Tirintii 1:34

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Oo reer Manasehna farcankoodii, qolo qolo iyo reer reer, sidii ay tirada magacyadoodu ahayd, intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Tir 26:28-34 : 28 ¶ Oo wiilashii Yuusuf iyo qabiilooyinkoodii waxay ahaayeen Manaseh iyo Efrayim. 29 Oo wiilashii Manaseh waa kuwan: Maakiir oo dhalay qabiilka reer Maakiir, oo Maakiirna wuxuu dhalay Gilecaad, Gilecaadna waxaa ka soo farcamay qabiilka reer Gilecaad. 30 Wiilashii Gilecaad waa kuwan: Iiceser oo dhalay qabiilka reer Iiceser, iyo Xeeleq oo dhalay qabiilka reer Xeeleq, 31 iyo Asrii'eel oo dhalay qabiilka reer Asrii'eel, iyo Shekem oo dhalay qabiilka reer Shekem, 32 iyo Shemiidaac oo dhalay qabiilka reer Shemiidaac, iyo Heefer oo dhalay qabiilka reer Heefer. 33 Oo Selaafexaad oo ahaa ina Heefer wiilal ma uu lahayn gabdho mooyaane. Oo Selaafexaad gabdhihiisa magacyadoodu waxay ahaayeen Maxlaah iyo Nocaah iyo Xoglaah iyo Milkaah iyo Tirsaah. 34 Intaasu waa qabiilooyinkii reer Manaseh, oo intii iyaga laga tiriyey waxay ahaayeen laba iyo konton kun iyo toddoba boqol.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Tir 1:24-33
    10 aayado
    91%

    24¶ Oo reer Gaadna farcankoodii, qolo qolo iyo reer reer, sidii ay tirada magacyadoodu ahayd, intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan,

    25intii iyaga laga tiriyey oo ahayd qabiilka reer Gaad waxay ahaayeen shan iyo afartan kun iyo lix boqol iyo konton.

    26¶ Oo reer Yahuudahna farcankoodii, qolo qolo iyo reer reer, sidii ay tirada magacyadoodu ahayd, intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan,

    27intii iyaga laga tiriyey oo ahayd qabiilka reer Yahuudah waxay ahaayeen afar iyo toddobaatan kun iyo lix boqol.

    28¶ Oo reer Isaakaarna farcankoodii, qolo qolo iyo reer reer, sidii ay tirada magacyadoodu ahayd, intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan,

    29intii iyaga laga tiriyey oo ahayd qabiilka reer Isaakaar waxay ahaayeen afar iyo konton kun iyo afar boqol.

    30¶ Oo reer Sebulunna farcankoodii, qolo qolo iyo reer reer, sidii ay tirada magacyadoodu ahayd, intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan,

    31intii iyaga laga tiriyey oo ahayd qabiilka reer Sebulun waxay ahaayeen toddoba iyo konton kun iyo afar boqol.

    32¶ Oo kuwa reer Yuusuf oo ahaa reer Efrayim farcankoodii, qolo qolo iyo reer reer, sidii ay tirada magacyadoodu ahayd, intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan,

    33intii iyaga laga tiriyey oo ahayd qabiilkii reer Efrayim waxay ahaayeen afartan kun iyo shan boqol.

  • Tir 1:35-38
    4 aayado
    88%

    35intii iyaga laga tiriyey oo ahayd qabiilka reer Manaseh waxay ahaayeen laba iyo soddon kun iyo laba boqol.

    36¶ Oo reer Benyaamiinna farcankoodii, qolo qolo iyo reer reer, sidii ay tirada magacyadoodu ahayd, intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan,

    37intii iyaga laga tiriyey oo ahayd qabiilka reer Benyaamiin waxay ahaayeen shan iyo soddon kun iyo afar boqol.

    38¶ Oo reer Daanna farcankoodii, qolo qolo iyo reer reer, sidii ay tirada magacyadoodu ahayd, intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan,

  • Tir 1:40-42
    3 aayado
    85%

    40¶ Oo reer Aasheerna farcankoodii, qolo qolo iyo reer reer, sidii ay tirada magacyadoodu ahayd, intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan,

    41intii iyaga laga tiriyey oo ahayd qabiilka reer Aasheer waxay ahaayeen kow iyo afartan kun iyo shan boqol.

    42¶ Oo reer Naftaalina farcankoodii, qolo qolo iyo reer reer, sidii ay tirada magacyadoodu ahayd, intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan,

  • Tir 1:45-46
    2 aayado
    84%

    45Haddaba intii reer binu Israa'iil oo dhan ee reerihii aabbayaashood laga tiriyey, intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan oo reer binu Israa'iil dhex joogtay,

    46xataa intii la tiriyey oo dhammu waxay ahaayeen lix boqol iyo saddex kun, iyo shan boqol iyo konton.

  • Tir 1:2-4
    3 aayado
    83%

    2Shirka reer binu Israa'iil oo dhan u soo tiriya qolo qolo iyo reer reer, sida ay tirada magacyadoodu tahay, nin kasta madax madax u tiriya.

    3Oo waxaad tirisaa intii labaatan sannadood jirta iyo intii ka sii weyn. Inta reer binu Israa'iil oo dagaal u bixi karta oo dhan adiga iyo Haaruun waa inaad koox koox u tirisaan.

    4Oo waa inuu idinla jiraa qabiil kasta nin ka mid ah oo reerka aabbihiis madax u ah.

  • Tir 1:18-22
    5 aayado
    83%

    18oo shirkii oo dhan ayay isu soo ururiyeen bishii labaad maalinteedii kowaad, oo waxay u soo abtirsadeen qolo qolo iyo reer reer, oo ay madax madax u tiriyeen sida tirada magacyadoodu ay ahayd intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba.

    19Oo Muusena wuxuu iyagii cidlada Siinay ugu tiriyey sidii Rabbigu ku amray.

    20¶ Oo reer Ruubeen oo ahaa curadkii Israa'iil farcankoodii, qolo qolo iyo reer reer, sidii ay tirada magacyadoodu ahayd markii madax madax loo tiriyey, nin kasta oo labaatan sannadood jiray iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan,

    21intii iyaga laga tiriyey oo ahayd qabiilka reer Ruubeen waxay ahaayeen lix iyo afartan kun iyo shan boqol.

    22¶ Oo reer Simecoon farcankoodii, qolo qolo iyo reer reer, kuwii iyaga laga tiriyey sidii ay tirada magacyadoodu ahayd markii madax madax loo tiriyey, nin kasta oo labaatan sannadood jiray iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan,

  • 2Shirka reer binu Israa'iil oo dhan u soo tiriya reer reer, intii labaatan sannadood jirta iyo intii ka sii weyn, kuwaas oo ah inta reer binu Israa'iil ee dagaal u bixi karta oo dhan.

  • 34Intaasu waa qabiilooyinkii reer Manaseh, oo intii iyaga laga tiriyey waxay ahaayeen laba iyo konton kun iyo toddoba boqol.

  • 77%

    17Oo kuwan oo dhan abtiriskooda waxaa la tiriyey wakhtigii Yootam oo boqorkii dalka Yahuudah ahaa iyo wakhtigii Yaaraabcaam oo boqorkii dalka Israa'iil ahaa.

    18¶ Oo reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo qabiilkii reer Manaseh badhkiis raggoodii xoogga lahaa oo awoodda u lahaa inay gaashaan iyo seef qaadaan, iyo inay qaansooyin ganaan, oo dagaalyahannada ahaa waxay ahaayeen afar iyo afartan kun iyo toddoba boqol iyo lixdan nin oo wada awooda inay dagaal u baxaan.

  • 4Oo waxay ku yidhaahdeen, Dadka inta labaatan sannadood jirta iyo inta ka sii weyn soo tiriya, sidii Rabbigu ku amray Muuse iyo dadkii reer binu Israa'iil oo dalkii Masar ka soo baxay.

  • 30Oo reer Efrayimna waxaa ka joogay labaatan kun iyo siddeed boqol oo nin, oo ah rag xoog badan oo dhammaantood reerahooda caan ku ah.

  • 34Oo kuwoodii loo tiriyey siday ahayd tiradii kuwii labka ahaa oo dhan, intii bil jirtay ama ka sii weynayd, waxay ahaayeen lix kun iyo laba boqol.

  • Yash 17:1-2
    2 aayado
    75%

    1¶ Oo intanuna waxay ahayd qaybtii qabiilka reer Manaseh, waayo, isagu wuxuu ahaa curadkii Yuusuf. Maakiir oo ahaa curadkii Manaseh oo aabbe u ahaa Gilecaad, wuxuu helay Gilecaad iyo Baashaan, maxaa yeelay, isagu wuxuu ahaa dagaalyahan.

    2Oo reer Manaseh iyo reerahoodii intii hadhay iyana qayb bay heleen; kuwaas oo ahaa reer Abiiceser, iyo reer Xeeleq, iyo reer Asrii'eel, iyo reer Shekem, iyo reer Heefer, iyo reer Shemiidaac; intaasu waxay ahaayeen ilmihii labka ahaa ee Manaseh ina Yuusuf sidii reerahoodii ahaayeen.

  • Tir 2:20-21
    2 aayado
    74%

    20Oo qabiilka reer Manaseh waa inuu ku xigaa; oo amiirka reer Manasehna waa inuu ahaadaa Gamalii'eel ina Fedaahsuur.

    21Oo ciidankiisii kuwii laga tiriyey waxay ahaayeen laba iyo soddon kun iyo laba boqol.

  • 9Oo iyaga sidii abtiriskoodii ahaa waa loo tiriyey iyo sidii ay u kala dhasheen, oo waxay ahaayeen madaxdii reerahooda oo ah rag xoog badan, tiradooduna waxay ahayd labaatan kun iyo laba boqol.

  • 10Oo kuwa reer Yuusufna waxaa reer Efrayim ka iman Eliishaamaac ina Cammiihuud: oo waxaa reer Manaseh ka iman Gamalii'eel ina Fedaahsuur.

  • 28¶ Oo wiilashii Yuusuf iyo qabiilooyinkoodii waxay ahaayeen Manaseh iyo Efrayim.

  • 5Oo weliba Amasyaah wuxuu soo wada ururiyey dadkii Yahuudah oo dhan, oo wuxuu u kala hagaajiyey siday reerahoodu kala ahaayeen, oo reer Yahuudah iyo reer Benyaamiin oo dhanna wuxuu taladoodii u dhiibay saraakiil kun kun u taliya iyo kuwa boqor boqol u taliya, oo weliba wuxuu tiriyey intoodii labaatan sannadood jirtay ama ka sii weynayd, waxayna ahaayeen saddex boqol oo kun oo ah rag la doortay, oo dagaalka u bixi kara, oo wada qaadan kara waran iyo gaashaan.

  • 40xataa kuwoodii qolo qolo iyo reer reer loo tiriyey waxay ahaayeen laba kun iyo lix boqol iyo soddon.

  • 37Intaasu waa qabiilooyinkii wiilashii Efrayim, oo intii iyaga laga tiriyey waxay ahaayeen laba iyo soddon kun iyo shan boqol. Kuwaasu waxay ahaayeen wiilashii Yuusuf iyo qabiilooyinkoodii.

  • 43Oo curadyadii labka ahaa oo dhammu, sidii tirada magacyadoodu ahayd, intii bil jirtay ama ka sii weynayd, kuwii iyaga laga soo tiriyey waxay ahaayeen laba iyo labaatan kun iyo laba boqol iyo saddex iyo toddobaatan.

  • 40Oo kulli intaas oo dhammuna waxay wada ahaayeen ilma Aasheer oo ah madaxdii reerahooda, oo waxay ahaayeen rag xoog badan oo la doortay, oo weliba waxay ahaayeen madaxdii amiirrada. Oo tiradoodii abtiriska loogu tiriyey hawsha dagaalka waxay ahayd lix iyo labaatan kun oo nin.

  • 37Oo Webi Urdun dhankiisa kalena waxaa ka yimid boqol iyo labaatan kun oo nin oo wata cayn kasta oo ah alaabta dagaalka, oo waxayna ahaayeen reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo reer Manaseh badhkiis.

  • 15Reer Laawi oo dhan u soo wada tiri reer reer iyo qolo qolo. Nin kasta oo bil jira ama ka sii weyn waa inaad tirisaa.

  • 17oo waxaa qayb la siiyey kuwii abtiriskooda lagu tiriyey reerihii wadaaddada ahaa, iyo kuwii reer Laawi oo jiray labaatan sannadood ama ka sii weynaa sidii shuqulkooda loo amray iyo kooxahoodii ay kala ahaayeen,