Nexemyaah 6:18

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waayo, dalka Yahuudah waxaa joogay kuwo badan oo isaga u dhaartay, maxaa yeelay, isaga waxaa soddog u ahaa Shekaanyaah ina Aarax; oo wiilkiisii Yehooxaanaanna wuxuu guursaday Meshullaam ina Berekyaah gabadhiisii.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Cesr 2:5 : 5 reer Aaraxna toddoba boqol iyo shan iyo toddobaatan,
  • Nex 3:4 : 4 Oo intii iyaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Mereemood ina Uuriyaah, oo ahaa reer Xaqoos. Oo intii iyaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Meshullaam ina Berekyaah oo ahaa ina Mesheysabeel. Oo intii iyaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Saadooq ina Bacanaa.
  • Nex 3:30 : 30 Meel kale oo isaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Xananyaah ina Shelemyaah iyo Xaanuun oo ahaa Saalaaf wiilkiisii lixaad. Meeshii isaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Meshullaam ina Berekyaah, taasoo ahayd meel qolkiisii ka soo hor jeedday.
  • Nex 7:10 : 10 reer Aaraxna lix boqol iyo laba iyo konton,

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 17Oo weliba waagaas kuwii gobta ahaa oo dalka Yahuudah warqado badan bay u direen Toobiyaah, oo iyagana waxaa u yimid warqadihii Toobiyaah.

  • Nex 13:27-28
    2 aayado
    76%

    27Haddaba miyaannu idin dhegaysannaa si aannu sharkan oo dhan u samayno oo intaan naago qalaad guursanno miyaannu Ilaahayaga ku xadgudubnaa?

    28Oo Eliyaashiib oo ahaa wadaadkii sare wiilashiisii midkood oo Yooyaadaac ahaa waxaa soddog u ahaa Sanballad oo ahaa reer Xoron; oo sidaas daraaddeed ayaan isaga eryay.

  • 19Oo weliba waxay hortayda kaga hadleen falimihiisii wanaagsanaa, oo hadalkaygana isagay u sheegeen. Toobiyaahna warqaduu iigu soo diray inuu i cabsiiyo.

  • 18¶ Oo wiilashii wadaaddada waxaa laga dhex helay kuwo naago qalaad guursaday; waxayna ahaayeen wiilashii Yeeshuuca, ina Yoosaadaaq iyo walaalihiis oo ahaa Macaseeyaah, iyo Eliiceser, iyo Yaariib iyo Gedalyaah.

  • Nex 7:62-63
    2 aayado
    69%

    62oo reer Delaayaah, iyo reer Toobiyaah, iyo reer Neqoodaa waxay isku ahaayeen lix boqol iyo laba iyo afartan.

    63Oo kuwii wadaaddada ahaa waxay ahaayeen reer Xaabaayaah, iyo reer Xaqoos, iyo reer Barsillay oo naag ka guursaday gabdhaha Gilecaad oo iyaga lagu magacaabay.

  • 61Oo kuwii wadaaddada ahaa, waxay ahaayeen reer Xabayaah, iyo reer Xaqoos, iyo reer Barsillay oo naag ka guursaday gabdhaha Barsillay oo ahaa reer Gilecaad, oo iyaga lagu magacaabay.

  • 2Waayo, iyaga iyo wiilashoodiiba waxay guursadeen gabdhahoodii, oo sidaasuu farcankii quduuska ahaa ugu qasmay dadyowgii dalka degganaa; oo weliba xadgudubkaas waxaa madax u ahaa amiirrada iyo taliyayaasha.

  • 23¶ Oo waagaas waxaan kaloo arkay Yuhuuddii oo guursatay naago ah reer Ashdood, iyo reer Cammoon, iyo reer Moo'aab.

  • 11Dadka dalka Yahuudah khiyaano bay ku macaamiloodeen, oo dalka Israa'iil iyo Yeruusaalemna waxaa lagu sameeyey wax karaahiyo ah, waayo, dadka dalka Yahuudah waxay nijaaseeyeen meeshii quduuska ahayd ee Rabbiga oo uu jecelyahay, oo waxay guursadeen gabdho ilaahoodu qalaad yahay.

  • 15Laakiinse xaalkan waxaa keliyahu hor istaagay Yoonaataan ina Casaaheel iyo Yaxaasyaah ina Tiqwaah; waxaana caawiyey Meshullaam iyo Shabbetay oo ahaa reer Laawi.

  • Cesr 10:2-3
    2 aayado
    67%

    2Oo Shekaanyaah oo ahaa ina Yexii'eel oo ahaa reer Ceelaam wuxuu u jawaabay Cesraa, oo ku yidhi, Annagu waxaannu ku xadgudubnay Ilaahayo, oo naago qalaad ayaannu ka guursannay dadyowgii dalka; laakiinse reer binu Israa'iil weli waxay leeyihiin rajo xaalkan ku saabsan.

    3Haddaba sidaas daraaddeed aannu Ilaahayo axdi la dhiganno innaannu iska erinno naagahaas oo dhan, iyo intii ay dhaleenba, sidii ay tahay talada sayidkayga, iyo ta kuwa ka gariira amarka Ilaahayo, oo sidii sharciga waafaqsan ha loo sameeyo.

  • Nex 6:12-14
    3 aayado
    67%

    12Markaasaan gartay inaan Ilaah isaga soo dirin, laakiinse hadal iga gees ah ayuu ugu hadlay sidii nebi oo kale, waayo, waxaa soo kiraystay Toobiyaah iyo Sanballad.

    13Oo taas aawadeed baa isaga loo soo kiraystay inaan cabsado oo saas yeelo oo aan dembaabo, iyo inay iyagu sabab u helaan war xun si ay iigu ceebeeyaan.

    14Haddaba Ilaahayow, sida shuqulladoodu yihiin u xusuuso Toobiyaah iyo Sanballad iyo weliba nebiyaddii Noocadyaah iyo nebiyadii kale oo damcay inay i cabsigeliyaan.

  • 18wiilkiisii Salaatii'eel, iyo Malkiiraam, iyo Fedaayaah, iyo Shen'asar, iyo Yeqamyaah, iyo Hooshaamaac, iyo Nedabyaah.

  • 6iyo Shemacyaah, iyo Yooyaariib, iyo Yedacyaah,

  • 4¶ Oo waxyaalahaas ka hor wadaadkii Eliyaashiib oo loo doortay inuu madax u ahaado qolalka guriga Ilaaheenna ayaa xidhiidh la yeeshay Toobiyaah,

  • Tir 36:11-12
    2 aayado
    65%

    11waayo, Maxlaah, iyo Tirsaah, iyo Xoglaah, iyo Milkaah, iyo Nocaah, oo ahaa Selaafexaad gabdhihiisii, waxay wada guursadeen ilma-adeerradood.

    12Oo waxay ka guursadeen qabiilooyinkii ilma Manaseh oo ahaa ina Yuusuf, oo dhaxalkoodii wuxuu ku hadhay qabiilkii reerka aabbahood.

  • 65%

    20iyo Xashubaah, iyo Ohel, iyo Berekyaah, iyo Xasadyaah, iyo Yuushabxesed, oo iyana waxay ahaayeen shan.

    21Wiilashii Xananyaahna waxay ahaayeen Felatyaah, iyo Yeshaacyaah, oo waxaa kaloo jiray wiilashii Refaayaah, iyo wiilashii Arnaan, iyo wiilashii Cobadyaah, iyo wiilashii Shekaanyaah.

    22Wiilashii Shekaanyaahna waxay ahaayeen Shemacyaah, wiilashii Shemacyaahna waxay ahaayeen Xatuush, iyo Yigaal, iyo Baarii'ax, iyo Necaryaah, iyo Shaafaad, oo waxay ahaayeen lix.

  • 44Oo kulli intaasoo dhammu waxay wada guursadeen naago qalaad, oo qaarkood waxay qabeen naago ay carruur ka dhaleen.

  • 13reer Cesraana Meshullaam, reer Amaryaahna Yehooxaanaan,

  • 25Oo anna iyagii waan la diriray, waanan caayay, oo qaarkoodna waan dilay, oo timahoodiina waan ka rifay, waanan ku dhaarshay Ilaah, oo ku idhi, Waa inaydnaan gabdhihiinna u guurin wiilashooda, gabdhahoodana ha u guurinina wiilashiinna, idinkuna ha guursanina.

  • 10Oo Yeeshuuca wuxuu dhalay Yooyaaqiim, Yooyaaqiimna wuxuu dhalay Eliyaashiib, Eliyaashiibna wuxuu dhalay Yooyaadaac,

  • 2Markaasaa Yahuudah wuxuu halkaas ku arkay nin reer Kancaan ah oo magiciisa la odhan jiray Shuuca gabadhiisii. Kolkaasuu kaxaystay iyadii oo uu u tegey.

  • 65%

    18Naagtiisii Yahuudiyadda ahaydna waxay dhashay Yered oo ahaa Gedoor aabbihiis, iyo Xeber oo ahaa Sookoo aabbihiis, iyo Yequutii'eel oo ahaa Saanoo'ax aabbihiis. Oo kuwanuna waa wiilashii Bityaah oo ahayd ina Fircoon oo uu Mered guursaday.

    19Oo Hoodiyaah naagtiisii oo ahayd Naxam walaashiis wiilasheediina waxay ahaayeen Qeciilaah kii reer Garmii aabbihiis, iyo Eshtemooca oo ahaa reer Macakaad.

  • 18¶ Oo Rexabcaam wuxuu guursaday Maxalad oo ay dhaleen Yeriimood ina Daa'uud iyo Abiixayil oo ahayd ina Elii'aab ina Yesay,

  • 18Habase ahaatee waa inaynaan gabdhaheenna iyaga u guurin; waayo, reer binu Israa'iil waxay ku dhaarteen, oo yidhaahdeen, Inkaaru ha ku dhacdo kii gabadh u guuriya reer Benyaamiin.

  • 7Markaasaan Yeruusaalem imid oo waxaan gartay sharkii uu Eliyaashiib u sameeyey Toobiyaah markuu qowlad uga diyaarshay barxadihii guriga Ilaah.

  • Nex 10:29-30
    2 aayado
    64%

    29waxay raaceen walaalahoodii gobtoodii ahaa, oo waxay galeen dhaar habaar leh inay ku soconayaan sharciga Ilaah oo loo soo dhiibay Muuse oo ahaa addoonkii Ilaah, iyo inay dhawrayaan oo wada yeelayaan amarrada Rabbiga ah Sayidkeenna, iyo xukummadiisa iyo qaynuunnadiisa,

    30iyo inaynaan gabdhaheenna siinayn dadyowga dalka deggan, oo aynaan gabdhahoodana wiilasheenna u guurinayn;

  • 13Oo boqorka farcankiisiina wuu watay, oo axdi buu la dhigtay, oo dhaar buu isagii marsaday, oo weliba wuxuu kaloo kaxaystay dalka raggiisii xoogga badnaa,

  • 6oo isaga waxaa mar hore laga soo kaxaystay Yeruusaalem, wuxuuna la socday maxaabiistii lala soo kaxaystay Yekonyaah oo ahaa boqorkii reer Yahuudah, oo uu soo kaxaystay Nebukadnesar oo ahaa boqorkii Baabuloon.

  • 15Markii Yahuudah arkay ayuu u maleeyey inay dhillo tahay; maxaa yeelay, wejigeeday qarisay.

  • 1¶ Haddaba raggii reer binu Israa'iil waxay ku dhaarteen, iyagoo Misfaah jooga, oo waxay isku yidhaahdeen, Midkeenna waa inaanu gabadhiisa u guurin reer Benyaamiin.

  • 30Meel kale oo isaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Xananyaah ina Shelemyaah iyo Xaanuun oo ahaa Saalaaf wiilkiisii lixaad. Meeshii isaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Meshullaam ina Berekyaah, taasoo ahayd meel qolkiisii ka soo hor jeedday.

  • 37Sayidkayguna wuu i dhaariyey, isagoo leh, Wiilkayga waa inaanad naag uga guurin gabdhaha reer Kancaanka aan dalkooda degganahay.

  • 6Oo waxaa ku qornaa, Waxaa quruumaha dhexdooda laga sheegay, Gashmuuna uu leeyahay, in adiga iyo Yuhuudduba aad ku talo jirtaan inaad fallaagowdaan, oo waa taas daraaddeed waxaad derbiga u dhisaysaa, oo sida waafaqsan erayadan la soo sheegay waxaad doonaysaa inaad boqor u ahaatid.