Sabuurradii 78:40

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Immisa jeer bay isaga ku caasiyoobeen markay cidlada joogeen, Oo immisa jeer bay calool xumeeyeen markay lamadegaanka dhex joogeen!

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ef 4:30 : 30 Ha calool xumaynina Ruuxa Quduuska ah oo Ilaah oo laydiinku shaabadeeyey maalinta madaxfurashada.
  • Sab 95:8-9 : 8 Qalbigiinna ha adkaynina, sidii markii Meriibaah la joogay, Iyo sidii maalintii la joogay Masaah oo cidlada ku dhex taal, 9 Markay awowayaashiin i jirrabeen, Oo ay i tijaabiyeen, oo ay shuqulkaygii arkeen. 10 Dadkii qarnigaas afartan sannadood waan u cadhaysnaa, Oo waxaan idhi, Waa dad qalbigooda ka qaldama, Oo iyagu ma ay aqoon jidadkaygii,
  • Ish 63:10 : 10 Laakiinse way caasiyoobeen, oo Ruuxiisa Quduuska ahna way calool xumeeyeen, oo sidaas daraaddeed ayuu ugu rogmaday inuu cadowgoodii noqdo, wuuna la diriray.
  • Sab 106:14-33 : 14 Laakiinse aad bay wax u damacsanaayeen intay cidladii dhex joogeen, Oo Ilaahna way ku jirrabeen lamadegaanka dhexdiisa. 15 Oo isna wuxuu siiyey wixii ay weyddiisteen, Laakiinse wuxuu naftoodii u soo diray caatow. 16 Oo weliba waxay xerada dhexdeedii kaga hinaaseen Muuse Iyo Haaruun oo ahaa Rabbiga kiisii quduuska ahaa. 17 Oo dhulkiina waa kala furmay oo wuxuu liqay Daataan, Oo weliba wuxuu qariyey Abiiraam guutadiisii. 18 Oo guutadoodiina dab baa ka dhex shidmay, Ololkiina wuxuu wada gubay kuwii shar lahaa. 19 Waxay samaysteen weyl markii ay Xoreeb joogeen, Oo waxay caabudeen sanam la shubay. 20 Oo sidaasay ammaantoodii ugu beddeleen Dibi caws daaqa ekaantiis. 21 Waxay illoobeen Ilaahii Badbaadiyahooda ahaa, Oo waxyaalo waaweyn ku sameeyey dalkii Masar, 22 Shuqullo yaab badanna ku sameeyey dalkii Xaam, Waxyaalo cabsi badanna ku sameeyey Badda Cas agteeda. 23 Sidaas daraaddeed isagu wuxuu yidhi, Waan baabbi'inayaa. Laakiinse Muuse oo ahaa kii uu doortay ayaa hortiisa u istaagay xidhiidhla'aantii u dhexaysay, Inuu Ilaah cadhadiisa ka leexiyo aawadeed si aanu iyaga u baabbi'in. 24 Waxay quudhsadeen dalkii wacnaa, Mana ay rumaysan eraygiisii, 25 Laakiinse teendhooyinkooday ku dhex gunuunaceen, Mana ay dhegaysan codkii Rabbiga. 26 Sidaas daraaddeed gacantiisuu kor ugu taagay iyaga, Oo wuxuu ku dhaartay inuu iyaga cidladii ku afgembiyo, 27 Iyo inuu farcankooda ku afgembiyo quruumaha dhexdooda, Oo uu iyaga ku kala firdhiyo dalalka. 28 Oo weliba waxay isku dareen Bacal Fecoor, Oo waxay cuneen allabarigii kuwii dhintay. 29 Sidaasay isaga shuqulladoodii ugaga xanaajiyeen, Markaasay belaayadu ka dhex dillacday. 30 Markaasaa waxaa istaagay Fiinexaas, oo wuxuu ku soo dejiyey xukun, Oo sidaasaa belaayada lagu joojiyey. 31 Oo taas waxaa isagii loogu tiriyey xaqnimo U sii waaraysa qarni kasta iyo weligeedba. 32 Oo weliba waxay isagii kaga cadhaysiiyeen biyihii Meriibaah agtooda, Sidaas daraaddeed dhib baa ku dhacday Muuse iyaga aawadood, 33 Maxaa yeelay, iyagu waxay ku caasiyoobeen ruuxiisii, Kolkaasuu fiirola'aan u hadlay.
  • Sab 107:11 : 11 Waxay ku caasiyoobeen erayadii Ilaah, Oo waxay fududaysteen taladii Ilaaha ugu sarreeya,
  • Ish 7:13 : 13 Oo isna wuxuu yidhi, Reer Daa'uudow, bal haatan i maqla, ma wax yar bay idinku tahay inaad dadka daalisaan? Oo weliba Ilaahaygana miyaad daalinaysaan?
  • Cib 3:15-17 : 15 inta la leeyahay, Maanta haddaad codkiisa maqashaan, Qalbiyadiinna ha adkaynina sidii wakhtigii dhirifka. 16 Waayo, yaa, markay maqleen, Ilaah ka dhirfiyey? Miyaanay ahayn kulligood kuwii Muuse ka keenay Masar? 17 Oo yuu afartan sannadood u cadhaysnaa? Miyaanay ahayn kuwii dembaabay oo meydadkoodu cidlada ku dhacdhaceen?
  • Tir 14:11 : 11 ¶ Oo Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Dadkanu ilaa goormay i quudhsanayaan? Oo ilaa goormay i rumaysan waayayaan in kastoo aan dhexdooda calaamooyinka oo dhan ku sameeyey?
  • Sharc 9:21-22 : 21 Markaasaan qaaday dembigiinnii ahaa weyshii aad samaysateen, waanan gubay oo ku dul joogjoogsaday oo daqiijiyey, ilaa ay sida boodhka oo kale noqotay, oo boodhkeediina waxaan ku shubay durdurka buurta ka soo dega. 22 Oo waxaad kaloo Rabbiga ka cadhaysiiseen markaad Tabceeraah joogteen, iyo markaad Masaah joogteen, iyo markaad Qibrood Xatawaah joogteen.
  • Sab 78:17 : 17 Laakiinse iyagu weli way ku sii socdeen inay isaga ku dembaabaan, Inay ku caasiyoobaan Ilaaha ugu sarreeya intii ay cidladii joogeen.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Sab 78:17-20
    4 aayado
    84%

    17Laakiinse iyagu weli way ku sii socdeen inay isaga ku dembaabaan, Inay ku caasiyoobaan Ilaaha ugu sarreeya intii ay cidladii joogeen.

    18Oo weliba Ilaah waxay ku tijaabiyeen qalbigooda Kolkii ay hilib u weyddiisteen damacooda aawadiis.

    19Oo Ilaah bay wax ka sheegeen, Oo waxay yidhaahdeen, Ilaah ma miis buu cidlada ku diyaarin karaa?

    20Bal eeg, dhagaxii ayuu wax ku dhuftay, markaasaa biyo ka soo buqdeen Oo durdurraa ka soo buuxdhaafay, Haddaba miyuu kibisna bixin karaa? Miyuu dadkiisa hilib siin karaa?

  • Sab 78:41-42
    2 aayado
    83%

    41Oo haddana way soo noqdeen oo waxay tijaabiyeen Ilaah, Oo waxay ka xanaajiyeen reer binu Israa'iil Kooda Quduuska ah.

    42Sooma ay xusuusan gacantiisii, Iyo maalintii uu iyaga ka soo furtay cadowga toona,

  • Cib 3:16-17
    2 aayado
    81%

    16Waayo, yaa, markay maqleen, Ilaah ka dhirfiyey? Miyaanay ahayn kulligood kuwii Muuse ka keenay Masar?

    17Oo yuu afartan sannadood u cadhaysnaa? Miyaanay ahayn kuwii dembaabay oo meydadkoodu cidlada ku dhacdhaceen?

  • 14Laakiinse aad bay wax u damacsanaayeen intay cidladii dhex joogeen, Oo Ilaahna way ku jirrabeen lamadegaanka dhexdiisa.

  • 56Laakiin way jirrabeen oo ku caasiyoobeen Ilaaha ugu sarreeya, Oo markhaatifurkiisiina ma ay xajin,

  • Cib 3:8-11
    4 aayado
    78%

    8Qalbiyadiinna ha adkaynina sidii wakhtigii dhirifka, Sidii maalintii jirrabaadda ee cidlada dhexdeeda,

    9Meeshii ay awowayaashiin igu jirrabeen, oo ay igu tijaabiyeen, Oo ay afartanka sannadood shuqulladaydii ku arkeen.

    10Taas daraaddeed qarnigan waan u cadhaysnaa, Oo waxaan idhi, Had iyo goorba qalbigooday ka qaldamaan, Oo iyagu ma ay aqoon jidadkaygii.

    11Sidaas daraaddeed anigoo cadhaysan ayaan waxaan ku dhaartay, Iyagu nasashadayda ma geli doonaan.

  • 78%

    43Marar badan ayuu samatabbixiyey, Laakiinse waxay ku caasiyoobeen taladoodii, Oo waxaa lagu hoosaysiiyey dembigoodii.

    44Habase yeeshee isagu waa ka fiirsaday cidhiidhigoodii, Markuu qayladoodii maqlay,

  • Sab 78:38-39
    2 aayado
    77%

    38Laakiinse isagoo raxmad miidhan ah ayuu xumaantoodii cafiyey, oo mana uu baabbi'in iyagii, Haah, oo marar badan ayuu cadhadiisii ka leexiyey, Oo cadhadiisii oo dhanna ma uu wada kicin.

    39Oo wuxuu xusuustay inay iyagu yihiin binu-aadmi, Iyo dabayl iska gudubta oo aan mar dambe soo noqon.

  • Sab 95:8-10
    3 aayado
    77%

    8Qalbigiinna ha adkaynina, sidii markii Meriibaah la joogay, Iyo sidii maalintii la joogay Masaah oo cidlada ku dhex taal,

    9Markay awowayaashiin i jirrabeen, Oo ay i tijaabiyeen, oo ay shuqulkaygii arkeen.

    10Dadkii qarnigaas afartan sannadood waan u cadhaysnaa, Oo waxaan idhi, Waa dad qalbigooda ka qaldama, Oo iyagu ma ay aqoon jidadkaygii,

  • 18Oo wakhti abbaaraha afartan sannadood ah ayuu dabiicaddoodii ugu dulqaatay cidlada.

  • 11¶ Oo Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Dadkanu ilaa goormay i quudhsanayaan? Oo ilaa goormay i rumaysan waayayaan in kastoo aan dhexdooda calaamooyinka oo dhan ku sameeyey?

  • 75%

    32Oo weliba waxay isagii kaga cadhaysiiyeen biyihii Meriibaah agtooda, Sidaas daraaddeed dhib baa ku dhacday Muuse iyaga aawadood,

    33Maxaa yeelay, iyagu waxay ku caasiyoobeen ruuxiisii, Kolkaasuu fiirola'aan u hadlay.

  • 10Laakiinse way caasiyoobeen, oo Ruuxiisa Quduuska ahna way calool xumeeyeen, oo sidaas daraaddeed ayuu ugu rogmaday inuu cadowgoodii noqdo, wuuna la diriray.

  • 58Waayo, waxay isaga kaga xanaajiyeen meelahoodii sarsare, Oo waxay isaga uga hinaasiyeen sanamyadooda la qoray.

  • 22Oo waxaad kaloo Rabbiga ka cadhaysiiseen markaad Tabceeraah joogteen, iyo markaad Masaah joogteen, iyo markaad Qibrood Xatawaah joogteen.

  • 18Oo xataa markay samaysteen weyl dahab la shubay ah, oo ay isku yidhaahdeen, Kanu waa Ilaahaagii kaa soo bixiyey dalkii Masar; oo ay aad kaaga dhirfiyeen,

  • 5Laakiin Ilaah kuma farxin badidood, oo waxaa iyaga lagu rogay cidlada.

  • 16Waxay isaga kaga hinaasiyeen ilaahyo qalaad, Oo waxay kaga xanaajiyeen waxyaalo karaahiyo ah.

  • Sharc 9:7-8
    2 aayado
    74%

    7¶ Bal xusuusta oo ha illoobina sidaad Rabbiga Ilaahiinna ah uga xanaajiseen markaad cidladii joogteen. Oo tan iyo maalintii aad dalkii Masar ka soo baxdeen iyo ilamaa aad halkan timaadeen Rabbigaad ku caasiyoobayseen.

    8Oo weliba markaad Xoreeb joogteenna Rabbiga waad ka xanaajiseen, markaasaa Rabbigu idiin cadhooday oo wuxuu damcay inuu idin baabbi'iyo.

  • 22Kulli dadkii ammaantayda arkay, oo arkay calaamooyinkii aan ku sameeyey Masar iyo cidladii, oo weliba tobankan jeer i jirrabay oo aanay codkaygiina dhegaysan,

  • 29Sidaasay isaga shuqulladoodii ugaga xanaajiyeen, Markaasay belaayadu ka dhex dillacday.

  • 34Markii uu iyaga laayay ayay isaga dooneen, Oo haddiiba way soo noqdeen oo Ilaah goor hore doondooneen.

  • Sab 78:30-32
    3 aayado
    73%

    30Iyagu jeelkii damacooda kama ay xiisa dhicin, Oo cuntadoodii weli afkooday ku jirtay,

    31Markii cadhada Ilaah ay iyaga ku dhacday, Oo ay dishay kuwii iyaga ugu buurbuurnaa, Oo ay laysay raggii dhallinyarada ahaa oo reer binu Israa'iil.

    32In kastoo waxyaalahaas oo dhammu ay ku dheceen, Weli way sii dembaabeen, Oo mana ay rumaysan shuqulladiisii yaabka badnaa.

  • 11Oo waxay illoobeen falimihiisa Iyo shuqulladiisii yaabka badnaa oo uu iyaga tusay.

  • 73%

    24Waxay quudhsadeen dalkii wacnaa, Mana ay rumaysan eraygiisii,

    25Laakiinse teendhooyinkooday ku dhex gunuunaceen, Mana ay dhegaysan codkii Rabbiga.

    26Sidaas daraaddeed gacantiisuu kor ugu taagay iyaga, Oo wuxuu ku dhaartay inuu iyaga cidladii ku afgembiyo,

  • 26Habase yeeshee way dhega adkaadeen oo kaa caasiyoobeen; sharcigaagiina gadaashooday ku tuureen, oo waxay dileen nebiyadaadii iyaga ku markhaati furay oo doonayay inay mar kale kuu soo celiyaan, oo aad bay kaaga dhirfiyeen.

  • 6Oo iyagu innaba ma ay odhan, Meeh Rabbigii dalka Masar naga soo bixiyey, oo nagu soo hor kacay cidlada dhexdeeda, taasoo ahayd dal lamadegaan ah oo godad badan, iyo dal abaar iyo hooska dhimashada ah, iyo dal aan ciduna dhex marin, iyo meel aan la degin?

  • 16Laakiinse iyagii iyo awowayaashayaba way kibreen, oo luquntay adkeeyeen, oo amarradaadiina ma ay maqlin,

  • 2Markaasaa shirkii reer binu Israa'iil oo dhammu cidladii Muuse iyo Haaruun ugu gunuuseen.

  • Bax 17:2-3
    2 aayado
    72%

    2Sidaas daraaddeed dadkii waxay la dirireen Muuse, oo waxay ku yidhaahdeen, War biyo aannu cabno na sii. Kolkaasaa Muuse wuxuu iyagii ku yidhi, Bal maxaad aniga iila diriraysaan? Oo maxaad Rabbiga u jirrabaysaan?

    3Markaasay dadkii meeshaas biyo ugu harraadeen; kolkaasaa dadkii intay Muuse u gunuuseen ayay waxay ku yidhaahdeen, War maxaad Masar nooga soo kaxaysay? Ma inaad annaga iyo carruurtayada, iyo xoolahayaga harraad noogu disha baa?

  • 13Markaasaa Rabbigu reer binu Israa'iil u cadhooday, oo wuxuu iyagii ka dhigay inay intii afartan sannadood ah cidlada hor iyo dib ugu warwareegaan, ilamaa qarnigii Rabbiga hortiisa xumaanta ku sameeyey oo dhan la wada baabbi'iyey.