyo midhahana waxaan u keenay in ragga dhallinyarada ahu cunaan; khamrigana waxaan u keenay in ku alla kii cidlada ku itaal darnaadaa uu cabbo.
  • 1 Boq 1:33 : 33 Markaasaa boqorkii wuxuu ku yidhi iyagii, Addoommadayda kaxaysta, oo wiilkayga Sulaymaanna waxaad fuushiisaan baqalkayga oo waxaad geeysaan Giixoon.
  • 1 Boq 10:26 : 26 Sulaymaanna wuxuu urursaday gaadhifardood iyo rag fardooley ah; oo wuxuu lahaa kun iyo afar boqol oo gaadhifaras, iyo laba iyo toban kun oo nin oo fardooley ah, oo wuxuu fadhiisiyey magaalooyinkii gaadhifardoodka, oo qaarna boqorkay Yeruusaalem la joogeen.
  • Sab 2:6-9 : 6 Anigu boqorkaygii waxaan fadhiisiyey Buurtayda quduuska ah oo Siyoon. 7 Amarkii ayaan wax ka sheegi doonaa, Rabbigu wuxuu igu yidhi, Adigu waxaad tahay wiilkayga, Maantaan ku dhalay. 8 I bari oo waxaan dhaxal ahaan kuu siin doonaa quruumaha, Oo dunida meelaha ugu fogfogna hanti ahaan baan kuu siin doonaa. 9 Waxaad iyaga ku jejebin doontaa ul bir ah, Oo waxaad u burburin doontaa sida weelka dheryasameeyaha. 10 Haddaba sidaas daraaddeed, Boqorradow, caqli yeesha, Oo xaakinnada dhulkow, edeb yeesha. 11 Rabbiga cabsi ugu adeega, Oo reyreeya idinkoo gariiraya. 12 Wiilka dhunkada, waaba intaasoo uu idiin cadhoodaa oo aad jidka ku baabba'daane. Waayo, cadhadiisu haddiiba way kululaan doontaa. Waxaa barakaysan kuwa isaga isku halleeya oo dhan.
  • Sab 9:14 : 14 Si aan u muujiyo ammaantaada oo dhan, Badbaadadaada aawadeed ayaan ugu farxi doonaa irdaha Siyoon.
  • Sab 45:1-9 : 1 Qalbigaygu wuxuu la buuxdhaafaa hadal wanaagsan, Oo waxaan boqorka u sheegayaa waxyaalihii aan sameeyey, Carrabkaygu waa sida karraani dhaqsiyo badan qalinkiis. 2 Adigu waad ka sii quruxsan tahay binu-aadmiga, Oo bushimahaaga waxaa ka buuxda nimco, Sidaas daraaddeed ayaa Ilaah kuu barakeeyey weligaaba. 3 Seeftaadu bowdadaada ha saarnaato, kaaga xoogga badanow, Oo quruxda iyo haybadda lahow. 4 Runta iyo camalqabowga iyo xaqnimada daraaddood, Waxaad faraskaaga ku fuushaa haybad adigoo barwaaqaysan, Oo gacantaada midigna waxay ku bari doontaa waxyaalo cabsi badan. 5 Fallaadhahaagu waa af badan yihiin, Oo waxay wadnaha ka mudaan boqorka cadaawayaashiisa, Dadyowguna hoostaaday ku soo dhacaan. 6 Carshigaagu, Ilaahow, waa weligiis iyo weligiis, Oo ul caddaaladdeedna waa usha boqortooyadaada. 7 Adigu xaqnimada waad jeclayd, oo xumaantana waad necbayd, Sidaas daraaddeed Ilaaha Ilaahaaga ahi wuxuu kuugu subkay Saliidda farxadda, oo kuwa ku weheliyana wuu kaa sarraysiiyey. 8 Dharkaaga oo dhan waxaa ka soo carfa malmal, iyo cuud, iyo qasica. Oo qasriyo fool maroodi ah ayaa kaaga farxiyey alaab muusiko xadhko leh. 9 Dumarkaaga sharafta leh waxaa ku jira gabdhaha boqorrada, Midigtaadana waxaa taagan boqoradda oo isku sharraxday dahabkii Oofir. 10 Haddaba, gabadhoy, bal i maqal, oo fiirso, oo dhegta soo dhig, Oo weliba waxaad illowdaa dadkaagii iyo gurigii aabbahaa; 11 Markaasuu boqorku quruxdaada jeclaanayaa, Waayo, isagu waa sayidkaaga, oo adna isaga u sujuud. 12 Oo waxaa halkaas joogi doonta gabadha reer Turos, iyadoo hadiyad wadda, Xataa taajiriinta dadka ku jirtaa waxay kaa baryi doonaan raallinimo. 13 Gabadha boqorka oo hoyga boqorka joogtaa waa qurux miidhan, Dharkeeda dahab baa lagu dhex sameeyey. 14 Waxaa boqorka loo geeyn doonaa iyadoo sharraxan, Bikradaha saaxiibadaheeda ah oo iyada daba socdana waa laguu keeni doonaa. 15 Waxaa iyaga lagu hoggaamin doonaa farxad iyo rayrayn, Oo waxay soo geli doonaan hoyga boqorka. 16 Meeshii awowayaashaa waxaa joogi doona wiilashaada, Kuwaas oo aad dunida oo dhan amiirro uga dhigi doonto. 17 Magacaaga waxaan ka dhigi doonaa mid ka ab ka ab la xusuusto, Sidaas daraaddeed dadyowgu mahad bay kuu naqi doonaan weligood iyo weligood.
  • Sab 72:1-9 : 1 Ilaahow, boqorka xukummadaada sii, Oo wiilka boqorkana xaqnimadaada sii. 2 Isagu dadkaaga wuxuu ku xukumi doonaa xaqnimo, Oo masaakiintaadana caddaalad. 3 Buuruhu waxay dadka u keeni doonaan nabad, Kuruhuna waxay nabad ugu keeni doonaan xaqnimada. 4 Isagu wuxuu u garsoori doonaa dadka masaakiintiisa, Oo wuxuu badbaadin doonaa ka baahan carruurtiisa, Oo kan wax dulmana cadcad buu u kala jejebin doonaa. 5 Way kaa cabsan doonaan inta qorraxdu jirto, Iyo inta dayaxu jiro tan iyo ka ab ka ab. 6 Isagu wuxuu u soo degi doonaa sida roob caws la jaray ku dul hoora, Iyo sida tiixyo dhulka biyeeya. 7 Wakhtigiisa ayaa kan xaqa ahu barwaaqoobi doonaa, Oo nabadduna way badan doontaa tan iyo inta dayaxu aanu mar dambe jiri doonin. 8 Oo isagu wuxuu u talin doonaa bad ilaa ka bad, Iyo tan iyo Webiga iyo ilaa dhulka darfihiisa. 9 Kuwa cidlada degganu hortiisay ku sujuudi doonaan; Oo cadaawayaashiisuna ciidday leefleefi doonaan. 10 Boqorrada Tarshiish iyo kuwa gasiiraduhuba waxay isaga u keeni doonaan gabbaro, Boqorrada Shebaa iyo kuwa Sebaana waxay isaga siin doonaan hadiyado. 11 Haah, oo boqorrada oo dhammu hortiisay ku wada sujuudi doonaan, Oo quruumaha oo dhammuna isagay u adeegi doonaan. 12 Waayo, isagu wuxuu samatabbixin doonaa kan baahan markuu qayliyo, Iyo miskiinka aan mid caawiya lahayn. 13 Wuxuu u nixi doonaa miskiinka iyo kan baahan, Oo kuwa baahan naftoodana wuu badbaadin doonaa. 14 Naftooduu ka furan doonaa khiyaano iyo dulmi, Oo dhiiggooduna hortiisuu qaali ku ahaan doonaa, 15 Oo isagu wuu noolaan doonaa, oo waxaa la siin doonaa dahabka Shebaa; Had iyo goorba dadku way u ducayn doonaan, Oo weliba maalinta oo dhan isagay ammaani doonaan. 16 Oo dhulka waxaa jiri doona hadhuudh badan xagga buuraha dushooda, Oo midhihiisuna waxay u soo ruxmi doonaan sida Lubnaan oo kale, Oo kuwa magaalada joogaana waxay u barwaaqoobi doonaan sida doogga dhulka. 17 Magiciisu weligiis buu waari doonaa, Magiciisu waa sii jiri doonaa in alla intay qorraxdu jirto; Oo dadku way ku barakoobi doonaan isaga, Quruumaha oo dhammuna waxay ugu yeedhi doonaan farxaan. 18 Mahad waxaa leh Rabbiga Ilaahaa oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil, Oo keligiis sameeya waxyaalo yaab badan, 19 Magiciisa ammaanta badanu mahad ha lahaado weligiisba, Oo dhulka oo dhanna ammaantiisu ha ka buuxsanto. Aamiin iyo Aamiin. 20 Daa'uud ina Yesay baryootannadiisii way dhammaadeen.
  • Sab 110:1-4 : 1 Rabbigu wuxuu Sayidkayga ku yidhi, Midigtayda fadhiiso, Ilaa aan cadaawayaashaada ka dhigo meeshaad cagahaaga saaratid. 2 Rabbigu wuxuu Siyoon ka soo diri doonaa ushii xooggaaga, Cadaawayaashaada dhexdooda ka tali. 3 Dadkaagu iyagoo raalli ah bay isbixiyaan maalintii xooggaaga, Iyagoo leh quruxda quduusnimada, ee ka timaada uurka waaberiga, Adigaa leh sayaxa dhallinyaranimadaada. 4 Rabbigu wuu dhaartay, kana soo noqon maayo, oo wuxuu yidhi, Adigu weligaaba wadaad baad tahay, Sidii derejadii Malkisadaq.
  • Ish 9:6-7 : 6 Waayo, waxaa inoo dhashay ilmo, waxaa layna siiyey wiil, oo boqornimadu garbihiisay saarmi doontaa, oo magiciisana waxaa loo bixin doonaa Ka Yaabkaleh, iyo Lataliye, iyo Ilaaha Xoogga leh, iyo Aabbaha Daa'imka ah, iyo Amiirka Nabadda. 7 Oo boqornimadiisa iyo nabaddu way badnaan doonaan, dhammaadna uma lahaan doonaan carshiga Daa'uud iyo boqortooyadiisa, in la sii adkeeyo, oo caddaalad iyo xaqnimo lagu sii hayo haatan iyo tan iyo weligeedba. Oo tan waxaa samayn doona qiirada Rabbiga ciidammada.
  • Ish 12:6 : 6 Kuwiinna Siyoon degganow, aad u qayliya oo dhawaaqa, waayo, Kan Quduuska ah oo reer binu Israa'iil ee dhexdiinna joogaa wuu weyn yahay.
  • Ish 40:9 : 9 ¶ Kaaga warka wanaagsan Siyoon u keenayow, buurta dheer kor u sii fuul, kaaga warka wanaagsan Yeruusaalem keenayow, codkaaga kor xoog ugu qaad, kor u sii qaad, oo innaba ha cabsan. Oo magaalooyinka dalka Yahuudah waxaad ku tidhaahdaa, War bal Ilaahiinna eega!
  • Mat 12:19-20 : 19 Ma uu ilaaqtami doono, mana qaylin doono, Ninnana codkiisa jidadka kama maqli doono. 20 Cawsduur nabar leh ma jebin doono, Dubaalad qiiqaysana ma demin doono, Ilaa uu xukunka u soo bixiyo libta.
  • Mark 11:4-9 : 4 Markaasay tageen oo heleen qayl ku xidhan irid agteed meel dibadda ah oo jidka dhexdiisaa, wayna soo fureen. 5 Kuwa halkaa taagnaa qaarkood waxay ku yidhaahdeen, Maxaad samaynaysaan oo u furaysaan qaylka? 6 Kolkaasay waxay ku yidhaahdeen sida Ciise u amray, markaasay oggolaadeen. 7 Waxay qaylkii u keeneen Ciise, dharkoodana ayay dusha ka saareen, wuuna ku fadhiistay. 8 Dad badan baa dharkoodii jidka ku goglay, kuwa kalena laamo ayay beeraha ka soo jareen oo jidka ku gogleen. 9 Kuwii hor socday iyo kuwii daba socdayba way qayliyeen oo yidhaahdeen, Hoosanna, waxaa barakaysan kan Rabbiga magiciisa ku imanayo. 10 Waxaa barakaysan boqortooyada imanaysa oo aabbeheen Daa'uud. Hoosanna ha ku jirto meelaha ugu sarreeya. 11 ¶ Markaasaa Ciise Yeruusaalem yimid oo galay macbudka. Goortuu hareeraha iyo wax walbaba eegay, oo gabbalkiina dhacay, ayuu Beytaniya laba-iyo-tobankii ula baxay.
  • Yoox 1:49 : 49 Kolkaasaa Nataana'el u jawaabay oo ku yidhi, Macallimow, waxaad tahay Wiilka Ilaah, oo waxaad tahay boqorkii Israa'iil.
  • Yoox 19:15-22 : 15 Sidaa daraaddeed waxay ku qayliyeen, Kaxee, kaxee, iskutallaabta ku qodob. Markaasaa Bilaatos wuxuu ku yidhi, Boqorkiinna miyaan iskutallaabta ku qodbaa? Wadaaddadii sare ayaa ugu jawaabay, Boqor ma lihin Kaysar maahee. 16 ¶ Markaasuu haddaba u dhiibay in iskutallaabta lagu qodbo. 17 Wayna kaxeeyeen Ciise. Markaas isagoo sita iskutallaabta ayuu u kacay meeshii Dhakada la yidhaahdo, oo af Cibraaniga lagu odhan jiray Golgota, 18 meeshaasay iskutallaabaha ku qodbeen isaga iyo laba kale, midba gees, Ciisena dhexda. 19 Bilaatosna wax buu qoray oo ku dhejiyey iskutallaabta dusheeda, waxaana ku qorraa, CIISIHII REER NAASARED, BOQORKA YUHUUDDA. 20 Haddaba Yuhuudda badideed ayaa qorniinkaas akhriday, waayo, meeshii Ciise iskutallaabta lagaga qodbay waa u dhowayd magaalada, oo qorniinkii wuxuu ku qorraa af Cibraaniga iyo af Roomaaniga iyo af Gariigga. 21 Sidaa daraaddeed wadaaddadii sare oo Yuhuudda waxay Bilaatos ku yidhaahdeen, Ha qorin, Boqorka Yuhuudda, laakiin qor, Kanaa yidhi, Waxaan ahay Boqorka Yuhuudda. 22 Bilaatos ayaa ugu jawaabay, Waxaan qoray ayaan qoray.
  • 2 Kor 10:1 : 1 ¶ Aniga qudhayda oo Bawlos ah waxaan idinku baryayaa qabownimada iyo raxmadda Masiixa, anigoo is-hoosaysiiya markaan dhexdiinna joogo, laakiin xaggiinna geesi ku ah markaan idinka maqnahay.
  • Fil 2:3-5 : 3 Idinku waxba ha ku samaynina iskala-qaybqaybin iyo faan bilaash ah, laakiinse wax walba ku sameeya is-hoosaysiin, idinkoo midkiinba midka kale ku tirinayo inuu ka kale isaga ka wanaagsan yahay. 4 Midkiin waluba yuusan fiiro u lahaan waxyaalihiisa, laakiinse midkiin waluba fiiro ha u lahaado waxyaalaha kuwa kale. 5 ¶ Fikirkaas oo Ciise Masiix ku jiray, idinkana ha idinku jiro.
  • Mat 2:2 : 2 Xaggee buu joogaa boqorka Yuhuudda ee dhashay? Waayo, bari ayaannu xiddigtiisii ka aragnay, oo waxaannu u nimid inaannu caabudno.
  • Mat 2:6 : 6 Adigu Beytlaxam, oo dhulka Yahuudah ahay, Kuma aad yaridba caaqillada Yahuudah dhexdooda, Waayo, waxaa adiga kaa soo bixi doona taliye, Kan dadkayga Israa'iil u talin doona.
  • Yer 23:5-6 : 5 ¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaa soo socda wakhti aan Daa'uud u kicin doono biqil xaq ah, oo boqor ayuu ahaan doonaa, wuuna liibaani doonaa, oo wuxuu dhulka ku samayn doonaa caddaalad iyo xaqnimo. 6 Oo wakhtigiisa dadka Yahuudah way badbaadi doonaan, oo dadka Israa'iilna ammaan bay ku degganaan doonaan, oo magiciisa lagu magacaabi doonona waa Rabbiga Xaqnimadayada ah.
  • Yex 34:24 : 24 Oo aniga Rabbiga ahu Ilaahooda baan ahaan doonaa, oo addoonkayga Daa'uudna wuxuu ahaan doonaa amiir dhexdooda jooga. Aniga Rabbiga ah ayaa saas ku hadlay.
  • Yex 37:24 : 24 Oo addoonkaygii Daa'uud ayaa iyaga boqor u ahaan doona, oo kulligoodna waxay lahaan doonaan adhijir qudha; oo weliba xukummadayday ku dhex socon doonaan, oo qaynuunnadaydana way dhawri doonaan oo way wada samayn doonaan.
  • Daan 2:44-45 : 44 Oo wakhtiga boqorradaas ayaa Ilaaha samadu dhisi doonaa boqortooyo aan weligeed la baabbi'inayn, ama dowladnimadeedu aanay dad kale uga wareegayn, laakiinse way jejebin doontaa oo baabbi'in doontaa boqortooyooyinkaas oo dhan, markaasay weligeed taagnaan doontaa. 45 Waayo, waxaad aragtay dhagax buurta laga soo gooyay oo aan gacmo lagu gooyn, oo kala jejebiyey birtii, iyo naxaastii, iyo dhoobadii, iyo lacagtii, iyo dahabkii; Ilaaha weynu wuxuu, boqorow, ku ogeysiiyey waxa dhici doona hadda dabadeed, riyaduna waa dhab, fasirkeeduna waa wax la hubo.
  • Daan 7:13-14 : 13 Riyadii habeennimada waxaan ku arkay mid u eg wiilkii aadan aha oo ku yimid daruuraha samada, oo wuxuu u yimid, kii da'da weynaa, oo waa loo soo dhoweeyey oo hortiisaa la soo taagay. 14 Oo waxaa la siiyey dowladnimo iyo ammaan iyo boqortooyo, inay dadyowga, iyo quruumaha, iyo kuwa kala afka ahu u wada adeegaan. Dowladnimadiisu waa dowladnimo weligeed jiraysa, oo aan dhammaanayn, boqortooyadiisuna waa mid aan la baabbi'in doonin.
  • Hos 1:7 : 7 Laakiinse waxaan u naxariisan doonaa dadka Yahuudah, oo waxaan iyaga ku badbaadin doonaa Rabbiga Ilaahooda ah, oo kuma badbaadin doono qaanso, ama seef, ama dagaal, ama fardo iyo fardooley toona.
  • Miik 5:2 : 2 ¶ Laakiinse adigu Beytlaxam Efraataahay in kastoo aad ku yar tahay kumanyaalka reer Yahuudah, waxaa adiga iiga kaa soo bixi doona mid dalka Israa'iil taliye ka noqon doona, kaasoo bixitinkiisu ahaa waa hore, iyo tan iyo weligiis.
  • Miik 5:10-11 : 10 ¶ Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Wakhtigaas fardihiinna waan idinka dhex baabbi'in doonaa, oo gaadhifardoodkiinnana waan wada jejebin doonaa. 11 Oo magaalooyinka dalkiinna waan baabbi'in doonaa, oo qalcadihiinnana waan wada dumin doonaa.
  • Saf 3:14-15 : 14 ¶ Magaalada Siyoonay, gabay, reer binu Israa'iilow, qayliya, Magaalada Yeruusaalemay, farax oo qalbiga oo dhan ku reyree. 15 Rabbigu wuxuu qaaday xukummadaadii, oo cadowgaagiina wuu tuuray. Boqorkii reer binu Israa'iil oo Rabbiga ah ayaa dhexdaada jooga, oo mar dambe shar ka baqi maysid.
  • Sak 6:12-13 : 12 Isaga la hadal, oo waxaad ku tidhaadaa, Rabbiga ciidammadu sidanuu u hadlaa oo leeyahay, Bal eega ninka magiciisu yahay Biqilka. Wuxuu ku kori doonaa meeshiisa, oo macbudka Rabbiga ayuu dhisi doonaa. 13 Isaga qudhiisa ayaa dhisi doona macbudka Rabbiga, oo isagu ammaantuu sidan doonaa, oo carshiga ayuu ku dul fadhiyi doonaa oo ku talin doonaa. Wuxuu ahaan doonaa wadaad carshigiisa ku dul fadhiya, oo labadoodaba waxaa u dhaxayn doona taladii nabaadiinada.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 92%

    12¶ Maalintii xigtay dad badan oo u yimid iiddii, markay maqleen inuu Ciise Yeruusaalem imanayo,

    13waxay qaateen laamihii geedaha timirta ah, oo ay baxeen inay ka hor tagaan, iyagoo ku dhawaaqaya Hoosanna, waxaa barakaysan kan Rabbiga magiciisa ku imanaya oo boqorka Israa'iil ah.

    14Ciise wuxuu helay dameer yar oo fuulay, siday ugu qoran tahay,

    15Ha biqin, gabadhii Siyoonay; bal eeg, Boqorkaagu waa imanayaa isagoo fuushan qayl dameereed.

    16Markii hore xertiisii waxyaalahaas ma ay garan, laakiin markii Ciise ammaanmay dabadeed ayay xusuusteen in waxyaalahaas xaggiisa laga qoray iyo in waxyaalahaas lagu sameeyey isaga.

  • Sak 9:9-10
    2 aayado
    88%

    9¶ Magaalada Siyoonay, si weyn u reyree, magaalada Yeruusaalemay, qayli. Bal eeg, boqorkaagu waa kuu imanayaa. Isagu waa xaq oo guul buu leeyahay, waana qalbi qabow yahay, oo wuxuu fuushan yahay dameer ah qayl dameereed.

    10Oo anigu Efrayim gaadhifardood kasta waan ka baabbi'in doonaa, oo Yeruusaalemna faras kuma reebi doono, oo qaansada dagaalkana waa la baabbi'in doonaa. Isna quruumaha nabad buu kula hadli doonaa, oo dowladnimadiisuna waxay gaadhi doontaa bad ilaa baddeeda kale, iyo tan iyo Webiga iyo xataa dhulka darafyadiisa.

  • Mat 21:1-4
    4 aayado
    85%

    1¶ Goortay Yeruusaalem ku soo dhowaadeen oo ay Beytfaage galeen ilaa Buur Saytuun, markaasaa Ciise laba xer ah diray,

    2oo wuxuu ku yidhi, Tuulada idinka soo hor jeedda taga, oo kolkiiba waxaad ka helaysaan dameer xidhan iyo qayl la jooga. Soo fura oo ii keena,

    3oo haddii nin wax idinku yidhaahdo, waxaad ku tidhaahdaan, Sayidkaa u baahan, oo kolkiiba wuu soo diri doonaa.

    4Waxanu waa dhaceen in la arko wixii nebiga lagaga dhex hadlay markuu yidhi,

  • Mat 21:6-10
    5 aayado
    83%

    6Markaasaa xertii tagtay, oo sida Ciise ku amray ayay yeeleen.

    7Dameertii iyo qaylkii ayay keeneen, oo dharkoodii bay dusha ka saareen, wuuna ku fadhiistay.

    8Dadka badidooda ayaa dharkoodii jidka ku goglay, qaar kalena laamo ayay geedaha ka soo jareen oo jidka ku gogleen.

    9Dadkii badnaa oo hor socday iyo kuwii daba socday waxay ku qayliyeen, Hoosanna ha u jirto ina Daa'uud. Waxaa barakaysan kan Rabbiga magiciisa ku imanaya, Hoosanna ha ku jirto meelaha ugu sarreeya.

    10Oo goortuu Yeruusaalem galay, magaalada oo dhan waa kacsanayd, iyagoo leh, Kanu yuu yahay?

  • Mark 11:1-5
    5 aayado
    80%

    1¶ Goortay Yeruusaalem ku soo dhowaadeen, halka Beytfaage iyo Beytaniya, xaggii Buur Saytuun, xertiisii ayuu laba ka diray.

    2Wuxuuna ku yidhi, Tuulada idinka soo hor jeedda taga, oo kolkiiba markaad gashaan waxaad ka helaysaan qayl xidhan oo aan ninna weligii fuulin. Soo fura oo keena.

    3Haddii nin idinku yidhaahdo, Maxaad waxan u samaynaysaan? waxaad ku tidhaahdaan, Sayidkaa u baahan, oo kolkiiba wuu u soo diri doonaa halkan.

    4Markaasay tageen oo heleen qayl ku xidhan irid agteed meel dibadda ah oo jidka dhexdiisaa, wayna soo fureen.

    5Kuwa halkaa taagnaa qaarkood waxay ku yidhaahdeen, Maxaad samaynaysaan oo u furaysaan qaylka?

  • Luuk 19:28-38
    11 aayado
    79%

    28¶ Goortuu waxaas ku hadlay ayuu hore u socday oo Yeruusaalem tegey.

    29Goortuu Beytfaage iyo Beytaniya ku dhowaaday ilaa buurta Buur Saytuun la yidhaahdo ayuu laba xer ah diray,

    30isagoo leh, Tuulada idinka soo hor jeedda taga, tan goortaad gashaan aad ka helaysaan qayl xidhan oo aan ninna weligii fuulin; soo fura oo keena.

    31Haddii laydin weyddiiyo oo laydinku yidhaahdo, Maxaad u furaysaan? waxaad ku tidhaahdaan, Sayidkaa u baahan.

    32Markaasay kuwii la diray tageen oo heleen sidii lagu yidhi.

    33Kolkay qaylka furayeen ayaa kuwii lahaa ku yidhaahdeen, Maxaad qaylka u furaysaan?

    34Waxay ku yidhaahdeen, Sayidkaa u baahan.

    35Markaasay Ciise u keeneen, oo dharkoodii bay qaylkii dusha ka saareen, oo Ciise ayay fuusheen.

    36Oo intuu socday, dharkoodii ayay jidka ku gogleen.

    37Goortuu ku soo dhowaanayay xataa meeshii Buur Saytuun laga dego, dadkii oo dhan oo xertii ahaa ayaa bilaabay inay farxaan, oo cod weyn Ilaah ku ammaanaan waxa xoogga leh oo dhan oo ay arkeen aawadood,

    38iyagoo leh, Waxaa barakaysan Boqorka Rabbiga magiciisa ku imanaya. Nabadi jannada ha ku jirto, ammaantuna meelaha ugu sarreeya.

  • Mark 11:7-11
    5 aayado
    78%

    7Waxay qaylkii u keeneen Ciise, dharkoodana ayay dusha ka saareen, wuuna ku fadhiistay.

    8Dad badan baa dharkoodii jidka ku goglay, kuwa kalena laamo ayay beeraha ka soo jareen oo jidka ku gogleen.

    9Kuwii hor socday iyo kuwii daba socdayba way qayliyeen oo yidhaahdeen, Hoosanna, waxaa barakaysan kan Rabbiga magiciisa ku imanayo.

    10Waxaa barakaysan boqortooyada imanaysa oo aabbeheen Daa'uud. Hoosanna ha ku jirto meelaha ugu sarreeya.

    11¶ Markaasaa Ciise Yeruusaalem yimid oo galay macbudka. Goortuu hareeraha iyo wax walbaba eegay, oo gabbalkiina dhacay, ayuu Beytaniya laba-iyo-tobankii ula baxay.

  • 13Markaasuu wiilashiisii ku yidhi, War dameerka ii kooreeya. Dameerkiina way u kooreeyeen oo isna wuu fuulay.

  • 27Markaasuu wiilashiisii la hadlay oo ku yidhi, War dameerka ii kooreeya. Oo iyana way u kooreeyeen.

  • 15Laakiin wadaaddada sare iyo culimmadu goortay arkeen waxyaalaha yaabka leh oo uu suubbiyey iyo carruurta macbudka ka qaylinaysa, iyagoo leh, Hoosanna ha u jirto ina Daa'uud, way cadhoodeen

  • 11Qaylkiisa wuxuu ku xidhaa geed canab ah, Dameerkiisa yarna canabka la doorto, Dharkiisa wuxuu ku maydhaa khamri, Lebiskiisana dhiig canab.

  • 10Bal taas ka warama kuwiinna dameerraha cadcad fuushan, Iyo kuwiinna ku fadhiya gogosha wanaagsan, Iyo kuwiinna jidka marow.

  • 21¶ Oo subaxdii dambe ayaa Balcaam kacay oo dameertiisii kooraystay, kolkaasuu raacay amiirradii reer Moo'aab.

  • 23Markaasaa dameertii waxay aragtay malaa'igtii Rabbiga oo jidka taagan oo seefteedii oo galka ka baxsan gacanta ku haysata. Kolkaasay dameertii jidka ka leexatay oo berrinka gashay. Oo Balcaamna dameertii wax buu ku dhuftay si uu jidka ugu soo celiyo.

  • 27Oo haddana dameertii waxay aragtay malaa'igtii Rabbiga, markaasay iska jiifsatay Balcaam hoostiisa, Balcaamna wuu cadhooday, oo dameertii usha ku dhuftay.

  • 39Waayo, waxaan idinku leeyahay, Ima arki doontaan hadda dabadeed ilaa aad tidhaahdaan, Waxaa barakaysan kan Rabbiga magiciisa ku imanaya.

  • 26Oo isna wuxuu ku jawaabay, Boqorow, sayidkaygiiyow, waxaa i khiyaaneeyey addoonkaygii, waayo, anoo addoonkaagii ah waxaan is-idhi, Waxaan kooraysan dameer inaan fuulo aawadeed, markaasaan boqorka raaci doonaa, waayo, curyaan baan ahay.

  • 7Oo markaasuu arkay ciidan fardo fuushan oo laba laba u socda, iyo ciidan dameerro fuushan, iyo ciidan rakuubbo fuushan, aad buuna u dhegaystay oo aad iyo aad buu uga fikiray.

  • 17si ay u noqoto wixii lagaga dhex hadlay nebi Isayos isagoo leh,

  • 24Markaasay dameer kooraysatay, oo midiidinkeedii waxay ku tidhi, Igu kaxee oo hore u soco, oo anigoo kugu amra mooyaane ha i raajin.