Matayos 8:13

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaasaa Ciise wuxuu boqol-u-taliyihii ku yidhi, Tag. Sidaad u ramaysatay ha kuu noqoto e. Oo saacaddaas ayaa midiidinkii bogsaday.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Mat 9:22 : 22 Laakiin Ciise intuu ku soo jeestay oo arkay, ayuu wuxuu ku yidhi, Gabadhay, kalsoonow; rumaysadkaaga ayaa ku bogsiiyey. Oo naagtii baa saacaddaas bogsatay.
  • Mat 9:29-30 : 29 Markaasuu indhahooda taabtay isagoo leh, Sida rumaysadkiinnu yahay ha idiin noqoto. 30 Markaasaa indhahoodii furmeen. Ciise aad buu u amray, oo ku yidhi, Iska jira; ninna yaanu ogaan.
  • Mat 15:28 : 28 Markaasaa Ciise u jawaabay oo ku yidhi, Naagtay, rumaysadkaagu waa weyn yahay ee ha kuu noqoto sidaad doonaysid. Oo saacaddaasba gabadheedii waa bogsatay.
  • Mat 17:20 : 20 Wuxuu ku yidhi, Waa rumaysadyaraantiinna aawadeed. Runtii waxaan idinku leeyahay, Haddaad leedihiin rumaysad iniin khardal le'eg, waxaad buurtan ku odhan doontaan, Halkan ka dhaqaaq oo halkaas tag, wayna dhaqaaqi doontaa, oo waxba ma kari waayi doontaan.
  • Mark 7:29 : 29 Kolkaasuu iyada ku yidhi, Hadalkaas aawadiis tag; jinnigii ayaa gabadhaada ka baxay.
  • Mark 9:23 : 23 Ciise wuxuu ku yidhi, Haddaad rumaysan karaysid, wax waluba waa u suurtoobaan ka rumaysan.
  • Yoox 4:50 : 50 Ciise wuxuu ku yidhi, Soco, wiilkaagii waa nool yahay. Markaasaa ninkii rumaystay hadalkii Ciise ku yidhi, wuuna socday.
  • Yoox 4:52-53 : 52 Markaasuu wuxuu iyagii weyddiiyey saacadduu ladnaaday. Waxay ku yidhaahdeen, Shalayto saacaddii toddobaad ayaa qandhadii daysay. 53 Markaasaa aabbuhu gartay inay saacaddaas ahayd saacaddii Ciise ku yidhi, Wiilkaagii waa nool yahay. Markaasaa isagii qudhiisu rumaystay iyo kuwii gurigiisii joogay oo dhan.
  • Wacd 9:7 : 7 ¶ Orod oo tag, oo kibistaada farxad ku cun, oo khamrigaagana qalbi istareexsan ku cab, waayo, Ilaah shuqulladaadii horuu u aqbalay.
  • Mat 8:4 : 4 oo Ciise ayaa ku yidhi, Iska eeg, oo ninna ha u sheegin, laakiin jidkaaga iska mar, oo wadaadka istus, oo bixi hadiyaddii Muuse amray, marag iyaga ha u ahaatee.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Mat 8:5-10
    6 aayado
    83%

    5¶ Goortuu Kafarna'um galay, waxaa u yimid boqol-u-taliye, isagoo baryaya

    6oo leh, Sayidow, midiidinkaygii guriguu jiifaa, isagoo curyaannimo u buka oo aad u xanuunsanaya.

    7Kolkaasuu Ciise wuxuu ku yidhi, Waan imanayaa oo bogsiinayaa.

    8Markaasaa boqol-u-taliyihii u jawaabay oo ku yidhi, Sayidow, anigu ma istaahilo inaad saqafka gurigayga hoostiisa soo gashid, laakiin hadal keliya dheh, midiidinkayguna waa bogsan doonaa.

    9Waayo, anigu waxaan ahay nin laga sarreeyo oo askar baa iga hoosaysa. Kan waxaan ku idhaahdaa, Tag, wuuna tagaa; mid kalena, Kaalay, wuuna yimaadaa; midiidinkaygana, Waxan samee, wuuna sameeyaa.

    10Goortuu Ciise taas maqlay, wuu ka yaabay, wuxuuna ku yidhi kuwii la socday, Runtii waxaan idinku leeyahay, Rumaysad sidan u weyn oo kale reer binu Israa'iil kama dhex helin.

  • Luuk 7:6-10
    5 aayado
    79%

    6Markaasaa Ciise raacay, oo isagoo aan guriga ka fogayn, ayaa boqol-u-taliyihii saaxiibbo u soo diray oo ku yidhi, Sayidow, ha isdhibin, waayo, anigu ma istaahilo inaad saqafka gurigayga hoostiisa soo gashid.

    7Saas aawadeed uma aan malaynaynin inaan istaahilo inaan kuu imaado; laakiin hadal dheh, midiidinkayguna waa bogsan doonaa.

    8Waayo, anigu waxaan ahay nin laga sarreeyo, oo askar baa iga hoosaysa. Kan waxaan ku idhaahdaa, Tag, wuuna tagaa; mid kalena, Kaalay, wuuna yimaadaa; midiidinkaygana, Waxan samee, wuuna sameeyaa.

    9Goortuu Ciise taas maqlay, wuu ka yaabay, oo intuu dadkii la socday ku jeestay ayuu ku yidhi, Waxaan idinku leeyahay, Rumaysad sidaas u weyn oo kale reer binu Israa'iil kama dhex helin.

    10Kuwii la soo dirayna kolkay gurigii ku noqdeen, waxay heleen addoonkii oo ladan.

  • Luuk 7:1-3
    3 aayado
    79%

    1¶ Goortuu hadalladiisa ku dhammeeyey dadka dhegaysadkooda ayuu Kafarna'um galay.

    2¶ Boqol-u-taliye addoonkiisii uu jeclaa ayaa bukay oo dhimashuu u dhowaa.

    3Goortuu maqlay wax Ciise ku saabsan, ayuu waayeelladii Yuhuudda u diray isaga, oo ka baryay inuu yimaado oo addoonkiisa bogsiiyo.

  • Yoox 4:49-53
    5 aayado
    79%

    49Sirkaalkii wuxuu ku yidhi, Sayidow, kaalay intaan wiilkaygu dhiman.

    50Ciise wuxuu ku yidhi, Soco, wiilkaagii waa nool yahay. Markaasaa ninkii rumaystay hadalkii Ciise ku yidhi, wuuna socday.

    51Intuu socday ayaa addoommadiisii ka hor yimaadeen, iyagoo leh, Wiilkaagii waa nool yahay.

    52Markaasuu wuxuu iyagii weyddiiyey saacadduu ladnaaday. Waxay ku yidhaahdeen, Shalayto saacaddii toddobaad ayaa qandhadii daysay.

    53Markaasaa aabbuhu gartay inay saacaddaas ahayd saacaddii Ciise ku yidhi, Wiilkaagii waa nool yahay. Markaasaa isagii qudhiisu rumaystay iyo kuwii gurigiisii joogay oo dhan.

  • 28Markaasaa Ciise u jawaabay oo ku yidhi, Naagtay, rumaysadkaagu waa weyn yahay ee ha kuu noqoto sidaad doonaysid. Oo saacaddaasba gabadheedii waa bogsatay.

  • 19Markaasuu ku yidhi, Kac oo soco. Rumaysadkaaga ayaa ku bogsiiyey.

  • 52Markaasaa Ciise ku yidhi, Soco. Rumaysadkaaga ayaa ku bogsiiyey. Kolkiiba ayuu wax arkay, oo jidka buu la qaaday isaga.

  • 22Laakiin Ciise intuu ku soo jeestay oo arkay, ayuu wuxuu ku yidhi, Gabadhay, kalsoonow; rumaysadkaaga ayaa ku bogsiiyey. Oo naagtii baa saacaddaas bogsatay.

  • Luuk 8:47-50
    4 aayado
    73%

    47Naagtii goortay aragtay inaanay qarsoonaan karin ayay timid iyadoo gariiraysa, oo hortiisay isku ridday, oo u caddaysay dadkii oo dhan hortooda waxay u taabatay iyo siday markiiba u bogsatay.

    48Kolkaasuu wuxuu iyada ku yidhi, Gabadhoy, rumaysadkaaga ayaa ku bogsiiyey ee nabad ku tag.

    49¶ Intuu weli hadlayay, waxaa gurigii taliyaha sunagogga ka yimid nin ku leh, Gabadhaadii waa dhimatay, ee Macallinka ha dhibin.

    50Laakiin Ciise goortuu maqlay, wuxuu ugu jawaabay, Ha baqin ee iska rumayso, wayna bogsan doontaa.

  • 29Markaasuu indhahooda taabtay isagoo leh, Sida rumaysadkiinnu yahay ha idiin noqoto.

  • 42Markaasaa Ciise ku yidhi, Wax arag; rumaysadkaaga ayaa ku bogsiiyey.

  • Mat 8:14-17
    4 aayado
    72%

    14¶ Ciise goortuu guriga Butros galay, wuxuu arkay Butros soddohdiis oo jiifta oo qandhaysan.

    15Markaasuu gacanteeda taabtay, qandhadiina waa ka baxday. Wayna kacday oo u adeegtay isaga.

    16Goortii makhribkii la gaadhay waxay u keeneen qaar badan oo jinniyo qaba. Eray ayuu jinniyadii ku saaray, kuwii bukay oo dhanna wuu bogsiiyey,

    17si ay u noqoto wixii nebi Isayos lagaga dhex hadlay isagoo leh, Isagaa qaatay bukaankeennii, cudurradeenniina wuu isku raray.

  • 34Kolkaasuu wuxuu iyada ku yidhi, Gabadhay, rumaysadkaaga ayaa ku bogsiiyey. Nabad ku tag, cudurkaagiina ka bogso.

  • Mat 8:2-3
    2 aayado
    71%

    2Oo bal eeg, waxaa u yimid nin baras leh oo caabuday, oo ku yidhi, Sayidow, haddaad doonaysid, waad i daahirin kartaa.

    3Ciise intuu gacantiisa soo taagay, ayuu taabtay, oo ku yidhi, Waan doonayaa ee daahirsanow. Kolkiiba baraskiisa wuu ka daahirsanaaday,

  • 39Gurigaaga ku noqo oo dadka ogeysii waxa weyn oo Ilaah kuu sameeyey. Markaasuu tegey oo wuxuu magaalada oo dhan ku naadiyey waxa weyn oo Ciise u sameeyey.

  • 36Mar alla markuu Ciise maqlay hadalka lagu hadlay, wuxuu taliyaha sunagogga ku yidhi, Ha baqin ee iska rumayso.

  • 50Wuxuu naagtii ku yidhi, Rumaysadkaaga ayaa ku badbaadiyey ee nabad ku tag.

  • 47Isagu markuu maqlay inuu Ciise Yahuudiya ka yimid oo Galili gaadhay, ayuu u tegey oo ka baryay inuu u yimaado oo wiilkiisa bogsiiyo, waayo, dhimashuu u dhowaa.

  • 42Kolkiiba baraskii waa ka baxay, oo wuu daahirsanaaday.

  • 21Saacaddaas qudheeda ayuu dad badan ka bogsiiyey bukaankooda iyo cudurradooda iyo jinniyadooda sharka leh. Indhoolayaal badanna wuxuu ugu roonaaday inay wax arkaan.

  • 23Ciise wuxuu ku yidhi, Haddaad rumaysan karaysid, wax waluba waa u suurtoobaan ka rumaysan.

  • 11Waxaan ku leeyahay, Kac oo sariirtaada qaado oo gurigaaga tag.

  • 8Laakiin dadkii badnaa goortay arkeen, way baqeen, oo Ilaah ammaaneen, kan amar caynkan oo kale ah dadka siiyey.

  • 13Oo intuu gacantiisa soo taagay, ayuu taabtay, oo ku yidhi, Waan doonayaa ee daahirsanow. Oo kolkiiba baraskii waa ka baxay.

  • 18¶ Intuu waxan kula hadlayay, waxaa u yimid taliye oo u sujuuday oo ku yidhi, Gabadhaydu haddeer bay dhimatay, laakiin kaalay oo gacantaada saar oo way noolaanaysaa.

  • 7Laakiin kiinnee baa leh addoon dhulka jaraya ama adhi jiraya, oo ku odhan doona goortuu beerta ka yimaado, Dhaqso u kaalay oo cunto u fadhiiso?

  • 19Ciisese uma fasaxin, laakiin wuxuu ku yidhi, Gurigaaga iyo dadkaaga u tag oo u sheeg waxa weyn oo Rabbigu kuu sameeyey iyo siduu kuugu naxariistay.

  • 18Markaasaa Ciise canaantay, oo jinnigii waa ka baxay, saacaddaasna wiilkii waa bogsaday.