Tirintii 32:14

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Haddaba bal eega, idinku meeshii aabbayaashiin baad ka kacdeen, oo waxaad tihiin niman dembi miidhan ah oo soo kordhay inaad Rabbiga kaga sii cadhaysiisaan reer binu Israa'iil.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bil 5:3 : 3 Aadanna wuxuu jiray boqol iyo soddon sannadood, wuxuuna dhalay wiil isagii u eg oo araggiisii leh; magiciisiina wuxuu u bixiyey Seed.
  • Bil 8:21 : 21 Rabbiguna wuxuu uriyey caraftii udgoonayd, kolkaasuu Rabbigu iska yidhi qalbigiisa, Mar dambe dadka aawadiis dhulka uma habaari doono, maxaa yeelay, malaha qalbiga dadku waa shar tan iyo yaraantiisa; mar dambena ma aan dili doono wax kasta oo nool sidii aan yeelay.
  • Sharc 1:34-35 : 34 Oo Rabbigu wuu maqlay codkii erayadiinna, markaasuu cadhooday oo intuu dhaartay ayuu yidhi, 35 Hubaal dadka qarnigan sharka ah midkoodna ma arki doono dalka wanaagsan oo aan ku dhaartay inaan awowayaashiin siinayo,
  • Cesr 9:13-14 : 13 Oo tanu waxay noogu soo degtay falimahayagii sharka ahaa aawadood, iyo xujadayadii weynayd aawadeed, maxaa yeelay, Ilaahayagiiyow, waxaad nagu taqsiirtay wax ka yar intii xumaatooyinkayagu mudnaayeen, oo weliba waxaad na siisay dad caynkan ah oo noo hadha, 14 haddaba waxaas oo dhan dabadeed ma mar kalaannu amarradaada jebinnaa, oo aannu la xididnaa dadyowga karaahiyadan sameeya? Sow noo cadhoon maysid jeeraad na wada baabbi'isid oo aadan innaba naga reebin dad hadha iyo mid naga baxsada toona?
  • Cesr 10:10 : 10 Markaasaa waxaa istaagay wadaadkii Cesraa ahaa oo wuxuu dadkii ku yidhi, Idinku waad xadgudubteen oo waxaad guursateen naago qalaad, oo sidaasaad reer binu Israa'iil xujada ugu sii kordhiseen.
  • Nex 9:24-26 : 24 Markaasay carruurtii dalkii galeen oo hantiyeen, oo waxaad ka hoosaysiisay dadkii dalka degganaa oo ahaa reer Kancaan, waanad gelisay gacmahoodii, iyagii iyo boqorradoodii iyo dadyowgii dalka degganaaba, inay iyaga ku sameeyaan wax alla waxay doonayaan. 25 Oo waxay qabsadeen magaalooyin deyr leh iyo dal barwaaqo leh, oo waxay hantiyeen guryo ay ka buuxaan wax kasta oo wanaagsanu, iyo berkedo qodan, iyo beero canab ah, iyo beero saytuun ah, iyo geedo midho leh oo faro badan. Haddaba wax bay cuneen oo dhergeen, wayna cayileen, oo waxay ku farxeen wanaaggaaga weyn. 26 Habase yeeshee way dhega adkaadeen oo kaa caasiyoobeen; sharcigaagiina gadaashooday ku tuureen, oo waxay dileen nebiyadaadii iyaga ku markhaati furay oo doonayay inay mar kale kuu soo celiyaan, oo aad bay kaaga dhirfiyeen.
  • Nex 13:18 : 18 War sow awowayaashiin saasoo kale ma yeelin, sow Ilaah belaayadan oo dhan taas aawadeed inooguma soo dejin innaga iyo magaaladaba? Oo weliba markaad sabtida nijaasaysaan waxaad reer binu Israa'iil ku soo dejisaan cadho kale oo badan.
  • Ayuub 14:4 : 4 Bal yaa wax wasakh ah wax nadiif ah ka soo bixin kara? Xataa mid qudha oo saas yeeli karaa ma jiro.
  • Sab 78:57 : 57 Laakiinse dib bay u noqdeen, oo sidii awowayaashood ayay si aan daacad ahayn ula dhaqmeen, Oo iyagu waxay u leexdeen sidii qaanso khiyaano badan.
  • Ish 1:4 : 4 Hoog waxaa leh quruuntan dembiga badan, iyo dadkan xumaanta ku raran, iyo dhashan xumaanfalayaasha, iyo wiilashan si xun u macaamilooda. Iyagu Rabbiga way ka tageen, oo waxay quudhsadeen Ka Quduuska ah ee reer binu Israa'iil dib bayna uga noqdeen.
  • Ish 57:4 : 4 Bal yaad ku cayaaraysaan? Oo bal yaad afka ku kala qaadaysaan oo aad carrabka ku soo taagaysaan? Sow idinku ma ihidin carruurtii xadgudubka iyo farcankii beenta,
  • Ish 65:6-7 : 6 Bal eega, tanu hortayday ku qoran tahay, Anigu iska aamusi maayo, laakiinse waan abaalmarin doonaa, oo waxaan abaalmarinta gelin doonaa laabtooda. 7 Xumaatooyinkiinnii iyo xumaatooyinkii awowayaashiinba isku mar baan idiinka abaalmarin doonaa, ayaa Rabbigu leeyahay, waayo, iyagu buurahay foox ku shideen oo kurahay igu caayeen, sidaas daraaddeed laabtooda ayaan shuqulladoodii hore gelin doonaa.
  • Yex 20:21 : 21 Laakiinse carruurtiina way igu caasiyoobeen, oo qaynuunnadaydiina kuma ay socon, xukummadaydiina inay sameeyaan ma xajin, kuwaasoo ninkii sameeyaaba uu ku noolaanayo, oo sabtiyadaydiina nijaas bay ka dhigeen. Markaasaan idhi, Cadhadaydaan ku kor shubi doonaa, si aan xanaaqayga iyaga ugu dhammaystiro cidlada dhexdeeda.
  • Mat 23:31-33 : 31 Sidaasaad isugu marag furaysaan inaad tihiin wiilasha kuwii nebiyada dilay. 32 Idinku haddaba dhammaystira qiyaastii awowayaashiin. 33 Abeesooyin yahow, dhal jilbisay, sidee baad uga baxsan doontaan xisaabta jahannamada?
  • Luuk 11:48 : 48 Haddaba waxaad tihiin markhaatiyaal oo aad oggoshihiin shuqulkii awowayaashiin, waayo, iyagaa dilay, idinkuna waad dhistaan xabaalahooda.
  • Fal 7:51-52 : 51 ¶ Idinkan madaxa adag oo aan qalbiga iyo dhegaha laga gudinow, weligiinba Ruuxa Quduuska ah waad hor joogsataan. Sidii awowayaashiin yeeli jireen oo kale ayaad idinna yeeshaan. 52 Bal nebiyada kee baan awowayaashiin silcin? Xataa iyagu waxay dileen kuwii hore u sheegay imaatinka Kan xaqa ah; kan idinku aad haatan gacangeliseen oo disheen.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 13Markaasaa Rabbigu reer binu Israa'iil u cadhooday, oo wuxuu iyagii ka dhigay inay intii afartan sannadood ah cidlada hor iyo dib ugu warwareegaan, ilamaa qarnigii Rabbiga hortiisa xumaanta ku sameeyey oo dhan la wada baabbi'iyey.

  • 15Waayo, haddaad Rabbiga ka noqotaan, cidlada dhexdeeda ayuu haddana iyaga kaga tegi doonaa, oo dadkan oo dhan waad wada baabbi'in doontaan.

  • 20Oo cadhadii Rabbigu aad bay ugu kululaatay reer binu Israa'iil, oo wuxuu yidhi, Quruuntanu way ku xadgudbeen axdigii aan ku amray awowayaashood, oo codkaygiina ma ay dhegaysan;

  • 76%

    7Oo idinku ha noqonina sidii awowayaashiin oo kale, iyo sidii walaalihiin oo kale, kuwaasoo ku xadgudbay Rabbiga ah Ilaahii awowayaashood, oo uu isna taas aawadeed iyagii ka dhigay wax laga yaabo, sida aad idinkuba u aragtaan.

    8Haddaba sidii awowayaashiin ahaan jireen, idinkuna ha noqonina dad madax adag, laakiinse idinku Rabbiga isu dhiiba, oo gala meeshiisa quduuska ah oo uu weligiisba quduus ka dhigay, oo u adeega Rabbiga Ilaahiinna ah, si cadhadiisa kululi ay idiinka noqoto.

  • Tir 32:10-11
    2 aayado
    75%

    10Maalintaas Rabbigu aad buu u cadhooday, oo intuu dhaartay ayuu yidhi,

    11Hubaal dadkii Masar ka soo baxay intii labaatan sannadood jirta ama ka sii weyn, midkoodna ma arki doono dalkii aan ugu dhaartay Ibraahim, iyo Isxaaq, iyo Yacquub, maxaa yeelay, qalbiga igama ay wada raacin,

  • 34Oo Rabbigu wuu maqlay codkii erayadiinna, markaasuu cadhooday oo intuu dhaartay ayuu yidhi,

  • 13Oo waxay iyagii ku yidhaahdeen, Idinku waa inaydnaan maxaabiista halkan soo gelin, waayo, waxaad ku talo jirtaan inaad ina kor saartaan xadgudub Rabbiga ka gees ah, oo waxaad inoo sii kordhinaysaan dembiyadeennii iyo xadgudubkeennii, maxaa yeelay, xadgudubkeennu aad buu u weyn yahay, oo dadka Israa'iilna aad baa loogu cadhooday.

  • 18inaad maanta ka leexataan inaad Rabbiga la socotaan? Oo caasinimadii aad maanta Rabbiga ku caasiyowdeen aawadeed ayuu berrito ugu cadhoon doonaa shirka reer binu Israa'iil oo dhan.

  • 12oo idinkuna waxaad samayseen shar ka sii daran kii ay awowayaashiin sameeyeen, waayo, bal eega, midkiin kastaaba wuxuu daba socdaa caasinimada qalbigiisa sharka ah, anigana ma aydaan maqlin.

  • 2Rabbigu aad buu awowayaashiin ugu cadhooday.

  • 32Idinku haddaba dhammaystira qiyaastii awowayaashiin.

  • 14Markaasaa cadhadii Rabbigu aad ugu kululaatay reer binu Israa'iil, oo wuxuu iyagii ku riday kuwii iyaga dhacay gacmahoodii, oo wuxuu ka iibiyey gacmihii cadaawayaashoodii ku wareegsanaa, sidaas daraaddeed mar dambe ma ay hor istaagi karin cadaawayaashooda.

  • 32waana sharkii dadka Israa'iil iyo dadka Yahuudah ay igaga cadhaysiiyeen oo dhan, iyaga, iyo boqorradooda, iyo amiirradooda, iyo wadaaddadooda, iyo nebiyadooda, iyo dadka Yahuudah, iyo kuwa Yeruusaalem deggan.

  • 15Waayo, Rabbigu wuxuu dadkii Israa'iil u layn doonaa sida cawsduur biyo ugu ruxmado, oo dadkii Israa'iil wuu ka rujin doonaa dalkan wanaagsan oo uu siiyey awowayaashood, oo wuxuu ku firdhin doonaa Webiga shishadiisa, maxaa yeelay, waxay samaysteen geedihii Asheeraah, oo Rabbigana saasay uga xanaajiyeen.

  • 8Oo weliba markaad Xoreeb joogteenna Rabbiga waad ka xanaajiseen, markaasaa Rabbigu idiin cadhooday oo wuxuu damcay inuu idin baabbi'iyo.

  • 22Oo waxaad kaloo Rabbiga ka cadhaysiiseen markaad Tabceeraah joogteen, iyo markaad Masaah joogteen, iyo markaad Qibrood Xatawaah joogteen.

  • 72%

    10Oo imminka waxaad ku talo jirtaan inaad hoosaysiisaan dadka Yahuudah iyo dadka Yeruusaalem si ay idiinku ahaadaan niman addoommo ah iyo naago addoommo ah, laakiinse miyaanay jirin xadgudubyo aad idinkuba ku xadgudubteen Rabbiga Ilaahiinna ah?

    11Haddaba i maqla, oo celiya maxaabiistii aad walaalihiin ka soo kaxaysateen, maxaa yeelay, waxaa idin kor saaran Rabbiga cadhadiisa kulul.

  • 30Waayo, dadka Israa'iil iyo dadka Yahuudahba waxay tan iyo yaraantoodii hortayda ku sameeyeen shar keliya, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Reer binu Israa'iil waxaa keliya oo ay sameeyeen inay shuqulka gacmahooda igaga cadhaysiiyaan.

  • 15maxaa yeelay, wax shar ah ayay hortayda ku samayn jireen oo way iga xanaajin jireen tan iyo maalintii awowayaashood ay Masar ka soo baxeen ilaa maantadan.

  • 25¶ Markaad carruur dhashaan oo carruurtiinnuna carruur sii dhasho, oo aad dalka wakhti dheer sii joogtaan, oo aad iskharribtaan, oo aad samaysataan sanam qaab kasta ha lahaadee, oo aad samaysaan wax shar ku ah Rabbiga Ilaahiinna ah hortiisa, oo aad isaga ka cadhaysiisaan,

  • 19Rabbiguna wuu arkay, oo wuu nacay, Maxaa yeelay, wiilashiisii iyo gabdhihiisii ayaa isaga ka xanaajiyey.

  • 8Aabbayaashiinna sidaasay yeeleen markaan iyaga ka diray Qaadeesh Barneeca inay dalka soo arkaan aawadeed.

  • 6Reer binu Israa'iilow, u soo noqda kii aad aad uga caasiyowdeen.

  • 40Markaasaa aroor hore kaceen, oo buurta dhaladeeday fuuleen, oo waxay yidhaahdeen, Bal eeg, waa na kan, waanan u kacaynaa meeshii Rabbigu noo ballanqaaday, maxaa yeelay, waannu dembaabnay.

  • 23Laakiinse haddaydnan sidaas yeelin, bal eega, Rabbigaad ku dembaabteen, oo bal ogaada, dembigiinnuna wuu idinku soo bixi doonaa.

  • 3Oo reer binu Israa'iil waxay isku dareen Bacal Fecoor. Markaasaa Rabbiga cadhadiisii aad ugu kululaatay reer binu Israa'iil.

  • 1¶ Reer binu Israa'iilow, bal maqla eraygan Rabbigu idinkaga hadlay. Waxaan kaga hadlay dadkii aan dalka Masar ka soo bixiyey oo dhan, anigoo leh,

  • 15Laakiinse haddii aydnaan dhegaysan codka Rabbiga, illowse aad ku caasiyowdaan amarka Rabbiga, de markaas gacanta Rabbigu gees bay idinka ahaanaysaa, siday awowayaashiinba uga ahayd.

  • 39Oo intii idinka hadhana iyagoo dalka cadaawayaashiinna jooga ayay xumaatadooda u dulloobi doonaan, oo weliba xumaatooyinkii awowayaashoodna ayay u dulloobi doonaan.

  • 6Dadyahow nacaska ah oo aan xigmadda lahaynu Ma saasaad Rabbiga ugu abaalguddaan? War isagu sow ma aha Aabbihiinnii idin soo iibsaday? Isagaa idin uumay oo idin xoogeeyey.

  • 11Oo wiilashiinnii waxaan ka kiciyey nebiyo, oo barbaarradiinniina waxaan ka kiciyey kuwa Nadiirrada ah ee Ilaah loo soocay. Dadka Israa'iilow, sow saas ma aha? ayaa Rabbigu leeyahay.

  • 14Oo waxaan ka dhigi doonaa inaad cadaawayaashaada ula gudubtid dal aadan innaba aqoonin, waayo, waxaa xanaaqaygii ka ololay dab idin gubi doona.

  • 16Waxay isaga kaga hinaasiyeen ilaahyo qalaad, Oo waxay kaga xanaajiyeen waxyaalo karaahiyo ah.

  • 9laakiinse waxaad samaysay shar ka sii badan kii intii kaa horraysay oo dhan, oo waxaad samaysatay ilaahyo kale iyo sanamyo la shubay, waanad iga xanaajisay, oo waxaad igu tuurtay gadaashaada.

  • 8oo haddiiba way ka leexdeen jidkii aan ku amray, oo waxay samaysteen weyl dahab la shubay ah, wayna caabudeen, oo allabarina way u bixiyeen, oo waxayna yidhaahdeen, Reer binu Israa'iilow, kanu waa ilaahiinnii dalka Masar idinka soo waday.

  • 16Shirkii Rabbiga oo dhammu sidan bay leeyihiin, Waa maxay xadgudubkan aad ku samayseen Ilaaha reer binu Israa'iil, idinkoo ka leexday inaad Rabbiga la socotaan, oo meel allabari dhistay, si aad maanta Rabbiga ugu caasiyowdaan?

  • Tir 14:32-33
    2 aayado
    71%

    32Laakiinse idinka meydadkiinnu way ku dhici doonaan cidladan.

    33Oo carruurtiinnuna afartan sannadood ayay cidlada ku warwareegi doonaan, oo ilaa meydadkiinnu ay cidlada ku baabba'aan iyagu waxay sidi doonaan daacadnimola'aantiinna.

  • 24Tan iyo maalintii aan idin bartay caasiyiin baad Rabbiga ku ahaydeen.

  • 8Waxaad igaga cadhaysiisaan shuqullada gacmihiinna idinkoo ilaahyo kale foox ugu shidaya dalka Masar oo aad u tagteen inaad degtaan, si laydiin wada baabbi'iyo oo aad quruumaha dunida oo dhan ugu dhex ahaataan inkaar iyo cay.

  • 21Sidaas daraaddeed Rabbigu taas buu maqlay, wuuna cadhooday, Oo reer Yacquub dab baa ku shidmay, Reer binu Israa'iilna cadhaa ku dhacday,

  • 16Markaad ku xadgudubtaan axdigii Rabbiga Ilaahiinna ahu idinku amray, oo aad ka tagtaan, ee aad u adeegtaan ilaahyo kale, oo aad iyaga u sujuuddaan, de markaasaa cadhada Rabbigu idinku kululaan doontaa, oo aad haddiiba ka baabbi'i doontaan dalka wanaagsan oo uu idin siiyey.

  • 13Bal xusuuso addoommadaadii ahaa Ibraahim, iyo Isxaaq, iyo Israa'iil, oo aad naftaada ugu dhaaratay, oo aad ku tidhi, Farcankiinna waxaan u badin doonaa sida xiddigaha cirka, oo dalkan aan ka hadlay oo dhan waxaan siin doonaa farcankiinna, wayna dhaxli doonaan weligood.

  • 3waana xumaantooda ay faleen oo ay igaga cadhaysiiyeen aawadeed markay tageen si ay foox ugu shidaan oo ay ugu adeegaan ilaahyo kale oo ayan iyaga iyo idinka iyo awowayaashiinnuba aqoon.

  • 6Waayo, awowayaasheen way xadgudbeen, oo waxay sameeyeen wax shar ah Rabbiga Ilaaheenna ah hortiisa, oo isagii way ka tageen, oo wejigoodiina way ka sii jeediyeen rugtii Rabbiga, oo waxay u jeediyeen dhabarkooda.

  • 5Oo inaan mar dambe cadho ku dhicin reer binu Israa'iil idiinku waa inaad dhawrtaan hawsha meesha quduuska ah iyo hawsha meesha allabariga.