Tirintii 10:15

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo qabiilka reer Isaakaar ciidankoodana waxaa u sarreeyey Netaneel ina Suucaar.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Tir 1:8 : 8 Reer Isaakaarna waxaa ka iman Netaneel ina Suucaar.
  • Tir 7:18 : 18 ¶ Oo maalintii labaadna waxaa bixiyey Netaneel ina Suucaar oo amiir u ahaa reer Isaakaar.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Tir 2:3-8
    6 aayado
    88%

    3Oo kuwa ka dhistaa xagga bari dhanka qorrax ka soo baxa waa inay ahaadaan kuwa calanka xerada reer Yahuudah sida ciidammadoodu yihiin, oo amiirka reer Yahuudahna waa inuu ahaadaa Naxshoon ina Cammiinaadaab.

    4Oo ciidankiisii kuwii laga tiriyey waxay ahaayeen afar iyo toddobaatan kun iyo lix boqol.

    5Oo kuwa ku xiga oo agtiisa ka dhistaana waa inay ahaadaan qabiilka reer Isaakaar, oo amiirka reer Isaakaarna waa inuu ahaadaa Netaneel ina Suucaar.

    6Oo ciidankiisii kuwii laga tiriyey waxay ahaayeen afar iyo konton kun iyo afar boqol.

    7Qabiilka reer Sebulunna, oo amiirka reer Sebulunna waa inuu ahaadaa Elii'aab ina Xeelon.

    8Oo ciidankiisii kuwii laga tiriyeyna waxay ahaayeen toddoba iyo konton kun iyo afar boqol.

  • Tir 1:7-9
    3 aayado
    87%

    7Reer Yahuudahna waxaa ka iman Naxshoon ina Cammiinaadaab.

    8Reer Isaakaarna waxaa ka iman Netaneel ina Suucaar.

    9Reer Sebulunna waxaa ka iman Elii'aab ina Xeelon.

  • Tir 10:22-28
    7 aayado
    80%

    22Oo haddana waxaa baxay calankii xeradii reer Efrayim siday ciidammadoodu ahaayeen, oo ciidankiisana waxaa u sarreeyey Eliishaamaac ina Cammiihuud.

    23Oo qabiilka reer Manaseh ciidankoodana waxaa u sarreeyey Gamalii'eel ina Fedaahsuur.

    24Oo qabiilka reer Benyaamiin ciidankoodana waxaa u sarreeyey Abiidaan ina Gidconii.

    25Oo haddana calankii xeradii reer Daan oo ugu wada dambeeyey xerooyinka oo dhan ayaa baxay siday ciidammadoodu ahaayeen, oo ciidankiisana waxaa u sarreeyey Axiiceser ina Cammiishadday.

    26Oo qabiilka reer Aasheer ciidankoodana waxaa u sarreeyey Fagcii'eel ina Cokraan.

    27Oo qabiilkii reer Naftaali ciidankoodana waxaa u sarreeyey Axiirac ina Ceynaan.

    28Sidaasay reer binu Israa'iil u sodcaaleen siday ciidammadoodu ahaayeen, oo hore bay u bexeen.

  • 16Oo qabiilka reer Sebulun ciidankoodana waxaa u sarreeyey Elii'aab ina Xeelon.

  • 14Oo horta waxaa baxay calankii xeradii reer Yahuudah siday ciidammadoodu ahaayeen. Oo ciidankiisana waxaa u sarreeyey Naxshoon ina Cammiinaadaab.

  • Tir 2:27-30
    4 aayado
    76%

    27Oo qabiilka reer Aasheer waa inuu ku xigaa, oo amiirka reer Aasheerna waa inuu ahaadaa Fagcii'eel ina Cokraan.

    28Oo ciidankiisii kuwii laga tiriyey waxay ahaayeen kow iyo afartan kun iyo shan boqol.

    29Qabiilkii reer Naftaalina, oo amiirka reer Naftaalina waa inuu ahaadaa Axiirac ina Ceynaan.

    30Oo ciidankiisii kuwii laga tiriyey waxay ahaayeen saddex iyo konton kun iyo afar boqol.

  • Tir 10:18-20
    3 aayado
    74%

    18Oo haddana waxaa baxay calankii xeradii reer Ruubeen siday ciidammadoodu ahaayeen, oo ciidankiisana waxaa u sarreeyey Eliisuur ina Shedeeyuur.

    19Oo qabiilkii reer Simecoon ciidankoodana waxaa u sarreeyey Shelumii'eel ina Suuriishadday.

    20Oo qabiilkii reer Gaad ciidankoodana waxaa u sarreeyey Eliyaasaaf ina Decuu'eel.

  • Tir 34:25-26
    2 aayado
    73%

    25Qabiilka reer Sebulunna waxaad kala baxdaan amiir, kaas oo ah Eliisaafaan ina Farnaag.

    26Qabiilka reer Isaakaarna waxaad kala soo baxdaan amiir, kaas oo ah Faltii'eel ina Casaan.

  • Tir 1:28-30
    3 aayado
    71%

    28¶ Oo reer Isaakaarna farcankoodii, qolo qolo iyo reer reer, sidii ay tirada magacyadoodu ahayd, intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan,

    29intii iyaga laga tiriyey oo ahayd qabiilka reer Isaakaar waxay ahaayeen afar iyo konton kun iyo afar boqol.

    30¶ Oo reer Sebulunna farcankoodii, qolo qolo iyo reer reer, sidii ay tirada magacyadoodu ahayd, intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan,

  • 18¶ Oo maalintii labaadna waxaa bixiyey Netaneel ina Suucaar oo amiir u ahaa reer Isaakaar.

  • 3Isaakaar, Sebulun, iyo Benyaamiin,

  • 14Oo qabiilkii reer Naftaalina Naxbii ina Waafsii.

  • 15Oo reer Naftaalina waxaa ka iman Axiirac ina Ceynaan.

  • 69%

    15Oo sirkaalkii laba iyo tobnaad ee bishii laba iyo tobnaad bixi jirayna wuxuu ahaa Xelday oo ahaa reer Netofaah, oo ka ahaa reer Cotnii'eel, oo isaga kooxdiisana waxaa ku jiray afar iyo labaatan kun oo nin.

    16¶ Oo weliba waxaa qabiilooyinkii reer binu Israa'iil u talinayay kuwan: reer Ruubeen waxaa u talinayay Eliiceser ina Sikrii oo taliye ahaa, reer Simecoonna waxaa u talinayay Shefatyaah ina Macakaah,

  • 42¶ Oo reer Naftaalina farcankoodii, qolo qolo iyo reer reer, sidii ay tirada magacyadoodu ahayd, intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan,

  • 25¶ Oo dhanka woqooyina waa inuu ahaadaa calanka xerada reer Daan siday ciidammadoodu yihiin, oo amiirka reer Daanna waa inuu ahaadaa Axiiceser ina Cammiishadday.

  • Tir 13:6-8
    3 aayado
    69%

    6Oo qabiilkii reer Yahuudahna Kaaleeb ina Yefunneh.

    7Oo qabiilkii reer Isaakaarna Yigaal ina Yuusuf.

    8Oo qabiilka reer Efrayimna Hoosheeca ina Nuun.

  • Tir 2:12-13
    2 aayado
    69%

    12Oo kuwa ku xigaana waa inay ahaadaan qabiilka reer Simecoon. Oo amiirka reer Simecoonna waa inuu ahaadaa Shelumii'eel ina Suuriishadday.

    13Oo ciidankiisii kuwii laga tiriyey waxay ahaayeen sagaal iyo konton kun iyo saddex boqol.

  • 32Oo reer Isaakaarna waxaa ka joogay rag garasho u leh wakhtiyada iyo waxa reer binu Israa'iil waajibka ku ah inay sameeyaan, oo iyaga madaxdoodu waxay ahaayeen laba boqol oo nin oo walaalahood oo dhanna iyagaa xukumay.

  • Tir 2:20-22
    3 aayado
    68%

    20Oo qabiilka reer Manaseh waa inuu ku xigaa; oo amiirka reer Manasehna waa inuu ahaadaa Gamalii'eel ina Fedaahsuur.

    21Oo ciidankiisii kuwii laga tiriyey waxay ahaayeen laba iyo soddon kun iyo laba boqol.

    22Qabiilkii reer Benyaamiinna, oo amiirka reer Benyaamiinna waa inuu ahaadaa Abiidaan ina Gidconii.

  • 18Oo markuu Sebulun u ducaynayayna wuxuu yidhi, Sebulunow, ku farax baxniintaada, Adiguna Isaakaarow, ku farax teendhooyinkaaga.

  • 19reer Sebulunna waxaa u talinayay Yishmacyaah ina Cobadyaah, reer Naftaalina waxaa u talinayay Yereemood ina Casrii'eel,

  • 23Oo allabarigii qurbaannadii nabaadiinadana wuxuu u keenay laba dibi, iyo shan wan oo waaweyn, iyo shan orgi, iyo shan wan oo yaryar oo wada gu jir ah, oo intaasu waxay ahayd qurbaankii Netaneel ina Suucaar.