Nexemyaah 7:63

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo kuwii wadaaddada ahaa waxay ahaayeen reer Xaabaayaah, iyo reer Xaqoos, iyo reer Barsillay oo naag ka guursaday gabdhaha Gilecaad oo iyaga lagu magacaabay.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 2 Sam 17:27 : 27 ¶ Markii Daa'uud yimid Maxanayim waxaa u yimid Shobii oo ahaa ina Naaxaash ee ahaa reer Cammoonkii degganaa Rabbaah, iyo Maakiir oo ahaa ina Cammii'eel ee ahaa reer Loo Debaar, iyo Barsillay oo ahaa reer Gilecaadkii degganaa Rogeliim,
  • 2 Sam 19:31-33 : 31 ¶ Oo Barsillay oo ahaa reer Gilecaad ayaa Rogeliim ka yimid; oo wuxuu boqorka kala gudbay Webi Urdun, si uu u sii sagootiyo. 32 Barsillayna nin aad u da' weyn buu ahaa, oo wuxuu jiray siddeetan sannadood, oo boqorkana sooryuu u keeni jiray intuu Maxanayim joogay, maxaa yeelay, nin aad u weyn buu ahaa. 33 Markaasaa boqorkii wuxuu Barsillay ku yidhi, Kaalay oo ila gudub, oo anna Yeruusaalem baan kugu quudin doonaa.
  • 1 Boq 2:7 : 7 Laakiinse u roonow wiilasha Barsillay kan reer Gilecaad, oo iyagu ha noqdeen kuwa ka mid ah kuwa miiskaaga wax ka cuna, waayo, saasay iigu yimaadeen markaan walaalkaa Absaaloom ka cararay.
  • Cesr 2:61-63 : 61 Oo kuwii wadaaddada ahaa, waxay ahaayeen reer Xabayaah, iyo reer Xaqoos, iyo reer Barsillay oo naag ka guursaday gabdhaha Barsillay oo ahaa reer Gilecaad, oo iyaga lagu magacaabay. 62 Kuwanu magacyadoodii waxay ka doondooneen buuggii abtiriska, laakiinse lagama helin, sidaas aawadeed wadaadnimadii waa laga saaray sidii iyagoo nijaas ah. 63 Oo taliyihii baa iyagii ku amray inayan waxyaalaha quduuska ah wax ka cunin jeer wadaad Uuriim iyo Tummiim leh kaco.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Cesr 2:60-62
    3 aayado
    93%

    60oo reer Delaayaah, iyo reer Toobiyaah, iyo reer Neqoodaa waxay isku ahaayeen lix boqol iyo laba iyo konton.

    61Oo kuwii wadaaddada ahaa, waxay ahaayeen reer Xabayaah, iyo reer Xaqoos, iyo reer Barsillay oo naag ka guursaday gabdhaha Barsillay oo ahaa reer Gilecaad, oo iyaga lagu magacaabay.

    62Kuwanu magacyadoodii waxay ka doondooneen buuggii abtiriska, laakiinse lagama helin, sidaas aawadeed wadaadnimadii waa laga saaray sidii iyagoo nijaas ah.

  • 64Kuwanu waxay magacyadoodii ka doondooneen buuggii abtiriska, laakiinse lagama helin, sidaas aawadeed wadaadnimadii waa laga saaray sidii iyagoo nijaas ah.

  • Nex 7:61-62
    2 aayado
    74%

    61Oo kuwanuna waxay ahaayeen kuwii ka tegey Teel Melax, iyo Teel Xarshaa, iyo Keruub, iyo Addoon, iyo Immeer, laakiinse iyagu ma ay sheegi karin qabiilkoodii ama jilibkoodii, iyo inay reer binu Israa'iil ahaayeen iyo in kale toona,

    62oo reer Delaayaah, iyo reer Toobiyaah, iyo reer Neqoodaa waxay isku ahaayeen lix boqol iyo laba iyo afartan.

  • 18¶ Oo wiilashii wadaaddada waxaa laga dhex helay kuwo naago qalaad guursaday; waxayna ahaayeen wiilashii Yeeshuuca, ina Yoosaadaaq iyo walaalihiis oo ahaa Macaseeyaah, iyo Eliiceser, iyo Yaariib iyo Gedalyaah.

  • Nex 7:53-56
    4 aayado
    71%

    53iyo reer Baquuq, iyo reer Xaquufaa, iyo reer Xarxuur,

    54iyo reer Basliid, iyo reer Mexiidaa, iyo reer Xarshaa,

    55iyo reer Barqoos, iyo reer Siiseraa, iyo reer Temax,

    56iyo reer Nesiyax, iyo reer Xatiifaa.

  • Nex 7:46-47
    2 aayado
    71%

    46Oo reer Netiiniimna waxay ahaayeen reer Siixaa, iyo reer Xasufaa, iyo reer Tabbaacood,

    47iyo reer Qeeros, iyo reer Siicaa, iyo reer Faadoon,

  • Nex 7:58-59
    2 aayado
    71%

    58iyo reer Yacalaa, iyo reer Darqoon, iyo reer Giddeel,

    59iyo reer Shefatyaah, iyo reer Xatiil, iyo reer Fokered Hasebaayiim, iyo reer Aamoon.

  • 70%

    43Wiilashii Nebona, Yecii'eel, iyo Matityaah, iyo Saabaad, iyo Sebiinaa, iyo Iddo, iyo Yoo'eel, iyo Benaayaah.

    44Oo kulli intaasoo dhammu waxay wada guursadeen naago qalaad, oo qaarkood waxay qabeen naago ay carruur ka dhaleen.

  • 5iyo Macaseeyaah oo ahaa ina Baaruug, ina Kaalxoseh, ina Xasaayaah, ina Cadaayaah, ina Yooyaariib, ina Sekaryaah oo ahaa kii uu dhalay kii reer Shiilonii.

  • 18Waayo, dalka Yahuudah waxaa joogay kuwo badan oo isaga u dhaartay, maxaa yeelay, isaga waxaa soddog u ahaa Shekaanyaah ina Aarax; oo wiilkiisii Yehooxaanaanna wuxuu guursaday Meshullaam ina Berekyaah gabadhiisii.

  • 43Kuwii reer Laawina waxay ahaayeen reer Yeeshuuca kii reer Qadmii'eel oo ahaa reer Xoodawyaah afar iyo toddobaatan.

  • 7oo waxay la yimaadeen Serubaabel, Yeeshuuca, Nexemyaah, Casaryaah, Racamyaah, Naxamaanii, Mordekay, Bilshaan, Misfered, Bigway, Nexuum, iyo Bacanaah. Haddaba waa tan tiradii dadkii reer binu Israa'iil:

  • 43¶ Oo reer Netiiniimna waxay ahaayeen reer Siixaa iyo reer Xasufaa, iyo reer Tabbaacood,

  • 28Oo Eliyaashiib oo ahaa wadaadkii sare wiilashiisii midkood oo Yooyaadaac ahaa waxaa soddog u ahaa Sanballad oo ahaa reer Xoron; oo sidaas daraaddeed ayaan isaga eryay.

  • 39Oo wadaaddadiina waxay ahaayeen reer Yedacyaah oo ahaa reer Yeeshuuca oo ahaa sagaal boqol iyo saddex iyo toddobaatan,

  • 14Wiilashii Bigwayna waxaa ka socday Cuutay iyo Sabbuud, oo waxaa iyaga la jiray toddobaatan nin.

  • Cesr 7:1-4
    4 aayado
    68%

    1¶ Haddaba waxyaalahaas dabadeed intii Artaxshasta oo boqorkii Faaris ahaa dowladnimada haystay ayaa Baabuloon waxaa ka soo kacay Cesraa ina Seraayaah, oo ahaa ina Casaryaah, ina Xilqiyaah,

    2ina Shalluum, ina Saadooq, ina Axiituub,

    3ina Amaryaah, ina Casaryaah, ina Meraayood,

    4ina Seraxyaah, ina Cusii, ina Buqii,

  • 31Wiilashii Beriicaahna waxay ahaayeen Xeber, iyo Malkii'eel oo ahaa Birsaawid aabbihiis.

  • 14Oo kuwanuna waxay ahaayeen wiilashii Abiixayil ina Xuurii, oo ahaa ina Yaaroo'ax, oo ahaa ina Gilecaad, oo ahaa ina Miikaa'eel, oo ahaa ina Yeshiishay, oo ahaa ina Yaxdoo, oo ahaa ina Buus;

  • 10¶ Oo wadaaddadiina waxaa ka joogay Yedacyaah, iyo Yehooyaariib, iyo Yaakiin,

  • Nex 7:49-50
    2 aayado
    68%

    49iyo reer Xaanaan, iyo reer Giddeel, iyo reer Gaxar,

    50iyo reer Re'aayaah, iyo reer Resiin, iyo reer Neqoodaa,

  • 7iyo Sallu, iyo Caamooq, iyo Xilqiyaah, iyo Yedacyaah. Intaasu waxay ahaayeen madaxdii wadaaddada iyo walaalahoodii joogay wakhtigii Yeeshuuca.

  • 4Oo iyaga waxaa la jiray guutooyin ah ciidankii dagaalka sidii ay u kala dhasheen iyo sidii reerahoodu ahaayeen, waxayna ahaayeen lix iyo soddon kun oo nin, waayo, waxay lahaayeen naago iyo wiilal badan.

  • 23¶ Oo waagaas waxaan kaloo arkay Yuhuuddii oo guursatay naago ah reer Ashdood, iyo reer Cammoon, iyo reer Moo'aab.

  • 20iyo Xashubaah, iyo Ohel, iyo Berekyaah, iyo Xasadyaah, iyo Yuushabxesed, oo iyana waxay ahaayeen shan.

  • 17iyo Sebadyaah, iyo Meshullaam, iyo Xisqii, iyo Xeber,

  • 45ina Xashabyaah, ina Amasyaah, ina Xilqiyaah,

  • 15Laakiinse xaalkan waxaa keliyahu hor istaagay Yoonaataan ina Casaaheel iyo Yaxaasyaah ina Tiqwaah; waxaana caawiyey Meshullaam iyo Shabbetay oo ahaa reer Laawi.

  • 2Oo Shekaanyaah oo ahaa ina Yexii'eel oo ahaa reer Ceelaam wuxuu u jawaabay Cesraa, oo ku yidhi, Annagu waxaannu ku xadgudubnay Ilaahayo, oo naago qalaad ayaannu ka guursannay dadyowgii dalka; laakiinse reer binu Israa'iil weli waxay leeyihiin rajo xaalkan ku saabsan.

  • 10Oo wadaaddadiina waxay ahaayeen Yedacyaah oo ahaa ina Yooyaariib iyo Yaakiin,

  • 17reer Laawina waxaa u talinayay Hashabyaah ina Qemuu'eel, reer Haaruunna waxaa u talinayay Saadooq,

  • 11Oo waxaa madax ahaa Yaaxad, Siisaahna wuxuu ahaa kii labaad, laakiinse Yecuush iyo Beriicaah wiilal badan ma ay lahayn, oo sidaas daraaddeed iyaga waxaa loo tiriyey isku reer.

  • 7iyo Meshullaam, iyo Abiiyaah, iyo Miyaamin,

  • 10Oo Yeeshuuca wuxuu dhalay Yooyaaqiim, Yooyaaqiimna wuxuu dhalay Eliyaashiib, Eliyaashiibna wuxuu dhalay Yooyaadaac,

  • 21reer Xilqiyaahna Xashabyaah, reer Yedacyaahna Netaneel.

  • 3oo reer Shekaanyaah ka ahaa; wiilashii Farcoshna Sekaryaah, oo waxaa isaga la abtirsaday boqol iyo konton nin.