Matayos 24:6

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo waxaad maqli doontaan dagaallo iyo dagaallo hadalhayntood. Iska jira, hana baqanina, waayo, waxaasu waa inay dhacaan, laakiin dhammaadku weli weeye.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Mark 13:7-8 : 7 Goortaad dagaallo maqashaan iyo dagaallo hadalhayntood ha baqanina. Waxaasu waa inay dhacaan, laakiin dhammaadku weli weeye. 8 Waayo, quruunba quruun bay ku kici doontaa, boqortooyona boqortooyo, oo waxaa meelo kala duwan ka dhici doona dhulgariir iyo abaaro. Waxanu waa bilowga hoogagga.
  • Luuk 21:9 : 9 Oo markaad dagaallo iyo rabshooyin maqashaan ha baqanina, waayo, kolka hore waxyaalahanu waa inay dhacaan, laakiin dhammaadku kolkiiba ma aha.
  • Ish 8:12-14 : 12 Ha odhanina, Waa fallaagow waxa dadkanu fallaagow yidhaahdaan oo dhan, hana ka cabsanina wixii ay ka cabsadaan, oo innaba ha argaggixina. 13 Quduus ka dhiga Rabbiga ciidammada, oo isagu ha ahaado kan aad ka cabsataan oo aad ka argaggaxdaanba. 14 Oo wuxuu ahaan doonaa meel quduus ah, laakiinse labada qoys oo reer binu Israa'iilba wuxuu u noqon doonaa dhagax lagu turunturoodo iyo sallax lagu xumaado, oo dadka Yeruusaalem degganna wuxuu u noqon doonaa dabin iyo siriq.
  • Yex 7:24-26 : 24 Sidaas daraaddeed waxaan u keeni doonaa kuwa ugu liita ee quruumaha, oo iyana guryahooda way hantiyi doonaan, oo weliba waxaan joojin doonaa kuwa xoogga badan kibirkooda, oo meelahooda quduuska ahna waa la wada nijaasayn doonaa. 25 Halligaad baa imanaysa, oo iyagu nabad bay doondooni doonaan, laakiinse innaba ma ay jiri doonto. 26 Belaayaba belaayay ku soo kor degi doontaa, war belef ahuna war belef ah buu ka kor iman doonaa, oo markaasay wax nebi la tuso doondooni doonaan, laakiinse sharcigu wadaaddada wuu ka baabbi'i doonaa, oo taladuna odayaasha way ka dhammaan doontaa.
  • Yex 14:17-21 : 17 Amase haddaan dalkaas seef ku soo daayo, oo aan ku idhaahdo, Seefay, dalka dhex mar, si aan dhexdiisa dad iyo duunyaba uga wada gooyo, 18 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye, Xataa hadday saddexdaas nin dhex joogi lahaayeen wiilal iyo gabdho toona ma samatabbexeen, laakiinse iyagoo keliya ayaa samatabbixi lahaa. 19 Amase haddaan dalkaas belaayo ku soo dhex daayo, oo aan cadhadaydana dhiig ugu kor shubo, si aan dad iyo duunyoba uga gooyo, 20 xataa haddii Nuux iyo Daanyeel iyo Ayuub ay dhex joogi lahaayeen, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye, Wiil iyo gabadh toona ma samatabbexeen, laakiinse iyagu xaqnimadooda ayay naftooda oo keliya ku samatabbixin lahaayeen. 21 Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Haddaba intee in le'eg bay ka sii darnaan doontaa markaan Yeruusaalem ku soo daayo afartayda xukun ee baas, kuwaasoo ah seef, iyo abaar, iyo dugaag baas, iyo belaayo, si aan dhexdeeda dad iyo duunyoba uga wada gooyo?
  • Yex 21:9-9 : 9 Wiilka Aadamow, wax sii sheeg, oo waxaad tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaad tidhaahdaa, Seef, seef baa la afeeyey, oo weliba waa la safeeyey. 10 Waxaa loo afeeyey inay aad wax u layso, oo waxaa loo safeeyey inay sida hillaac u dhalaasho. Haddaba miyaynu rayraynaa? Usha wiilkaygu waxay quudhsataa geed kasta. 11 Oo seefta waxaa loo dhiibay in la safeeyo si wax loogu isticmaalo. Seefta waxaa loo soo afeeyey oo loo soo safeeyey in gacanta loo geliyo kan wax laaya. 12 Wiilka Aadamow, qayli oo barooro, waayo, waxay ku kor dhici doontaa dadkayga, oo waxay ku kor dhici doontaa amiirrada reer binu Israa'iil oo dhan. Iyaga iyo dadkaygaba seeftaa loo dhiibay. Haddaba sidaas aawadeed bowdadaada u dharbaax. 13 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaa jira tijaabin, oo maxaa jiri doona xataa hadday usha wax quudhsata aanay mar dambe sii jiri doonin? 14 Haddaba sidaas daraaddeed, Wiilka Aadamow, wax sii sheeg, oo sacabbada isku dhufo. Seeftu saddex jeer ha dhacdo, taasoo ah seefta wax lagu laayo, oo kan weyn laysa oo gelaysa xataa qolladahooda. 15 Seefta ayaan irdahooda oo dhan ku cabsiiyey, si uu qalbigoodu u dhalaalo, oo ay kufiddoodu u sii badato. Sida hillaac baa loo dhalaashay oo waxaa loo safeeyey waxlaynta aawadeed!
  • Yex 21:28 : 28 ¶ Haddaba Wiilka Aadamow, wax sii sheeg, oo waxaad tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu sidaasuu reer Cammoon iyo caydoodaba ka leeyahay. Adigu waxaad tidhaahdaa, Seef, seef baa la soo siibay, oo waxaa loo safeeyey waxlaynta aawadeed, inay sida hillaac u dhalaasho oo ay wax baabbi'iso,
  • Sab 46:1-3 : 1 Ilaah waa magangalkeenna iyo xooggeenna, Oo waa caawimaad inoo diyaar ah wakhtiga dhibaatada. 2 Sidaas daraaddeed cabsan mayno in kastoo dhulku beddelmo, Iyo in kastoo buurahu badda uurkeeda ku dhex dhaqaaqaan, 3 Iyo in kastoo biyaheedu guuxaan oo qasmaan, Iyo in kastoo ay buurahu kibirkooda la ruxruxmaan. (Selaah)
  • Mat 24:14 : 14 Oo injiilkan boqortooyada ayaa dunida oo dhan lagu wacdiyi doonaa inuu marag u noqdo Quruumaha oo dhan, dabadeedna ugudambaysta ayaa iman doonta.
  • Luuk 21:19 : 19 Waa inaad naftiinna ku haysataan dulqaadashadiinna.
  • Luuk 22:37 : 37 Waayo, waxaan idinku leeyahay, Waa inuu igu dhammaado qorniinkan leh, Waxaa isaga lagu tiriyey sharcilaawayaasha. Waayo, waxa igu saabsani dhammaad bay leeyihiin.
  • Yoox 14:1 : 1 ¶ Qalbigiinnu yuusan murugoon. Ilaah waad rumaysan tihiin, anigana i rumaysta.
  • Yoox 14:27 : 27 Nabad baan idiinka tegayaa, nabaddaydana waan idin siinayaa, sida dunidu u siiso anigu idiin siin maayo. Qalbigiinnu yuusan murugoon, yuusanna biqin.
  • 2 Tes 2:2 : 2 inaan caqligiinnu dhaqso u qasmin ama aydnaan ku argaggixin ruux, ama hadal, ama warqad sida mid annagu aannu soo dirnay, sidii iyadoo maalintii Rabbigu hadda joogto.
  • 1 But 3:14-15 : 14 Laakiinse xaqnimada daraaddeed haddii aad u xanuunsataan, waad barakaysan tihiin. Haddaba ha ka cabsanina cabsigelintooda, hana welwelina. 15 Rabbiga Masiixa ah qalbiyadiinna quduus kaga dhiga, oo mar kasta diyaar u ahaada inaad u jawaabtaan nin alla ninkii wax idinka weyddiiya sabab ku saabsan rajada aad leedihiin, laakiinse qabow iyo cabsi ugu jawaaba,
  • Sab 27:1-3 : 1 Rabbigu waa nuurkayga iyo badbaadadayda, bal yaan ka cabsadaa? Oo Rabbigu waa xoogga noloshayda, bal yaan ka baqaa? 2 Markii xumaanfalayaashu iigu yimaadeen inay hilibkayga cunaan, Kuwaasoo ah cadaawayaashayda iyo colkayga, way turunturoodeen, wayna dheceen. 3 In kastoo ciidan col ah i ag dego, Qalbigaygu cabsan maayo, In kastoo dagaal igu soo kaco, Xataa markaas waan kalsoonaanayaa.
  • Fal 27:24-26 : 24 Waxay igu tidhi, Bawlosow, ha cabsan; waayo, waa inaad Kaysar hortiisa istaagtaa; oo weliba bal eeg, Ilaah wuxuu adiga ku wada siiyey kuwa kula socda oo dhan. 25 Haddaba, niman yahow, kalsoonaada, waayo, anigu Ilaah waan rumaysanahay inay noqon doonto sidii la ii sheegay. 26 Habase yeeshee waa inaynu ku dhacno gasiirad.
  • Mat 26:54 : 54 Haddaba sidee buu u noqon doonaa Qorniinku kan leh, Waa in sidaasu noqotaa?
  • Sab 112:7 : 7 Isagu innaba kama cabsan doono war xun, Qalbigaa u fadhiya, oo wuxuu isku halleeyaa Rabbiga.
  • Daan 9:24-27 : 24 Toddobaatan toddobaad baa loo qabtay dadkaaga iyo magaaladaada quduuska ah, in xadgudubka la joojiyo, oo dembiyada la dhammeeyo, oo xumaanta laga heshiiyo, oo la keeno xaqnimo weligeed ah, iyo in la shaabadeeyo waxyaalo lays tuso iyo waxyaalo la sii sheego, iyo in la subko kan ugu quduusan. 25 Haddaba ogow oo garo in tan iyo markii amarku soo baxay in Yeruusaalem la soo celiyo oo la dhiso ilaa uu yimaado Kan subkan oo ah amiirka waxaa ahaan doona toddoba toddobaad, iyo laba iyo lixdan toddobaad; haddana wakhtiyada cidhiidhiga ah waa la dhisi doonaa oo waxaa loo yeeli doonaa jidad iyo derbi. 26 Oo laba iyo lixdanka toddobaad dabadood ayaa Kan subkan la gooyn doonaa waxbana ma haysan doono, oo dadka amiirka iman doona ayaa baabbi'in doona magaalada iyo meesha quduuska ah oo dhammaadkiisuna wuxuu ahaan doona mid daad leh, oo xataa ilaa ugu dambaysta waxaa jiri doona dagaal; baabba'na waa la goostay. 27 Oo toddobaad ayuu kuwo badan axdi kula dhigan doonaa: markaasuu toddobaadka badhtankiisa joojin doonaa allabariga iyo qurbaankaba; oo dushiisa waxaa ku iman doona mid wax baabbi'iya ilaa dhammaadkii la goostay lagu dejiyo kan wax baabbi'iya.
  • Daan 11:1-9 : 1 ¶ Daariyus oo reer Maaday ahaa, sannaddiisii kowaad ayaan u istaagay inaan caawiyo oo xoogaysiiyo isaga. 2 ¶ Oo haatan runtaan kuu sheegayaa, Bal ogow, weliba saddex boqor baa Faaris ka kici doonee, kan afraadna kulligood waa ka wada maal badnaan doonaa, oo markuu maalkiisa aad ugu xoogaysto, ayuu dhammaan boqortooyada Gariigta ku kicin doonaa. 3 Oo waxaa kici doona boqor xoog badan, oo talo weyn ku talin doona, hadba siduu doonayana yeeli doonaa. 4 Oo markuu kaco, ayaa boqortooyadiisu jabi doontaa, waxaana loo kala qaybin doonaa afarta jaho oo samada, laakiin farcankiisa iyo sida dowladnimadiisu ahayd toona looma qaybin doono, waayo, boqortooyadiisa waa la rujin doonaa, oo waxaa yeelan doona kuwo kale oo aan kuwan ahayn. 5 Oo boqorka koonfureed ayaa xoog yeelan doona, oo mid amiirradiisa ka mid ah ayaa ka sii xoog badnaan doona, wuxuuna yeelan doonaa dowladnimo, oo dowladnimadiisuna waxay noqon doontaa dowladnimo weyn. 6 Sannado dabadoodna way isku darsami doonaan kulligood, oo boqorka koonfureed gabadhiisa ayaa u iman doonta boqorka woqooyi inay heshiis la dhigato; laakiinse gacanteedu xoog ma sii yeelan doonto; isaga iyo gacantiisuna sii ma taagnaan doonaan, laakiinse waa la sii dayn doonaa iyada, iyo kuwii keenay, iyo kii dhalay, iyo kii waayahaas iyada xoogayn jirayba. 7 Laakiinse biqil ka baxay jiriddii ay ka soo farcantay ayaa meeshiisa istaagi doona oo u iman doona ciidanka, oo wuxuu soo geli doonaa boqorka woqooyi qalcaddiisa, wuuna ka gees ahaan doonaa iyaga, kolkaasuu ka adkaan doonaa. 8 Oo weliba wuxuu xagga Masar qaadan doonaa ilaahyadooda, iyo sanamyadooda la shubay, iyo weelashoodii wanaagsanaa ee laga sameeyey lacagta iyo dahabka, oo intii dhawr sannadood ah ayuu ka hadhi doonaa boqorka woqooyi. 9 Oo wuxuu iman doonaa boqortooyada boqorka koonfureed, laakiin waddankiisuu ku noqon doonaa. 10 Wiilashiisuna way dagaallami doonaan, oo waxay urursan doonaan ciidan faro badan oo imanaya, oo dhulka qarqinaya, oo dhex maraya, markaasuu soo noqon doonaa oo la dagaallami doonaa ilaa qalcaddiisa. 11 Oo boqorka koonfureed wuu cadhoon doonaa, kolkaasuu soo bixi doonaa oo la dagaallami doonaa boqorka woqooyi, oo wuxuu soo bixin doonaa dad faro badan, dadka faraha badanna isagaa gacanta loo gelin doonaa. 12 Oo dadka faraha badanna waa la qaadi doonaa, qalbigiisuna wuu kibri doonaa; oo tobanyaal kun buu hoos u tuuri doonaa, mase adkaan doono. 13 Oo markaasaa waxaa soo noqon doona boqorkii woqooyi, oo wuxuu soo bixin doonaa dad faro badan oo kuwii hore ka sii badan; oo sannado dabadood wuxuu la iman doonaa ciidan badan iyo maal badan. 14 Oo wakhtigaasna dad badan baa ka gees noqon doona boqorka koonfureed; oo weliba kuwa wax dulma oo dadkaaga ku dhex jira ayaa kici doona si ay riyadu u dhisanto; laakiinse way dhici doonaan. 15 Sidaasuu boqorkii woqooyi u iman doonaa, oo tuulmo buu tuuli doonaa, oo magaalo deyr lehna wuu qaadan doonaa, ciidanka koonfureedna isma hor taagi doonaan, iyo dadkiisa uu doortay toona, oo xoog ay isku hor taagaanna ma jiri doono. 16 Laakiin kan isaga ku kaca ayaa hadba siduu doonayo yeeli doona, oo ninna isma hor taagi doono. Oo wuxuu dhex istaagi doonaa dhulka quruxda leh, gacantiisana waxaa ku jiri doona baabbi'in. 17 Inuu xoogga boqortooyadiisa oo dhan la yimaado aawadeed ayuu wejigiisa u jeedin doonaa, waxaana la jiri doona kuwa qumman, markaasuu siduu doonayo yeeli doonaa; oo waxaa la siin doonaa gabadha dumarka si uu u kharribo, laakiin ma ay istaagi doonto, tiisiina ma ay noqon doonto. 18 Taas dabadeedna wuxuu u jeesan doonaa xagga gasiiradaha, kuwo badanna wuu qaadan doonaa, laakiinse mid amiir ah ayaa caydii uu caayay joojin doona; oo weliba caydiisii isaguu ku celin doonaa. 19 Markaasuu haddana u jeesan doona xagga qalcadaha waddankiisa, laakiinse wuu turunturoon doonaa oo dhici doonaa, lamana heli doono. 20 Dabadeedna waxaa meeshiisii istaagi doona mid ka dhigi doona in cashuurqaade boqortooyada ammaanteeda dhex maro, laakiin dhawr maalmood dabadood ayaa la jebin doonaa, lagumase jebin doono cadho ama dagaal. 21 Oo waxaa meeshiisii qaadan doona mid la quudhsado, oo aan la siinin murwaddii boqortooyada, laakiin wuxuu iman doonaa wakhtiga nabadgelyada, oo boqortooyadana sasabashuu ku qaadan doonaa. 22 Oo iyaga hortiisa ayaa laga xaaqi doonaa, sida daadku wax u qarqiyo oo kale, waana la jebin doonaa iyagii, iyo weliba amiirkii axdigaba. 23 Oo markii wacad lala dhigto dabadeed ayuu si khiyaano ah ku shaqaysan doonaa, waayo, dad yar buu la soo bixi doonaa, wuuna xoog badnaan doonaa. 24 Wakhtiga nabadgelyada ayuu iman doonaa xataa meelaha gobolka ugu barwaaqo badan, markaasuu wuxuu samayn doonaa wax aan awowayaashiis iyo abkowyadiis midkoodna samayn; oo wuxuu ku dhex firdhin doonaa wax la boobay iyo dhac iyo maal: oo intii wakhti ayuu wax qalcadaha ka gees ah ku fikiri doonaa. 25 Markaasuu xooggiisa iyo geesinimadiisa ku kicin doonaa boqorka koonfureed, isagoo ciidan badan wata, boqorka koonfureedna isaguu la dagaallami doona isagoo wata ciidan aad u xoog badan, laakiinse isma uu taagi doono, maxaa yeelay, wax ka gees ah bay ku fikiri doonaan. 26 Oo kuwii quudkiisii cunay ayaa jebin doona isaga, oo ciidankiisuna dalkuu qarqin doonaa, oo kuwo badan baa dhici doona iyagoo la laayay. 27 Oo labadaas boqorba qalbiyadoodu waxay ka shaqayn doonaan belaayo, oo miis keliya ayay been isugu sheegi doonaan; laakiinse ma ay hagaagi doonto; waayo, weliba ugudambaystu waxay noqon doontaa wakhtigii la xugmay. 28 Markaasuu dhulkiisii ku noqon doonaa isagoo maal badan wata, qalbigiisuna ka gees buu noqon doonaa axdiga quduuska ah; siduu doonayo ayuu yeeli doonaa oo dhulkiisuu ku noqon doonaa. 29 Wakhtigii loo xugmay ayuu noqon doonaa oo koonfurtuu iman doonaa; laakiinse wakhtiga ugu dambaysta ma noqon doono sidii kii hore, 30 waayo, doonniyaha Kitiim ayaa soo weerari doona; oo sidaas daraaddeed ayuu u quusan doonaa, oo u noqon doonaa, oo wuxuu u cadhoon doonaa axdiga quduuska ah oo siduu doonayo ayuu yeeli doonaa, oo xataa wuu noqon doonaa, wuuna u fiirsan doonaa kuwa ka taga axdiga quduuska ah. 31 Oo ciidan baa isaga la gees noqon doona, oo waxay nijaasayn doonaan meesha quduuska ah ee qalcadda leh, oo waxay qaadan doonaan qurbaanka joogtada, oo waxay qotomin doonaan waxa baas oo wax baabbi'iya. 32 Oo kuwa wax baas oo axdiga ka gees ah sameeya ayuu sasabasho ku qalloocin doonaa; laakiinse dadka Ilaahooda yaqaan way xoog badnaan doonaan, oo waxyaalo waaweyn bay samayn doonaan. 33 Oo kuwa xigmadda leh oo dadka ku dhex jira, kuwo badan bay wax bari doonaan; laakiinse maalmo badan bay ku dhici doonaan seef, iyo olol, iyo maxbuusnimo, iyo dhac. 34 Haddaba markay dhacaan baa lagu caawin doonaa caawimaad yar, laakiinse qaar badan baa iyagoo sasabanaya ku darsami doona. 35 Oo qaarkooda xigmadda leh ayaa dhici doona, si loo tijaabiyo, oo loo daahiriyo, oo loo caddeeyo, ilaa wakhtiga ugudambaysta, maxaa yeelay, waa weli wakhtigii la xugmay. 36 ¶ Oo boqorku siduu doonuu yeeli doonaa; wuuna isa sarraysiin doonaa oo iska weynaysiin doonaa ilaah kasta, oo waxyaalo yaab miidhan ah ayuu kaga hadli doonaa Ilaaha ilaahyada, wuuna iska barwaaqoobi doonaa ilaa ay cadhadu buuxsanto; waayo, wixii la goostay ayaa la samayn doonaa. 37 Umana fiirsan doono ilaahyadii awowayaashiis, ama waxa dumarku jecel yihiin, oo ilaahna uma fiirsan doono, waayo, wuu iska weynaysiin doonaa wax kasta. 38 Laakiinse meeshiisuu ku cisayn doonaa ilaaha qalcadaha; oo ilaah aanay awowayaashiis garanayn ayuu ku cisayn doonaa dahab iyo lacag iyo dhagaxyo qaali ah, iyo waxyaalo fiican. 39 Oo ilaah qalaad caawimaaddiis ayuu wax ku samayn doonaa qalcadaha ugu xoogga badan, oo mid kasta oo isaga aqoonsada wuxuu u kordhin doonaa ammaan; wuxuuna ka dhigi doonaa inay xukumaan kuwo badan, dhulkana abaal buu ugu kala qaybin doonaa. 40 Wakhtiga ugu dambaysta ayaa boqorka koonfureed la dagaallami doonaa isaga, oo boqorka woqooyina wuxuu ugu iman doonaa sida dabayl cirwareen ah, isagoo wata gaadhifardood, iyo fardooley, iyo doonniyo badan, wuxuuna soo dhex geli doonaa waddammada, wuuna qarqin doonaa, oo dhex mari doonaa. 41 Wuxuu kaloo dhex geli doonaa dhulka quruxda leh, oo waddammo badan oo kalena waa la afgembiyi doonaa, laakiin waxaa gacantiisa laga samatabbixin doonaa Edom, iyo Moo'aab, iyo kuwa waaweyn oo reer Cammoon. 42 Oo haddana gacantiisuu waddammada ku fidin doonaa, oo dalka Masarna ma baxsan doono. 43 Laakiinse xoog buu u yeelan doonaa khasnadaha dahabka iyo lacagta ah, iyo waxyaalaha qaaliga ah ee Masar oo dhan. Oo weliba dadka Liibiya, iyo dadka Itoobiyana tallaabooyinkiisay daba geli doonaan. 44 Laakiinse warar bari iyo woqooyi ka yimid ayaa ka welwelin doona isaga, markaasuu isagoo aad u cadhaysan u soo bixi doonaa inuu kuwo badan baabbi'iyo oo idleeyo. 45 Oo wuxuu teendhooyinkiisii boqornimo ka taagi doonaa meel u dhaxaysa badda iyo buurta qurxoon oo quduuska ah; laakiin mar buu dhammaadkiisu iman doonaa; oo ninna ma caawin doono.
  • Xab 3:16-18 : 16 Anigu waan maqlay, kolkaasaan caloosha ka naxay, Oo codkii aawadiis ayaa bushimahaygu la qadhqadheen, Lafahaygiina way qudhmeen, oo meeshaydaan ku gariiray, Inaan iska nasto intaan sugayo maalinta dhibka Oo ay ciidammadu ku soo kici doonaan dadka. 17 Waayo, in kastoo berduhu uusan ubxin, Ama aan midho ku oollin geedaha canabka ah, Oo hawsha saytuunka lagu khasaaro, Ama aan beeraha quud ka bixin, Oo adhigu xerada ka baabbo'o, Oo golahana aan xoolo lagu arag, 18 Haddana Rabbiga waan ku rayrayn doonaa, Oo Ilaaha badbaadadayda ah waan ku farxi doonaa.
  • Ish 12:2 : 2 Bal eega, Ilaah waa badbaadadayda! Waan isku hallayn doonaa, mana baqi doono, waayo, Rabbiga Ilaaha ahu waa xooggayga iyo gabaygayga, oo weliba wuxuu ii noqday badbaadadayda.
  • Ish 26:3-4 : 3 Qofkii maankiisu isku kaa halleeyo nabad dhan baad ku dhawri doontaa, maxaa yeelay, adiguu ku aaminsan yahay. 4 Rabbiga weligiinba aamina, waayo, Rabbiga Ilaaha ahu waa dhagax daa'im ah.
  • Ish 26:20-21 : 20 ¶ Dadkaygow, kaalaya, qolladihiinna gala, oo albaabbadiinna soo xidha, oo wakhti yar dhuunta, intay cadhadu gudbayso. 21 Waayo, bal eega, Rabbigu wuxuu meeshiisa uga soo kacayaa inuu dadka dhulka deggan xumaantooda u ciqaabo. Dhulkuna wuxuu daaha ka qaadi doonaa dhiiggiisa, oo kuwa la laayayna mar dambe ma dabooli doono.
  • Yer 4:19-22 : 19 Calooshaydiiyey, calooshaydiiyey! Aniga qalbigaa i xanuunaya, oo wadnahaa i fig leh. Iskamana aamusi karo, maxaa yeelay, naftaydiiyey, waxaad maqashay buunka dhawaaqiisii iyo qayladii dagaalka. 20 Belaayo baa belaayay ku soo kor dhacday, ayaa lagu dhawaaqay, waayo, dalkii oo dhan waa baabba'ay. Teendhooyinkaygii haddiiba way baabbe'een, oo daahyadaydiina daqiiqad qudha ayay dhammaadeen. 21 Ilaa goormaan calanka arkayaa, oo aan buunka dhawaaqiisa sii maqlayaa? 22 Waayo, dadkaygu waa nacasyo, oo aniga ima ay yaqaaniin. Iyagu waa carruur caqlidaran, oo innaba waxgarasho ma leh. Inay xumaan sameeyaan way u caqli badan yihiin, laakiinse inay samaan sameeyaan innaba aqoon uma leh.
  • Yer 6:22-24 : 22 ¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, dadyow baa dalka woqooyi ka iman doona, oo quruun weyn ayaa dhulka darafyadiisa ka soo kici doonta. 23 Oo waxay sitaan qaansooyin iyo warmo, oo waa calool adag yihiin, oo innaba naxariis ma leh. Codkoodana waxaa la moodaa sida bad guuxaysa oo kale, oo farday fuulaan. Siyoonay, mid kastaaba wuxuu kuugu soo safan yahay sida nin dagaal diyaar u ah oo kale. 24 Waxaannu maqalnay warkoodii, oo gacmahayagii way taag gabeen, oo cidhiidhi iyo xanuun baa noo qabtay sida naag foolanaysa oo kale.
  • Yer 8:15-16 : 15 Innagu nabad baynu sugaynay, laakiinse wanaag inooma iman, oo waxaynu sugaynay wakhti caafimaad leh, oo bal eega naxdin baa inoo timid! 16 Bururuftii fardihiisa dalka Daan baa laga maqlay, oo dalkii oo dhammuna wuxuu la gariiray dananiddii kuwiisa xoogga badan, waayo, way yimaadeen, oo waxay wada baabbi'iyeen dalkii, iyo wixii ku dhex jiray oo dhan, iyo magaalooyinkii iyo kuwii degganaa oo dhanba.
  • Yer 47:6 : 6 Rabbiga seeftiisay, ilaa goormaad xasilloonaan la'aanaysaa? Galkaaga gal, naso, oo xasilloonow.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Mark 13:6-9
    4 aayado
    93%

    6Qaar badan ayaa magacayga ku iman doona, oo waxay odhan doonaan, Anigu waxaan ahay isaga, oo qaar badan ayay khiyaanayn doonaan.

    7Goortaad dagaallo maqashaan iyo dagaallo hadalhayntood ha baqanina. Waxaasu waa inay dhacaan, laakiin dhammaadku weli weeye.

    8Waayo, quruunba quruun bay ku kici doontaa, boqortooyona boqortooyo, oo waxaa meelo kala duwan ka dhici doona dhulgariir iyo abaaro. Waxanu waa bilowga hoogagga.

    9¶ Laakiin iska jira. Waxaa laydiin dhiibi doonaa shirar, oo sunagogyo waa laydinku karbaashi doonaa; taliyayaal iyo boqorro hortooda ayaad daraadday u istaagi doontaan inaad markhaati u ahaataan.

  • Luuk 21:7-12
    6 aayado
    86%

    7¶ Markaasay weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen, Macallimow, goormay waxyaalahanu ahaan doonaan, oo calaamadu maxay ahaan doontaa goortii waxyaalahanu ay dhowaan doonaan?

    8Markaasuu yidhi, Iska eega yaan laydin khiyaanayn, waayo, qaar badan ayaa magacayga ku iman doona, oo waxay odhan doonaan, Anigu waxaan ahay isaga; iyo, Wakhtigu waa soo dhowaaday. Ha raacina.

    9Oo markaad dagaallo iyo rabshooyin maqashaan ha baqanina, waayo, kolka hore waxyaalahanu waa inay dhacaan, laakiin dhammaadku kolkiiba ma aha.

    10Markaasuu ku yidhi, Quruunba quruun bay ku kici doontaa, boqortooyona boqortooyo.

    11Waxaa meelo kala duwan ka dhici doona dhulgariir iyo abaaro iyo cudurro, samadana waxaa laga arki doonaa waxyaalo cabsi leh iyo calaamooyin waaweyn.

    12Waxyaalahan oo dhan hortood gacmahooday idin saari doonaan oo idin silcin doonaan oo idiin dhiibi doonaan sunagogyada iyo xabsiyada, oo waxaa magacayga aawadiis laydiin hor geeyn doonaa boqorro iyo taliyayaal.

  • Mat 24:7-11
    5 aayado
    82%

    7Waayo, quruunba quruun bay ku kici doontaa, boqortooyona boqortooyo, oo waxaa meelo kala duwan ka dhici doona abaaro iyo dhulgariir.

    8Waxan oo dhammu waa bilowga hoogagga.

    9Markaasaa dhib laydiin gaysan doonaa, waana laydin dili doonaa, oo magacayga aawadiis ayaa quruumaha oo dhammi idiin nebcaan doonaan.

    10Maarkaas qaar badan ayaa xumaan doona, midba mid buu gacangelin doonaa, wayna isnebcaan doonaan.

    11Waxaa kici doona nebiyo badan oo been ah, oo qaar badan ayay khiyaanayn doonaan.

  • Mat 24:33-35
    3 aayado
    75%

    33Idinkuna sidaas oo kale goortaad waxan oo dhan aragtaan, garta inuu dhow yahay oo albaabbada ag joogo.

    34Runtii waxaan idinku leeyahay, Qarniganu ma idlaan doono intaanay waxan oo dhammi dhicin.

    35Cirka iyo dhulku waa idlaan doonaan, laakiinse ereyadaydu ma idlaan doonaan.

  • Mat 24:13-16
    4 aayado
    74%

    13Laakiin kii adkaysta ilaa ugu dambaysta, kaasaa badbaadi doona.

    14Oo injiilkan boqortooyada ayaa dunida oo dhan lagu wacdiyi doonaa inuu marag u noqdo Quruumaha oo dhan, dabadeedna ugudambaysta ayaa iman doonta.

    15¶ Haddaba goortaad aragtaan waxa baas oo hallaynta ah ee lagaga hadlay nebi Daanyeel, oo taagan meesha quduuska ah (kii akhriyaa ha garto),

    16markaas kuwa Yahuudiya joogaa, buuraha ha u carareen.

  • 73%

    25¶ Calaamooyin ayaa laga arki doonaa qorraxda, iyo dayaxa, iyo xiddigaha; dhulkana waxaa ku jiri doona dhib quruumahu ka welwelaan guuxa badda iyo hirarka aawadood.

    26Dadkuna waxay la suuxi doonaan baqdin iyo filasho waxa dunida iman doona, waayo, xoogagga cirka ayaa la gariirin doonaa.

  • 72%

    29Idinkuna sidaas oo kale goortaad aragtaan waxaas oo dhacaya, garta inuu Wiilka Aadanahu dhow yahay oo albaabbada ag joogo.

    30Runtii waxaan idinku leeyahay, Qarniganu ma idlaan doono intaanay waxan oo dhammi dhicin.

    31Cirka iyo dhulku waa idlaan doonaan, laakiinse hadalladaydu ma idlaan doonaan.

  • 46Ha qalbi jebin, hana ka cabsan warka belefta ah ee dalka laga dhex maqli doono, waayo, sannad war baa iman doona oo haddana sannadda kalena war kalaa iman doona, oo dalka dhexdiisa waxaa jiri doona dulmi, oo taliyeba taliyuu ku kici doonaa.

  • Mat 24:23-26
    4 aayado
    70%

    23Maarkaas haddii laydinku yidhaahdo, Waa kan Masiixa ama waa kaas, ha rumaysanina.

    24Waayo, waxaa kici doona Masiixyo been ah iyo nebiyo been ah, oo waxay samayn doonaan calaamooyin waaweyn iyo yaabab, si ay xataa kuwa la doortay u khiyaaneeyaan hadday u suurtowdo.

    25Bal eega, horaan idiinku sheegaye.

    26Haddaba hadday idinku yidhaahdaan, Bal eega, wuxuu joogaa cidlada, ha u bixina. Bal eega, wuxuu joogaa qolalka qarsoon, ha rumaysanina.

  • 70%

    31Sidaas oo kale idinkuna goortaad aragtaan waxaas oo dhacaya, garta in boqortooyadii Ilaah dhow dahay.

    32Runtii waxaan idinku leeyahay, Qarniganu ma idlaan doono intaanay wax walba dhicin.

    33Cirka iyo dhulku waa idlaan doonaan, laakiinse ereyadaydu ma idlaan doonaan.

  • Mat 24:2-5
    4 aayado
    70%

    2Laakiin wuu u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Miyaydnaan waxyaalahan oo dhan arkaynin? Runtii waxaan idinku leeyahay, Halkan lagu dul dayn maayo dhagax dhagax kale dushiisa oo aan la dumin doonin.

    3¶ Oo goortuu Buur Saytuun fadhiistay, xertii ayaa keli ahaan ugu timid oo waxay ku yidhaahdeen, Noo sheeg, Goormay waxyaalahanu ahaan doonaan, oo calaamada imaatinkaaga iyo dhammaadka wakhtiga dunidu maxay ahaan doontaa?

    4Ciise ayaa u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Iska eega yaan laydin khiyaanayn.

    5Waayo, qaar badan ayaa magacayga ku iman doona, oo waxay odhan doonaan, Anigu waxaan ahay Masiixa, oo qaar badan ayay khiyaanayn doonaan.

  • 20¶ Laakiin goortaad aragtaan Yeruusaalem oo colal ku wareegsan yihiin, markaas ogaada in hallaynteedu dhow dahay.

  • 21Waayo, markaas waxaa jiri doona dhib weyn sida mid aan jirin tan iyo dunida bilowgeedii ilaa hadda, mana jiri doonto weligeed.

  • Mat 24:29-30
    2 aayado
    68%

    29¶ Laakiin dhibta wakhtigaas dabadeed, kolkiiba qorraxdu waa madoobaan doontaa, dayuxuna ma nuuri doono, xiddiguhuna cirka waa ka soo dhici doonaan, xoogagga cirkana waa la gariirin doonaa.

    30Markaasaa waxaa cirka ka soo muuqan doona calaamada Wiilka Aadanaha, markaas ayaa qolooyinka dhulka oo dhammu barooran doonaan, oo waxay arki doonaan Wiilka Aadanaha oo daruuraha cirka ku imanaya isagoo leh xoog iyo ammaan weyn.

  • 68%

    23Laakiin idinku iska jira, wax walbaba horaan idiinku sheegaye.

    24¶ Laakiin wakhtigaas, dhibtaas dabadeed, qorraxdu waa madoobaan doontaa, dayaxuna ma nuuri doono,

  • 44Sidaa darteed idinkuna diyaar ahaada, waayo, saacad aydnaan u malaynaynin ayaa Wiilka Aadanahu imanayaa.

  • 25Berrinka ha u bixina, oo jidkana ha marina, waayo, seeftii cadowga iyo cabsi baa dhan kasta idinka jirta.

  • 67%

    13Dadka oo dhan ayaa magacayga aawadiis idiin necbaan doona, laakiin kan ilaa ugu dambaysta adkaysta kaasaa badbaadi doona.

    14¶ Laakiin goortaad aragtaan waxa baas oo hallaynta ah oo taagan meeshii uusan lahayn inuu taagnaado (kii akhriyaa ha garto), markaas kuwa Yahuudiya joogaa buuraha ha u carareen.

  • 21Markaas haddii nin idinku yidhaahdo, Waa kan Masiixii, ama, Waa kaas, ha rumaysanina.