Matayos 23:24

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Hoggaamiyayaal yahow indhaha la'u oo kaneecada iska miira oo awrka liqa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Mat 19:24 : 24 Haddana waxaan idinku leeyahay, Nin hodan ah inuu boqortooyada Ilaah galo waxaa ka hawl yar in awr irbad daloolkeed ka duso.
  • Mat 15:2-6 : 2 Xertaadu maxay xeerka waayeellada uga gudbaan? Waayo, ma faro xashaan goortay kibis cunayaan. 3 Wuu u jawaabay oo ku yidhi, Idinkuba maxaad amarkii Ilaah uga gudubtaan xeerkiinna aawadiis? 4 Waayo, Ilaah wuxuu amray, Aabbahaa iyo hooyadaa maamuus, oo Kan aabbihii ama hooyadii caayaa, dhimasho ha ku dhammaado. 5 Laakiin waxaad leedihiin, Kan aabbihii ama hooyadii ku yidhaahda, Wixii aan idiin tari lahaa, hadiyad baan Ilaah ugu bixiyey, 6 aabbihii ama hooyadii maamuusi maayo. Xeerkiinna ayaad erayga Ilaah ku buriseen.
  • Mat 27:6-8 : 6 Kolkaasaa wadaaddadii sare lacagtii qaadeen oo waxay yidhaahdeen, Xalaal ma aha in khasnadda quduuska ah lagu rido, waayo, waa dhiig iibkiis. 7 Markaasay ka wada hadleen oo waxay ku iibsadeen dhulka dheriyasameeyaha in shisheeyaha lagu aaso. 8 Sidaa darteed ilaa maanta dhulkaas waxaa loogu yeedhaa dhulkii dhiigga.
  • Luuk 6:7-9 : 7 Culimmadii iyo Farrisiintii ayaa fiirinayay inuu sabtida wax bogsiinayo iyo in kale, si ay ugu helaan wax ay ku ashtakeeyaan. 8 Isaguse wuxuu gartay fikirradoodii; goortaasuu ninkii gacanta engegnaa ku yidhi, Kac oo dhexda isa soo taag. Wuuna kacay oo istaagay. 9 Ciise wuxuu ku yidhi, Wax baan idin weyddiinayaa, Sabtida ma xalaal baa in wanaag la falo ama shar, in naf la badbaadiyo ama in la dilo? 10 Markaasuu isha wada mariyey, wuxuuna ninkii ku yidhi, Gacantaada soo taag. Markaasuu yeelay sidaas, gacantiisuna waa bogsatay.
  • Yoox 18:28 : 28 ¶ Haddaba Ciise ayay ka kaxeeyeen Kayafas ilaa guriga taliyaha. Waxay ahayd aroortii hore, oo iyagu ma ay gelin guriga taliyaha si aanay u nijaasoobin, laakiinse inay cashadii Iidda Kormaridda wax ka cunaan.
  • Yoox 18:40 : 40 Kolkaasay dhammaan mar kale qayliyeen iyagoo leh, Ninkan ma aha, laakiin Baraabbas. Baraabbas wuxuu ahaa waxdhace.
  • Mat 7:4 : 4 Sidee baad walaalkaa ugu odhan doontaa, I daa, saxarka ishaada ku jira aan kaa saaree; oo dogob baa ishaada ku jiree?
  • Mat 23:16 : 16 ¶ Waa idiin hoog, hoggaamiyayaal yahow indhaha la'u oo leh, Ku alla kii macbudka ku dhaarta, waxba ma aha, laakiin ku alla kii dahabkii macbudka ku dhaarta, wuxuu ku dhaartay waa lagu leeyahay.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 23¶ Waa idiin hoog, culimmo iyo Farrisiin yahay, labawejiilayaasha ahu, waayo, reexaanta iyo kabsarta iyo kamuunta toban meelood ayaad meel ka bixisaan, oo waxaad dhaafteen wixii sharciga ugu cuslaa, waxaa weeye xukunka iyo naxariista iyo iimaanka. Waxaad lahaydeen inaad waxan samaysaan oo aydnaan kuwa kale dhaafin.

  • Mat 23:25-29
    5 aayado
    81%

    25¶ Waa idiin hoog, culimmo iyo Farrisiin yahay, labawejiilayaasha ahu, waayo, koobka iyo saxanka dushaad ka nadiifisaan, laakiin gudaha waxaa ka buuxa dulun iyo damacbadnaan.

    26Farrisi yahow indhaha la'u, horta koobka gudaha ka nadiifi in dushiisuna nadiifsanaato.

    27¶ Waa idiin hoog, culimmo iyo Farrisiin yahay, labawejiilayaasha ahu, waayo, waxaad u eg tihiin xabaalo la caddeeyey, kuwa dushoodu u eg tahay wax qurxoon, laakiin hoosta waxaa ka buuxa lafo dad dhintay iyo wasakh oo dhan.

    28Sidaas oo kalena idinku dusha waxaad dadka ugu eg tihiin dad xaq ah, laakiin gudaha waxaa idinka buuxa labawejiilenimo iyo dembi.

    29¶ Waa idiin hoog, culimmo iyo Farrisiin yahay, labawejiilayaasha ahu, waayo, waxaad dhistaan xabaalaha nebiyada, oo waxaad qurxisaan qabriyada kuwii xaqa ahaa;

  • Mat 23:13-17
    5 aayado
    77%

    13¶ Laakiin waa idiin hoog, culimmo iyo Farrisiin yahay oo labawejiilayaasha ahu, waayo, boqortooyada jannada ayaad dadka ka xidhaan, maxaa yeelay, idinku ma gashaan, oo kuwa gelayana uma deysaan inay galaan.

    14Waa idiin hoog, culimmo iyo Farrisiin yahay, labawejiilayaasha ahu, waayo, waxaad laasataan guryaha carmallada, oo tukashooyin dhaadheer ayaad istusid u tukataan, sidaa darteed waxaad heli doontaan xisaab aad u daran.

    15Waa idiin hoog, culimmo iyo Farrisiin yahay, labawejiilayaasha ahu, waayo, badda iyo dhulka waxaad u wareegtaan inaad mid soo hadaysaan, oo kolkuu sidaas noqdo, waxaad ka dhigtaan wiilka jahannamada laba kol in idinka badan idinka.

    16¶ Waa idiin hoog, hoggaamiyayaal yahow indhaha la'u oo leh, Ku alla kii macbudka ku dhaarta, waxba ma aha, laakiin ku alla kii dahabkii macbudka ku dhaarta, wuxuu ku dhaartay waa lagu leeyahay.

    17Doqonno yahow indhaha la'u, kee baa weyn, dahabka iyo macbudka dahabka quduus ka dhiga?

  • Mat 23:2-5
    4 aayado
    75%

    2oo wuxuu ku yidhi, Culimmada iyo Farrisiinta waxay ku fadhiistaan kursiga Muuse.

    3Haddaba wax walba oo ay idiin sheegaan inaad dhawrtaan, dhawra oo yeela, laakiin siday sameeyaan ha samaynina, waayo, wax bay yidhaahdaan, mana sameeyaan.

    4Waxay isku xidhxidhaan culaabo culculus oo waxay saaraan dadka garbihiisa, laakiin iyagu dooni maayaan inay fartooda ku dhaqaajiyaan.

    5Laakiin shuqulkooda oo dhan waxay u sameeyaan in dadku arko, waayo, xirsiyadooda way ballaadhiyaan, oo faraqa dharkoodana way weyneeyaan;

  • 74%

    41Laakiin waxa gudaha ah sadaqad u bixiya, oo bal eeg, wax walba waa idiin nadiifsan yihiin.

    42¶ Laakiin waa idiin hoog, Farrisiin yahay, waayo, reexaanta iyo kabsarta iyo khodaarta oo dhan toban meelood ayaad meel ka bixisaan, oo waxaad dhaaftaan xukunka iyo jeclaanta Ilaah. Waxaad lahaydeen inaad waxan samaysaan oo aydnaan kuwa kale dhaafin.

    43Waa idiin hoog, Farrisiin yahay, waayo, waxaad jeceshihiin kursiyada hore oo sunagogyada, iyo salaanta suuqa.

    44Waa idiin hoog, waayo, waxaad tihiin sida xabaalo aan muuqanaynin; nimanka dul marayaana aanay garanaynin.

  • 14Iska daaya. Iyagu waa indhoolayaal indhoolayaal hagayaye. Laakiin nin indha la' hadduu nin indha la' hago, labadooduba god bay ku dhici doonaan.

  • 39Sayidka ayaa ku yidhi, Haddeer idinkoo Farrisiin ah waxaad dusha ka nadiifisaan koobka iyo xeedhada, laakiin xaggiinna hoose waxaa ka buuxa dulun iyo shar.

  • 39¶ Markaasuu masaal kula hadlay. Indhoole indhoole ma hagi karaa? Labadoodu miyaanay god ku dhici doonin?

  • 46Markaasuu ku yidhi, Idinkana waa idiin hoog, sharciga sheegayaal yahow, waayo, waxaad nimanka ku rartaan wax culus oo qaadiddoodu dhib leedahay; idinkuse farihiinna middood kuma taabataan culaabta.

  • 24Haddana waxaan idinku leeyahay, Nin hodan ah inuu boqortooyada Ilaah galo waxaa ka hawl yar in awr irbad daloolkeed ka duso.

  • Mat 7:3-6
    4 aayado
    70%

    3Saxarka isha walaalkaa ku jira maxaad u aragtaa, dogobka ishaada ku jirase aad u fiirsan weydaa?

    4Sidee baad walaalkaa ugu odhan doontaa, I daa, saxarka ishaada ku jira aan kaa saaree; oo dogob baa ishaada ku jiree?

    5Labawejiile yahow, horta dogobka ishaada ku jira iska saar, goortaasaad bayaan u arkaysaa inaad saxarka isha walaalkaa ku jira ka saarto.

    6¶ Waxa quduuska ah eeyaha ha siinina, luulkiinnana doofaarrada hortooda ha ku tuurina, si ayan ugu tuman oo ayan idinku soo jeesan oo ayan idiinkala jeexjeexin.

  • Mat 23:32-34
    3 aayado
    69%

    32Idinku haddaba dhammaystira qiyaastii awowayaashiin.

    33Abeesooyin yahow, dhal jilbisay, sidee baad uga baxsan doontaan xisaabta jahannamada?

    34Sidaa darteed, waxaan idiin soo dirayaa nebiyo iyo kuwa xigmadda leh iyo culimmo. Qaarkood waad dili doontaan oo iskutallaabta ku qodbi doontaan, qaarkoodna sunagogyadiinna ayaad ku karbaashi doontaan, oo magaalo ilaa magaalo ayaad ku silcin doontaan,

  • 69%

    46Iska jira culimmada oo doonaya inay khamiisyo dhaadheer ku socdaan, oo jecel salaanta suuqa, iyo kursiyada hore oo sunagogyada, iyo meelaha hore oo diyaafadaha,

    47kuwa wada laasta guryaha carmallada, oo tukashooyin dhaadheer istusid u tukada. Kuwaas waxay heli doonaan xisaab aad u daran.

  • 69%

    39iyo kursiyada hore oo sunagogyada, iyo meelaha hore oo diyaafadaha.

    40Waxay yihiin kuwa wada laasta guryaha carmallada, oo tukashooyin dhaadheer ayay istusid u tukadaan. Kuwaas waxay heli doonaan xisaab aad u daran.

  • 25Nin hodan ah inuu boqortooyada Ilaah galo waxaa ka hawl yar in awr irbad daloolkeed ka duso.

  • 7Labawejiilayaalow, Isayos aad buu wax idiinka sii sheegay markuu yidhi,

  • Luuk 6:41-42
    2 aayado
    68%

    41Saxarka isha walaalkaa ku jira maxaad u aragtaa, dogobka ishaada ku jirase aad u fiirsan weydaa?

    42Sidee baad walaalkaa ugu odhan kartaa, Walaalow i daa, saxarka ishaada ku jira aan kaa saaree, adiga oo aan arkaynin dogobka ishaada ku jira? Labawejiile yahow, horta dogobka ishaada ku jira iska saar, goortaasaad bayaan u arkaysaa inaad saxarka isha walaalkaa ku jira ka saarto.

  • 52Waa idiin hoog, sharciga sheegayaal yahow, waayo, furihii garashada ayaad qaaddeen. Idinka qudhiinnu ma gelin, oo kuwii gelayayna ayaad ka hor joogsateen.

  • 25waayo, nin hodan ah inuu boqortooyada Ilaah galo waxaa ka hawl yar in awr irbad daloolkeeda ka duso.

  • 19Indhoolayaal yahow, haddaba kee baa weyn, hadiyadda iyo meesha allabariga oo hadiyadda quduus ka dhigta?

  • 15Markaasuu wuxuu ku yidhi, Idinku waxaad tihiin kuwa dadka hortooda isku soo caddeeya inaad xaq tihiin, laakiin Ilaah waa garanayaa qalbiyadiinna, waayo, wixii dadka dhexdooda lagu sarraysiiyaa, Ilaah hortiisa waa ka karaahiyo.

  • 4Habase yeeshee, kuwan oo ka mid ah kuwa calyanaqsiga raamsado oo raafka jeexan leh waa inaydaan cunin, kuwaasoo ah geela, maxaa yeelay, calyanaqsiga wuu raamsadaa, laakiinse raafkiisu ma kala jeexna, haddaba isagu waa idinka nijaas.

  • 13Ereygii Ilaah ayaad ku buriseen xeerkiinna aad bixiseen, oo wax badan oo kuwan oo kale ah ayaad samaysaan.

  • 1¶ Markii dadkii badnaa oo tirola'aanta ahaa isa soo tubeen, ilaa ay qaarba qaar ku joogjoogsadeen, wuxuu bilaabay inuu kolkii hore xertiisa ku yidhaahdo, Iska jira khamiirka Farrisiinta kan ah labawejiilenimada.

  • 8Idinku qaynuunkii Ilaah waad ka tagtaan, oo waxaad xajisaan xeerka dadka, sida dhaqidda dheriyada iyo koobabka, oo wax kale oo badan oo kuwaas la mid ah ayaad samaysaan.

  • 3Idinku baruurtaad iska cuntaan, oo dhogortana waad xidhataan, oo jarkaad qalataan, laakiinse adhiga ma aad daajisaan.

  • 56Labawejiilayaal yahow, waxaad kala garanaysaan muuqashada dhulka iyo cirka, laakiin wakhtigan sidee baad u kala garan weydaan?

  • 17Miyaydnaan garanaynin, Wax kasta oo afka galaa calooshay tagaan, oo waxaa lagu tuuraa meesha lagu saxaroodo?