Matayos 23:32

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Idinku haddaba dhammaystira qiyaastii awowayaashiin.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bil 15:16 : 16 Oo iyagu qarniga afraad halkan bay ku soo noqon doonaan: waayo, dembigii reer Amor weli ma dhamma.
  • Tir 32:14 : 14 Haddaba bal eega, idinku meeshii aabbayaashiin baad ka kacdeen, oo waxaad tihiin niman dembi miidhan ah oo soo kordhay inaad Rabbiga kaga sii cadhaysiisaan reer binu Israa'iil.
  • 1 Tes 2:16 : 16 Oo waxay noo diidaan inaannu dadka aan Yuhuudda ahayn la hadalno inay badbaadaan. Sidaasay mar walba dembiyadooda u dhammaystiraan, laakiin ugu dambaysta cadhada waa ku dul degtay.
  • Sak 5:6-9 : 6 Oo waxaan ku idhi, Waa maxay? Kolkaasuu igu yidhi, Kanu waa weel eefaah ah oo soo baxaya. Oo weliba wuxuu igu yidhi, Kanu waa muuqashadii dembigooda oo dhulka oo dhan gaadhay. 7 Oo bal eeg, waxaa kor loo qaaday wax culus oo laxaamad ah, oo waxaa jirtay naag eefaahda dhexdeeda fadhida. 8 Oo haddana wuxuu igu yidhi, Tanu waa xumaan. Kolkaasuu iyadii hoos ugu riday eefaahda dhexdeeda, oo wuxuu ku daboolay wixii cuslaa oo laxaamadda ahaa. 9 Oo markaasaan indhaha kor u taagay, oo intaan wax fiiriyey ayaan arkay laba naagood oo soo baxay, oo dabayshuna waa ku jirtay baalashooda. Iyagu waxay lahaayeen baalal u eg baalasha xuurta oo kale, oo iyana intay eefaahdii kor u qaadeen ayay meel dhulka iyo samada u dhaxaysa geeyeen. 10 Markaasaan malaggii ila hadlay ku idhi, Kuwanu xaggee bay eefaahda u qaadayaan? 11 Oo isaguna wuxuu igu yidhi, Waxay u qaadayaan inay guri iyada uga dhisaan dalka Shincaar, oo markii la diyaariyo ayaa iyada lagu dejin doonaa halkaas oo meesheeda ah.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Mat 23:28-31
    4 aayado
    81%

    28Sidaas oo kalena idinku dusha waxaad dadka ugu eg tihiin dad xaq ah, laakiin gudaha waxaa idinka buuxa labawejiilenimo iyo dembi.

    29¶ Waa idiin hoog, culimmo iyo Farrisiin yahay, labawejiilayaasha ahu, waayo, waxaad dhistaan xabaalaha nebiyada, oo waxaad qurxisaan qabriyada kuwii xaqa ahaa;

    30oo waxaad tidhaahdaan, Haddii aannu waagii awowayaashayo joogi lahayn, annagu kala ma aannan qayb galneen kuwii dhiigga nebiyada qabay.

    31Sidaasaad isugu marag furaysaan inaad tihiin wiilasha kuwii nebiyada dilay.

  • Mat 23:33-36
    4 aayado
    76%

    33Abeesooyin yahow, dhal jilbisay, sidee baad uga baxsan doontaan xisaabta jahannamada?

    34Sidaa darteed, waxaan idiin soo dirayaa nebiyo iyo kuwa xigmadda leh iyo culimmo. Qaarkood waad dili doontaan oo iskutallaabta ku qodbi doontaan, qaarkoodna sunagogyadiinna ayaad ku karbaashi doontaan, oo magaalo ilaa magaalo ayaad ku silcin doontaan,

    35inuu dushiinna ku soo dego dhiiggii xaqa ahaa oo dhulka ku daatay oo dhan oo laga bilaabo dhiigga Haabiil kii xaqa ahaa ilaa dhiigga Sakariyas ina Barakiyas kan aad ku disheen meesha quduuska ah iyo meeshii allabariga dhexdooda.

    36Runtii waxaan idinku leeyahay, Waxyaalahan oo dhan ayaa qarnigan ku dul degi doona.

  • 75%

    47Waa idiin hoog, waayo, waxaad dhistaan xabaalaha nebiyada, awowayaashiinse way dileen.

    48Haddaba waxaad tihiin markhaatiyaal oo aad oggoshihiin shuqulkii awowayaashiin, waayo, iyagaa dilay, idinkuna waad dhistaan xabaalahooda.

  • Fal 7:51-52
    2 aayado
    73%

    51¶ Idinkan madaxa adag oo aan qalbiga iyo dhegaha laga gudinow, weligiinba Ruuxa Quduuska ah waad hor joogsataan. Sidii awowayaashiin yeeli jireen oo kale ayaad idinna yeeshaan.

    52Bal nebiyada kee baan awowayaashiin silcin? Xataa iyagu waxay dileen kuwii hore u sheegay imaatinka Kan xaqa ah; kan idinku aad haatan gacangeliseen oo disheen.

  • 14Haddaba bal eega, idinku meeshii aabbayaashiin baad ka kacdeen, oo waxaad tihiin niman dembi miidhan ah oo soo kordhay inaad Rabbiga kaga sii cadhaysiisaan reer binu Israa'iil.

  • 21Meel lagu laayo u diyaarsha carruurtiisa xumaantii aabbayaashood aawadeed, si ayan u sara kicin, oo ayan dhulka u hantiyin, oo ayan dunida korkeedana magaalooyin uga buuxin.

  • 7Xumaatooyinkiinnii iyo xumaatooyinkii awowayaashiinba isku mar baan idiinka abaalmarin doonaa, ayaa Rabbigu leeyahay, waayo, iyagu buurahay foox ku shideen oo kurahay igu caayeen, sidaas daraaddeed laabtooda ayaan shuqulladoodii hore gelin doonaa.

  • 12oo idinkuna waxaad samayseen shar ka sii daran kii ay awowayaashiin sameeyeen, waayo, bal eega, midkiin kastaaba wuxuu daba socdaa caasinimada qalbigiisa sharka ah, anigana ma aydaan maqlin.

  • Mat 23:24-26
    3 aayado
    70%

    24Hoggaamiyayaal yahow indhaha la'u oo kaneecada iska miira oo awrka liqa.

    25¶ Waa idiin hoog, culimmo iyo Farrisiin yahay, labawejiilayaasha ahu, waayo, koobka iyo saxanka dushaad ka nadiifisaan, laakiin gudaha waxaa ka buuxa dulun iyo damacbadnaan.

    26Farrisi yahow indhaha la'u, horta koobka gudaha ka nadiifi in dushiisuna nadiifsanaato.

  • 15Waa idiin hoog, culimmo iyo Farrisiin yahay, labawejiilayaasha ahu, waayo, badda iyo dhulka waxaad u wareegtaan inaad mid soo hadaysaan, oo kolkuu sidaas noqdo, waxaad ka dhigtaan wiilka jahannamada laba kol in idinka badan idinka.

  • 23Maalintaas reyreeya oo farxad ku boodbooda, waayo, bal ogaada, abaalgudkiinnu waa ku weyn yahay jannada, waayo, awowayaashood sidaasay nebiyadii ku samayn jireen.

  • 48Saas aawadeed u samaada sida Aabbihiinna jannadu u san yahay.

  • 39Oo intii idinka hadhana iyagoo dalka cadaawayaashiinna jooga ayay xumaatadooda u dulloobi doonaan, oo weliba xumaatooyinkii awowayaashoodna ayay u dulloobi doonaan.

  • Luuk 3:7-8
    2 aayado
    69%

    7Haddaba wuxuu ku yidhi dadkii badnaa oo u soo baxay inuu baabtiiso iyaga, Dhal jilbisay, yaa idiinka digay inaad ka carartaan cadhada imanaysa?

    8Haddaba midho toobad istaahila soo bixiya, hana bilaabina inaad isku tidhaahdaan, Waxaannu leennahay Ibraahim oo aabbe noo ah. Waayo, waxaan idinku leeyahay, Ilaah waa karaa inuu dhagaxyadan carruur uga kiciyo Ibraahim.

  • Mat 23:3-4
    2 aayado
    68%

    3Haddaba wax walba oo ay idiin sheegaan inaad dhawrtaan, dhawra oo yeela, laakiin siday sameeyaan ha samaynina, waayo, wax bay yidhaahdaan, mana sameeyaan.

    4Waxay isku xidhxidhaan culaabo culculus oo waxay saaraan dadka garbihiisa, laakiin iyagu dooni maayaan inay fartooda ku dhaqaajiyaan.

  • 12Walaalba walaalkiis wuxuu u dhiibi doonaa in la dilo, aabbena wiilkiis, carruurna waalidkood ayay ku kici doonaan, oo dhimasho ay gaadhsiin doonaan.

  • 8Haddaba midho toobad istaahila soo bixiya,

  • 38Bal eega, gurigiinnii waa laydiin daayay isagoo cidla ah.

  • 7Oo idinku ha noqonina sidii awowayaashiin oo kale, iyo sidii walaalihiin oo kale, kuwaasoo ku xadgudbay Rabbiga ah Ilaahii awowayaashood, oo uu isna taas aawadeed iyagii ka dhigay wax laga yaabo, sida aad idinkuba u aragtaan.

  • 21Walaalba walaalkiis wuxuu u dhiibi doonaa in la dilo, aabbena wiilkiisa, carruurna waalidkood ayay ku kici doonaan oo dhimashay gaadhsiin doonaan.

  • 7Labawejiilayaalow, Isayos aad buu wax idiinka sii sheegay markuu yidhi,

  • 16Oo waxay noo diidaan inaannu dadka aan Yuhuudda ahayn la hadalno inay badbaadaan. Sidaasay mar walba dembiyadooda u dhammaystiraan, laakiin ugu dambaysta cadhada waa ku dul degtay.

  • 2Waayo, xukunkii aad ku xukuntaan ayaa laydinku xukumi doonaa, oo qiyaastii aad ku qiyaastaan ayaa laydinku qiyaasi doonaa.

  • 27¶ Sidaas aawadeed Wiilka Aadamow, waxaad la hadashaa reer binu Israa'iil, oo waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Weliba taasay awowayaashiin igu caayeen, wayna igu xadgudbeen.

  • 51oo laga bilaabo dhiiggii Haabiil ilaa dhiiggii Sakariyas kii ku dhintay meeshii allabariga iyo meesha quduuska ah dhexdooda. Runtii, waxaan idinku leeyahay, Qarnigan ayaa la weyddiin doonaa.

  • 38Waxaan xaggii Aabbahay ku soo arkay ayaan ka hadlaa, idinkuna waxaad samaysaan wixii aydin aabbihiin ka maqasheen.

  • 28oo yidhi, Waxaannu aad idiinku amarnay inaydnaan magacan wax ku barin; laakiin bal eega, waxaad Yeruusaalem ka buuxiseen waxbariddiinnii, oo weliba waxaad damacsan tihiin inaad ninkan dhiiggiisii dusha naga saartaan.

  • 17Laakiinse xukunka kuwa sharka ah ayaa kaa buuxa, Oo garsoorid iyo caddaalad ayaa ku qabsada.

  • 41Waxaad samaysaan shuqullada aabbihiin. Markaasay ku yidhaahdeen, Annagu kuma aannu dhalan sino. Aabbe keliya ayaannu leennahay oo waa Ilaah.

  • 13Ereygii Ilaah ayaad ku buriseen xeerkiinna aad bixiseen, oo wax badan oo kuwan oo kale ah ayaad samaysaan.

  • 39Sayidka ayaa ku yidhi, Haddeer idinkoo Farrisiin ah waxaad dusha ka nadiifisaan koobka iyo xeedhada, laakiin xaggiinna hoose waxaa ka buuxa dulun iyo shar.

  • 27Waxaad saami u ridan lahaydeen maalka agoonta, Oo saaxiibkiinna waad ka faa'iidaysan lahaydeen.

  • 26Waa idiin hoog markii dadka oo dhammu wanaag idinka sheego, waayo, awowayaashood sidaasay nebiyadii beenta ahaa ku samayn jireen.

  • 32Oo waxaannu idin keenaynaa war wanaagsan oo ku saabsan ballankii awowayaasheen loo ballanqaaday,

  • 24Kolkaasuu ku yidhi, U fiirsada waxaad maqlaysaan; qiyaastii aad ku qiyaastaan ayaa laydiinku qiyaasi doona oo ayaa laydiin kordhin doonaa.

  • 1¶ Dabadeed Ciise ayaa dadkii badnaa iyo xertiisii la hadlay,

  • 9¶ Markaasuu ku yidhi, Qaynuunkii Ilaah aad baad u diiddaan inaad xeerkiinna xajisaan.

  • 27Awowgiinnii hore wuu dembaabay, oo macallimiintiiniina way igu xadgudbeen.