Matayos 23:37

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Yeruusaalemay, Yeruusaalemay, tan nebiyada dishoy oo kuwa loo soo diray dhagxisoy! Intee baan marar badan jeclaaday inaan carruurtaada u soo ururiyo xataa sida dooradu carruurteeda baalasheeda hoostooda ugu ururiso, laakiin idinku ma aydnaan jeclayn.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sharc 32:11-12 : 11 Sida gorgorku buulkiisii u lulo, Oo dhashiisa ugu kor ruxmo, Oo baalashiisa u kala bixiyo, oo uu u qaado, Oo garbihiisa ugu xambaaro, 12 Ayaa Rabbiga oo keliya isaga hoggaamiyey, Oo ilaah qalaadna lama joogin.
  • Ruud 2:12 : 12 Haddaba Rabbigu shuqulkaaga ha kaaga abaalgudo, oo Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil oo aad baalashiisa hoostooda magan gashay ha ku siiyo abaalgud dhan.
  • Mat 5:12 : 12 Farxa oo reyreeya, waayo, jannada abaalgudkiinnu waa ku weyn yahay, waayo, sidaasay u silcin jireen nebiyadii idinka horreeyey.
  • Nex 9:26 : 26 Habase yeeshee way dhega adkaadeen oo kaa caasiyoobeen; sharcigaagiina gadaashooday ku tuureen, oo waxay dileen nebiyadaadii iyaga ku markhaati furay oo doonayay inay mar kale kuu soo celiyaan, oo aad bay kaaga dhirfiyeen.
  • Sab 63:7 : 7 Waayo, waxaad ii ahayd caawimaad, Oo hooska baalashaada ayaan ku rayrayn doonaa.
  • Yer 6:16-17 : 16 ¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Jidadka dhex istaaga, oo bal wax fiiriya, oo bal dhabbayaashii hore haybsada, oo waxaad tidhaahdaan, Meeh jidkii wanaagsanaa? Oo markaas ku socdaa, oo naftiinna nasashaad u heli doontaan. Laakiinse iyagu waxay yidhaahdeen, Annagu ku socon mayno jidkaas. 17 Oo weliba waxaan idiin dhigay waardiyayaal, oo waxaan idinku idhi, Buunka dhawaaqiisa dhegaysta. Laakiinse iyagu waxay yidhaahdeen, Annagu waxba dhegaysan mayno.
  • Luuk 13:34-35 : 34 ¶ Yeruusaalemay, Yeruusaalemay, tan nebiyada dishoy, oo kuwa loo soo diray dhagxisoy! Intee baan marar badan jeclaaday inaan carruurtaada u soo ururiyo xataa sida dooradu carruurteeda baalasheeda hoostooda ugu ururiso, laakiin idinku ma aydnaan jeclayn. 35 Ogaada, gurigiinnii waa laydiin daayay, isagoo cidla ah. Waxaan idinku leeyahay, Ima arki doontaan ilaa aad tidhaahdaan, Waxaa barakaysan kan Rabbiga magiciisa ku imanaya.
  • Luuk 14:17-20 : 17 oo saacaddii cashada ayuu addoonkiisii u diray inuu kuwii loo yeedhay ku yidhaahdo, Kaalaya, waayo, haatan wax waluba waa diyaar. 18 Markaasay kulligood waxay bilaabeen inay fikir keliya ku marmarsiiyoodaan. Kii u horreeyey ayaa ku yidhi, Beer baan iibsaday, oo waa inaan tago oo aan soo arko. Waxaan kaa baryayaa inaad iga raalli ahaato. 19 Mid kale ayaa yidhi, Waxaan iibsaday shan qindi oo dibi ah, oo waan tegayaa inaan imtixaamo. Waxaan kaa baryayaa inaad iga raalli ahaato. 20 Mid kale ayaa yidhi, Naag baan guursaday, sidaa darteed ma iman karo.
  • Luuk 15:28 : 28 Laakiin wuu cadhooday, oo inuu galo ma doonayn, markaasaa aabbihiis soo baxay oo baryay.
  • Luuk 19:14-44 : 14 Laakiin dadkii magaaladiisa ayaa nacay, oo waxay ka daba direen ergo iyagoo leh, Dooni mayno ninkaas inuu boqor noo ahaado. 15 Goortuu soo noqday isagoo boqortooyadii qaatay, wuxuu ku amray in loo yeedho addoommadii uu lacagtii u dhiibay inuu ogaado mid kasta intuu ka faa'iiday baayacmushtarigii. 16 Kii hore ayaa u yimid oo ku yidhi, Sayidow, minahaagii ayaa toban kale laga faa'iiday. 17 Markaasuu ku yidhi, Si wanaagsan baad yeeshay, addoon yahow wanaagsan. Wax yar ayaad aamin ku ahayd, ee toban magaalo u sarree. 18 Markaasaa kii labaad yimid isagoo leh, Sayidow, minahaagii waxaa laga faa'iiday shan mina. 19 Kaasna wuxuu ku yidhi, Adna shan magaalo u sarree. 20 Kii kalena waa yimid isagoo leh, Sayidow, waa kaa minahaagii aan maro yar ku guntay oo meel dhigay. 21 Waayo, waan kaa baqay, maxaa yeelay, nin ba'an baad tahay; waxaad qaadataa waxaanad dhigan, oo waxaad gurataa waxaanad beeran. 22 Wuxuu ku yidhi, Waxaa afkaaga ka soo baxay ayaan kugu xukumayaa, addoon yahow sharka leh. Waad ogayd inaan ahay nin ba'an oo qaato wixii aanan dhigan oo gurto wixii aanan beeran. 23 Maxaad haddaba lacagtaydii baangiga u dhigi weyday, si, markaan imaado, aan u soo qaato lacagtaydii iyo faa'iidadeediiba? 24 Markaasuu ku yidhi kuwii ag taagnaa, Minaha ka qaada oo u dhiiba kan tobanka mina haya. 25 Waxay ku yidhaahdeen, Sayidow, toban mina ayuu hayaa. 26 Waxaan idinku leeyahay, Mid walba oo wax haysta waa la siin doonaa, kii aan waxba haysanse waa laga qaadi doonaa xataa wuxuu haysto. 27 Laakiin cadowyadaydan oo aan doonin inaan boqor u ahaado halkan keena oo hortayda ku laaya. 28 ¶ Goortuu waxaas ku hadlay ayuu hore u socday oo Yeruusaalem tegey. 29 Goortuu Beytfaage iyo Beytaniya ku dhowaaday ilaa buurta Buur Saytuun la yidhaahdo ayuu laba xer ah diray, 30 isagoo leh, Tuulada idinka soo hor jeedda taga, tan goortaad gashaan aad ka helaysaan qayl xidhan oo aan ninna weligii fuulin; soo fura oo keena. 31 Haddii laydin weyddiiyo oo laydinku yidhaahdo, Maxaad u furaysaan? waxaad ku tidhaahdaan, Sayidkaa u baahan. 32 Markaasay kuwii la diray tageen oo heleen sidii lagu yidhi. 33 Kolkay qaylka furayeen ayaa kuwii lahaa ku yidhaahdeen, Maxaad qaylka u furaysaan? 34 Waxay ku yidhaahdeen, Sayidkaa u baahan. 35 Markaasay Ciise u keeneen, oo dharkoodii bay qaylkii dusha ka saareen, oo Ciise ayay fuusheen. 36 Oo intuu socday, dharkoodii ayay jidka ku gogleen. 37 Goortuu ku soo dhowaanayay xataa meeshii Buur Saytuun laga dego, dadkii oo dhan oo xertii ahaa ayaa bilaabay inay farxaan, oo cod weyn Ilaah ku ammaanaan waxa xoogga leh oo dhan oo ay arkeen aawadood, 38 iyagoo leh, Waxaa barakaysan Boqorka Rabbiga magiciisa ku imanaya. Nabadi jannada ha ku jirto, ammaantuna meelaha ugu sarreeya. 39 Farrisiintii qaarkood oo dadkii badnaa ku dhex jiray ayaa ku yidhi, Macallimow, xertaada canaano. 40 Markaasuu u jawaabay oo ku yidhi, Waxaan idinku leeyahay, Kuwani hadday aamusaan, dhagaxyada ayaa qaylin doona. 41 ¶ Oo markuu ku soo dhowaaday, ayuu magaalada arkay oo u ooyay, 42 isagoo leh, Adigu haddii aad maalintan garan lahayd waxa nabad ah! Laakiin hadda waa laga qariyey indhahaaga. 43 Waayo, maalmuhu way kuu iman doonaan markii cadowyadaadu ay xaggaaga dhufays u soo qodan doonaan, oo ay kugu wareegi doonaan oo ay dhinac walba kaa celin doonaan. 44 Way ku dumin doonaan, adiga iyo carruurtaada kugu jirta, oo kuguma dayn doonaan dhagax dhagax dul saaran, waayo, waad garan weyday wakhtigii booqashadaada.
  • Luuk 20:11-14 : 11 Haddana wuxuu diray addoon kale, kaasna way garaaceen, oo ceebeeyeen, oo waxla'aan ku direen. 12 Haddana mid saddexaad ayuu diray, kaasna way dhaawaceen oo iska tuureen. 13 Markaasaa sayidka beerta wuxuu yidhi, Maxaan sameeyaa? Waxaan dirayaa wiilkaygaan jeclahay, malaha way maamuusi doonaan. 14 Laakiin beerreydii goortay arkeen, waxay isku yidhaahdeen, Kanu waa kii dhaxalka lahaa; aan dilnee, si aynu dhaxalka u lahaanno.
  • Fal 7:51-52 : 51 ¶ Idinkan madaxa adag oo aan qalbiga iyo dhegaha laga gudinow, weligiinba Ruuxa Quduuska ah waad hor joogsataan. Sidii awowayaashiin yeeli jireen oo kale ayaad idinna yeeshaan. 52 Bal nebiyada kee baan awowayaashiin silcin? Xataa iyagu waxay dileen kuwii hore u sheegay imaatinka Kan xaqa ah; kan idinku aad haatan gacangeliseen oo disheen.
  • 1 Tes 2:15 : 15 oo ah kuwii dilay Rabbi Ciise iyo nebiyadiiba, oo annagana dibadda noo eryay, oo aan Ilaah ka farxin, dadka oo dhanna ka geesta ah.
  • Muj 11:7-8 : 7 ¶ Oo markii ay dhammeeyaan markhaatifuridda waxaa la diriri doonaa bahalka yamayska ka soo bixi doona, oo wuu ka adkaan doonaa, wuuna dili doonaa iyaga. 8 Oo meydadkoodu waxay oolli doonaan jidka magaalada weyn oo xagga ruuxa laga yidhaahdo Sodom iyo Masar, halkaasoo Rabbigooda iskutallaabta lagu qodbay.
  • Muj 17:6 : 6 Markaasaan arkay naagtii oo ku sakhraantay dhiiggii quduusiinta iyo dhiiggii kuwii Ciise u markhaati furay. Oo markaan iyadii arkay ayaan aad ula yaabay.
  • Yer 11:7-8 : 7 Waayo, si aad ah ayaan awowayaashiin ugu digay tan iyo waagii aan iyaga dalkii Masar ka soo bixiyey iyo ilaa maantadan la joogo inta ka dhex leh, anigoo goor wanaagsan u digaya oo ku leh, Codkayga addeeca. 8 Laakiinse ima ay addeecin oo dhegna iima ay dhigin, laakiinse midkood kastaaba wuxuu daba galay caasinimada qalbigiisa sharka ah. Sidaas daraaddeed waxaan iyaga ku soo dejiyey axdigan erayadiisa oo dhan, kuwaasoo aan ku amray inay sameeyaan, laakiinse ayan samaynin.
  • Yer 25:3-7 : 3 Tan iyo sannaddii saddex iyo tobnaad oo Yoosiyaah ina Aamoon uu boqor ka ahaa dalka Yahuudah iyo ilaa maantadan la joogo, taasoo ah saddex iyo labaatan sannadood, waxaa ii imanayay Eraygii Rabbiga, oo aniguna waan idinla hadlay, anoo goor wanaagsan idinla hadlaya, laakiinse idinku innaba ma aydaan dhegaysan. 4 Oo Rabbiguna wuxuu idiin soo diray addoommadiisii nebiyada ahaa oo dhan, isagoo goor wanaagsan diraya, laakiinse idinku innaba ma aydaan dhegaysan, oo marnaba dheg uma aydaan dhigin inaad maqashaan. 5 Oo waxay yidhaahdeen, Midkiin kastaaba haatan jidkiisa ha ka soo noqdo, oo sharka falimihiinnana ka noqda, oo waxaad iska dhex degganaataan dalkii Rabbigu idinka iyo awowayaashiinba weligiin iyo weligiinba idin siiyey. 6 Oo ilaahyo kale ha u daba gelina inaad u adeegtaan oo caabuddaan, oo shuqullada gacmihiinna ha igaga cadhaysiinina, oo aniguna innaba wax idin yeeli maayo. 7 Laakiinse ima aydaan dhegaysan, ayaa Rabbigu leeyahay, si aad shuqullada gacmihiinna igaga cadhaysiisaan, oo ay waxyeello idiin soo gaadho.
  • Yer 26:23 : 23 Oo iyana dalkii Masar ayay Uuriyaah ka soo bixiyeen, oo waxay u keeneen Boqor Yehooyaaqiim, oo isna seef buu isagii ku dilay, oo meydkiisiina wuu ku dhex tuuray qabuuraha dadka.
  • Yer 35:15 : 15 Oo weliba waxaan idiin soo diray nebiyadii addoommadayda ahaa anigoo goor wanaagsan idiin soo diraya, oo idinku leh, Midkiin kastaaba haatan jidkiisa sharka ah ha ka soo noqdo, oo falimihiinnana hagaajiya, oo ilaahyo kale ha daba gelina inaad u adeegtaan aawadeed, oo markaas waxaad iska degganaan doontaan dalkii aan siiyey idinka iyo awowayaashiinba, laakiinse idinku dheg iima aydaan dhigin, oo innaba ima aydaan dhegaysan.
  • Yer 42:9-9 : 9 oo wuxuu iyagii ku yidhi, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil oo aad iigu dirteen inaan baryootankiinna hortiisa geeyo wuxuu leeyahay, 10 Haddaad dalkan sii joogtaan, waan idin dhisi doonaa, oo idinma dumin doono, oo waan idin beeri doonaa, oo idinma rujin doono innaba, waayo, waan ka qoomamooday masiibadii aan idinku sameeyey. 11 Boqorka Baabuloon oo aad ka baqaysaan ha ka cabsanina. Rabbigu wuxuu leeyahay, Innaba isaga ha ka cabsanina, waayo, anigaa idinla jira inaan idin badbaadiyo oo aan gacantiisa idinka samatabbixiyo. 12 Waanan idiin naxariisan doonaa si uu isagu idiinku naxariisto, oo uu dalkiinnii idiinku soo celiyo. 13 Laakiinse haddaad tidhaahdaan, Annagu dalkan degganaan mayno, oo codka Rabbiga Ilaahaaga ahna addeeci mayno,
  • Yer 44:4 : 4 Habase ahaatee nebiyadii addoommadayda ahaa oo dhan ayaan idiin soo diray, anigoo goor wanaagsan diraya, oo waxaan idhi, Ha samaynina waxan karaahiyada ah oo aan nebcahay.
  • Hos 11:2 : 2 Sidii loogu yeedhay ayay iyagii uga fogaadeen. Waxay allabari u bixiyeen Bacaliim, oo foox bay u shideen sanamyo xardhan.
  • Hos 11:7 : 7 Dadkaygii waxay ku tashadeen inay dib iga noqdaan. In kastoo iyaga loogu yeedhay Kan ugu sarreeya, innaba midnaba isaga ma sarraysiin doono.
  • Sak 1:4 : 4 Ha ahaanina sidii awowayaashiin oo kale, kuwaasoo ahaa kuwii ay nebiyadii hore ku qayliyeen oo ay ku yidhaahdeen, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Hadda ka soo noqda jidadkiinna sharka ah iyo falimihiinna sharka ahba, laakiinse Rabbigu wuxuu leeyahay, Iyagu ima ay maqlin, oo innaba ima ay dhegaysan.
  • Sab 81:8-9 : 8 Dadkaygiiyow, bal i maqla, Oo anna waan idiin digi doonaa, Reer binu Israa'iilow, bal haddaad i maqli lahaydeen! 9 Waa inaan ilaah qalaad idinku dhex jirin, Oo waa inaydaan innaba ilaah qalaad caabudin. 10 Anigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahaaga ah, Oo kaa soo bixiyey dalkii Masar, Afkaaga aad u kala qaad, oo anna waan buuxin doonaa. 11 Laakiinse dadkaygii ma ay dhegaysan codkaygii, Oo reer binu Israa'iilna ima aqbalin.
  • Sab 91:4 : 4 Oo wuxuu kugu dedi doonaa baalashiisa, Oo waxaad magangeli doontaa baadadkiisa, Runtiisuna waxay tahay gaashaan iyo gabbaad.
  • Maah 1:24-31 : 24 Anigu waan idiin yeedhay, laakiinse waad i diiddeen; Oo anigu gacantaydaan soo fidiyey, oo ninnana dan kama yeelan; 25 Laakiinse idinku taladaydii oo dhan waad fududaysateen, Oo canaantaydiina ma aydin doonaynin; 26 Sidaas daraaddeed aniguna waan idinku qosli doonaa markay belaayo idinku dhacdo; Waanan idinku majaajiloon doonaa markay cabsiyu idinku soo degto; 27 Markay cabsidiinnu u timaado sida duufaan oo kale, Oo belaayadiinnuna u timaado sida dabayl cirwareen ah; Oo dhibaato iyo cidhiidhi idinku yimaadaan. 28 Markaasay ii yeedhan doonaan, laakiinse anigu uma aan jawaabi doono; Oo horay ii doondooni doonaan, laakiinse ima ay heli doonaan; 29 Waayo, waxay nebcaadeen aqoonta, Oo Rabbiga ka cabsashadiisana ma ay dooran; 30 Iyagu taladaydii innaba ma ay doonaynin; Oo canaantaydii oo dhanna way quudhsadeen; 31 Haddaba iyagu waxay cuni doonaan midhihii jidkooda, Oo waxay ka dhergi doonaan taladoodii.
  • Ish 50:2 : 2 Haddaba markaan imid, muxuu ninna u jirin? Oo markaan dhawaaqayse maxaa la iigu jawaabi waayay? Miyaa innaba gacantaydu gaaban tahay si ayan wax u furan karin? Amase miyaanan lahayn xoog aan wax ku samatabbixiyo? Bal eega, canaantayda ayaan badda ku engejiyaa, oo webiyaashana cidlo baan ka dhigaa. Kalluunkoodu biyola'aan aawadeed buu la soo uraa, oo oon buu u dhintaa.
  • Yer 2:30 : 30 Anigu waxtarla'aan baan carruurtiinnii u dilay, iyaguse innaba kuma ay waano qaadan. Seeftiinnii ayaa nebiyadiinnii baabbi'isay sidii libaax wax baabbi'inaya oo kale.
  • Yer 4:14 : 14 Yeruusaalemay, qalbigaaga xumaanta ka maydh, si aad u badbaaddo aawadeed. Ilaa goormay fikirradaada sharka ahu kugu sii dhex jirayaan?
  • Yer 6:8 : 8 Yeruusaalemay, si aan naftaydu kaaga tegin, oo aanan kaaga dhigin cidlo iyo dal aan ciduna degganayn, edeb qaado.
  • Sab 17:8 : 8 Ii dhawr sida isha inankeeda, Oo igu qari hooska baalashaada.
  • Sab 36:7 : 7 Ilaahow, raxmaddaadu qaalisanaa! Oo binu-aadmiguna wuxuu magangalaa hooska baalashaada.
  • Sab 57:1 : 1 Ii naxariiso, Ilaahow, ii naxariiso, Waayo, naftaydu adigay ku magan gashaa, Haah, waxaan magangeli doonaa hooska baalashaada, Ilaa ay belaayooyinkanu gudbayaan.
  • 2 Taar 24:21-22 : 21 Oo iyana intay isagii shirqool u dhigeen, ayay iyagoo boqorka amar ka wata isagii ku dhagxiyeen barxadda guriga Rabbiga. 22 Sidaasuusan Boqor Yoo'aash u xusuusan roonaantii uu Yehooyaadaac oo isaga aabbihiis ahaa u sameeyey, laakiinse wuxuu dilay wiilkiisii. Oo markuu dhimanayay ayuu yidhi, Rabbigu xaalkan ha fiiriyo oo ha idin weyddiiyo.
  • 2 Taar 36:15-16 : 15 ¶ Oo Rabbiga ah Ilaaha awowayaashood goor wanaagsan ayuu iyagii u soo diray wargeeyayaashiisii, maxaa yeelay, dadkiisa iyo meesha rugtiisa ah ayuu u naxay. 16 Laakiinse way ku majaajiloodeen Ilaah wargeeyayaashiisii, oo eraygiisiina way quudhsadeen, nebiyadiisiina way fududaysteen, ilaa ay cadhadii Rabbigu ku dhacday dadkiisii oo dawo loo waayay.
  • Mat 21:35-36 : 35 Markaasaa beerreydu addoommadiisii qabatay, mid way garaaceen, mid kalena way dileen, mid kalena way dhagxiyeen. 36 Haddana wuxuu diray addoommo kale oo kuwii hore ka badan, iyagiina sidaas oo kalay ku sameeyeen.
  • Mat 22:3 : 3 Addoommadiisii ayuu u diray inay u yeedhaan kuwa arooska loogu yeedhay, mana ay doonaynin inay yimaadaan.
  • Mat 22:6 : 6 Kuwii kalena addoommadiisii ayay qabteen, wayna caayeen oo dileen.
  • Mat 23:30 : 30 oo waxaad tidhaahdaan, Haddii aannu waagii awowayaashayo joogi lahayn, annagu kala ma aannan qayb galneen kuwii dhiigga nebiyada qabay.
  • Mark 12:3-6 : 3 Markaasay qabteen oo garaaceen oo waxla'aan ku direen. 4 Haddana addoon kale ayuu u soo diray. Kaasay dakhreen oo ceebeeyeen. 5 Haddana mid kale ayuu u soo diray, wayna dileen; oo qaar kale oo badan ayuu diray. Qaar waa la garaacay; qaarna waa la dilay. 6 Weliba wuxuu lahaa wiil keliya oo uu jeclaa. Kolkii ugu dambaysay ayuu u soo diray isagii, oo wuxuu yidhi, Wiilkayga way maamuusi doonaan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 97%

    33Laakiin waa inaan socdo maanta iyo berri iyo maalinta ku xigtaba, waayo, ma noqon karto nebi inuu ku dhinto Yeruusaalem dibaddeeda.

    34¶ Yeruusaalemay, Yeruusaalemay, tan nebiyada dishoy, oo kuwa loo soo diray dhagxisoy! Intee baan marar badan jeclaaday inaan carruurtaada u soo ururiyo xataa sida dooradu carruurteeda baalasheeda hoostooda ugu ururiso, laakiin idinku ma aydnaan jeclayn.

    35Ogaada, gurigiinnii waa laydiin daayay, isagoo cidla ah. Waxaan idinku leeyahay, Ima arki doontaan ilaa aad tidhaahdaan, Waxaa barakaysan kan Rabbiga magiciisa ku imanaya.

  • 38Bal eega, gurigiinnii waa laydiin daayay isagoo cidla ah.

  • Mat 23:30-36
    7 aayado
    77%

    30oo waxaad tidhaahdaan, Haddii aannu waagii awowayaashayo joogi lahayn, annagu kala ma aannan qayb galneen kuwii dhiigga nebiyada qabay.

    31Sidaasaad isugu marag furaysaan inaad tihiin wiilasha kuwii nebiyada dilay.

    32Idinku haddaba dhammaystira qiyaastii awowayaashiin.

    33Abeesooyin yahow, dhal jilbisay, sidee baad uga baxsan doontaan xisaabta jahannamada?

    34Sidaa darteed, waxaan idiin soo dirayaa nebiyo iyo kuwa xigmadda leh iyo culimmo. Qaarkood waad dili doontaan oo iskutallaabta ku qodbi doontaan, qaarkoodna sunagogyadiinna ayaad ku karbaashi doontaan, oo magaalo ilaa magaalo ayaad ku silcin doontaan,

    35inuu dushiinna ku soo dego dhiiggii xaqa ahaa oo dhulka ku daatay oo dhan oo laga bilaabo dhiigga Haabiil kii xaqa ahaa ilaa dhiigga Sakariyas ina Barakiyas kan aad ku disheen meesha quduuska ah iyo meeshii allabariga dhexdooda.

    36Runtii waxaan idinku leeyahay, Waxyaalahan oo dhan ayaa qarnigan ku dul degi doona.

  • 72%

    41¶ Oo markuu ku soo dhowaaday, ayuu magaalada arkay oo u ooyay,

    42isagoo leh, Adigu haddii aad maalintan garan lahayd waxa nabad ah! Laakiin hadda waa laga qariyey indhahaaga.

    43Waayo, maalmuhu way kuu iman doonaan markii cadowyadaadu ay xaggaaga dhufays u soo qodan doonaan, oo ay kugu wareegi doonaan oo ay dhinac walba kaa celin doonaan.

    44Way ku dumin doonaan, adiga iyo carruurtaada kugu jirta, oo kuguma dayn doonaan dhagax dhagax dul saaran, waayo, waad garan weyday wakhtigii booqashadaada.

  • 70%

    28Laakiin Ciise intuu u soo jeestay, wuxuu ku yidhi, Gabdhaha Yeruusaalemow, ha ii ooyina, laakiin u ooya qudhiinna iyo carruurtiinna,

    29waayo, bal eega, wakhtigu waa imanayaa goortay odhan doonaan, Waxaa barakaysan madhashada iyo uurarka aan weligood dhalin iyo naasaha aan weligood la nuugin.

  • 47Waa idiin hoog, waayo, waxaad dhistaan xabaalaha nebiyada, awowayaashiinse way dileen.

  • 67%

    23Laakiin waa u hoog kuwa uurka leh iyo kuwa wakhtigaas ilmo nuujinaya, waayo, dhulka dhib weyn ayaa ka dhici doonta, dadkanna cadho.

    24Waxayna ku dhici doonaan seef afkeeda, oo waa la qabsan doonaa, oo quruumaha oo dhan la geeyn doonaa; quruumuhuna Yeruusaalem ayay ku tuman doonaan ilaa wakhtiga quruumuhu ka dhammaado.

  • Mat 2:17-18
    2 aayado
    67%

    17Markaas waxaa noqotay wixii nebi Yeremyaah lagaga dhex hadlay, isagoo leh,

    18Cod baa Raamaah laga maqlay, Oohin iyo baroor weyn, Raaxeel oo u ooyaysa carruurteeda, Oo aan doonaynin in la qalbi qabowjiyo, waayo, ma ay joogin.

  • 49Sidaa darteed xigmadda Ilaah ayaa tidhi, Waxaan u diri doonaa nebiyo iyo rasuullo; qaarkood waa la dili doonaa oo la silcin doonaa,

  • Yer 15:5-6
    2 aayado
    67%

    5Waayo, Yeruusaalemay, bal yaa kuu tudhi doona? Yaase kuu barooran doona? Yaase u soo leexan doona inuu sidaad tahay weyddiiyo?

    6Rabbigu wuxuu leeyahay, Waad iga tagtay, oo dib baad u noqotay, sidaas daraaddeed gacantaydaan kugu soo fidiyey, waanan ku baabbi'iyey, waayo, inaan ciqaabiddaada ka noqdo waan ka daalay.

  • 7Oo waxaan meeshan ka tirtiri doonaa talada dadka Yahuudah iyo dadka Yeruusaalemba, oo waxaan ka dhigi doonaa inay cadaawayaashooda hortooda ku la'daan oo ay ku dhintaan gacanta kuwa naftooda doondoonaya, oo bakhtigoodana waxaan cunto ahaan u siin doonaa haadka samada iyo dugaagga dhulka.

  • 8Yeruusaalemay, si aan naftaydu kaaga tegin, oo aanan kaaga dhigin cidlo iyo dal aan ciduna degganayn, edeb qaado.

  • Yer 23:1-2
    2 aayado
    67%

    1¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaa iska hoogay adhijirrada idihii daaqsintayda baabbi'iya oo kala firdhiya!

    2Sidaas daraaddeed Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu ka leeyahay adhijirrada dadkayga daajiya, Adhigaygii waad kala firdhiseen, waadna kala erideen, oo soomana aydnaan ilaalin. Bal eega, waxaan idiin ciqaabi doonaa sharkii falimihiinna, ayaa Rabbigu leeyahay.

  • 27Waayo, kuwii Yeruusaalem joogay iyo taliyayaashoodii waa garan waayeen isaga iyo codadkii nebiyada oo sabti walba la akhriyi jiray, sidaas daraaddeed ayay waxyaalihii dhammeeyeen markay xukumeen isagii.

  • 16Oo dadka ay wax u sii sheegaanna waxaa lagu tuuri doonaa jidadka Yeruusaalem, waana abaar iyo seef daraaddood, oo ciduna ma ay xabaali doonto iyaga, iyo naagahooda, iyo wiilashooda, iyo gabdhahoodaba, waayo, waxaan iyaga ku soo dejin doonaa xumaantoodii oo dhan.

  • 52Bal nebiyada kee baan awowayaashiin silcin? Xataa iyagu waxay dileen kuwii hore u sheegay imaatinka Kan xaqa ah; kan idinku aad haatan gacangeliseen oo disheen.

  • 20¶ Laakiin goortaad aragtaan Yeruusaalem oo colal ku wareegsan yihiin, markaas ogaada in hallaynteedu dhow dahay.

  • 14Yeruusaalemay, qalbigaaga xumaanta ka maydh, si aad u badbaaddo aawadeed. Ilaa goormay fikirradaada sharka ahu kugu sii dhex jirayaan?

  • 7Haddaad aqoon lahaydeen hadalkan micnihiisa, Waxaan doonayaa naxariis ee ma aha allabari, kuwa aan eed lahayn ma aad xukunteen.

  • 2Laakiin wuu u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Miyaydnaan waxyaalahan oo dhan arkaynin? Runtii waxaan idinku leeyahay, Halkan lagu dul dayn maayo dhagax dhagax kale dushiisa oo aan la dumin doonin.

  • 15¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Cod baa Raamaah laga maqlay, baroorasho iyo oohin qadhaadh, oo Raaxeel carruurteeday u ooyaysaa, wayna diiddaa in carruurteeda looga qalbi qaboojiyo, waayo, ma ay joogaan.

  • 35Markaasaa beerreydu addoommadiisii qabatay, mid way garaaceen, mid kalena way dileen, mid kalena way dhagxiyeen.

  • 17War miyaadan arkayn waxay ku dhex sameeyaan magaalooyinka dalka Yahuudah iyo jidadka Yeruusaalemba?

  • 13Oo sidii uu u dhawaaqay oo iyana ay maqli waayeen, sidaas oo kalay u qayliyeen, oo anna ma aan maqlin, ayaa Rabbiga ciidammadu yidhi,

  • 14Sidaas oo kale, ma aha doonista Aabbihiinna jannada ku jira in yaryarkan midkood lumo.

  • 2Ciise wuxuu ku yidhi, Guryahan waaweyn ma arkaysaa? Halkan lagu dul dayn maayo dhagax dhagax kale dushiisa oo aan la dumin doonin.

  • 20¶ Indhihiinna kor u qaada, oo bal waxaad fiirisaan kuwa woqooyi ka soo socda, bal meeh adhigii lagu siiyey oo ah xayntaadii quruxda badnayd?

  • 6Waxaa imanaya maalmo goortii kuwaas aad arkaysaan aan dhagax dhagax kale dushiisa lagu dul dayn doonin oo aan la dumin doonin.

  • 28Halkaa waxaa jiri doonta baroor iyo ilko jirriqsi goortaad boqortooyada Ilaah ku aragtaan Ibraahim iyo Isxaaq iyo Yacquub iyo nebiyada oo dhan, oo idinkana dibadda laydiin tuuray.

  • 3Dhiiggoodiina waxay Yeruusaalem hareeraheeda ugu daadiyeen sidii biyo oo kale, Cid aastaana ma jirin.

  • 30Anigu waxtarla'aan baan carruurtiinnii u dilay, iyaguse innaba kuma ay waano qaadan. Seeftiinnii ayaa nebiyadiinnii baabbi'isay sidii libaax wax baabbi'inaya oo kale.

  • 15Laakiin wadaaddada sare iyo culimmadu goortay arkeen waxyaalaha yaabka leh oo uu suubbiyey iyo carruurta macbudka ka qaylinaysa, iyagoo leh, Hoosanna ha u jirto ina Daa'uud, way cadhoodeen

  • 17Laakiin wuu eegay oo ku yidhi, Haddaba muxuu yahay waxan la qoray, Dhagaxii kuwa wax dhisaa ay diideen, Kaasu wuxuu noqday madaxa rukunka?