Sharciga Kunoqoshadiisa 9:8

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo weliba markaad Xoreeb joogteenna Rabbiga waad ka xanaajiseen, markaasaa Rabbigu idiin cadhooday oo wuxuu damcay inuu idin baabbi'iyo.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bax 32:7-9 : 7 ¶ Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Kac oo hoos u deg, waayo, dadkaagii aad dalkii Masar ka soo bixisay, way iskharribeen, 8 oo haddiiba way ka leexdeen jidkii aan ku amray, oo waxay samaysteen weyl dahab la shubay ah, wayna caabudeen, oo allabarina way u bixiyeen, oo waxayna yidhaahdeen, Reer binu Israa'iilow, kanu waa ilaahiinnii dalka Masar idinka soo waday. 9 Kolkaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Anigu dadkan waan arkay oo waa dad madax adag, 10 haddaba iska kay daa, aan aad ugu cadhoodee, oo aan kulligood baabbi'iyee, oo waxaan adiga kaa dhigi doonaa quruun weyn.
  • Bax 32:16 : 16 Oo looxyadu waxay ahaayeen shuqulkii Ilaah, oo farta ku qoranuna waxay ahayd fartii Ilaah oo looxyada ku xardhan.
  • Sab 106:19-22 : 19 Waxay samaysteen weyl markii ay Xoreeb joogeen, Oo waxay caabudeen sanam la shubay. 20 Oo sidaasay ammaantoodii ugu beddeleen Dibi caws daaqa ekaantiis. 21 Waxay illoobeen Ilaahii Badbaadiyahooda ahaa, Oo waxyaalo waaweyn ku sameeyey dalkii Masar, 22 Shuqullo yaab badanna ku sameeyey dalkii Xaam, Waxyaalo cabsi badanna ku sameeyey Badda Cas agteeda.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 87%

    22Oo waxaad kaloo Rabbiga ka cadhaysiiseen markaad Tabceeraah joogteen, iyo markaad Masaah joogteen, iyo markaad Qibrood Xatawaah joogteen.

    23Oo markii Rabbigu Qaadeesh Barneeca idinka diray oo uu idinku yidhi, Taga oo hantiya dalkaan idin siiyey, waad ku caasiyowdeen amarkii Rabbiga Ilaahiinna ah, mana aydaan rumaysan, codkiisiina ma aydaan dhegaysan.

    24Tan iyo maalintii aan idin bartay caasiyiin baad Rabbiga ku ahaydeen.

    25Oo sidaas daraaddeed ayaan Rabbiga hortiisa ku dhacay, oo afartan maalmood iyo afartan habeen ayaan hortiisa joogay, maxaa yeelay, Rabbigaa yidhi, Iyagaan baabbi'inayaa.

  • 7¶ Bal xusuusta oo ha illoobina sidaad Rabbiga Ilaahiinna ah uga xanaajiseen markaad cidladii joogteen. Oo tan iyo maalintii aad dalkii Masar ka soo baxdeen iyo ilamaa aad halkan timaadeen Rabbigaad ku caasiyoobayseen.

  • 79%

    15Markaasaan jeestay oo buurtii hoos uga degay, oo buurtiina dab baa ka qaxmayay, oo labadii loox oo axdiguna waxay ku jireen labadayda gacmood.

    16Oo anna wax baan fiiriyey oo waxaan arkay inaad ku dembaabteen Rabbiga Ilaahiinna ah, oo waxaad samaysateen weyl dahab la shubay ah, oo haddiiba gees baad uga leexateen jidkii Rabbigu idinku amray.

    17Markaasaan qaaday labadii loox, oo labadaydii gacmood ayaan ka tuuray oo indhihiinna hortooda ku jejebiyey.

    18Markaasaan Rabbiga hortiisa ku dhacay oo joogay afartan maalmood iyo afartan habeen sidii markii hore, oo anigu baadna ma cunin, biyana ma cabbin, maxaa yeelay, sababtu waa dembigiinnii aad dembaabteen oo dhan, markaad samayseen wax Rabbiga hortiisa shar ku ahaa, oo aad isaga kaga xanaajiseen.

    19Maxaa yeelay, waan ka cabsaday cadhadii iyo xanaaqii kululaa oo Rabbigu dhirfay oo uu damcay inuu idinku baabbi'iyo. Laakiinse Rabbigu markaasna wuu i maqlay.

    20Oo Rabbigu Haaruunna aad buu ugu cadhooday, oo wuxuu damcay inuu isaga baabbi'iyo, laakiinse anigu Haaruunna isla markaasaan Rabbiga u baryay.

  • 34Oo Rabbigu wuu maqlay codkii erayadiinna, markaasuu cadhooday oo intuu dhaartay ayuu yidhi,

  • 18Oo xataa markay samaysteen weyl dahab la shubay ah, oo ay isku yidhaahdeen, Kanu waa Ilaahaagii kaa soo bixiyey dalkii Masar; oo ay aad kaaga dhirfiyeen,

  • 37Oo weliba Rabbigu wuu ii cadhooday idinka aawadiin oo wuxuu yidhi, Adiguna halkaas geli maysid.

  • 8Waxaad igaga cadhaysiisaan shuqullada gacmihiinna idinkoo ilaahyo kale foox ugu shidaya dalka Masar oo aad u tagteen inaad degtaan, si laydiin wada baabbi'iyo oo aad quruumaha dunida oo dhan ugu dhex ahaataan inkaar iyo cay.

  • 27Oo teendhooyinkiinna ayaad ku dhex gunuunacdeen, oo waxaad tidhaahdeen, Rabbigu nacaybka uu inoo qabo aawadiis ayuu dalkii Masar inooga soo bixiyey inuu ina geliyo gacanta reer Amor oo ay ina baabbi'iyaan.

  • 75%

    15maxaa yeelay, Rabbiga Ilaahiinna ah oo dhexdiinna joogaa waa Ilaah masayr ah, waaba intaasoo Rabbiga Ilaahiinna ahu intuu aad idiinku cadhoodo uu dhulka idinka wada baabbi'iyaa.

    16¶ Waa inaydaan Rabbiga Ilaahiinna ah u jirrabin sidaad Masaah ugu jirrabteen oo kale.

  • 43Oo sidaasaan idinkula hadlay, laakiinse ima aydaan maqlin, illowse amarkii Rabbiga ayaad ku caasiyowdeen, waadna kibirteen oo buurtaad u kacdeen.

  • 10Maalintaas Rabbigu aad buu u cadhooday, oo intuu dhaartay ayuu yidhi,

  • 14maxaa yeelay, eraygayga baad kaga caasideen cidladii Sin markay dadka shirku dirireen ee aad aniga quduus igaga dhigi weydeen biyaha agtooda, iyagoo u jeeda. (Kuwaasu waa biyihii Meriibaah oo ku yaal Qaadeesh oo ah cidlada Sin.)

  • 40Immisa jeer bay isaga ku caasiyoobeen markay cidlada joogeen, Oo immisa jeer bay calool xumeeyeen markay lamadegaanka dhex joogeen!

  • 17oo markaas cadhada Rabbigu idinku kululaataa, oo uu samada idinka xidhaa, si aad roob u weydaan, oo uu dhulku midho soo bixin waayo, oo aad haddiiba uga baabba'daan dalka wanaagsan oo Rabbigu idin siinayo.

  • 26Laakiinse Rabbigu idinka daraaddiin buu igu cadhooday, imana uu maqlin. Markaasaa Rabbigu wuxuu igu yidhi, Intaasu ha kugu filnaato, oo mar dambe xaalkaas ha igala hadlin.

  • 2Oo waa inaad xusuusataan jidkii uu Rabbiga Ilaahiinna ahu afartankan sannadood idinku soo dhex mariyey cidladii, si uu idiin hoosaysiiyo oo idiin tijaabiyo si uu u ogaado wixii qalbigiinna ku jiray, bal inaad amarradiisa xajinaysaan iyo in kale.

  • Sharc 9:9-12
    4 aayado
    73%

    9Oo markaan buurta fuulay inaan soo helo looxyadii dhagaxa ahaa, kuwaasoo ahaa looxyadii uu ku qornaa axdigii Rabbigu idinla dhigtay, markaasaan buurta joogay afartan maalmood iyo afartan habeen, oo intaasna baadna ma cunin biyana ma cabbin.

    10Markaasaa Rabbigu wuxuu ii soo dhiibay labadii loox oo dhagaxa ahayd oo lagu qoray fartii Ilaah, oo waxaa ku qornaa kulli erayadii uu Rabbigu maalintii shirka idinkagala hadlay dabka dhexdiisa isagoo buurta jooga.

    11Afartan maalmood iyo afartan habeen ka dib ayaa Rabbigu i soo siiyey labadii loox oo dhagaxa ahayd, kuwaasoo ahaa looxyadii axdiga.

    12Markaasaa Rabbigu wuxuu igu yidhi, Kac oo halkan dhaqso uga deg, waayo, dadkii aad dalkii Masar ka soo bixisay way iskharribeen, oo haddiiba way ka leexdeen jidkii aan ku amray, oo waxay samaysteen sanam la shubay.

  • Sab 78:58-59
    2 aayado
    73%

    58Waayo, waxay isaga kaga xanaajiyeen meelahoodii sarsare, Oo waxay isaga uga hinaasiyeen sanamyadooda la qoray.

    59Ilaah markuu taas maqlay ayuu cadhooday, Oo aad buu reer binu Israa'iil u karhay,

  • 9Markaasaa Rabbigu iyagii aad ugu cadhooday, wuuna ka tegey.

  • 5iyo wixii uu idinku sameeyey, markaad cidladii joogtay jeeraad meeshan timaadeen,

  • 18inaad maanta ka leexataan inaad Rabbiga la socotaan? Oo caasinimadii aad maanta Rabbiga ku caasiyowdeen aawadeed ayuu berrito ugu cadhoon doonaa shirka reer binu Israa'iil oo dhan.

  • 7Laakiinse ima aydaan dhegaysan, ayaa Rabbigu leeyahay, si aad shuqullada gacmihiinna igaga cadhaysiisaan, oo ay waxyeello idiin soo gaadho.

  • 6Rabbiga Ilaaheenna ahu wuxuu inala hadlay intaan Xoreeb joognay oo wuxuu inagu yidhi, Buurtan in idinku filan waad degganaydeen,

  • 9Meeshii ay awowayaashiin igu jirrabeen, oo ay igu tijaabiyeen, Oo ay afartanka sannadood shuqulladaydii ku arkeen.

  • 21Sidaas daraaddeed Rabbigu taas buu maqlay, wuuna cadhooday, Oo reer Yacquub dab baa ku shidmay, Reer binu Israa'iilna cadhaa ku dhacday,

  • 27oo sidaas daraaddeed ayaa Rabbigu ugu xanaaqay dalkan, inuu ku soo dejiyo kulli inkaarta kitaabkan ku qoran oo dhan.

  • 28waaba intaasoo dadkii aad dalkoodii naga soo bixisay yidhaahdaa, Rabbigu ma u awoodin inuu iyaga geeyo dalkii uu u ballanqaaday, oo nacaybkii uu iyaga u qabay aawadiis ayuu u bixiyey si uu cidlada ugu laayo.

  • 32Oo weliba waxay isagii kaga cadhaysiiyeen biyihii Meriibaah agtooda, Sidaas daraaddeed dhib baa ku dhacday Muuse iyaga aawadood,

  • 20Oo cadhadii Rabbigu aad bay ugu kululaatay reer binu Israa'iil, oo wuxuu yidhi, Quruuntanu way ku xadgudbeen axdigii aan ku amray awowayaashood, oo codkaygiina ma ay dhegaysan;

  • 32Oo weliba waxyaalahaas kuma aydaan rumaysan Rabbiga Ilaahiinna ah

  • 51maxaa yeelay, waad igu xadgudubteen idinkoo reer binu Israa'iil dhex jooga markaad joogteen biyihii Meriibaah oo ku taal Qaadeesh, oo cidladii Sin ku dhex taal, waayo, reer binu Israa'iil dhexdooda quduus igagama aydaan dhigin.

  • 16Markaad ku xadgudubtaan axdigii Rabbiga Ilaahiinna ahu idinku amray, oo aad ka tagtaan, ee aad u adeegtaan ilaahyo kale, oo aad iyaga u sujuuddaan, de markaasaa cadhada Rabbigu idinku kululaan doontaa, oo aad haddiiba ka baabbi'i doontaan dalka wanaagsan oo uu idin siiyey.

  • 17Laakiinse iyagu weli way ku sii socdeen inay isaga ku dembaabaan, Inay ku caasiyoobaan Ilaaha ugu sarreeya intii ay cidladii joogeen.

  • 19¶ Markaasaynu ka soo guurnay Xoreeb oo waxaynu dhex marnay cidladaas weyn oo aad looga cabsado ee aad soo aragteen ee ku taal jidka loo maro dalka buuraha leh oo reer Amor, siduu inagu amray Rabbiga Ilaaheenna ahu, oo waxaynu nimid Qaadeesh Barneeca.

  • 21Oo weliba Rabbigu wuu iigu cadhooday idinka daraaddiin, oo wuxuu ku dhaartay inaanan Webi Urdun ka gudbin, iyo inaanan gelayn dalka wanaagsan oo Rabbiga Ilaahiinna ahu dhaxal idiin siinayo,

  • 16Laakiinse iyagii iyo awowayaashayaba way kibreen, oo luquntay adkeeyeen, oo amarradaadiina ma ay maqlin,

  • 8Qalbigiinna ha adkaynina, sidii markii Meriibaah la joogay, Iyo sidii maalintii la joogay Masaah oo cidlada ku dhex taal,